Total Pageviews

Tuesday 29 March 2016

Gunaanadka Warbixinta Fidel Castro

Waa qeybta Afraad, ahna qeybta ugu dambeysa ee qormooyinka aan ka soo tarjumay Warbixinta Hoggaamiyaha Cuba, Fidel Castro, uu Berlin ku siiyay Hoggaamiyaha Jarmal Bari, Erich Honecker. Warbixintu waxay ku saabsan tahay socdaal uu Afrika iyo Carab ku tegey Fidel Castro oo uu markaa, waa Abriil 1977 ka soo laabtay. Fadlan akhri saddexda Qeybood oo kale oo aad ka heleyso bloggeyga. Castro oo sii wata warbixintiisii wuxuu yiri:

Hadda haddii aan kaalmo siinno Ethiopia, Siyaad Barre xaq uma laha in uu nagu eedeeyo in aan ku ballan furnay iwm. Si cad ayaan ugu sheegay in Ethiopia uu Kacaan ka dhashay ay tahayna in aan taakuleyno.

Si kastaba ha ahaatee, kulammadii aan Siyaad Barre la qaatay waxaan ka dhadhansaday in uu si uga didsan yahay Midowga Soofiyeeti. Wuxuu dhibsanayay in Soofiyeetigu keeni waayay biraha dayactirka iyo cagafyo iyo in shidaalku soo daahay, inkasta oo marar badan la ballan qaaday. 

Danjiraha Midowga Soofiyeet [ee Muqdisho] ayaa noo fasiray sida ay wax yihiin. Soomaalidu waxay mar kasta beddelayeen ra’yigooda ku saabsan waxa ay u baahan yihiin ee ay codsanayaan, taas oo dabcan daah keentay. Intaa waxaa dheer, nasiib darro in markab haan ah oo shidaal u siday Soomaaliya uu badda ku degay intii uu Soomaaliya u socday.

Intii aan Siyaad Barre warkaa u sheegayay wuxuu yiri Soofiyeetku waa beenaaleyaal. Wuxuu yiri arrintaani ma ahan wax ka socda Politburo [Guddiga Siyaasadda ee Soofiyeetiga ugu sarreeya] ee waa cuuryaamin ay wadaan maamulayaashu. 

Ku kacsanaantiisa iyo dhaliishiisa Soofiyeetiga marar kale ayaan dareemay. Wuxuu sheegay in dalkiisa ay biyo la’aani ka jirto, in lo’du ay bakhtineyso, moosku aanuu wakhtigiisa ku bislaaneyn, waxaas oo dhanna ay u sabab yihiin in bamamkii biyaha soo tuuri lahaa ee Soofiyeetigu keenay aanay shaqeyneyn.

Dhaqankaas Siyaad Barre awgiis, waxaan arkaa  halis weyn. Taas ayaana u sabab ah in aan idiinkugu warramo sida dhabta ah ee aan wax u arko aniga oo aan hadalka maldihin.

Waxaan goostay in aragtideyda si saraaxiya aan idiinkagala doodo. Waddammada Hantiwadaagga ah waxaa soo food saartay dhibaato. Haddii ay caawiyaan Ethiopia waxay waayayaan saaxiibtinnimada Siyaad Barre. Haddii aan la caawinna Kacaanka Ethiopia wuu dhimanayaa. Waa taas arrinta ugu muhiimsan waxan oo dhan.


Dhammaad

F.G. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan akhristayaasha, faafiyayaasha iyo inta ka faallootay. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa saaxiibbada intaba isku daray oo akhriyay, faafiyay, kana faallooday.

Xigasho: Archiv der Parteien und Massenorganisationen der ehemaligen DDR im Bundesarchiv. Waxaa soo helay Christian F. Ostermann. Tarjumada Jarmal ka dhigay Ingiriis David Welch waxaana mar kale ka hubiyay Ostermann. Yusuf-Garaad ayaa Soomaali u rogay. Waxaa fiifisay Wilson Center.


No comments:

Post a Comment