Total Pageviews

Saturday, 26 November 2016

Aragtida Castro ee Geeska Afrika 1977 (Qormo 4 Qeybood ah)

Shir ay 1977 yeesheen Hoggaamiyaha Cuba iyo Hoggaamiyaha Jarmal Bari ayay uga hadleen Soomaaliya iyo Ethiopia. Arkiifiyada Jarmalka ayaa 2005 dibadda soo dhigtay wixii lagu wada hadlay. Waxaan u tarjumay Soomaali.  Warbixinta aad halkan ka akhrin doonto waa hadalkii Fidel Castro oo keliya.

Waxaa fadhiga goob joog ka aha Jaallayaasha kala ah Hermann Axen, Werner Lambez, Paul Verner, Paul Markowski (oo ay wehliyaan Jaallayaasha kala ah Edgar Fries iyo Karlheinz Mobus oo u tarjumayay), Carlos Rafael Rodriguez, Osmany Cienfuegos, Raul Valdez Vivo, Jose Abrantes.

Aragtidan, anigu kuma darin teyda iyo tu qof kale toona. Sidoo kale ma falanqeyn, faallana kamaan bixin. Ujeeddadu waa in aan kuu soo bandhigo waxa uu Castro afkiisa ka yiri si aad u fahamto aragtida uu ka qabay xaaladaha Soomaaliya iyo Ethiopia iyo hoggaamiyayaashooda.

Waxaan is leeyahay waxaa halkaa laga fahmi karaa tallaabooyinka uu qaaday iyo sababta uu u qaaday.

Afar Qeybood ayaan u kala saaray qormada si ay kuugu fududaadaan akhriskeeda iyo fahamkeeduba.

Fadlan afarta Cinwaan ee farta waaweyn ku qoran midba mar dul istaag oo dhag-sii si uu kuugu furmo oo aad u akhrisato.

Shir Qarsoodi ah oo 1977 looga hadlay Soomaaliya

Waa hordhaca hadalka Castro. Wuxuu inta badan ku saabsan yahay booqashadiisii Muqdisho ee 1977 iyo kulankiisii Siyaad Barre. Waxaad qormadan ka fahmeysaa sida uu Castro u arkayay Siad Barre.

Markii uu Muqdisho ka soo duulay ee uu ka degey Addis Ababa muxuu Castro kala kulmay Mengistu? Muxuuse u soo kaxaystay Guuto dhan oo ciidanka Cuba ah?

Cadan ayay isku arkeen Siad Barre iyo Mengistu. Waa dhexdhexaadin uu isku dayay Castro, goob joogna uu ka yahay Madaxweynaha Yementa Koofureed.

Castro wuxuu warbixintiisa ku soo gunaanaday in Siyaad Barre uu ka didsan yahay Midowga Soofiyeeti kuna tilmaamay in Soofiyeetigu ay yihiin beenaalayaal. 

Wednesday, 23 November 2016

Allow u naxariiso Macallin Kayd

Allah ha u naxariisto Maxamed Jaamac Kayd wuxuu ka mid ahaa macallimiinta wax i soo baray kuwa saameynta ugu badan ku yeeshay korriimada maskaxdeyda.

Wuxu ii noqday Baraheyga Juqraafiga ee fasalka 7-aad ee Dugsiga Dhexe ee Maxamuud Xarbi. Waxay ahayd markii iigu horreysay ee fasalkeyga aan imtaxaanaadka ka galo kaalinta koowaad. 

Taas oo marar badan ii suurta gashay sannadihii ka dambeeyay ee Iskuulka iyo Jaamacaddaba. 

Wuxuuna Maxamed Jaamac ka mid yahay macallimiinta aan xusuusto ee waxbarashada igu dhiirri geliyay ee aan abaalka uga hayo.

Juqraafiga aan qaadannay oo uu Maxamed Jaamac Kayd na baray waxaa ka mid ahaa dhammaan dalalka Afrika, caasimadaha Afrika, webiyada Afrika, lama-degaannada Afrika, buuraha Afrika iyo cimilada Afrika iyo caalamka guud ahaan siiba degaannada dabaylaha maansoonku ay ka dhacaan.

Markii aan tegey Harare dalka Zimbabwe 1989 waxaan soo xusuustay Macallinkeyga Juqraafiga.

