Total Pageviews

Saturday 29 March 2014

Aqoon Isweydaarsi Dhallinyaro


Kaalinta Da'yarta
Inqaasta Yusuf-Garaad

Waxaan ka mid ahay qaban qaabiyayaasha aqoon is weydaarsi aan Axadda ku qaban doonno Muqdisho. 

Waxaan ku eegi doonnaa xaaladda ay dhallinyarada maantu ku sugan tahay, caqabadaha hor yaalla, fursadaha ay heli karaan iyo kaalinta kaga aaddan xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Inta badan ra’yi iyo doodo ayay dhexdooda is weydaarsan doonaan dhallinyarada ka qeyb geleysa oo u badan aqoonhananno dalka gudihiisa ama dibaddiisa ama labadaba wax ku bartay.

Madax Xukuumadda Federaalka ah ayaa iyaguna soo gudbin doona qodobbo ay ka mid yihiin siyaasadda dowladda ee ku wajahan dhallinyarada isla markaana la munaaqishoon doona ka qeyb galayaasha.

Shirkan oo socon doona dhowr maalmood, qodobbada Axadda looga hadli doono waxaa ka mid ah, xaaladda ay dhallinyaradu maanta ku sugan tahay.

Intiinna aan fursad u helin in aad goobta uga qeyb gashaan, waxaa idiin furan in aad ra’yigiinna ku soo gudbisaan saxaafadda bulshada, gaar ahaan bloggan iyo barteyda Facebook.

Waxaan ku dadaali doonnaa in aan araa’diinna iyo talooyinkiinna aan ku darno doodaha dhex maraya aqoonyahannada da’da yare ee ka qeyb galaya aqoon is weydaarsiga.

Dood


Ma isku filan nahay?
Inqaasta Yusuf-Garaad


Waxaa la i weydiistay in aan ka qeyb galo barnaamij dood ah. Waxaa la is weydiinayaa ayaa la igu yiri su’aasha ah:

Soomaalidu ma isku tashan kartaa? Oo inta ay iyadu dhexdeeda ka heshiiso wax ma wada qabsan kartaa?

Aniga waxay ila tahay in jawaabtu ay tahay Haa, inkasta oo ay tahay mid adag.

Waxaan weliba u qabaa in haddii Soomaalida laga waayo in ay iyadu is afgarad gaarto, in aanay jirin cid is-af-garadsiin karta.

Maxay adiga kula tahay? Maxaan kaa geeyaa goobta?

Aad baan kaaga sii mahadcelinayaa talada aad igu biirin doonto.

Mahadsanid.

Friday 28 March 2014

General Saacid

Booliiska waa la Raalli Geliyay
Inqaasta Yusuf-Garaad

Maanta markii aan Muqdisho ka soo degay, Garoonka Aden-Cadde aad ayuu u mashquulsanaa. Dhowr dayaaradood ayaa isku soo gaaray. Mid inyar iga horreysay waxaa ku yimid Madaxweynaha. Mid uu Ra'iisal Wasaaruhu la socdana waa la sugayay.

Sida aad qiyaasi karto Madax iyo saraakiil ammaanka ah oo fara badan ayaa gegida dayaaradaha cammiray.

Madaxdii aan goobta isku salaannay waxaa ka mid ahaa, Taliyaha Booliiska Generaal Saacid, oo maalintii aan Muqdisho ka dhoofayay aan ogaa isaga oo ka xanaaqay oo ka haray dayaarad u qaadi lahayd Garowe.

Waxay isaga iyo saraakiishii maalintaa la socotay ay dayaaradda uga hareen diidmo ay ka dudeen in ay askar shisheeye iyaga baarto inta aanay dayaaradda raacin.

Waxaan ogaa isaga oo sugaya dayaarad ay saraakiishu markaa dalbadeen.

Maanta waxaan weydiiyay arrintii in daba gal lagu sameeyay oo wax ka soo kordheen iyo in kale.

Wuxuu ii sheegay in arrintaa ay ku dhammaatay raalli gelin qoraal ah oo ay bixisay hey'addii ay khuseysay.

Waxay ila noqotay in aan akhritayaasha la wadaago warka Raalli gelinta ah, maaddaama aad looga xanaaqay loogana faallooday is afgaran waagu markii uu taagnaa sida hoos ka muuqata.











Wednesday 26 March 2014

Dhallinyarada sida ha loo dhaamo.


Ayax teg, Eelna reeb
Inqaatsa Yusuf-Garaad
Allaha u naxariisto wiilka Sawirka ka muuqda. Xasan Aden Kerow ayaa maanta lagu aasay Baydhabo. Bal is weydii muxuu galabsaday oo naftiisa ku waayay?

Wuxuu tusaale u yahay barbaarta Soomaaliyeed ee qaar ay dileyso xabbad Soomaaliyeed qaarna xabbad shisheeye. Qaar ay goobaha dagaallada iyaga oo dhinacyo kala duwan ka soo jeeda ay iyagu is dilayaan. Qaar kale lagu hayo xabsiyo Soomaaliyeed ama xabsiyo shisheeye iyaga oo ku eedeysan xag jirnimo ama argaggixiso.

Qaarka waxaa u adkeysan waayay ee dibadda u qaxay xaalku uma sahlana. Waxaa sugaya tahriib badda ama lama degaanka ka sokeeda lagu dhimanayo ama lagu siganayo.

Kuwo dalalka deriska jooga oo qaar badan ay yihiin sharci la’aan waxaa ay ku nool yihiin cabsi iyo caga jugleyn. Maanta oo u dambeysay Dowladda Kenya waxay dadweynaheeda ka codsatay qof sharci aan haysan hadday arkaan in ay soo sheegaan.

Bal qiyaas marka aad tahay dhowr iyo toban jir ama dhowr iyo labaatan jir aan sharci lahayn, dalka aad ku nooshay dadkiisa oo dhamina ay amar ku qabaan in ku soo sheeegaan?

Kuwa gudaha ku haray, in badan oo ka mid ah ma haystaan waxbarasho iyo shaqo midna. Daryeel caafimaadna ha sheegin.

Jiilka maanta koraya  intooda ka badbaadda khataraha maxay ku korayaan maxayse berry dalka u qaban karaan?

Jiilka ka waaweyn ee xaaladdan abuuray, ama xallin la’, sow ma noqon doonaan ayax teg, eelna reeb?

Wednesday 19 March 2014

Socdaal Gaaban


Nairobi
Inqaasta Yusuf-Garaad


Nairobi ayaan gaaray. Sidii wax igu cusub ayay noqotay in aan subixii bixi karo aniga oo aan cidna weydiin su'aalahan:

Xalay maxaa dhacay?
Saaka xaaladda ammaanku waa sidee? 
Meel hebel ma la aadi karaa?

Waxaa kale oo sidii wax igu cusub noqday Taksi xiimaya, oo qofka wada aanan aqoon, in aan habeen madow raaco oo uu meesha aan u sheegto i geeyo. 

Waan rumeysan la'ahay in xilligii aan doono aan tago makhaayaddii aan rabo oo ka cunteeyo ama ka qaxweeyo. 

Jugtii yeerta hadda uma qaato in ay qarax tahay. 

Waxaa iga yaraaday in aan ka cabsado qof aanan weligeey arag, waxna u dhimin.

Oo welibana, haddaan sidu sida ahayn, aan is shinsan lahayn oo wax is tari kari lahayn.

Horumar waxaa ka horreeya bedqab. 

Allow Soomaali dhiiggeeda kala badbaadi.

Allow cadowgeedana ka badbaadi.