Total Pageviews

Saturday 29 July 2017

Kismaayo

Labada Madaxweyne ku Xigeen ee Jubbaland
Bishaan horraanteedii waxaan ka mid ahaa xubnaha Golaha Wasiirrada ee booqday magaalada Kismaayo.  Waxay ahayd go’aanka Ra’iisal Wasaaraha in Goluhu fadhigiisa Khamiislaha ah uu ku yeesho Kismaayo.

1995
Markii aan dib uga fekeray waxay ila noqotay markhaati in aan ka xasdayo Madaxda iyo dadweynaha Kismaayo haddii aanan bulsha weynta Soomaaliyeed la wadaagin wanaagga aan soo arkay.

Kismaayo markii iigu dambeysay waxay ahayd 2014 oo aan ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay garoonka dayaaradaha, saacado yar ka dibna waan ka soo laabtay.

Laakiin magaalada oo aan gudaha u galo waxaa iigu dambeysay 1995 markaas oo magaalada aan ku soo booqday General Morgan oo gudaha magaalada ka talinayay.

Waxay ahayd magaalo kooban, jawi colaadeed ku jirta.  Nolosheeduna ay hooseeyso inkasta oo markaas loo arkayay in ay soo yara kabaneyso.  

Markaas ka hor magaalada waxaa iigu dambeysay 1987 oo aan seexday Hotel Waamo oo ay lahayd Dowladdu. Wuxuu ahaa Hotel dalxiis oo ay maamusho Wasaaradda Dalxiisku.

2017
Miiskii ugu qurxoonaa ee tan iyo markii la magacaabay uu Golaha Wasiirradu shirkiisa ku qabto wuxuu ahaa miiskii yaallay guriga Martida ee Kismaayo.

Wuxuu yaallaa gudaha guriga Martida.  Waa guri ka kooban xero weyn oo oodan oo beero nasasho ku yaallaan, gudahana uu ka dhisan yahay guri weyn oo dhowr dabaq ah iyo kuwo yaryar.  Waxay xeradu kaabiga ku haysaa badweynta India oo jamalka keliya ayaa qeybiya guriga iyo badda.

Neecawda badda ka soo dhacaysa iyo hugunka ka baxaya hirka marka ay baddu kacsan tahay waxay ku geynayaan jawi dabacsan oo waxyaabaha qaar ku illowsiin kara.

Gurigaas iyo qalabka yaalla waxaa la ii sheegay in aan lagu dhisin lacag ajnabi bixiyay.  Waa mashruuc lagu hirgeliyay isku tashi iyo isku kalsoonaan.

Madax iyo dadweyne waxaa naloo muujiyay soo dhoweyn diirran, qaddarin iyo oggolaasho la oggol yahay lana weheshanayo Dowladda Soomaaliya.

Waxaan arkay madax is oggol, Madaxda Qaranka iyo Dowladda dhexe oo dhanna oggol.  Waxaan arkay Dowlad Goboleed garab iyo gaashaan u ah Dowladda Federaalka isuna aragta in ay iyadu ka mid tahay.

Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha, labada Madaxweyne ku xigeen, dhammaan Wasiirrada iyo ciidanka safnaa garoonka aan ka soo degnay ilaa iyo guriga Martida oo xarun KMG ah noo noqday.  Ciidankaasi waxay qorraxda iyo dhaxanta u taagnaayeen in ay ilaaliyaan Madax aanay toos u aqoon laakiin ay Dowladnimo ka dhinsanayaan.


Ugu dambeyn waan ka mahadcelinayaa xalwa Kismaayo haddiyad la ii siiyay.

Friday 28 July 2017

Ku dayo Jaaliyadda Jubba

Diblomaasiyiinta Safaaradda iyo Wakiillo Jaaliyadda
Magaalada Jubba ee Sudanta Koofureed oo aan u tegey shir ay ku kulmeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD ayaa waxaa ii suurta gashay markii uu shirku dhammaaday in aan booqdo Safaaradda Soomaaliya, halkaana kula kulmo howlwadeennada Safaaradda oo uu Danjire Xuseen Xaaji hormuud u yahay iyo wakiillo ka socda jaaliyadda Soomaalida Jubba.

Xafiiska Danjiraha
Waxaa aad ii soo jiitay, aan rabaa in aan Soomaalida la wadaago, una mahadcelinayaa jaalaiyyadda Soomaalida ee Jubba sida ay u garab istaagtay Safaaradda Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Gaariga cad Jaaliyadda ayaa  u iibisay Safaaradda
Jaaliyadda Soomaalida oo ay in badani yihiin dhallinyaro haddana ganacsato ah, ayaa waxay Safaaradda u iibiyeen agabka xafiisyadeeda iyo laba gaari oo midkood uu yahay Landcruiser iyo weliba adeegyo kale.

Dhallinyaradaas waddaniyiinta ahi waxay garteen in Dowladda iyo Safaaradda ay ayagu leeyihiin oo cidda ay u adeegeyso, danahoodana ay daafaceysaa ay ayaga yihiin.

