Total Pageviews

Tuesday 30 May 2017

Maxaabbiista Soomaaliyeed ee Dibadda

Waxaa maalmahaan socda olole lagu dalbayo in ay Dowladdu u istaagto dhallinyaro Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalal shisheeye,  taas oo loo arko, ahna waajib Dowladda saaran.

Maaddaama uu ololuhu sii xoogeysanayo, mararka qaarkoodna ay ka hadlayaan
dhinacyo aan ahayn xog ogaal buuxa, ayaan goostay in aan soo bandhigo xogta hadda suurta-galka ah in aan la wadaago dadweynaha.  Waa dadaal ay waddo Dowladda Soomaaliya laakiin aan weli la soo geba gebeyn.

Waxaan shacabka ku wargelinayaa in aan billownay xiriirro dhowr ah oo ku saabsan dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalalka Ethiopia, Seychelles iyo India.

Ethiopia madaxdeeda ayaan la soo qaadnay mowduucan dhowaan markii aan booqannay Addis Ababa. 

Seychelles Wasiiru Dowlaheeda Arrimaha Dibadda ayaan wada qaadannay mid ka mid ah shan shir doceed oo aan gooni gooni ula yeeshay Wasiirro Arrimo Dibadeed isla halkii maalin ee shirka London uu socday.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles arrinta ugu weyn ee uu ila soo qaaday waxay ahayd nabadgelyada badda noo dhexeysa iyo wadashaqeynteenna mustaqbalka.  Ka dib markii aan uga warramay isbeddelka dalka ka dhacay, Aniguna arrinta ugu weyn ee aan ku soo qaaday waxay ahayd Maxaabbiis Soomaali ah oo ku xiran Seychelles.

India, Safaaradda Soomaaliyeed ee New Delhi iyo Xeer Ilaalinta Qaranku waxay qabteen Qareen u dooda mid kasta oo ka mid ah Maxaabbiista Soomaaliyeed ee ku jira xabsi ku yaalla Mumbai.  Safaaradda Soomaaliya waxaa kale oo ay u asteysay mid ka mid ah Diblomaasiyiinteedu in uu tago Mumbai oo 1400 km u jirta New Delhi mar kasta oo Maxkamad la soo taagayo mid ka mid ah boqol iyo dheeraadka Maxaabbiista Soomaaliyeed ah.

Waxay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu si joogta ah u heshaa Warbixinno kala gooni ah oo Qareenka Hindiga ah iyo Diblomaasiga Soomaaliga ahi ay u soo diraan hadba dacwaddu meesha ay mareyso ayaga oo isla markaana talo bixinaya tallaabada nala gudboon.

Maanta (Talaada) oo u dambeysay waxaan mowduucan fadhi ka yeelannay Wasiirka Garsoorka iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda taasoo ahayd markii labaad isla toddobaadkan, ka horna waxaan wadajir ula kulmay Agaasimaha Aasiya iyo Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.  Waxaa arrinta Maxaabbiista ku xiran India isla maanta ka wadahadlay Agaasimaha Aasiya iyo Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi.

Berrina waxaa jira dhowr kulan oo Muqdisho iyo New Delhi loo ballansan yahay mowduucan.

Waxaa diyaar ah oo labada dal ee Soomaaliya iyo India ay isku af garteen inkasta oo aan weli la saxiixan heshiis mabda’ ahaan Maxaabbiista la isu celinayo.

Laba ka mid ah Dowladaha Saddexda ah ee aan xusay Ethiopia, Seychelles iyo India waxaan isla meel dhignay in maxaabbiista Soomaaliyeed ee dalalkooda ku xiran lagu soo wareejiyo gacanta Dowladda Soomaaliya.  Dalka kale waxaa noo billowday xiriir aan ku rajo weyn nahay in aan ka miro dhalin doonno mar dhow.

