Total Pageviews

Saturday 30 May 2015

Saaxiibbadeyda taageersan Puntland

Ma rabo in saaxiibbadeyda taageera Puntland ay khalad ka fahmaan qormadeyda “Somaliland Jawaab ayaa ku Waajibtay.” Oo aan uga hadlayay qaxootiga Berbera. Qormadu waxay la hadleysaa Somaliland. Meel ka mid ah ayaan soo qaatay mar hadda ka hor ay Somaliland soo dhoweysay dad laga soo celiyay dibadda, oo Gaalkacyo loo diiday in ay ka degaan. Waa run oo wey dhacday. Maxaad hadda dadkan u soo dhoweyn la’dihiin ayaan weydiiyay.

Waxay dadka qaar u fasirteen in Puntland oo iyadu si wanaagsan u soo dhoweysay Qaxootiga aan duudsinayo. Taasi sax ma ahan. Qormadeydu kuma saabsana isbarbar dhig labada land. Kumana saabsana qiimeyn guud ee Qaxootiga Yemen ka yimid iyo meelaha ay gaareen ilaa hadda iyo sida loola dhaqmay.

Puntland soo dhoweynteeda wanaagsan cidna kama daahna, waana waajib Soomaalinnimo oo ay gartatay, gudatayna.

Waxaa kale oo aan ku faraxsan ahay in dhacdadii 2007 ee aan tusaalaha u soo qaatay, ay yihiin dad reer Puntland ah kuwa ka gubanaya, sababta ay gubayaanna dabcan ay tahay in aanay la wanaagsanayn. Anigana ilama wanaagsana. Waxay ahayd dhacdo xilligeeda, xaaladdeeda iyo Madaxdeeda leh. Anigana qormadeydu kuma saabsana in aan dhacdadaas halkan ku qiimeeyo. Waxaan soo qaatay oo keliya dhinaca Somaliland ku saabsan oo aan ku tusaaleynayay.

Saaxiibbayaal kala shakiga iyo is aamminid la’aantu waa tan meesha na dhigtay. Wax uu bloggeygu u dhimi karo Puntland ama aan rabo in aan ugu dhimo ma jiraan.


Somaliland Jawaab ayaa ku Waajibtay


Waxaan daawaday hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed, oo ka soo qaxay dagaalka Yemen, oo dekdedda Bebera laga hortaagan yahay. Waxaa loo diiddan yahay in ay ka degaan markabkii ay saarnaayeen.

Aad ayaa qalbigu ii xanuunay. Mana aqaan wax aan ku fasiro. 

Falalka, qaar waxaa jira aad u martabad hooseeya oo faaqidaaddoodu ay xanuun badan tahay.

Waxaan arkayay dad badan oo cambaareynaya. Dadkaasi waa dad tirsanayay Soomaaliland, sidaa darteedna qaadan waayay waxa ay Soomaali kale kula kacday.

Waxaan qabaa in Somaliland xaq loogu leeyahay in ay jawaab ka bixiso gefka ay u geysatay dirka Soomaaliyeed iyo weliba aadminnimada. Waxaa la gudboon in ay bixiso fasiraad aanay iyada keliyihi isu akhrin ee ah mid ay Soomaalidu fahmi karto. 

Haddii kale, khalad waa dhacaaye, waa in ay raalli gelin ka bixiso.

Dadka Somaliland, gaar ahaan madaxda Somaliland waa dad u bisil mowduucan. Ma ahan dad la barayo waxa ay tahay qaxootinnimo, nugeylka qaxootiga, xuquuqda qaxootiga iyo xusuusta aan tirmin ee qaxootiga. Madaxda Somaliland kuma yara qaar sita baasabboorro dalal Galbeed ah oo qaxooti ahaan loogu soo dhoweeyay markoodii hore.

Hadda ka hor tallaabooyin ay Somaliland qaadday oo dhowr ah waxaa ka muuqday khibrad iyo biseyl ku wajahan qaxootiga iyo barakacayaasha.