Waxaa intaa dheer in Madaxda dalkaas ee aan la kulmay, waa Madaxweyne Salva Kiir iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Deng Alor Kuol ay ka muuqatay sida ay ula socdaan joogitaanka, horumarka iyo heybadda jaaliyadda Soomaalida.

Wasiirka Arr. Dibadda Sudanta Koofureed
Madaxweynaha markii la i baray, wuxuu sheegay in uu muuqeyga ka gartay in aan Soomaali ahay.  Markiiba wuxuu daba dhigay su’aal? Ma la kulantay dadkaaga? Caawa ayaan la kumayaa ayaan ugu jawaabay.  Iyaga oo badan ayay ayay halkaan joogaan oo ka shaqeystaan, ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sudanta Koofureed, isaga miis ayaan ku wada casheynay iyada oo ay na wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Djibouti.

Wuxuu dhammaanteen nooga sheekeeyay sida ay Soomaalidu u joogto dalka, uga shaqeysato, sharaftooda iyo sida ay u taageeraan dalkooda isaga oo tusaale u soo qaatay cayaar kubadda cagta ah oo labada dal ku dhex martay Juba, oo taagerayaasha Soomaaliya la yaabay tiradooda, sacabka iyo sawaxanka.

Wasiirka oo igu sagootiyay garoonka dayaaradaha waxaan uga mahadceliyay aqbalaadda ay Dowladdiisu joogitaanka jaaliyadda Soomaalida.

Wednesday 26 July 2017

Iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya

Guddiga Isku Dhafka ah ee Iskaashiga laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta Nairobi ku yeeshay fadhigoodii ugu horreeyay tan iyo markii labada Madaxweyne ay heshiis taariikhi ah ku gaareen Nairobi bishii March.

Wadahadalka maanta dhacay waxay ujeeddadiisu ahayd in qoraal loo rogo heshiiskii ay galeen labada Madaxweyne, in la eego waxyaabaha ilaa iyo hadda ka hirgalay heshiiska, in laga heshiiyo sidii loo meelmarin lahaa qodobbada dhimman iyo goorta iyo in la isla eego dhinacyo hor leh oo la iska kaashan karo.

Waxaa la isla qiray in uu hirgalay heshiiskii ahaa in dayaaradaha rakaabka ah ee ka yimaada Soomaaliya aan lagu khasbin in ay maraan Wajeer.

Waxaa kale oo la xusay in adeegsiga baasabboorrada diblomaatigga iyo kuwa shaqo si loogu tixgeliyo in aan visa la'aan looga baahan.

Waxyaabaha hirgelintooda laga heshiiyay waxaa ka mid ah tababbarka kalkaaliyaasha caafimaadka, macallimiinta iyo shaqaalaha Dowladda.

Labada dhinac waxaa isku af garteen in laga shaqeeyso sidii loo sahli lahaa ka tallaabidda dadka ee soohdinta labada dal u dhexeysa iyo ka tallaabinta shixnahadaha iyo adeegyada.

Ugu dambeyntii waxaa la isku afgartay in shirka kan xiga ee Guddiga iskudhafka ah oo la sii xoojiyay xagga tirada hey’adaha ka qeyb gelaya lagu qabto magaalada Muqdisho wakhti ay labada dhinac isla garteen iyada oo loo marayo hannaanka diblomaasiyadda.

In doorashada Kenya oo ay ka hartay tobaneeyo maalmood ay Madaxda Kenya maalin dhan u fariistaan wadaxaajoodka Soomaaliya, waxay muujineysaa muhiimadda uu leeyahay xiriirka sii ballaaranaya ee ka dhexeeya labada dal.  Tallabadaas oo aan si weyn uga mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Amina Mohamed.

F. G.  Sawirrada waxaan uga mahadcelinayaa Cumar-Caaqil, SNTV.

Sunday 23 July 2017

Saaka Muqdisho Galabtana Juba

Sawirka waxaa qaaday Adow Mohamed
Galabta waxaan magaalada Juba, caasimadda Sudan-ta Koofureed uga qeyb galay shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD ay kula kulmeen wakiillo ka socda bulshada rayidka ah ee dalkan, goobjoogna ay ka yihiin wakiillo ka socda beesha caalamka.

Danjirayaasha Mareykanka, Norway, UK, China, Germany, Japan, Switzerland, Qarammada Midoobay, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa fadhiyay.

Kulanka waxaa igu wehliyay Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cabdilatif Maxamuud (gar madow) iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Juba, Xuseen Xaaji (gar cad) iyo diblomaasiyiinta Safaaraddeenna Juba.

Haddana waxaan ka soo laabtay casho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sudan-ta Koofureed uu u sameeyay Wasiirrada dalalka xubnaha ka ah IGAD iyo wufuuddooda.

In saaka aan ka soo tooso Muqdisho, howl aan qabsado, galabtana aan ka qeyb galo shir ka dhacaya Sudanta Koofureed iima suurta gasheen haddii aan la joojin sii maritaankii Wajeer, sababta oo ah kamaan soo gaareen dayaarada kowda ka kacaysa Nairobi.  Wajeer waxay khasab ka dhigi lahayd in aan maalin ka hor ka dhoofo Muqdisho oo aan u hoydo Nairobi inta aanan u gudbin Juba.