Runtii dadaalka socda ee ku wajahan in Maxaabbiista dibadda ku xiran oo dhami ay gacanteenna soo galaan, ma ahan howlo saxaafadda lagu soo wada bandhigi karo maaddaama aanay soo geba-geboobin.

Hore waxaan ula kulmay wakiil ka socda Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas oo aan weydiistay in ay nala wadaagaan Maxbuus kasta oo Soomaaliyeed ee ay ka warhayaan in uu ku jiro xabsi shisheeye.

Shalay oo u dambeysay waxaan farriin ka helay saddexda Dowladood middood, farriintaas oo ah mid yididdiilo hor leh I gelisay.  Howshani hadba heerka ay mareyso ee in la sheego aanay wax u dhimi karin furdaaminta iyo marka ay geba-gebo tahay waan la wadaagi doonnaa dadweynaha Soomaaliyeed.

Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf uga mahadcelinayaa in uu fagaaraha caleema-saarka ee Cadaado uu ku ballanqaaday in uu bixin doono kharashka dayaaradda haddii dhallinyarada Soomaaliyeed ee India ku xiran loo soo celinayo Soomaaliya.

Waa go'aanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda kale ee dalku ay isla qaateen in ay muhiimad weyn ahaato sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee xabsiyada dalka dibaddiisa ku jira dib loogu soo celin lahaa gacanta Dowladdooda.

Waxaan hadda ku dabajirnaa Soomaali ku xiran Uganda, Sudan, Libya iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin dalal ku yaalla Afrikada Koofureed.

Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hammin kara ugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan ka qeybqaadashada burcad badeed ama fal dambiyeed kale oo ay xabsi ku mudan karaan nooc kasta oo uu yahay.  Taas macnaheedu ma ahan in aan ku tilmaamayo in dhallinyarada ku xiran Ethiopia, Seychelles iyo India ay yihiin dembiilayaal maaddaama arrintaasi ay u taallo Maxkamadaha.

Friday 26 May 2017

Socdaalka Madaxweynaha

Intii aan xilka Wasiirnimo hayay waxaan u dhoofay safarro shaqo oo dhowr ah.  Marka laga reebo shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Afrika ay isugu yimaadeen oo aan uga qeyb galay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, waxay safarradeydu ahaayeen qaar aan Madaxweynaha u raacay safarro shaqo iyo Booqasho Qaran oo uu ku tegey dalal dhowr ah.

Waxaan tagnay Abu Dhabi, Ankara iyo Antalya oo ah dalka Turkiga, Addis Ababa, London, Riyadh, Djibouti iyo Dooxa.

Waxaa ka horreeyay safar uu Madaxweynuhu ku tegey Nairobi ka hor inta aan la ansixin Xukuumadda.

Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa faahfaahin ku saabsan ujeeddada safaraddaas, sababta keentay in uu Madaxweynuhu baxo intii ay Wasiirro bixi lahaayeen, waxa hadda ku soo beegay iyo kharashka ku baxay inta uu le’eg yahay. 

Maxaa kallifay Safarradan?

Laga billaabo markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii 8-da Febraayo, Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa ay kalsooni weyn u muujiyeen Hoggaanka dalka. Sidoo kale waxaa aad loo soo dhoweeyay magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha iyo dhismaha Xukuumadda.  Waxayna dadweynaha Soomaaliyeed ka dhowrayaan waxqabad la taaban karo.  Kaas oo u baahan dadaal iyo xiriir wanaagsa oo lala yeesho dalalka u heelan Soomaaliya.

Haddana marka ay Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirradu xilka ay la wareegeen laguma wareejin maaliyad ay ku shaqeeyaan.  Meelaha qaar waxaaba lagu wareejiyay deymo iyo qaansheegad.

Dhinaca kale, Taageerada dadweynaha waxay iyaduna dhiirri gelin u noqotay dowladaha aan saaaxiibka nahay oo waxay gelisay yididdiilo hor leh in ay Soomaaliya horumar ku tallaabsan karto maaddaama ay dhalatay Dowlad haysata shacbiyad xoog leh.

