Ma dooneysaa in Soomaaliya ay gaarto nabadgelyo buuxda? Mise rabtaa in Soomaaliya ay ku tallaabsato horumar loo aayo?
Waxaan rajeynayaa in labada su'aalood mid kasta aad Haa uga jawaabtay.
Is weydii marka - Maxaa ila gudboon?
Soomaaliya in ay nabadgelyo buuxda hesho
ayna ku tallaabsato horumar loo aayo kuma xirna siyaasadda oo keliya. Laakiin
haddana bulshadu keligeed ma xaqiijin karto nabad iyo horumar waara haddii aan
la helin siyaasiyiin horusocod ah oo wadashaqeyn kara iyo nidaam siyaasadeed oo
xaqiijin kara himiladeenna.
Shirka Kismaayo, soo xulidda
xildhibaannada, doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha, xulidda
Ra’iisal Wasaare iyo dhismaha Gole Wasiirro cusub ayaa dhammaantood la filayaa in ay
sannadkan 2016 gudihiisa qabsoomaan.
Qof kasta oo Soomaali ah oo qaangaar ah oo
kara, mas'uuliyad ayaa ka saaran in uu saameyn wanaagsan ku yeesho isbeddelka
si aan hore ugu tallaabsanno. Qofkii
talo wanaagsan siin kara mas’uul go’aanka wax ku leh, qofkii xaqiijin kara in
xildhibaanka beeshiisa ama degmadiisa matalayaa uu noqdo qof karti leh una
qalma mas’uuliyadda la saarayo, qofkii saameyn ku yeelan kara doorashada iyo
xulidda mas’uuliyiinta kale, qofkii taageeri kara murashax uu si wanaaagsan u
hubiyay in uu yahay qofka marxaladdan ugu habboon in uu qabto xilka uu u taagan yahay, qof kastaa si uun ayuu saameyn ugu yeelan karaa waxa socda. Haddii uu
sameyntaas la seexdana waa uu gabay mas’uuliyadda dalka ka saaran.
Sidoo kale, qofkii aqoon, khibrad ama karti
leh waxaan kula talinayaa in uu u istaago hadba xilka ay kula habboon tahay in
uu hollin karo, horumarka ugu badanna ka sameyn karo. Qofkaasi haddii uu yahay
dadka dibadda ku nool waxaan kula talinayaa in uu u bareero, mana fududa ee
ogow, in uu u soo wareego dalka. Ama ugu yaraan in uu u soo diyaar garoobo inta uu
xilka hayo in ka badan in uu dalka joogo, haddii uu xilka waayana in uu dalka joogo mar walbana uu qeyb ka ahaado isbeddel horusocod
ah inta karaankiisa ah. Dabcan waa haddii duruufta shakhsigu ay taa u saamaxeyso.
Haddii aad u aragto siyaasadda Soomaaliya
mid wasakheysan, weyna tahay in badan oo ka mid ihi, ogow in loo baahan yahay dad u istaaga oo u
bareera in ay ka dhigaan mid nadiif ah.
Qofkii gurigiisu wasakheysan yahay hotel
waa ku hoyan karaa. Laakiin aakhirka in uu nadiifiyo ayay tegeysaa.
Gacantiisa ha ku nadiifiyo ama lacag ha u qoondeeyo si uu shaqaale uga adeejiyo
gacantooda ku nadiifiya.
Waxqabadka waxaa ka mid noqon kara in qof
aqoon, khibrad iyo hufnaan leh laakiin iskala weyn siyaasadda Soomaaliya ama
quus ka jooga, lagu dhiirri geliyo in uu ka qeyb qaato isbeddelka dalka ka
socda.
Qaar badan oo ka mid ah Madaxda iyo
howlwadeennada maanta heer Qaran iyo heer Gobol wey ku yar yihiin waaya aragnimada maamulka iyo siyaasadda Soomaaliya. Qaar badan waa dhallinyaro aqoon leh ase aan
haysan waaya arag ay talo wadaag yihiin. Qaar kale waa dad aan xiiseyn jirin
ama aan dhug u lahayn Dowladnimada ka hor inta aan xil loo magacaabin. Qaarna
khibrad wey leeyihiin laakiin khibraddoodu wey ka yara duwan tahay tan maamulka iyo
Dowladnimada. Waa khibrad mucaaradnimo habqan ah oo af ama addin ah.