Sannadkii 2005 ayaan tegey xafiiska Maareeyaha dekedda labaad ee adduunka ugu weyn xagga tirada kontaynarrada ka dega iyo kuwa ka dhoofa waa dekedda Singapore. Waxaan arkay khariidad tilmaameysa jawiga badda oo ay dabaysha Maansoon ay ka muuqato. Waxaan soo xusuustay Macallin Kayd oo ahaa qofkii ugu horreeyay ee aan ka maqlo magaca Mansoon.

Mar kasta oo aan soo xusuusto waxaan soo xusuustaa jacaylkii aan u qabay macallinkeyga iyo casharrada Juqraafiga ah ee uu na siin jiray.

Ma ahayn Juqraafi keliya. Maxamed Jaamac Kayd, wuxuu saameyn ku lahaa kobcinta af Soomaaligeyga iyo fahamka iyo jacaylkeyga suugaanta.

Wuxuu noogu billaabay sheekooyin yaryar oo annagu aan ku qosli jirnay laakiin ahaa afarreey billowgeed.

Dugsiga Maxamuud Xarbi
Ardayda iyo Macallimiinta Iskuulka Maxamuud Xarbi qaarkood waxay ugu yeeri jireen naaneys oo waxaa la dhihi jiray Cajabo Rabbi.

Ma hubo, waxaanse u maleynayaa in ay berigaas u ahayd halhays.

Dugsiga Sare markii aan aadnay isaguna waxbarasho ayuu ku laabtay oo Jaamacad ayuu galay, Kulliyadda Lafoole ee Waxbarashada.

Waxaan xusuustaa aniga iyo ugu yaraan laba kale oo ardayda ka mid ah in aan ku booqannay Lafoole.

Sheekooyinka aan ka maqlay waxaa ka mid ahaa nin ay habeen ka luntay 10 shilin oo waayay wax uu ku casheeyo, waayayna lacag uu taksi ku raaco si uu ugu hoydo gurigiisa oo ka fogaa.

Wuxuu yiri:

Tuba tii dambaa kaaga daran maal wixii tegeye,
Wallee tobankii xalay iyo tacaddigii i gaaray.

Marka laga soo tago suugaanta yaryar ee uu nagu madaddaalin jiray, Maxamed Jaamac Kayd, wuxuu ahaa suugaan yahan qoto dheer.

Cudurka kaa gala Fardaha


Waxaan beri dambi maqlay is Suugaanta Maxamed Jaamac Kayd uu ka mid ahaa heesta aan jecelahay ee macnaheedu fog yahay ee ay qaaddo Khadra Daahir oo eraydeeda ay ka mid yihiin:



Cudurka kaa gala fardaha

Haddi laga gubo Dameer

Dawada lama gaarayoo

Anoon wali Kuu gedbixin
Geed dheer bay saaran tahay


Kayd waxaa kale oo uu ka qeyb qaadan jiray barnaamij waxbarashada ku saabsan oo ka bixi jiray Radio Muqdisho.

Waxaa uu ahaa nin la saaxiib ah dhallinyarada iyo bahda fanka. Wuxuuna xiriiriye ka ahaa barnaamijyo faneed qaarkood aan ka daawaday Youtube.

Wuxuu ahaa nin dabeecad wanaagsan oo dadka ay si sahlan isu fahmaan. Wuxuuna jeclaa in uu dadka caawiyo.

Hargeysa ayuu ku geeriyooday.

Allah ha u naxariistoo. Inteennii uu wax na baray iyo inta uu suugaan ku hoga tusaaleeyay Allah ha ka abaalmariyo.

Tuesday, 22 November 2016

Yaaqshiid iyo Berbera

Dugsiga Sare ee Jeneral Daa’uud annaga oo fasalka fadhinna ayaa waxaa soo galay maamulaha Iskuulka oo aan u maleynayo in uu markaa ahaa Maxamed Maxamuud Sabban, ahaana Macallinkeenna Juqraafiga.

Waxaa wehliya Guddoomiyaha Laanta Wabarashada Bari ee Gobolka Banaadir.

Waxay noo sheegeen in macallimiin-yari ay ka jirto Dugsiyada Hoose ee Laanta. Waxay noo sheegeen in wiilasha iyo gabdhaha walaalaheen ah ee Dugsiyada Hoose ku jira aan loo hayn macallimiin ku filan oo waxbara.

