Total Pageviews

Saturday 29 July 2017

Kismaayo

Labada Madaxweyne ku Xigeen ee Jubbaland
Bishaan horraanteedii waxaan ka mid ahaa xubnaha Golaha Wasiirrada ee booqday magaalada Kismaayo.  Waxay ahayd go’aanka Ra’iisal Wasaaraha in Goluhu fadhigiisa Khamiislaha ah uu ku yeesho Kismaayo.

1995
Markii aan dib uga fekeray waxay ila noqotay markhaati in aan ka xasdayo Madaxda iyo dadweynaha Kismaayo haddii aanan bulsha weynta Soomaaliyeed la wadaagin wanaagga aan soo arkay.

Kismaayo markii iigu dambeysay waxay ahayd 2014 oo aan ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay garoonka dayaaradaha, saacado yar ka dibna waan ka soo laabtay.

Laakiin magaalada oo aan gudaha u galo waxaa iigu dambeysay 1995 markaas oo magaalada aan ku soo booqday General Morgan oo gudaha magaalada ka talinayay.

Waxay ahayd magaalo kooban, jawi colaadeed ku jirta.  Nolosheeduna ay hooseeyso inkasta oo markaas loo arkayay in ay soo yara kabaneyso.  

Markaas ka hor magaalada waxaa iigu dambeysay 1987 oo aan seexday Hotel Waamo oo ay lahayd Dowladdu. Wuxuu ahaa Hotel dalxiis oo ay maamusho Wasaaradda Dalxiisku.

2017
Miiskii ugu qurxoonaa ee tan iyo markii la magacaabay uu Golaha Wasiirradu shirkiisa ku qabto wuxuu ahaa miiskii yaallay guriga Martida ee Kismaayo.

Wuxuu yaallaa gudaha guriga Martida.  Waa guri ka kooban xero weyn oo oodan oo beero nasasho ku yaallaan, gudahana uu ka dhisan yahay guri weyn oo dhowr dabaq ah iyo kuwo yaryar.  Waxay xeradu kaabiga ku haysaa badweynta India oo jamalka keliya ayaa qeybiya guriga iyo badda.

Neecawda badda ka soo dhacaysa iyo hugunka ka baxaya hirka marka ay baddu kacsan tahay waxay ku geynayaan jawi dabacsan oo waxyaabaha qaar ku illowsiin kara.

Gurigaas iyo qalabka yaalla waxaa la ii sheegay in aan lagu dhisin lacag ajnabi bixiyay.  Waa mashruuc lagu hirgeliyay isku tashi iyo isku kalsoonaan.

Madax iyo dadweyne waxaa naloo muujiyay soo dhoweyn diirran, qaddarin iyo oggolaasho la oggol yahay lana weheshanayo Dowladda Soomaaliya.

Waxaan arkay madax is oggol, Madaxda Qaranka iyo Dowladda dhexe oo dhanna oggol.  Waxaan arkay Dowlad Goboleed garab iyo gaashaan u ah Dowladda Federaalka isuna aragta in ay iyadu ka mid tahay.

Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha, labada Madaxweyne ku xigeen, dhammaan Wasiirrada iyo ciidanka safnaa garoonka aan ka soo degnay ilaa iyo guriga Martida oo xarun KMG ah noo noqday.  Ciidankaasi waxay qorraxda iyo dhaxanta u taagnaayeen in ay ilaaliyaan Madax aanay toos u aqoon laakiin ay Dowladnimo ka dhinsanayaan.


Ugu dambeyn waan ka mahadcelinayaa xalwa Kismaayo haddiyad la ii siiyay.

No comments:

Post a Comment