Markaas waxaa khasab noqotay in Hoggaanka Sare ee dalku uu booqdo dalalkaas si Madaxdooda loogu fasiro isbeddelka dalka ka dhacay, siyaasadda dowladda iyo fursadda ay Dowladdu u haysato in ay nabadgelyada sugto, shaqo u abuurto dhallinyarada, korna u qaaddo dhaqaalaha dalka.

Maxaa Madaxweynuhu u safrayaa miyaan Wasiirradu qaban karin howsha?

Booqashada Madaxweyne waxay leedahay maqaam iyo muhiimad ka sarreysa midda Wasiirrada.  Madaxweyne waxaa qaabbila oo uu wadahadal la yeeshaa hadba mas’uulka ugu sarreeya dalka uu booqanayo.

Marka ay booqashada Madaxweynuhu irdaha u furto iskaashi iyo wax wadaqabsi oo ay labada Hoggaamiye ay is fahmaan ayay Wasiirradu halkaas ka sii amba qaadaan meelmarinta iyo ka miro dhalinta mashaariicda la isla meeldhigay.

Mida kale, mar kasta oo uu safrayo Madaxweynuhu waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirro wadahadal faahfaahsan la yeesha dhiggooda hadba dalka la booqanayo.

Intaa ka dib wixii hirgelin iyo dib u eegid qodobada lagu heshiiyay ah waxaa meelmariya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta iyo hadba Wasaaradda ay si gooni ah u khuseeyo heshiisku.


Maxaa noo qabsoomay?

Kenya
Waxaa la isku afgartay in la sahlo isu socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada dal. Waxaa la isla gartay in la joojiyo dhaqankii ahaa in dullimaadyada ka yimaada Soomaaliya loo weeciyo Wajeer, taas oo hirgashay noqotayna mid si weyn u sahashay isu socodka.  Waxaa kale oo la isla gaaray in baasabboorrada diblomaasiyiinta, madaxda iyo shaqaalaha Dowladdu ay fiisada ka qaataan marka ay yimaadaan Nairobi.

Waxay Kenya ballanqaadday in ay deeqa waxbarasho iyo tababbarro ay u fidiso 200 oo Macallin, 200 oo Kalkaaliyayaal caafimaad ah iyo 100 shaqaalaha Dowladda ah.


Ethiopia
Dowladda Ethiopia waxaan u wadahadalnay si saraaxi ah oo saaxiibtinnimo dhow ah.  Waxaan Ethiopia isku afgarannay in aan iska kaashanno danaha labada dal annaga oo ku shaqeyneyna is-ixtiraam iyo is-qaddarim siman.

Waxaa lagu heshiiyay wadashaqeyn dhow oo xagga amniga, socdaalka, ganacsiga xuduudaha isaga gudba iyo dhinacyo kale. 

Waxaa la isku afgartay in guddi farsamo loo saaro biyaha webiga Shabeelle iyo in la dhiso gudiga xuduudaha labada dal ay wadaagaan si looga baaqsado dhibaatooyin xagga amniga ah oo ka dhaca degaannada la teedsan soohdinta iyo si loo unko rugo hor leh oo soohdinta ku yaalla oo dal-ku-gal laga qaadan karo si marka loo baahdo looga tallaabi karo soohdinta si sharci ah. 

Ethiopia waxay ku deeqday deeq Waxbarasho oo 500 oo arday oo Soomaali ah ay u fidineyso waxbarasho Jaamacadeed oo isugu jirta heerarka kala duwan ee Jaamacadda oo ay ka mid tahay shahaaddada ugu sarreysa ee Jaamacad laga qaato.

Waxaa la isku af gartay in la dhiso Guddi heer Wasiir ah oo ka shaqeeya iskaashiga labada dal oo ay hoggaaminayaan Wasiirrada Arrimaha Dibaddu. 