Waxay naga codsadeen in aan si mutaddawacnimo ah galabtii wax uga dhigno Dugsiyada Hoose ee Laanta. Markii ay dhowr jeer marba dhinac naga tuseen arrintan muhiimka ah, welibana ay noo sii macaaneeyeen ayay naga dalbeen in keennii arrintaa u diyaar ah uu gacanta taago.

Waxaan ka mid ahaa ardaydii ugu horreysay ee gacanta taagta. Ardayda kale ee gacanta taagtay waxaan xusuustaa in ay ka mid ahaayeen saaxiibbo aan isku fasal ahayn badankood sida Cabdullaahi Cabdi Geeddi, Cusmaan Dhega-Cadde, Cabdirisaaq Warsame Xaayow iyo qaar kale.

Markii aan aqbalnay ka dib waxaa naloo ballanqaaday in bil kasta nala siiyo gunno yar oo ah 100 shilin.

Aniga iyo Geeddi waxay nagu qoreen Dugsiga Yaaqshiid oo ku ag yaalla Ceel Tubba-Weyne, agagaarka Hotel Kaah, waa Degmada Yaaqshiid. Iskuulku wuxuu ku yaal xaafad ka fog meesha aan degganaa.

Annaga oo iskuulka aan ardayda ka nahay ka nimid, ayaan marka aan dharka ardayda iska beddelno, qubeysano, qadadana aan afka ka qaadno waxaan lug ku aadi jirnay Iskuulka aan Macallinka ka nahay.

Inteennii ku waalnayd Kubbadda Koleyga ee Gym-ka Iskuulka aan ku cayaari jirnay sida Geeddi iyo Xaayow waxaan noqonnay cayaar la'aan subixii aan sikuul dhiganno, galabtiina aan annagu dhigno. Cayaar iska daaye waxaaba qilqiil naga galay wakhtigii aan annagu wax akhrisan lahayn ama aan cashar u diyaarin lahayn ardaydeenna.

Khibraddeenna macallinnimo aad ayay u yarayd. Annaga lafteenna waxay noo ahayd tababbar.

Hal sannad-dugsiyeed oo kaamil ah ayaan wax ka dhigeynay dhowr dugsi oo Laanta ka tirsan.

Sannado badan ka dib ayaa nin ka mid ah dhallinyaradii aan ka wada shaqeynay BBC wuxuu ii sheegay in uu Dugsiga Yaaqshiid wax ku soo bartay.  Xilliga uu ardayga ka ahaa wuxuu ku beegnaa xilliga aan annagu ka ahayn macallimiinta.

Farxad ayay i gelisay arrintaasi.

Berbera


1989 iyo 1990 ayaa aniga oo ka shaqeeya Degmada Berbera oo aan Iskuul laga dhigan waxaan ka fekeray in aan dhallinyarada magaalada u abaabulo Iskuul. Waxaan ka shidaal qaadanayay khibradda aan ka helay sida uu u shaqeeyay nidaamkii ardayda Dugsiyada Sare ee General Daa'uud ay barayaasha ka ahaayeen Dugsiyada Hoose ee Laanta Waxbarashada Bari.

Waxaan ka fekeray in aan helo macallimiin Soomaali iyo ajnebi isugu jira oo wax u dhiga ardayda reer Berbera ee heer Dugsi Sare. 

Macallimiinta qaar waan diyaariyay. Dadka aan u bandhigay ee iga aqbalay in haddii aan jiif iyo cunto ka bixiyo ay mushaar la'aan wax uga dhigi doonaan Iskuulka waxaa ka mid ahaa, ina abtigeey Allah ha u naxariistee Maxamuud Muxumed Cabdikariin oo loo yiqiin Durunow. 

Maxamuud oo hal abuur mu'allif ah ahaa wuxuu ahaa Macallin ka soo qalin jebiyay Lafoole,. Wuxuu ahaa Macallimiinta ku tilmaaman aqoonta ay hibadu ku laran tahay ee uu u lahaa Xisaabta iyo saddexda laamood ee Sayniska ee lagu baran jiray Dugsiyada sare ee Soomaaliya.

Dad ajnebi ah waxay iga oggolaadeen in ay af Ingiriis ka dhigaan haddii Iskuulka dib loo durayo. Anigu waxaan diyaar u ahaa in aan maaddooyinka qaar qaato.