Saturday 22 July 2017

Soomaaliya ayaa Ethiopia kala wareegtay Maxaabbiis

Waxaan caawa aad ugu faraxsan ahay in ay Muqdisho ka soo degeen 114 Maxbuus oo Soomaali ah oo wadahadal aan la yeelannay Madaxda Ethiopia ka dib laga soo daayay jeelal ku yaalla Ethiopia.

Iyaga oo aad u faraxsan ayaa basas looga qaaday gegida dayaaradaha Aden Cadde.

Dowladda Ethiopia oo shuruud la'aan ku aqbashay codsiga Madaxda Soomaaliya ayaan uga mahadcelinayaa gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dowlad-degaanka Ismaamulka Soomaalida.

Aad ayaan ugu farxay marka aan arkay sida ay dhallinyarada laga soo daayay xabsigu ay ugu faraxsan yihiin in ay dalkooda ku soo nabad laabteen.

Waxaa socda dadaal xoog leh oo ay Dowladda Soomaaliya u dhan tahay oo aan rajeynayo in uu mustaqbalka dhow u suurta geliyo Dowladdu in ay la soo wareegto Maxaabbiis Soomaaliyeed oo ku xiran dalal kale oo dhowr ah.

Wednesday 5 July 2017

Shir-Madaxeedka Midowga Afrika iyo Shir-Doceedyo

Shirka Golaha Wasiirrada IGAD oo aan uga qeyb galay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa uu ahaa shir-doceed dhinac socday laba maalmood oo shirka Golaha Wasiirrada dalalka ku bahoobay Midowga Afrika ay ku lahaayeen Xarunta Midowga.

Wuxuu shirka Afrika u gogol xaaray shir-Madaxeed laba maalmood u socday Midowga Afrika oo uu Soomaaliya matalayay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayna ka mid ahaayeen Xildhibaanno labada Aqal ee Baarlamaanka.

Shirar-doceedyo sida maaratoonka aan kala go’ lahayn ayaan la qaadannay qaar badan oo ka mid ah Madaxda shirka ka qeyb gashay.

In kooban haddii aan xuso, Madaxweynaha Djibouti, Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Madaxweyne ku Xigeenka Seychelles, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kenya, Djibouti, Ethiopia, Masar, Mauritius iyo Libya ayaa ka mid ahaa Madaxda aan uga warbixinnay marxaladda uu dalkeennu soo gaaray, yoolka aan higsaneyno iyo iskaashiga ka dhaxeeya ama ka dhexeyn kara Soomaaliya iyo dalalkooda.  Madax kale oo badan siyaabo kooban ayaan isugu aragnay miis qado, mid casho ama xilliga birifta iyagana waan u warbixinnay waxaana ka mid ah Madaxweynaha Rwanda, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Nigeria iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tanzania.

Waxaan si gooni ah uga wadahadalnay arrinta maxaabbiista Soomaaliyeed ee dalalka qaarkood ku xiran sida Seychelles, Ethiopia iyo Libya.

Waxaa kale oo aan wadahadal la yeelannay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga oo socdaal ku tegey Addis Ababa annaga oo isla soo qaadnay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labadeenna dal iyo arrimaha hadda ka taagan mandaqadda.

Madaxa Bankiga Afrika iyo Madax ka tirsan Midowga Afrika ayaan iyagana yeelannay wadahadal ku saabsan amniga iyo horumarinta dalka.

Xildhibaanno labada aqal ayaa nagu wehliyay kulammada qaar, kuwaas oo aan saaka markii aan ka soo toosnay Addis Ababa aan yeelannay kulan is-xog-wareysi ah oo ku dhammaaday is faham iyo in la iska kaashado howsha baaxadda weyn ee ku wajahan soo celinta iyo kor-u-qaadidda sharafta iyo karaamada ay Soomaaliya ku leedahay caalamka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa iyo Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed oo si wanaagsan u shaqeeyay saacado badan ayaa lahaa qabanqaadabada dhammaan kulammada aan ka qeyb galnay.  Howlwadeennada Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa iyaguna qeyb weyn ku geystay howlaha Addis Ababa nooga qabsoomay iyo diyaarinta daba-galkooda.

Intaa ka dib waxaan saaka Addis Ababa kulan kula qaadannay wakiillo ka socda ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalka Ethiopia oo Ra’iisal Wasaaraha uga warramay xaaladdooda,  una muujiyay taageero Xukuumadda uu horseedka ka yahay, isaguna uu ku baraarujiyay in ay iyagu yihiin mustaqbalka Soomaaliya.


Galabta markii aan nimid Muqdisho, waxaan Ra’iisal Wasaaraha iyo aniguba ka qeyb galnay shir uu Madaxweynuhu guddoominayay oo ay ka qey galeen mas’uuliyiin Qaran.