Waxaan joogay magaalada Hargeysa 2007, markii dad tarxiil ah oo Soomaaliyeed dayaaraddii sidday ay ka degtay Gaalkacyo maaddaama uu Muqdisho berigaas dagaal ka socday. Maamulkii Puntland ee berigaas ayaa u diiday in ay dayaaradda ka soo degaan dadka aan u “dhalan” Puntland.

Dayaaraddii ayaa dadka lagu celiyay, aakhirkiina waxay dayaaraddii la fariisatay Hargeysa, waana loo oggolaaday in ay magaalada galaan. Isla galabtii la keenay ayaan habeenkii ku soo booqday Hoteelkii la dejiyay si aan u hubsado arrinkaas oo ay igu adkeyd in aan rumeysto. Tusaalahan oo ah mid foolxun calool xumana leh, waxaan u soo qaatay in aan Hargeysa weydiiyo – Maxaa hadda is beddelay?

Taariikhdu waa ay qormeysaa. Umadda Sooomaaliyeedna waa xidid iyo xigaalo. Ma ahan midabbada iyo naqshadaha calammada ujeeddo badanka ah ee la sameystay in lagu dawakho. Soomaaliland, cidina ma aqoonsana. Berbera waxay caalamka u tahay deked Soomaaliya ka tirsan. In qaxooti Soomaaliyeed loo diido in ay ka degaan iyo in la dejiyo ee weliba doomo kalluumeysi loo qeybiyo, midna waxba kama beddeleyso xaaladda.

Xataa haddii uu Somaliland u rumoobo hammigeedu, oo ay noqoto dal la aqoonsan yahay waxaan qabaa in hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed oo ka qaxaya dagaal dal shisheeye ay xaq caalami ah iyo xeer Soomaaliyeedba khasab ku tahay Somaliland in ay soo dhoweyso.

Horraantii 1994 ayay ahayd markii iigu horreysay ee aan ka degay Djibouti. Waxaan sarkaalkii socdaalka ka codsaday in aanuu bog dhan iga khasaarin ee isla bogga dal-ku-galku uu ku dhegsan yahay uu ku dhufto gelitaanka. Maaddaama aan Dowlad Soomaaliyeed oo baasabboor i siineysaa jirin, ayaan u raaciyay.

Jawaabtiisii ilaa maanta ma illoobin. “Haddii uu kaa buuxsamo, aniga ii imow, anaa Baasabboor ku siinne ”.

Wuxuu i xusuusiyay in Djibouti ay tahay dal xor ah oo iyadu baasabboorkeeda leh, laakiin qiran waxa Soomaali kala dhexeeya.

Somaliland kama harayo xataa haddii ay aqoonsi hesho. Waan tirsanayaa. Waxaan rabaa in ay ka mid noqoto dalalka iyo dadka Soomaaliyeed ee is shinsanaya. 

Monday 18 May 2015

Maxay u Halgameen? Maxaanse ka Haynaa?


Toddobaadkan waxaa loo dabbaaldegay 15–ka May. Anigu aad ayaan u qaddariyaa halgamayaasha Soomaaliyeed ee u dhididay ama u dhintay in aan xorowno. Ka dibna aan midowno.

Waxaa aan u hambalyeynayaa iyagana inta dalka dhismihiisa u soo halgantay iyo kuwa maanta u taagan, intooda ay ka dhab tahay.

Marka aan arkay hadal haynta Halgamayaashii Gobannimada waxaa igu dhashay su’aalo badan oo haddii ayaga maanta la weydiin lahaa, aan is leeyahay “haa” kuma ay jawaabeen.

Ma waxay u dagaallamayeen in dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku guursadaan isla xeradii qaxooti ee lagu dhalay ayada oo Soomaali kale laga cararayo?

Ma waxay u dagaallamayeen in dhallinyaro Soomaaliyeed ay ka soo baxaan qaar noloshoodu ay la qiimo tahay gumaca rasaasta oo maanta ay u nool yihiin oo keliya in ay qof dilaan lana dhintaan?