Qorshaheygu wuxuu ahaa in intaa ka dib ardayda Dugsiga Sare laga xulo Macallimiin wax u dhiga ardayda Dugsiga Dhexe iyo Dugsiga Hoose.

Sidaasna ay ardayda reer Berbera oo hadda seegseegga ah ay dhammaantood helaan waxbarasho.

Waxaa fikirkaa qeyb ahaan igu dhaliyay markii aan Berbera ku arkay nin Macallimimiintii hore ah, oo la igu yiri waa reer Sool oo aanan hadda magaciisa xusuusan. Si mutaddawacnimo ah ayuu isugu duway ardayda magaalada ee Iskuulku ka istaagay. Keligii ayuu wax ku bari jiray dhismihii Iskuulka ahaan jiray. Ninkaas waxaad moodday carruurta oo dhan in uu isagu dhalay sida uu isugu taxallujiyay.

Markii aan arkay ayaan dhowr jeer soo booqday oo marna aan cashar iyo laba siiyay, dhowr jeerna aan u dhigay filim aqoon kororsi ah aniga oo adeegsanaya Projector 18 mm ah iyo koronto-dhaliye ay labadaba leedahay Laanqeyrta Cas. Waxaa kale oo aan u qeybiyay qalmaan iyo buugaag ay wax ku qortaan. Shaqaalaha ajnebiga ah ee aan wadashaqeyneynay ayaan qaarkood geeyay oo iyaguna soo booqday lana hadlay ardayda. Waxaa laga hadlayay waxay ahaayeen Laanqeyrta Cas, samafalka, waxbarashada iyo sheekooyin shakhsi ah.

Ardaydu ma qaadan jirin dhar Iskuul. Waxa uu Macallinkaas keligaa ahi dhigayana ma ahayn wax ay Wasaaradda Waxbarashadu ansixisay ama shahaado lagu qaadan doono. Berigii dambe waxaan u maleynayaa in Bare labaad uu ku soo biiray oo ay iskaashadeen.

Aniga oo soo koobaya, sababo awooddeyda ka baxsan awgood, isku daygeygii aan damcay in aan ku soo nooleeyo Iskuulka Berbera wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay.

Monday, 21 November 2016

Maalmahaygii Bankiga Dhiigga


Bulshada Soomaaliyeed cuqdad ayay ka qabi jirtay in ay dhiig ku deeqdo. Sheekooyinka aan maqlay waxaa ka mid ah nin xaaskiisu ay xanuunsatay, markii loo sheegay in loo baahan yahay in uu dhiig ugu deeqo ayuu cararay oo derbiga isbitaalk ka booday. Waxaa laga sheegay in uu ka baqay in carruurtiisu ay isku mar noqdaan rajo iyo agoon.

Dadka qaarba wax uun bay ka aamminsanaayeen bixinta dhiigga. Waxaas marka la isu geeyo waxay isugu soo biyo shubanayeen wax laga baqo oo ah in aad ka qaadi karto daciifnimo iyo xanuun aadan weligaa ka soo kabsan, haddiiba aadan u dhiman.

Agaasimaha Bankiga Dhiigga, Dr. Cusmaan Aden Cabdulle, oo annaga oo arday ah Jaamacadda nagula hadlay ayaa nooga warramay dhibka haysta keydka dhiigga. Wuxuu nooga warramay xaaladda bukaanka iyo dhaawaca u baahan dhiigga. Isla markasna si baaq ah oo talo weydiin iyo codsi ah ayuu noola hadlay.

Aniga oo ah Guddoomiyaha ardayda Kulliyadaha Gahayr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaan dhegeysanayay hadalka Agaasimaha, mana ogeyn in aan ka mid noqon doono shaqaalaha Bankiga dhiigga ee uu Agaasimaha u yahay.

Gocasho


Aniga iyo saaxiibbo kale oo ardayda ka mid ah waxaa macna weyn noo sameeyay eray uu yiri Agaasimuhu. Dhiiggu waa daawo aan warshad lagu sameyn karin, ayuu nagu yiri. Weedhaas dib ayaan u soo goconnay.

