Total Pageviews

Monday, 22 May 2017

Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad


Maanta waxaan booqday Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad, dalka Sucuudiga.  Booqashada waxaa igu wehliyay Wasiirka Amniga, Maxamed Abuukar Islow, waxaana na soo dhoweeyay Danjiraha Daahir Maxamuud Geelle.

Fadhi aan la qaadannay Diblomaasiyiint, howlwadeennada iyo shaqaalaha Safaaradda waxaan uga warrannay isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay ee uu horseedka ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo barnaamijka Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa kale oo aan ka wadahadalnay wadashaqeynta ay Safaaraddu la leedahay caasimadda iyo adeegyada ay Safaaraddu u fuliso Soomaalida Sucuudiga iyo sidii labadaba sare loogu qaadi lahaa.

Intaa ka dib waxaan mid mid u qaabbilay oo is xogwareysannay qaar badan oo ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda.

Waxaa kale oo aan la kulmay Soomaali ay safaaraddu u fulineysay adeegyo kala duwan.  Gabar ka mid ah Soomaalida ay safaaraddu u adeegeysay oo ka soo jeedda Somaliland way ila dardaarantay wayna i ehbisay.  Waxay i xusuusisay in Ilaaheey hortiisa la isku xisaabin doono ayna waajib nagu tahay in aan umadda u adeegno, wax u qabanno, colaaddana ka saarno.  Waxaan u ballanqaaday in aan taas ku shaqeyn doono.

Safaaradda waxaaan kala soo noqday guud ahaan cabbir wanaagsan iyo Soomaali waddaniyiin ah oo shaqo wanaagsan dalkooda u haya.

Hore waxaan u booqday Safaaradaha Soomaaliya ee Abu Dhabi iyo Nairobi.

Monday, 8 May 2017

Muqdisho iyo Kigali - Shalay iyo Maanta


1995 Waxaan isu maray Muqdisho iyo Kigali.  Muqdisho waxay ku sugnayd xaalad aad u qallafsan.  Waxay ahayd Dowlad la’aan.  Waxay u kala qoqobnayd hoggaamiyayaal dhowr ah oo mid kastaa uu isku darsaday hub, indha’adeyg, qabiil “weyn” iyo siyaasad.

Wax kasta oo sharci darro ah waad filan kartay in lagaaga  sheekeeyo, hortaada ay ka dhacaan amaba ay adiga kugu dhacaan.  Filan waa’ ma jirin marka laga reebo sharciyad.

Nin ama ka badan qori sita oo waddada la maraya ama meel la yuurura in aad aragto la yaab ma lahayn.  Xataa baabuur xawaareynaya oo uu ku dul rakiban yahay qori lidka dayaaradaha ah asii hadda loo sito in xataa hal qof lagu dilo waxay ahayd muuqaalka joogtada ah ee magaalada.

Waddo dayactiran ma jirin.  Waddo dhinaca saxda ah keliya loo maraa ma jirin.  Waddooyinka qaarna lamaba mari karin amni darro darteed.

Dhismayaasha magaaladu waa ay burbursanaayeen siiba guryaha iyo xafiisyada dowladda iyo kuwa xaafadaha ay reer Xamarkii hore ay u yaqaanneen magaalada hoose.

Kigali 1995


Gegida dayaaradaha Kigali waxay ahayd dhismo aad u yar oo guri qof deggan yahay aad mooddo. Nin miis yar oo gaaban gadaashiisa kursi ku fadhiyay markii aan baasabboorkeyga Soomaaliga ah u dhiibay dhowr bog ayuu midba mar rogay ka dibna wuu ii soo taagay.  Wuxuu ii raaciyay – ma taqaan Raaqiya Oomaar?

Raaqiya waxay berigaas ku caan ahayd daafaca xuquuqda aadanaha siiba Soomaaliya iyo Rwanda. Waxay mar Madax ka ahayd hey’ad caalami ah oo xuquuqda aadanaha daafacda.  Ka dibna mid kale ayay iyadu wax ka sameysay Madaxna ka noqotay.

Ma hubo in Omaar iyo Omar ay isula yara ekaadeen iyo in uu Soomaalinnimada ii weydiiyay, waxaanse ugu jawaabay haa oo Raaqiya waan aqaan.  Ka dibna wuxuu ii fasaxay in aan gudaha u galo dalkiisa.

Garoonku wuxuu ahaa mid aan dayaarado badani joogin imaanna.  Dayaarad Qarammada Midoobay ay leedahay ayaan raacay.

Hoteelka aan ku degey wuxuu ahaa labadii markaas magaalada ugu “wanaagsanaa” midkood.  Xaalkiisu ma ahayn mid lagu tilmaami karo hotel caasimadeed.

Waxay magaaladu la murugeysnayd gumaadkii qorsheysnaa ee ugu yaraan 800,000 (Siddeed boqol oo kun) oo ruux lagu dilay 100 maalmood gudahood.

Meel kasta waxaa lagu iibinayay kabo aan cusbeyn oo aad u tiro badan.  Waxaa la ii sheegay in ay yihiin kabaha dadkii la dilay.