Ma waxay sugayeen in dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku dhimato Saxaaraha iyo Badda Mediterranean-ka ayaga oo Soomaaliya ka cararaya una hayaamaya dhul aysan aqoon lagana dooneyn?

Ma waxay u halgamayeen in qaar kale ay ku noolaadaan faqiirnimo iyo baqdin?

Ma waxay u dagaallamayeen in aan cudud shisheeye ku ahaanno Dowlad?

Ma waxay u dagaallamayeen in Madaxweynaheenna ay naga ilaaliyaan ciidammo Ugandan ah si uu u nabad galo?

Ma waxay u dagaallamayeen in ciidan Ethiopian ah iyo mid Kenyan ahi ay dalkeenna dhex degaan oo xeryo ka sameystaan si ay annaga noo kala dhiciyaan?

Ma waxay u dagaallamayeen in caasimaddii u horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago uu maanta ka babbanayo calan astaan u ah in ay dooneyso in ay ka “xorowdo” dalkeeda intiisa kale, si ay uga nabad gasho.

Ma waxay u dagaallamayeen in qabiil kastaa uu Madaxweyne u gooniya lahaado?

Ma waxay u dagaallamayeen in 2015 aan mareyno in qof uu madax ku ahaado keliya qabiilka uu yahay iyo in uu af Soomaali ku hadli karo?

Ma waxay doonayeen in Gobolka Mudug uu yeesho laba Guddoomiye oo mid waliba dadka qabiilkiisa ah oo keliya uu u yahay Guddoomiye?

Ma waxay u dagaallameen in Banaadir iyo Baydhaba ay ku doodaan xudduuddooda Xeebta Jaziira meesha ay ahaaneyso?

Ma waxay u halgameen in muwaaddin Soomaaliyeed loo sheegto in dalka laga leeyahay?

Ma waxay u dagaallamayeen in sida aad Soomaali ku ahaan karto codna ku yeelan kartaa ay tahay in aad xubin ka ahaato xisbi aadan adigu ku biirin, kana bixi karin oo magaciisa qabiil la yiraa? 

Ma waxay u dagaallamayeen in dad badan oo Soomaaliyeed lagu xukumo in ay qeyb u leeyihiin inta ay dadka la asaagga ahi helaan barkeed?

Ma waxay u halgamaayeen in Kenya ay derbi nagu meeriso?

Ma waxay u halgamayeen in baddeenna ciddii rabtaa ay ka adeegato?

Ma waxay u halgamayeen…

Bal isku day in aad ka jawaabto. Maxay u taagnaayeen dhallinyaradii Gobannimo u dirirku? 

Maxay u halgameen? Maxaanse ka haynaa?

Monday 11 May 2015

War Dowlo Warqadow ku Yaal


Dowladda iyo Shabaab midna xaq uma laha in ay saxaafadda u sheegto magacyada ay tahay in ay adeegsato.

Weliba Dowladda mas’uuliyad gaar ah ayaa ka saaran bedqabka weriyaha. Ma ahan in ay si ka fiirsi la’aan ah ay u abuurto xaalad khatar gelin karta nafta weriyaha.

Dowladda iyo Saxaafadda xeer ayaa u yaalla. Saxaafaddii Xeerkaas ku xad gudubta ama jebisa qawaaniinta kale ee dalka, hey'adaha Garsoorka ayaa leh wax ka qabashadeeda.

Wixii aan Xeerka Saxaafadda waafaqsaneyn ma ahan marin Dowladeed.

Saxaafaddu waa xor, waxay leedahay Tifatirayaal u madaxbannaan awoodda  uu sharcigu siinayo.

Taladan waxaan ka jeediyay seminaar Muqdisho lagu qabtay bishii Abriil oo  weriyiyaal, bulshada rayidka iyo wakiillo hey'adah Dowladda ee ku shaqada lihi ay fadhiyeen.

Waxaan qabaa in Tifatirayasha loo daayo shaqadooda laguna xurmeeyo.