Arrintii ayaan ardeyda la dhex marnay. Ka dib markii ay is qoreen liis arday ah oo u diyaar ah in ay dhiig ugu deeqaan walaalo aanay garaneyn oo xanuunsan ama hadda ka dib dhaawacmi doona ama la qali doono, ayaan xafiiskiisa ugu tagnay oo soo wargelinnay Agaasimaha. Markaas waxaa Gahayr noogu yimid kalkaaliyaal caafimaad oo Bankiga ka tirsan oo qalabkoodu u dhan yahay.

Intaasi markii ay noo qabsoontay ka dib ayaan annaga oo saddex ah oo labada kale ay yihiin dhakhaatiir hadda waaweyn laakiin berigaa ahaa arday Kulliyadda Caafimaadku waxaan ku heshiinnay in aan wacyi gelin u sameyno bulshada. Waxaan goosannay in aan ka billowno dhallinyaro yaryar oo aan hadda looga baahneyn in ay dhiig bixiyaan – waa ardayda Dugsiyada Sare. Ujeeddadu waxay ahayd in ay weynaadaan iyaga oo aan dhiig ku-deeqidda cuqdad ka qabin oo markaa ay noqdaan dhiig-bixiyayaal.

Isku daygii howshaas oo aan qorsheynay in aan ka billowno Dugsiga Sare ee Banaadir nooguma hirgelin sidii aan jecleyn.

Markaa ayaan dhowr barnaamij oo wacyi gelin ah ka abaabulay Radio Muqdisho oo marna aan dhakhaatiir ku marti qaaday marna aqoonyahanno kale iyo weliba shacab caadi ah bal waxa ay ka aamminsan yihiin in ay ku deeqaan dhiig.

Aakhirkiina waxay noqotay shaqadeeda in aan bankiga Dhiigga u qaabbilsanaado dhanka Xiriirka Dadweynaha iyo wacyi gelinta.

Markii dadka ka baqaya dhiig ku deeqiddu ay iga badiyeen doodda ah in laga qaado wareer iyo madax xanuun joogta ah iyo daciifnimo, waxay noqotay in aan anigu dhiig ku deeqo.

Wax dhib ah ma dareemin markii aan dhiigga ku deeqay, inkasta oo miisaankeygu uu ahaa mid soo jiitay muran ay kalkaaliyayaasha caafimaadku iga geliyeen in aan dhiig ku deeqi karo iyo in kale.

Dhiig ku-Deeqayaal


Shakhsiyaadka aan xusuusto ee dhiigga sida joogtada ah ugu deeqi jiray waxaan soo qaadanayaa dhowr magac oo ka mid ah. Shakhsiyaadkaas qaarkood waxay dhiig ku deeqeen afartameeyo jeer.

Waa Dhakhtar Cusmaan Aden Cabdille, oo mararka qaar isaga oo aan dhammaysan saddexda bilood ee ay tahay in qofku uu sugo inta aanuu mar kale dhiig ku deeqin isku dayi jiray in uu dhiig bixiyo. Kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa marmar iska hor taagi jiray haddii ay ogaadaan in aan saddex bilood u dhammaan.

General Cabdinuur Yusuf oo ka tirsanaa booliiska iyo maamulka Sportiga isla markaasna ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Ururka Bisha Cas ayaa isaguna ka mid ahaa. Si joogta ah ayuu mudda dheer u bixinayay dhiig.

Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Duqa Magaalada Muqdisho isaguna wuxuu joogta u bixin jiray dhiigga.

Dadka qaar waxay bixin jireen dhiigga Plasma oo ay si joogta ah ugu baahan yihiin carruurta Hemophiliac ah.  Ku deeqidda Plasma waa howl ka culus dhiig mar qura la bixiyo oo inta qofka laga qaado dhiig ka badan inta uu awoodo in uu ku deeqo ayaa la geeyaa sheybaarka oo laga soocaa Plasma. Markaas ayaa unugyada cas iyo unugyada cad ee Dhiigga iyo walaxda loo yaqaan Platelets oo ah dhiig-xinjireeyaha dib loogu shubaa qofkii ku deeqay. Inta dhiigga la kala soocayo, qofka ku deeqay waxaa suran faleebbo ku shubaysa milan ku sima inta dhiigga lagu soo celinayo.

Dhiigga nooca ugu yare ee dadka Soomaalida laga helo waa nooca loo yaqaan 0 Rh- ama loo soo gaabiyo 0 Rh -.