Dad ayaa muslimayay bil kasta.  Sababta waxaa la iigu sheegay in ay soo jiidatay sida ay dadkii Muslimiinta ahaa ee reer Rwanda ay u daafaceen muslimiintii ka dhashay qowmiyadda ay tooda colka ahaayeen.

Masjidkii ugu weynaa ee lagu daafacay dadka oo dakharradii weerarku ay ka muuqdaan ayaan booqday.

Dhismayaasha qaarkood weliba xafiisyo ah marka aad gasho waxaad indhahaaga iyo sankaaga si weyn ugu dareemi kartay in nafleey lagu dhex dilay.

In aad aragto askar qoryo sidata oo baareysa baabuurta waddada mareysa ma ahayn wax lala yaabo.  Maalinjoog aan u tagnay magaalada quruxda badan ee Gisenyi oo ku baal taalla harada Kivu ee kala qeybisa Rwanda iyo Congo ayaa habeenkii markii aan ku soo laabannay Kigali waxaan nimid magaalada oo ciidan badani uu tuban yahay waddooyinka.  Aad ayaana naloo baaray. 

Waxaan ka warhelnay hoteelkii Gisenyi ee aan maalinjoogga u tagnay in la soo weeraray oo la dilay qaar ka mid ah shaqaalihii noo adeegayay.   Nasiib wanaag in aan diiday talada ay soo jeediyeen qaar ka mid ah saaxiibbada Soomaaliyeed ee igu martiqaaday goobta taas oo ahayd in aan seexanno Gisenyi weliba isla hoteelka ku ag yaallay harada.  Talo ay hore khubaro ii siisay inta aanan London ka amba bixin ayaa ahayd meel aan Kigali ahayn in aanan ku hoyan.


2017

Toddobaadkan ayaan mar kale isu maray Muqdisho iyo Kigali.  Muqdisho waxay yeelatay Dowlad.  Waxay yeelatay kala dambeyn ilaa xad ah.  Waddooyin dhowr ah ayaa la dayactiray.  Waddooyinka waaweyn badankood nal ayay leeyihiin. Dhowr dhisme oo waaweyn asaan dowladdu lahayn ayaa soo baxay.

Duq magaalo iyo ku Xigeenno ayay yeelatay, kuwaas oo magaalada oo dhan canshuur ka qaata.

Xamar aragtayaaba qori aragtay. Garoonka dayaaradaha, fatashka waddooyinka, xafiisyada, hoteellada, baabuurta la carareysa madaxda iyo xataa baabuur askareed oo iskood u socda intuba waxay ka mideysan yihiin AK 47 iyo ama dabajeex waxayna ka mid yihiin nolol maalmeedka Muqdisho.

AMISOM iyadu waxay sidataa qoryo kuwaas ka culus.

Dayaarado aan yareyn ayaa taga laakiin midkoodna ma sidato magaca Qaranka.

Hoteelka aan degey (bidix) & Hoyga Shirarka Kigali (midig)
Labada magaalaba waxay ku tallaabsadeen horumar.  Waana wax lagu farxo.  Laakiin heerka ay berigaas joogeen marka la barbardhigo midka ay maanta marayaan waxaan dareemayaa in Muqdisho laga dheereeyay.

Amniga, waddooyinka, nalalka, dhismaha, nadaafadda, dhirta iyo cagaarka iyo nidaamka gaadiidka loo kala hagayo, Kigali waxay ku tallaabsatay horumar weyn.

Ujeedid la’aanta qoryaha ayaa iyaduna ah wax aan aad uga helay Kigali gudaheeda.

Hotel ay deggan yihiin Wasiirro badan oo Afrikaan ah ayaan iridda hore ee laga soo gelo oo qiyaastii dhowr boqol oo tallaabo u jirta dhismaha hoteelka aan ku arkay askari qori sita.   Sidoo kale irirdka hore ee gegida dayaaradaha.

Laakiin xataa markii qol aad u weyn oo aan shir ku lahayn uu soo galay Madaxweyne Kagame oo maalinta inteeda badan uu nala joogay ma arag askari lebbisan iyo mid qori muuqda sita.

Hotelka aan ku degay xag dhisme iyo nadaafad wuu ka sarreeyay qaar badan oo Yurub ku yaal.

Waxaan Kigali ku imid Rwandair oo ah sharikadda dayaaradaha ee Rwanda.

Hadda Madaxda Rwanda waxaa ay ka hadlayaan waa sidii qaaraddan Afrika loo horumarin lahaa.  Shirka ay marti-geliyeen wuxuu ku saabsanaa dib u habeynta Midowga Afrika taas oo uu horseed ka yahay Madaxweyne Kagame.  Waxaa la isaga yimid Afrika oo dhan – Bari, Galbeed, Woqooyi, Koofur iyo Bartamaha.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame wuxuu yiri, Rwanda-da aad maanta aragtaa ma aha mucjiso, waa natiijada howl badan oo adag oo la qabtay.

Waxaan ku kalsoon ahay in maamulka cusub ee Gobolka Banaadir iyo caasimaddeenna Muqdisho ay wax badan oo wanaagsan soo kordhin kari doonaan mustaqbalka.