Labada dowladood waxay ka wada hadleen dardar gelinta heshiiska suuqa ganacsiga geeska Afrika.

Midowga Afrika
Madaxweynuhu intii uu joogay Addis Ababa wuxuu booqday xarunta Midowga Afrika halkaas oo uu wadhadal kula yeeshay Guddoomiyaha oo ay AMISOM hoos tagto.

Madaxweynuhu arrimaha uu la soo qaaday Midowga Afrika waxaa ka mid ah in Xilalka sarsare ee Midowga Afrika loo tixgeliyo murashixiin Soomaaliyeed maaddaama qoondada ay Soomaaliya leedahay aan la buuxin.


Djibouti
Waxaa lagu heshiiyay in la iska kaashado arrimaha amniga badaha labada dal iyo sii wadidda tababarada kala duwan ee la siiyo booliska Soomaaliyeed gaar ahaan dembi baarista iyo nidaamka casriga ah ee booliska dunida u shaqeeyo.

Intii aan joognay Djibouti waxaan ka qeyb galnay xafladda furitaanka Dekedda Doraleh ee Jamhuriyadda Djibouti.  Waxaa xusuus mudan in dekedda oo ay wadajir u dhagaxdhigeen Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra'iisal Wasaare Saacid Shirdoon markii uu xilka hayay ay hadda wadajir u fureen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Muddadii ka yarayd 24-ka saacadood ee aan joognay Djibouti, walaalheen Djibouti waxay Madaxweyne Farmaajo ku martiqaadeen in hadal ka jeediyo Baarlamaanka Jamhuriyadda Djibouti. Halkaas waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Qaranka Djibouti.  Khudbaddiisa ka dibna dhammaantood waa ay istaageen ayaga oo sabcinaya.

Labada Wasiir ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa loo xilsaaray ka miro dhalinta is afgaradka la gaaray, daba-galka heshiisyadii hore iyo curinta heshiisyo hor leh oo ay iska kaashadaan labada Dal ee walaalaha ah.

Turkey
Labada dal waxaa ka dhexeeya xiriir dhow iyo iskaashi xagga mashaariicda horumarinta ah.  Labada dhinac ayaa ka wada hadlay in xiriir ganacsi uu dhex maro iyo in Soomaaliya loo oggolaado waxyaabaha dalka laga soo saaro in ay u dhoofiso dalka Turkiga.  Waxaa kale oo laga wada hadlay arrimaha waxbarshada gaar ahaan ardayda wax ku barata dalka Turkiga iyo aqoonsiga Jaamadaha Soomaaliya.  Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaadday in ay samanayso goob ganacsi xor ah si ganacsatada Turkigu u maalgashadaan Soomaaliya.

Turkigu wuxuu ballanqaaday mashaariic ah xagga Beeraha, ka hortagga fatahaadda webiyada, dhismaha kannaallo cusub, waraabka beeraha iyo cilmi baaris abaaraha soo noqnoqda iyo sidii looga gaashaaman lahaa.

Qadar
Dowladda Qadar waxay ballanqaadday in ay kabto miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.  Waxay ku deeqday in ay gacan naga siiso barnaamijyo ay ka mid yihiin qaar caafimaad iyo kuwo waxbarasho.

Doha oo aan saaka ka soo ambaxnay intii aan joogay wuxuu Madaxweynuhu xalay kula hadlay, su'aalahoodana uga jawaabay, talooyinna uu ka dhegeystay dhowr boqol oo Soomaali ah oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee Qadar.


Sucuudiga
Wuxuu soo dhoweeyay mabda’ ahaan in uu gacan ka geysto mashaariic horumarineed oo ay ku jiraan dhismaha kaabayaal dhaqaale iyo in uu maalgeliyo mashaariic shaqo u abuurta kumanyaal Soomaali ah.

Sidoo kale waxaan Sucuudiga isku afgarannay iskaashi xagga amniga, xag tababbar iyo qalabeyn ciidanka ah.