Dhinaca kale Keydkii maamulka ee hey’adaha
gacan laguma heyo; mid gubtay, ku la bililqeystay iyo qaar lumay.
Sidaa darteed Madaxdii iyo howlwadeennadii maamuli jiray Soomaaliya waa dad khibraddooda aad loogu baahan yahay in ay
talo ka bixyaan waxyaabaha qaar maanta taagan oo u baahan in lala kaashado soo
jireenka.
Waan ogahay qaar badan oo ka mid ah khubarada aan
tilmaamayo in ay dalka joogaan oo cid talo weydiisaana aanay jirin, ka-warqab iyo daryeelna aanay haysan. Waxaa kale oo aan ogahay in hawladeennada iyo Madaxda Dowladda qaarkood ay colaadiyaan qofka khibradda leh, sababo kala duwan awgood. Waxaanse leeyahay ma ahan dadka khibradda lihi sidii marti in ay sugaan in
kaalin laga siiyo in ay dalkooda wax u qabtaan ama ay ku gaabsadaan dhaliil. Waa in ay diriqsadaan kaalinta uga aaddan nabadeynta iyo horumarinta dalka.
Waxyaabaha saacidayana waxaa ka mid ah in qaar badan oo ka mid ah aan loo arki
karin in ay khatar ku yihiin kursiga uu fadhiyo mas’uulka ay la talinayaan.
2016 fursad ayaa la jirsiin karaa. Waa sannad doorasho. Xilligaan doorashada la filayo ayay Madaxdu ugu dhega nugushahay. Madaxda joogta Madaxweyne ka billow, Guddoomiye Baarlamaan, Ra'iisal Wasaare iyo mudanayaasha labada Gole iyo inta aad uga tirada badan ee dooneysa in ay ayagu xilalkaas qabtaan dhammaantood wey dhega nugul yihiin ugu yaraan inta doorashada ka horreysa. Haddii dadka ayaga oo kale adduunka kale aad looga qaddariyo ee Qaranka u soo shaqeeyay ay doonayaan in ay talo iyo xuquuqba dalka ku yeeshaan waa in ay hadda dhaqdhaqaaq iyo abaabul billaabaan.
Dalka yaan sida cayaar kubadda cagta ah loo daawan loogana sheekeyn uun. Qof kastaa waa in uu ka qeyb qaato isbeddelka, waxqabad la taaban karana uu la yimaado si
Soomaaliya looga dhigo Soomaaliyada aan dooneyno; Soomaaliya nabdoon oo
horumarsan.
Abwaan hore ayaa yiri “Waar hooy ceelka
nala qoda mar baa lagu qaboobiye”
Hadda oo qormada aad wada akhrisay fadlan
dhowr daqiiqo keligaa ka feker.
Sow kulama gudboona in aad ka qeyb qaadato
nabadeynta iyo horumarinta Soomaaliya?
Haddii ay jawaabtu Haa tahay adiga oo aan cid kale ku halleyn, cidna marti uga noqon, kana daahin, fadlan ku
dhaqaaq wixii kula gudboon.
Waa qormo aad u fiican haddana u qof kaste saareyso masuuliyadisa kaga aawada maandeeq
ReplyDeletewa qormo aad u wangsan runtii "Waxa Ka socda dalka sida kubad ha u daawane ugu yaraan qeyb ka noqo isbadalka dalka kasocda" waa aaminsanhy hadii sidaas la sameyo dadka wangsan ee kartida & hufanan leh siyaasda hurmood ka noqdaan in uu isbadal wangsan nacayo.wb
ReplyDeleteMud. Yusuf Waa qormo runtii I dhiiri galisay waxna ii Muujisay, nin waliba Meesha ka aadan haka bilaabo dalka waxaa wada fiirsanaya Cadow iyo sokeeyaba waxa kasoo baxa.
