Total Pageviews

Friday 8 June 2018

Terra Allah ha u Naxariisto

Maxamed Aden Xersi Terra oo aan in badan soo wada shaqeynay, muddana madax ii ahaa ayaan maqlay in uu geeriyooday.  Allah ha u naxariisto. Jannada Allah ha geeyo.

Maxamed markii magaciisa iigu horreysay waxay ahayd markii aan idaacadda ka dhegeysan jiray aniga oo dhigta Dugsiga Dhexe ee Maxamuud Xarbi ee idaacaddu ay ka mid ahayd meelaha muhiimka ah ee aan ka barto aqoonteyda guud ee taariikhda, siyaasadda, dhaqanka iyo culuum kale oo badan oo ay ka mid yihiin eraybixinta af Soomaaliga.

Wuxuu weriyayaasha iiga duwanaaday markii aan ku wada noolaannay xaafadda Towfiiq, walaashiisna ay ka mid noqotay ardayda iskuulka ee aan macallin u ahaa markii aan gudahanayay qeybta macallinnimada ee sannadka Shaqada Qaranka oo la gudan jiray inta aan Jaamacad ama shaqo kale la gelin.

Markii Radio Muqdisho ii qaatay tifatire wararka iyo weriye horraantii siddeetanaadkii Maxamed Aden Xersi si wuxuu ka mid ahaa weriyayaashii sare ee khibradda tobaneeyo sano ah lahaa ee aan si shakhsi ah isugu barannay Wasaaradda Warfaafinta.

Qormadan kooban waxaan Maxamed Aden Xersi ugu yeeri doonaa Terra oo ahaa magaca inta la shaqeysaa ay u taqaan.

Wuxuu ahaa nin bulsho oo dad la socod wanaagsan, ilbax ah, kuna xiran dhallinyaro fara badan. Haddana wuxuu ahaa nin shaqo. Mintid ku ah mas’uuliyaddiisa iyo howlkasta oo uu qeyb ka yahay. Wuxuu ahaa nin isku kalsoon, ku sharfan bulshada, dhowrsan, dood badan oo isku daya in la is qanciyo, isku sina wax la isula fahmo.

Wuxuu warfaafinta u shaqo billaabay isaga oo ka soo baxay Dugsi Sare.  Wuxuuna doorbiday in uu aqoontiisa kororsado. Wuxuu galay Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Xusuusteydu waxay ii sheegeysaa in uu ahaa Dufcaddii koowaad ee lagu furay Kulliyadda.

Qalin jebintiisa ka dib waxaa loo magacaabay Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA. Inta uu ahaa Agaasimaha SONNA wuxuu Radio Muqdisho u soo saari jiray Barnaamij la yiraa Raadraaca Taariikhda oo sida magaciisa ka muuqata ku saabsan Taariikh, ahna midda Soomaalida. Barnaamijkaas aniga ayaa ka akhrin jiray Idaacadda ka dib marka Madaxa Radio Muqdisho uu soo akhriyo. Waxaan xusuustaa maalinta ay qodob isku qabteen Terra iyo Madaxa Raadiyaha dooddii dhex martay iyo sida uu Terra u u fasiray arrinta uguna adkeystay mowqifkiisa.

Muddo ka dib, Terra waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Idaacadaha Soomaaliyeed oo ay hoos yimaadaan Madaxa Radio Muqdisho iyo Madaxa Radio Hargeysa.

Markii aan howl samafal oo Laanqeyrta Cas aan ka billaabay Berbera 1989 waxaan Agaasiamaha ka codsaday in la iga beddelo Xafiiska Wararka oo aan ka tirsanaa aniga oo ah war akhriye iyo Tifatire labadaba.

Sabab waxaan ka dhigtay in aan ka shaqeeyo howl samafal oo xasaasi ah oo aan ka fidiyo Woqooyiga. Sidaa darteedna aan ogaan la’aanteey ula kulmo dad ka tirsan Jabhadda SNM. Allah ha u naxariistee, Maxamed Aden Xersi oo markaa Agaasime ii ahaa wuxuu ku adkeystay in aan joogo Xafiiska Wararka laakiin markii dambe wuu igu aqbalay in uu igu wareejiyo soo saaridda Barnaamijyada oo aan awalba aan ka qeyb qaadan jiray.

Terra waxaa uu ka mid ahaa markii Dowladda Soomaaliya ay burburtay 1991, dadkii Soomaalinnimada u fekerayay ee u haystay in Dowladda la riday mid kalena ay dhalaneyso shaqaduna ay halkeedii ka socon doonto.  Markii ay Dowladdu dhacday wuxuu markiiba u soo shaqo tegey Wasaaradda Warfaafinta. Ka dib markii xaaladda taagan uu ku qanci waayay, Maxamed Aden Xersi, wuu ka dhoofay dalka wuxuuna tegey Nairobi.

Mar aan Maxamed Aden Xersi ku kulannay Nairobi 1995 wuxuu talo iyo gacanba iga siiyay socdaallo shaqo oo aan midba mar ku tegey Kismaayo iyo Boosaaso iyada oo dagaalkii sokeeya oo markaa cusbaa awgii ay isu socodka Soomaalida iyo isdhexgalkeeda dalka gudhiisu ay aad xaddidan tahay siiba dadka ay bulshadu magacooda taqaan.

Muddo ka dib, Terra waxaan ka wadashaqeynay BBC isaga oo ka qeyb qaatay howlaha Xafiiska BBC ee Nairobi.

Terra wuxuu ka mid ahaa weriyayaal iyo mas’uuliyiin Nairobi ka billaabay idaacad ku hadasha af Soomaali.  Markii dambe ee uu u wareegay London oo uu ku biiray xaaskiisa, Maryan Cali Muddeey, wuxuu Terra ka howlgalay Telefishinka Universal.

Meel kasta oo uu tago iyo duruuf kasta oo uu ku sugan yahay Terra wuxuu ahaa nin xirfaddiisa u daacad ah aamminsan in bulshada la wargeliyo, aqoonteeda guud kor loo qaado, lana sameeyo wareysiyo iyo dodo horseeda kala warhel, isu garaabid iyo isfaham.

Markii aan Muqdisho ka wadashaqeyneynay Warfaafinta ka sokow wuxuu saaxiibbo ku lahaa Jaamacadda oo uu arday ka noqday iyo Ururka Dhallinyarada.

Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyska reer Adan Xersi oo dhan in Ilaah Samir ka siiyo. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa , Faadumo Aden Xersi iyo saygeeda Cabdinuur Shiikh Maxamed Isaxaaq iyo carruurtooda.