Haddii qof dhiiggiisu yahay 0 Rh – oo jooga Soomaaliya uu dhiig baxo ama xanuun ama qalliin dartiis uu ugu baahdo dhiig waa ay adag tahay in dhiiggaas dhakhso loo helo haddii marka hore aanuu keydka ku jirin.

Mararka qaarkoodna waxaa dhacaysa in haddii muddo aad u kooban dhiigga lagu heli waayo aanuu bukaanku badbaadin.

Prof. Shahiid
Sidaa darteed Bankiga dhiiggu wuxuu diyaariyay liiska mutaddawiciin nooca dhiiggoodu uu yahay 0 -, oo mar kasta oo dhiig noocaas ah loogu baahdo si emergency ah, diyaar u ah in ay dhiig ku deeqaan.

Liiska oo aan u maleynayo in uu ahaa tiro ka yar toban mutaddawac, waxaan ka xusuustaa Prof. Shahiid oo lagu dilay qaraxii Hotel Shamo isaga oo ka qeyb gelaya qalin jebinta arday uu dhakhtarnimo u tababbaray. Isaga iyo macallimiin kale iyo dhakhaatiirtii ay wax bareen iyo madax munaasabadda ka qeyb gashay. Waxaa dilay wiil aanay aqoon isaguna aan iyaga aqoon, kana warqabin sida ay dadkaasi muhiim ugu yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Allah ha u naxariisto Dr. Shahiid waxaa dhiiggiisa daadiyay nin aan aqoon, aan hubana in isagu uu dhiiggiisa u shubi lahaa si uu naftiisa u badbaadiyo.

Dr. Cabdi Faarax Taano
Waxaa kale oo aan liiskaas ka xusuustaa Dr. Cabdi Faarax Taano. 

Saaxiibkeey Cabdi Faarax Taano oo aan Jaamacadda isku xilli ahayn, ahaana Guddoomiyaha Ardeyda Kulliyadda Daawada, beri dambe ayaan isaga oo dhakhtar ah aniguna aan ka tegey Bankiga dhiigga aan raadiyay, soo helay oo aan weydiistay dhiiggiisa in uu iigu deeqo. Wuxuu i weydiiyay cidda iga xanuunsan. Waxaan u sheegay qofka aan u doonayay taas oo waxoogaa kaftan ah na dhex dhigtay. Waxaan dhiig u doonayay maxbuus Ethiopian ah oo dalkeenna ku xirnaa oo waayeel ah oo xanuunsanaa.

Caymis


Beri dambe waxaa la gartay in dadka ugu badan ee dhiig u baahdaa ay yihiin dadka ku dhaawacma shilalka waddooyinka. Taas waxaa macnaheedu yahay in shil kasta uu ku lug leeyahay ugu yaraan wadaha hal gaari. Haddii ay yihiin laba ama ka badan baabuur oo isku dhacayna ay tirada wadayaashu intaas ka badan tahay.

Si dhaawaca shilalka dhiig loogu helo waxaa is afgarad sameeyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Bankiga Dhiigga. Waxaa la gartay in qofka doonaya in uu qaato Shahaaddada Wadidda Gaadiidka in shuruudaha ku xiran in uu buuxiyo ay ka mid noqoto in uu ugu yaraan hal mar ku deeqo dhiig.

Rayi kala duwan ayaa laga qabay arrintaas laakiin waxay xal u noqotay in yar oo ka mid ah baahida dhiigga ee ay qabeen Isbitaallada dalku.

F. G.
Dhowr jeer ayaa la ii sheegay in la jeclaan lahaa dadku marka ay dhintaan keliya in aan laga hadal wanaaggooda ee inta ay nool yihiin la sheego. Sabab waxaa badiyaa laga dhigaa in la jeclaan lahaa in wanaaggooda lagu qaddariyo loogana mahadnaqo. Shakhsiyaadkaas wanaagga badan ee samafalka ah dadkooda ugu deeqay ee aan ku xusay qormadeydu waa ay nool yihiin marka laga reebo Dr. Shahiid.

Saturday, 19 November 2016

Keydka Boostada

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, dhowr sano ayaan ka shaqeeyay labadeeda waaxood oo waaweyn; waa midda Boostada oo aan maamule ku xigeen ka noqday Boostada Degmada Hodon iyo Waaxda Isgaarsiinta oo aan ka shaqeeyay qeybta Xisaabaadka gaar ahaan xisaabadka taararka ay heyadaha dowladdu dirsadaan.