ReplyDeleteAnigu Fikir aad ka soo hadashay waan kula qabaa Jawaabtayduna Waa Haa. Waxaana no balan ah shaqo qaran oo aan uwada istaagno.
Haddii aad u aragto siyaasadda Soomaaliya mid wasakheysan, weyna tahaye in badan oo ka mid ihi, ogow in loo baahan yahay dad u istaaga oo u bareera in ay ka dhigaan mid nadiif ah.
ReplyDeleteQurbajoogtu inta badan waxay la qabsadeen nidaamyada deggan ee dunida kale. Ragga garakutirska ah ee hadda Soomaaliya joogana waxay u badan yihiin tag baayacmushtar u jooga. Dawlad ha u shaqeeyo ama danihiisa gaarka ah ha u shaqaystee. Soomaaliya in loo gurmado oo nin walba wixii uu aqoon u leeyahay ku taageero aad baan u soo dhawaynayaa. Raggii qaybaha kala duwan ee dawladnimadu ku taagnayd ka shaqayn jiray maanta ama waa duqoobeen ama caafimaad iyo dawo joogto ah ayey dibadaha ku qaataan.
ReplyDeleteWaxaan aad u soo dhawaynayaa in waddanka wax lagu kordhiyo ugu yaraan talada wax-ku-oolka ah. Waxaase jira mixnado badan oo ka horimanaya dadka doonaya inay wax qabtaan. Gaar ahaan Soomaaliya maanta ninkii loo arko inuu wax dhisayo waa la khaarajinayaa. Saraakiishii aqoonta lahayd waxaa mid ba mar shirqool umaleegay canaasiir ay soo diraan labada waddan ee aannu dariska nahay. Xataa madaxda Soomaalida ayaa waxay ku leeyihiin ninyohow carruurtaada u shaqaysoo iska aamus. Dadkaaga dhinac ka raac. Waddaninimo meesha ma taallo. Waddan dadkiisii boobayaan weeye Soomaaliya.
Waxaan kutalin lahaa in marka hore xagga mabadgalyada xoogga la saaro. Ciidamada la dhiso. Laga dalbado dalalka Africa in ciidamadooda la baxaan. Soomaalida la isu daayo. Qurbajoogtu ay dhisaan wasaaradaha iyo Xarumaha dawladda. Dadka waddaniyadda lagu beero qalbigooda. La soo celiyo oraahdii la oran jiray 'Yaa maali jiray". Dadku waa inay ku shaqeeyaan iskaa-wax-uqabso oo 3 bilood mushaar la(aan udiyaar garoobaan. Anigu rajada halkaas baan ka arkaa.
Yusuf garad:: waa sidee qaabka aan isula falgali karno oo dalka si wadajira anaga oo gacmaha is-haysano uga wada shaqayn karno ninka wadanku naga wada dhaxeeyo laakiin u adeegaya danaha shisheeyaha.
ReplyDeleteWaxaa uu qofkaasi noqon karaa mid dowladda kamida af iyo adinba oo cabsan dowladnimadda khalad iyo saxba.
Waxaa sidoo kale uu noqon karaa mid dowladda kasoo horjeeda af iyo adinba oo cabsan dowladnimadan inay meesha ka baxdo khalad iyo saxba.
Kii aan u arko in mawqifkiisa saxan yahay aragtidayda iska yar waxaan ku muteysanayaa in kan kale dhiigayga xalaashado oo aan dil ama darbi ku gabad noqdo.
Dalkana waxbaan ku leeyahay wuu imaalgashaday aniga oo yar, inaan wax ku celiyo waa jeclahay laakiin in aan soo kordhiyo inaan caruurtayda agoomeeyo oo garoon banooni ka socdo dhinac lasafto uma aadayo dalkii maxaa talo haysaa boowe??.
http://xulsan.com/2016/01/16/cidna-ha-ku-halleyn-soomaaliyaakhrisay-dhowr-daqiiqo-keligaa-ka-feker/ halkaas ka sii akhriso jawaabaha ka yimid qormadan
ReplyDeleteAbwaan C/Laahi Suldaan Timacadr:
ReplyDelete...Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix dhagaxeede
23. Anuunbaa danqanayee dhaguhu uma daloolaane
24. Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
25. Bal inay dafoof tahay caqliga dooni laga saaray
26. Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye.
