Saddex sababood dartood waxay iigu muuqataa in aan la joogin
xilligii la dhisi lahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Qaabka la go’aansaday in loo dhiso Aqalka Sare ee Baarlamaanka
Soomaaliya wuxuu lid ku yahay Midnimada Soomaaliya, wuxuu garabmarsan yahay Dasuurka Dalka, wuxuuna horseedi karaa
xasillooni darro siyaasaadeed.
Somaliland Dowlad Goboleed ma aha
Aqalka Sare waxaa qorshuhu ahaa in la dhiso marka ay dhammaystirmaan
dhismaha Dowlad Goboleedyadu. Xataa
midda Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo aan weli dhalan haddii lagu daro, Dowlad
Goboleedyadu waxay ka dhismeen oo keliya Gobollada Koofureed ee magaca
Qarammada Midoobay uu Talyaanigu ku gaarsiiyay xornimada.
Waxaa ka maqan Gobollada Woqooyi oo Ingiriisku gumeysan jiray ee
Hargeysa ay caasimadda u tahay.
Khaatumo oo Gobolladaas ka tirsan laakiin Midnimo doon ah, waxay ku
dhawaaqday Dowlad Goboleed ah qaab aan aad uga duwaneyn sida kuwa Koofurta
qaarkood ay ku billowdeen. Haddana Federaalku ma aqoonsana kana mid ma ahayn Madasha
Wadatashiga, kamana mid ahaan doonto Dowladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya ee
kuraasta qeybsanaya.
Markaa Somaliland oo dhan waxaa laga soo qaaday in ay la miisaan tahay hal
Dowlad Goboleed oo ka mid ah Shanta
Koofurta. Taas waxaan u arkaa in ay meel ka dhac ku tahay Soomaalida woqooyi oo
dhan. Waxayna sii fogeyneysaa Midnimada Soomaaliya, haddiiba rajo laga qabi lahaa in maalin uun la is afgarto.
Dastuurka yaan la reed marin
Dastuurku wuxuu qorayaa in loo baahan yahay in ay Dowlad Goboleedyadu ay ku yeeshaan Aqalka Sare kuraas is tiro le'eg. Laakiin hadda markii si siman loo qeybsaday ayaa lix
kursi oo soo hartay loo bixiyay qaab aan loo hayn qiil Dastuuri ah oo looga
haro.
Dastuurku waxaa uu qabaa in murashixiinta u tartamaya Xubinnimada Aqalka Sare ay ka yimaadaan dhammaan 18 - ka Gobol ee dalka, taas oo hadda go'aanka soo baxay uu baal maray.
Midda kale, Dowlad Goboleedyada hadda jira ma ahan kuwa la hubiyay in ay buuxiyeen shuruudaha Dowlad Goboleed lamana yaqaan soohdimahoodu meesha ay dhacaan.
Dastuurku waxaa uu qabaa in murashixiinta u tartamaya Xubinnimada Aqalka Sare ay ka yimaadaan dhammaan 18 - ka Gobol ee dalka, taas oo hadda go'aanka soo baxay uu baal maray.
Midda kale, Dowlad Goboleedyada hadda jira ma ahan kuwa la hubiyay in ay buuxiyeen shuruudaha Dowlad Goboleed lamana yaqaan soohdimahoodu meesha ay dhacaan.
Xamar lama Xaqiri karo
Gobolka Banaadir oo ka kooban 17 Degmo, cod kuma laha Aqalka Sare!
Haa, waa dhab oo hal kursi kuma laha.
Taasi ma ahan wax maangal ah. Dadka qaar u qaba in ay si aqoon iyo waayo aragnimo leh u hadlayaan laakiin aan ogeyn in wax aan isku
nooc ahayn aan la isbarbardhigi karin ayaa ku dooda caasimadda Mareykanku,
Washington, kursi kuma laha Aqalka Sare ee Mareykanka, Muqdisho-na waxba kama
duwana.
Marka laga soo tago taariikhda Washington Kursi ugu yeelan weyday Aqalka
Sare, wakiilkeeda Aqalka Hoose-na aanuu u lahayn xuquuq cod oo la siman inta
kale, Washington iyo Muqdisho tirada dadkoodu kala badan, dalalka ay caasimadaha u yihiinna kala dad badan. Muqdisho laba jeer
ayay ka dad badan tahay Washington.
Midda kale waxaan isu dhigmin saamiga ay dadka Washington ka yihiin tirada guud ee Mareykanka oo ah 318 milyan iyo saamiga ay Muqdisho ka tahay tirada aan
la hubin ee qiyaas ahaan u dhexeysa 10 ilaa 15 milyan oo Soomaali ah.
Dadka Washington waxay tirada guud e dadka Mareykanka ka yihiin 0.21%. Laakiin Muqdisho waxaa ku nool, inkasta oo aanay muran la’aan ahayn,
in ka badan 10% tirada guud ee dadka Soomaaliya.
Federaalku hadduu isku dayo in uu xuquuqda Muqdisho iska indha tiro, ma hubo in uu iska indha tiri karo dakhliga canshuurta Muqdisho ka soo gala.
Markaa inta la soo saarayo xeerka laga seexday ee qeexaya maqaamka
Caasimadda, waxaan qabaa in aan lagu xad gudbin xuquuqda dadka Muqdisho deggan.
Gunaanad
Saddexdaas qodob oo aan kor ku sheegay, waxay muujinayaan in qaabka
la doonayo in loo dhiso Aqalka Sare ee lagu go’aamiyay Madasha Wadatashigu uu halis
ku yahay midnimada Soomaaliya, xad gudub ku yahay Dastuurka uuna horseedi karo
qalalaase siyaasadeed.
Sidaa darteed waxaan qabaa in dib loo dhigo dhismaha Aqalka Sare ee
Baarlamaanka Soomaaliya.