Mashaariicda ay Boqortooyada Sucuudigu ballanqaadday waxaa ka mid ah dauactirka Waddooyin, dhismaha Airport cusub iyo dib-dhiska dhismayaasha  dhowladda mashaariic kale oo ay ka wadahadli doonaan guddi labada dhinac ah.

Dhowaan waxaa socdaal ugu bixi doona dalka Sucuudiga wafdi ka kooban Wasiirro iyo xirfadlayaal si ay isula gorfeeyaan mashaariicda uu Sucuudigu maalgelinayo, goobaha ay noqonayaan iyo goorta ay billaabanayaan mashaariicdu.

Amniga xagga tababbarada iyo qalabeynta ciidanka.

Imaaraadka Carabta
Waxaa la isla gartay in ay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay tahay lama taabtaan, mas’uulna ay ka tahay Dawladda Federaalka Soomaliya oo arrin kasta oo dalka ku saabsan lagala xaajoonayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay Dowladda Federaalku ay qirtay in ay dooneyso welibana ay dhiirri gelineyso horumarinta Gobollada iyo Degmooyinka uu dalku ka kooban yahay.

 Imaaradka Carabtu wuxuu ballanqaaday in uu gacan ka geysto miisaaniyadda Dowladda iyo in la iska kaashado tababbarka iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed.

Muxuu le’eg yahay kharashka ku baxay Safarradan?

Marka laga reebo safaradii Nairobi iyo Addis Ababa oo ay Soomaaliya la baxday kharashka dayaaradda oo keli ah, intaas oo safar ee aan galnay iyo intaas oo howl u qabsoontay Qaranka Soomaaliyeed haddana ma jiraan wax kharash ah oo ka baxay khasnadda Dowladda Soomaaliya.

Safarradaas hal dollar ugama bixin Dowladda.

Safarrada aan xusay dhammaantood waxay ahaayeen kuwo dayaarad, hotel, raashin iyo socodka gaadiidka dhulka intaba ay ku deeqeen dalalka aan booqannay.

Safarrada Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay ahaayeen kuwo horseed u noqday iskaashi, isqaddarin iyo wax wada qabsi si-siaman oo uu shacabka Soomaaliyeed u aayi doono.

Monday 22 May 2017

Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad


Maanta waxaan booqday Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad, dalka Sucuudiga.  Booqashada waxaa igu wehliyay Wasiirka Amniga, Maxamed Abuukar Islow, waxaana na soo dhoweeyay Danjiraha Daahir Maxamuud Geelle.

Fadhi aan la qaadannay Diblomaasiyiint, howlwadeennada iyo shaqaalaha Safaaradda waxaan uga warrannay isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay ee uu horseedka ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo barnaamijka Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa kale oo aan ka wadahadalnay wadashaqeynta ay Safaaraddu la leedahay caasimadda iyo adeegyada ay Safaaraddu u fuliso Soomaalida Sucuudiga iyo sidii labadaba sare loogu qaadi lahaa.

Intaa ka dib waxaan mid mid u qaabbilay oo is xogwareysannay qaar badan oo ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda.

Waxaa kale oo aan la kulmay Soomaali ay safaaraddu u fulineysay adeegyo kala duwan.  Gabar ka mid ah Soomaalida ay safaaraddu u adeegeysay oo ka soo jeedda Somaliland way ila dardaarantay wayna i ehbisay.  Waxay i xusuusisay in Ilaaheey hortiisa la isku xisaabin doono ayna waajib nagu tahay in aan umadda u adeegno, wax u qabanno, colaaddana ka saarno.  Waxaan u ballanqaaday in aan taas ku shaqeyn doono.

Safaaradda waxaaan kala soo noqday guud ahaan cabbir wanaagsan iyo Soomaali waddaniyiin ah oo shaqo wanaagsan dalkooda u haya.

Hore waxaan u booqday Safaaradaha Soomaaliya ee Abu Dhabi iyo Nairobi.