Ysuf Garaad, mahadsanid.
Isku haleyntu waxey kamid tahay wax yaabaha aan meel lagaari la'nahay; hadaan Somalinahay. waliba dadka wax yaqaanna, kii jagaduu rabay waayaa, waxaad moodaa inuusan dalkaba wax kulaheyn ama uusan qiimo ulaheyn mar haduusan isteerinka wax kaheyn.!! Aad baan kuugu mahadcelinayaa YUSUF GARAD OMAR. sida Somalinimada leh ee aad dalkaaga iyo dadkaaga ugu danqabeysid ood waliba tale iyo tusaale iyo wax qabadba ula dhehjoogtid. Allow kuyaraa Somalida maanta ruux kaga soo tagaaya shaqo lamid ah midii YUSUF hayn jirtay ee kadooranaaya inuu Somalia iyo Somali wax taro xil iyo xil la'aaba.. una bareero halisa kajira Somalia. Mahadsanid
ReplyDeletewaa qormo cajiib ah
ReplyDeletemudane yusuf garaad wa
qormodaada waa mid aad u wanaagsan oo ay ka muuqato ruux nool oo aan quusan aaminsan in wax walba la bedelo karo, jago iyo masuuliyadna ay ku xireyn keliya oo qof walbo xil saaran uu yahay.lkn howl aan qaabeysneyn inta badan natiijo ma keento, Mudane Yusuf, dad badan oo dareenkooda yahay in 2016 wax si daan dhaama lala yimaada ayaa jira, sidii la iskugu ururin lahaa loo qaabeyn lahaa ayaa howl u bahaan.
ReplyDeleteaan u istaagno in aan is qaabeyno. mahadsanid
Waa talo suuban hadii la dheeganayo
ReplyDeleteyuusuf waa dhab Nuqulkaad qortay dhamaantiis, waxaase layiri nin baa wuxuu karooray dagaal dadkiisu shaqa aysan ku laheeyn , markiibaa laweeydiiyay ninyahow maxaad laroorray adiga wuxuu ku jawaabay, yaatahayba yaa kuleh .... marka hadda ninka waxtarkale yaa tahayba yaale kolkuu dirqiyane waa shirqool dil ah
ReplyDeleteXaqiiqdii maalinkasta waxaa indhaheenu qabtaan qabtaan qaladaad iyo dhaliilo saxis u baahan inbadan bey na danqisaa anagoo dooneyna iney saxmaan ,hadana xaglo laaban xoolo kuma yimaadan bey soomaalidu tiraa waxaan hubaa in badanoo naga mida ay yihiin dadkii dalku u baahnaa karti iyo aqoona u leh hanashada xilalka dayacan ee ceebuhu ka taagan yahiin maalin walba ama taladii saxda aheyd ee ayku toosilaheyd haya, si aan boogahaas u dhayno talo iyo waxqabadba waxaan u baahanahay haani gubtey ka tolontaaye ,sidoo kale gacmo wadajir bey waxku qabtaane sidatan.
ReplyDeleteCid isugu yeerta oo ay aaminsan yahin sida shaqsi Yuusuf oo kala bulshaduna taqaan daacadnimo iyo wadaniya .
Xarun ama meel ay ku kulmaan isbadal sixid doonku
Inkaaniyaad asagaa ka dhalanaya kulankaas .
Hadana rag tashadey cir tararey labo taako waa tolaane adiga yuusufa cidna haku haleyn adaa nayiree biloow ama inkaloo magac iyo maamuus kuleh bulshada loona istaagi habilaaban oo aan biloowno warhelaa talo hela maharin waqti aan sugnaa maalintii na dhaaftaa soo noqon meyso ,tabtaa yaan banaanada uga hadlin anagoo hubna inaan waxsaxi karno ama badali karno
yuusuf waan kusalaamay, arinta soomaaliya waa faanoole fari kama qodna. carabtuna waxay tiraahdaa " haduu qof walba amiir yahay yaa dameerka suuqa geynaya. mushkilada soomaaliya maanta haysata waxaa ka mid ah in reerwalba deegaankooda ay iyagu xukumaan madaxweynana ka yihiin. marka qabiilwalba deegaankooda nabad haka dhigaan nidaam iyo kala danbayna ha samaystaan. 10sano kadibna hala isu soo laabto.