Qormadaan waxaan jecelahay in aan uga warramo xog ku saabsan nooc Banki ah oo ay boostadu lahaan jirtay oo anigu aanan ka shaqeyn laakiin aan ka mid ahaa macaamiishiisa.

Xogtaan waxaan ugu talo galay dhallinyarada aan soo gaarin xilligaas, dadkii markaa miyaga ku noolaa oo qaar badan uu hadda magaalo joog yahay qaarkoodna ay taliyaan ama talada dalka dhinac haystaan iyo kuwo magaalooyinka ku sugnaa laakiin laga yaabo in aanay ka warqabin adeegga Keydka Boostada.

Boostadu waxay ahayd ku dhowaad sida Booliiska. Waxay xafiisyo ku lahayd Degmooyinka dalka oo dhan.

Keydka Boostada


Keydka Boostadu waxaa uu ahaa nidaam aad lacag dhigan karto boostada si aad ugu keydsato ama ugu xawisho. Marka lacagta lagaa qabto waxaa lagu siinayaa buug aad baalashiisa mid walba kula bixi karto lacag u dhiganta hadba inta aad adigu ku qorto, keydkana kuu taal.

Lacagtaas waxaad ka qaadan kartaa boosta kasta oo dalka ku taalla.

Waxaan xusuustaa aniga oo qaraabo salaan u tegey degmada Ceelbuur in aan aaday boostada. Aniga oo markaa aan lacag u baahneyn ayaan haddana si aan u hubiyo in nidaamku shaqeynayo waxaan baal buugga keydka boostada ka mid ah ku qoray Sh. So. 100, waan saxiixay waxaanna u dhiibay ninkii boostada fadhiyay.

Wuxuu iga qaaday buuggeyga keydka boostada. Lacagtii iigu qornayd in ay i taallo boostada ayuu 100 ka jaray, maxsuulka cusub ayuu halkaa ku qoray. Ceelbuur iyo taariikha ayuu raaciyay. Wuu saxiixay.  Tiimbare ama shaabbad ayuu ku dhuftay. Ka dibna wuxuu farta iga saaray 100 shilin.

Ma jirin wax lacag ah oo lagugu dallacayo adeeggaas dartiis.

Monday, 14 November 2016

Safaaradda Soomaaliya ee Washington

Danjire Axmed Cawad iyo Danjire Yusuf-Garaad
Waxaan maanta la joogaa Danjiraha Soomaaliya ee Washington Axmed Cawad si aan uga qaato warbixin ku saabsan howlaha Safaaraddeenna iyo wadashaqeynta kala dhexeysa Dowladda Mareykanka iyo Soomaalida Mareykanka. Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay  sida ay labadeenna xafiis ay u yeelan lahaayeen wadashaqeyn dhow.

Waxaan jecleystay sida Soomaalida Mareykanku ay isugu xilqaantay gacansiinta safaaradda, siiba xagga dayactirka xafiiska quruxda badan ee Safaaradda iyo taageerada guud. Waxaan u bogay dhallinyaro si mutaddawacnimo ah ula shaqeysa safaaradda. Cosob oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee mutaddawiciinta ah ayaa naga qaadday sawirka.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington waxay hadda ku jirtaa qabanqaabada soo dhoweynta wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo maalinta Jimcaha ah Washington ku soo bandhigi doona Qorshaha Horumarinta Dalka ee Saddexda Sano ee soo socota.

Maalintaas oo ah 18-ka November waxay ku beegan tahay sannadguurada koowaad ee dib u furitaanka Safaaradda Soomaaliya ee Washington.

Saturday, 12 November 2016

Qaabbilaadda Ban Ki-moon


Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa maanta iga guddoomay waraaqda aqoonsiga Danjirennimo ee wakiilnimada Soomaaliya ee Qarammada Midoobay iyo Faracyadeeda.

Intaa ka dib, ayuu Xoghayaha Guud igu martiqaaday xafiiskiisa magaaladan New York, halkaas oo aan ku qaadannay kulan gaaban.