Thursday, 4 May 2017

Soomaaliya iyo Ethiopia - Billow Wanaagsan

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa booqasho Qaran oo qaadatay 24 saacadood ku tegey dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran oo ugub ah gegida dayaaradaha ee Addis Ababa ugu soo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desaleng oo ay salaanta calanka wadajir uga qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka salaam-sharafta Ethiopia.  Soo dhoweynta oo ballaarneyd waxaa ka qeyb qaatay Wasiirro, Danjirayaasha shisheeye ee fadhigoodu yahay Addis Ababa iyo Midowga Yurub, fannaaniin iyo dadweyne.

Gegida dayaaradaha iyo waddooyinka waaweyn ee Addis Ababa waxaa la suray labada calan ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisu wadahadal la galeen Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Soomaaliya wuxuu ka mahadceliyay soo dhoweynta iyo ciidammada Ethiopia ee ka midka ah ciidammada AMISOM.

Wafdiga Soomaaliya wuxuu sheegay in ay Dowladda Federaalka ahi soo dhoweyneyso horumarinta gobol kasta oo Soomaaliyeed, wuxuuse xusay wafdigu in loo baahan yahay in aan horumarintaasi aanay noqon mid wiiqi karta Madaxbannaanida  iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desaleng isaga oo aan ka leexleexan innabana aan shaki gelin wuxuu qiray in Ethiopia ay aqoonsan tahay marnahabana aanay tuhun gelineyn Madaxbannaanida iyo wadajirka dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Dowladda Ethiopia ay arrimaha siyaasadda dibadda u aragto in uu mas’uuliyaddeeda koowaad leeyahay Madaxweynuhu, sidoo kale Difaaca, Amniga, Socdaalka iyo Dhaqaalahaba.  Sidaa darteed waxay Ethiopia kala xaajoon doontaa oo ay u soo mari doontaa ayuu yiri Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wuxuu bixiyay ballanqaadyo ay ka mid tahay deeq waxabarasho oo Ethiopia ay u fidineyso 500 oo arday oo Soomaali ah.  Waxbarashadaas Jaamacadeed waxay isugu jirtaa heerarka kala duwan ee Jaamacadeed oo ay ka mid tahay PhD.

Labada Hoggaamiye waxaa ay isla qireen in labada dal ee deriska ah, Soomaaliya iyo Ethiopia ay wax badan wadaagaan danahooda amni iyo kuwa horumarna ay isa saameyn weyn isku leeyihiin. Taas ayaana khasab ka dhigeysa ayay yiraahdeen iskaashi daacad ah oo labada Dowladood dhex mara.

Xildhibaanno laga soo doortay degaanno ku yaalla soohdinta ka dhexeysa Soomaaliya iyo Ethiopia oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad-Degaanka Soomaaliyeed ee Ethiopia, Cabdi Cumar.

Waxay talooyin iyo isafgarad ka gaareen sidii wax looga qaban lahaa arrimaha Amniga iyo socdaalka ee degaannada la teedsan labada dhinac ee soohdinta.

Waxaa kale oo la isla soo qaaday biyaha webiga Shabeelle.  Taas waxaa la isla gartay in loo xilsaaro Guddi farsamo oo labada dhinac ah.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ku tegey dalka Ethiopia wuxuu dhabbe u falay wada shaqeyn iyo iskaashi nooc hor leh oo wanaagsan oo dhex mara Soomaaliya iyo Ethiopia kaas oo ku qotoma is qaddarin iyo wada faa’iideysi siman.

Si taas looga dhabeeyo looguna beddelo ficil, waxay labada hoggaamiye  go’aamiyeen in la sameeyo guddi laba-geesood ah oo ay horseed ka yihiin labada Wasaaradood ee Arrimaha Dibadda oo joogto u kulma isla markaana meel mariya qodobbada la isla soo qaaday oo dhammaantood laga gaaray isfaham buuxa.

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku sagootiyay gegida dayaaradaha ee Addis Ababa.

Wafdiga Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada wuxuu la soo laabtay rajo iyo yididdiilo uu ka qabo xiriirka labada dal ee mustaqbalka oo uu u arko in uu cagta saaray waddo cusub oo lagu tilmaami karo billow wanaagsan. 

Monday, 1 May 2017

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka


Maanta (Isniin) waxaan madaarka Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Jarmalka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sigmar Gabriel oo booqasho maalin ah ku yimid dalkeenna.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa hoggaaminayay wadahadalkii dhex maray Soomaaliya iyo wafdiga Jarmalka.

Waxaa la isla soo qaaday xiriirka labada dal, xaaladda ugu dambeysay ee abaarta, amniga iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre, waxaa uu si goonniya u tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kaalmada Soomaaliya la siiyaa ay noqoto mid dalka ka muuqata.


Wuxuuna Dowladda Jarmalka weydiistay in ay noqoto codka codka Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Muqdisho ka dib, wafidiga Jarmalku waxaa uu booqday Baydhaba oo ka mid goobaha ay u barakaceen dadka ay abaaruhu waxyeelleeyeen.