ReplyDeleteDalka amuu sii qasmaa oo la arkaa dad badan oo dhiira galintaadan kusoo toosay hadana fakir u gaar ah la wanaagsan yahay oo Dalka ee ku qasbaan
ReplyDeleteYusuf Garad Omar aad iyo aad bd umhdsnthy mudane, runtii waxaan qirayaaa inaad kaalintaadii adiga kaso baxday qofkasta oo wax garad ahna uu ka markhaanti kacayo sababto ah inta bulsho eee ad dhirigalisay wax ka qarsoonaana tustay lama xisaabikaro, in bdn oo huruday bad hurdada ka kicisay in bdn oo niyadu ka jabtayna niyadoodii bd uso celisay illahay ajar iyo xazanaad buu kaga qorin miissanka xazanaadka alle hakugu daro.aniga horta md bn aaminsanahy midda aan aaminsanhayna waxa weeyaan; horta manta majiro qof jecel inay Somalia sidaas kusii jirto ma jiro qof jecel inasyan Somalia hormarin oo aysan cagaheeda ku istaagin, masuul kasta oo Somali ah wuxu jecel inay Somalia cagaheeda ku istaagto, hadaba muxu yahay dhibta jirta? dhibta jirta waxa weeyaan waa is aaminid la'aan, aamindaro, kalsoonidaro, qofkasta wanaag waaa wada, ninkastoo talo wanagsan soo jeediya waxa lo oranyaaa waxbaa halkas kujira danbaa uGu hoos qarsoo, dano gaar ah buu kaleeyhay arinkaan iyo IWM.marka wlalyaal horta marka hore aynu tufno oo iska saarno cuqdada ina kala geysan iyo kala shakiga manta hdanan cuqdad iyo kala shaki jireen wlhi mnta saas ma aynaa ahaaneen runtii, waxaan leeyahay ninkasta haka bilaabo meesha uu joogo iscafis iyo ismarxabayn iyo tanaasulid bdn hakasameyo qofkastoo wax garad ah markas step step waa loo gaarikaraa in meel la isugu yimaado waxkastana la xaliyo. waana umahdcelinyaa Yusuf Garad Omar
ReplyDeleteMhdsand. Waan calaamaystay.
ReplyDeleteRuux maanta ubaahan dalka aan waxba kaqabanin waa ruux naftiisa xaasiday .....
ReplyDeleteSidaa sheegatay ama aytahay dad badan quburo ah dalka iyo dadka ubaahan wee jiraan laakin bal xagee usoo marayaan waxqabad koodi ileen haduusan haysan dhalasho dalkae siyaasadab waxba kama qabankaro siyaasada dalka waxay noqotay ruux dhalasho kale heesta inta haysana waxay kuyimaadeen waxa soomaaliya maanta halkaan dhigan qabiil iyo dhiig daadin
aad iyo aad ayaan yuusuf adiga iyo inta jawaababaha ka bixisay yaboohaaga,ugu mahad celinayaa,waana waajib xaga damiirka,in dhamaan lawada qabto shaqo,maqaalkaan ciwaankiisa,CIDNA HA KU HALAYN SOOMAALIYA,,waa mid ka turjumaya,baahida hada jirto,shaqsiyan yuusuf,hadii aan hada tilmaamo,waxaan aniga iyo rag badan oo kale saaxiibadey,ku dhex jirnaa,tacabirkaas aad tilmaantay,,waana aaminsanahay sida.qaanso roobaadka,in aan kuli isku soo xirmi doono,,OUR LIVES BEGIN TO END THE DAY WE BECOME SILENT ABOUT THE THINGS;;
ReplyDeleteYG farriintani aad iyo aad ayay u mug iyo muc weyntahay. Waxaan kugu dhiirrigelinayaa qoraallada noocan oo kale ah in aad badiso. Ilaahey haku barakeeyo!