Waxaan uga mahadceliyay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo billaabo maamulkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya gaarsiiyay xorriyadda. Waxaan uga mahadceliyay sida inta uu xilka hayay uu Soomaaliya isugu howlay in uu gargaaro xag aadminnimo, xag amni iyo xag siyaasadeedba. Waxaan xusay in Soomaaliya ay ka soo baxday ku meel gaarka, in ay sameyneyso horumar, ayna u baahan tahay in la joogteeyo lana xoojiyo kaalmada maaddaama ay hey’adaha dalka iyo weliba horumarkeedu ay weli curdan yihiin.

Maaddaama ay Soomaaliya ku biirtay Qarammada Midoobay isla sannadkii ay xorriyadda qaadatay, waxaan Xoghayaha Guud uga mahadceliyay guulaha inta uu xilka hayay uu gaarsiiyay Qarammada Midoobay. Waxaa guulahaas ka mid ah taageerada dalalka colaaddu ay soo wajahdo iyo horumarinta xuquuqda haweenka.

Waxaan xusay horumarka xagga siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca doorashooyinka oo dhowaan la dhammeystiri doono iyo ballanta Soomaaliya ay higsaneyso oo ah in uu muwaaddin kasta oo Soomaali ah uu codkiisa dhiibto doorashada 2020.

Wuxuu Xoghayaha Guud sheegay in Qarammada Midoobay ay u heellan tahay Soomaaliya. Wuxuu bogaadiyay horumarka laga sameeyay dalka. Wuxuuna sheegay in howlo badani ay weli harsan yihiin si loo helo xasillooni buuxda iyo Dowladnimo si dhammaystiran u hanqaadda. Wuxuuna ku cliyay in Qarammada Midoobay ay Soomaaliya garab taagan tahay wuxuuna igu dhiirri geliyay in aan xoojiyo xiriirkeyga wakiillada Dowladaha daneeya Soomaaliya iyo Laamaha Qarammada Midoobay ee dalka ka howlgala. 

Golaha Guud ee Qarammada Midoobay ayaa ah goobta loo siman yahay oo ah Dowlad iyo Cod.

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon wuxuu iiga warramay mar uu Soomaaliya tegey. Isaga oo ka jawaabaya su'aal aan weydiiyayna wuxuu ii sheegay in marka uu shaqada ka fariisto uu ku laaban doono dalkiisa, Kuuriyada Koofureed.

Fadhiga waxaa igu wehliyay Maxamed Rabiic Yusuf oo ka tirsan ergada Soomaaliya.


Mahadcelin


Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ii wakiishay in aan Qaranka Soomaaliya ku matalo fagaaraha Diblomaasiyadda wadar-geesoodka ah ee ay ku falgalayaan wakiillada 193 Dowladood. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisaln Wasaare Cumar Cabdirashiid, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaam Hadliye iyo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada.

Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbada iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ee igu hambalyeeyay magacaabidda xilkaan, kuwa talooyinka ila wadaagay iyo kuwa martiqaadyada iigu sameeyay Muqdisho inta aanan ka soo dhoofin.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Danjire Dr. Cilmi Ducaale oo muddo dheer soo hayay xilka aan maanta sida rasmiga ah u billaabay isaga oo weliba ku shaqeeyay xaalad ka sii adag midda maanta. Waxaan isagana u mahadcelinayaa Danjire Cawaale Kulane oo ahaa Ku Xigeenka isla markaana sii hayaha Ergada ee xilliyo badan, anigana intii aanan Muqdisho ka soo safrin i siiyay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan Ergada Soomaaliya ee Xarunta Qarammada Midoobay.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa una duceynayaa dhammaan Madaxdii soo qabatay xilkaan oo ay ku jiraan kuwii Xafiiska hayay xilligii Dowlad la’aanta. Iyo Danjirayaasha xilkaan soo qabtay oo uu ugu horreeyo Danjirihii markii aan gobonnimada qaadannay la soo magacaabay ee furay Xafiiska Ergada Soomaaliya ee New York, Danjire Xasan Nuur iyo Danjirayaashii kale ee soo maray oo dhan oo ay ugu magac weynaayeen Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Cabdiraxiim Caabbi Faarax.

Fadlan ducada igu kaba in Rabbi igu gacan qabto xilkan aan Qaranka u hayo ee ku wajahan ilaalinta iyo hore u marinta danaha Soomaaliya iyo kobcinta xiriirka Soomaaliya ee saaxiitinnimo iyo wax wadaqabsi ee kala dhexeeya Dowladaha adduunka iyo Laamaha Qarammada Midoobay.