ReplyDeleteWax fiican aad ka qortay lakiin bulshada isbadal weeyn bey u bahantahay ka soo bilaaw dowlada iyo xilibaanada musharka qaato bilaa xafiis. Intaana dowlada tageerin horta ha meeleyaan maskiinta Villa Somalia hor yalaan. Waxaa ceeb aduunyo iyo mid aaqiro. Lacagaha lagu isticmaalo doorashada dad u baahan baa jira insha Allah waxaa rajeynaa inuu isbadal ka dhaco 2016
ReplyDeleteJawaabaha 2dii su aalood ayaan intaan oo dhan u fahmay. Haddii eey didaas tahay waa talo soo jeedin dhaxalgal ah. Inta qof walibana uu rabo in uu xilqaran ummada ugu matalo isagoon laheyn aqoonteed anaguna aan kugu sacabtumeyno hala ogaada in aan xal lagaari karan.
ReplyDeletewaxaan layaabay weerarkii ceelcadde ee gobolka Gedo, masuul katirsan saraakiisha dowladda ayaa yiri "Keenya waxba magaarin lkn 3 askarta Somaliya katirsan ayaa dhimatay" waa damiirxumo in aad jab ninkale leeyahay adigu dusha uridatid.
haddii uu qarinaayo waxaa kahabooneyd in uu yiraaho ciidanka Somaliya qasaare masoo gaarin. Ciidanka Kenya wuxuu leeyahay Saraakiil uhadasha.
somaliya wey socotaa wadadeedana wey ka luntay, nin lumay hada saadka ku yaryahay muxuu fishaa?
ReplyDeleteasc
ReplyDeleteyuusuf waa xaqiiq jira qoraalkagu meelkastuu taabanayo
waadna ku mahasantahay tala bixinta
waxaan leenahay wadani badan, waayo arag badan, shaqsiyaad wanaagsan, aqoonyahan tayo leh ,dhalinyaro dalkoda jecel, umad fara badan oo rajo kaleh somaliya inay toosto iskuna tiirsanaato,
balse intoodaba waxay ka yihiin maanta daawadayaal siyaasada dalka iyo wacyiga dhabta ah ...... sababtuna ay tahay caqabado kala gadisan oo ay isu muujiyeen inay tahay dhagax hor taagan oo aysan usaamaxeen inay wax qabtaaan.
SU,ASHEYDA marka.... DADKAS AAN ANIGA IYO ADIGABA KU JIRNO MAXAAD KULA TALIN LAHAYD??
Mahadsanid.
Yuusufoow ilaahey ka cabso dadka ha ugu yeerin in siyaasad laga qeyb galo. Sababtoo ah waa qurun iyo qabyaalad. Nin boosaneero qoday najaaso kama badbaadin, siyaasada Soomaaliya nin galayna ceeb, naceyb iyo guuldarro ayuu kasbanaayaa. Bal fiiri kuwa Kismaayo isugu tagay ma wax aan aheyn qabiilkeyga sidaas ayaa u wanaagsan iyo aniga qabiilkeyga sidaas uma wanaagsana iyo dano shaqsi ah oo taas lagu maldahay ayey ku kala tageen? Waxaana lagu leeyahay waa madax qaran oo masiir ummadeed ayey ka talinayaan!
ReplyDeleteAad baan ula dhacay qormadan xikmadeysan ee runta taabanaysa. Waan kaaga mahadcelinayaa dadaalkaaga waddaniyadeed ee aad had iyo jeer lasoo taagantahay iyada oo ay jiraan qaar aan kula fahmin oo kuu soo qoro hadallo niyad jabin ah oo aan saacideynin horumarka dalka iyo isfahamka umadda.
ReplyDeleteWaa qormo Runta taabanaysa oo xikmadaysan, waadna ku mahadsantahay in aad nala wadaagtid.
ReplyDeleteMasha Allah Waa qormo xikmadeysan oo indhaha noo furtay
ReplyDeleteMahadsanid mudane