Total Pageviews

Friday 28 April 2017

Kulan Mevlüt Çavuşoğlu

Galabta waxaan kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu.  Waxaan ka wadahadalnay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dardar gelinta taageerada Dowladda Turkigu ay u fidiso Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, tababbarrada iyo waxbarashada iyo qodobbo kale oo khuseeya iskaashi dhinacyo hor leh.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Antalya oo uu maanta ka furmay Shirka Iskaashiga Beeraha ee Afrika iyo Turkiga waxaa dhinaca Soomaaliya goob joog ka ahaa Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, Cabdulqaaddir Maxamed Nuur iyo Agaasimaha Waaxda Badaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Abubakar M. Abubakar oo hadda si ku meel gaar ah u haya Madaxa Xafiiska Wasiirka.  Labada mas'uul ee shirka igala qeyb galay waxay labaduba ku hadlaan afka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta (Khamiis) khudbad qiimo leh ka jeediyay furitaanka shirka oo ay ka qeybgelayaan kontameeyo Wasiir oo Afrikaan ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid.

Monday 24 April 2017

Danjirayaasha Jarmalka, Talyaaniga iyo Imaaraadka

Maanta waxaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda midba mar shir ugula yeeshay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Carlo Campanile iyo Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjirayaasha waxaan kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ay la leedahay Talyaaniga tan gobonimadii iyo Imaaraadka Carabta tan iyo xilligii Shiikh Zayed.

Labadan Danjire iyo Danjiraha Jarmalka u qaabbilsan Soomaaliya Jutta Frasch oo aan goobjoog ka ahaa kulan uu Ra’iisal Wasaaruhu kula yeeshay Madaxtooyada markii dambena aan qado-shaqo kula yeeshay mid ka mid ah Hoteellada Muqdisho ayaan ka wadahadalnay qodobbo dhowr ah oo waxtar u leh xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Talyaaniga, Imaaraadka Carabta iyo Jarmalka.

Qodobbada aan Saddexda Danjire kala hadlay waxaa ka mid ah isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, soo dhoweynta shacabka iyo saameeynta uu isbeddelkaasi ku yeelan karo dalka haddii uu taageero la taaban karo ka helo dalalka aan saaxiibka nahay.

Waxaan xusay in Dowladda cusub ay ka go’an tahay in ay la dagaasho  musuqmaasuqa, taas oo faa’iidooyikeeda kale ka sokow, aan rajeyneyno in ay dhiirri geliso in dalalka aan saaxiibka nahay sida Jarmalka, Talyaaniga iyo Xubnaha Midowga Yurub iyo Imaaraadka Carabtu ay sii kordhiyaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya.

Waxaan xusay in maaddaama ay dhallinyaradu tahay tirada ugu badan ee bulshadeenna ay lagama maarmaan tahay shaqo abuur ka sokow in aan damacsan nahay in aan kor u qaadno tirada fursadaha deeqaha waxbarasho ee ay u tartami karaan.  Danjiryaashu si guud ayay u soo dhoweeyeen codsigaas.  Su'aalo soo baxay ka dibna, waxaan xusay in ay Dowladdu ay ku shaqeyneyso in ardayda la siinayo deeqaha Waxbarasho ay ahaan doonaan kuwa ugu wanaagsan xagga natiijada imtixaanaadka.

Hore ayaan Wasiirka Waxbarashada uga wadahadalnay in aan wadajir u goobno fursado waxbarasho kuwaas oo dabcan haddii la helo noqon doona kuwa ay Wasaaradda Waxbarashadu maamusho.

Tababbarka Howlwadeennada Wasaaradda ayaa ahayd mowduuc aan kala hadlay Danjirayaashu in ay Macaahiddoodu Diblomaasiyaddu ay tababbarro u fidiyaan shaqaalaha Wasaaradda.

Qodob kale oo Danjirayaasha aan la socodsiiyay ayaaa ahaa in aan xoojineyno Waaxda Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda si ay Danjirayaasha Ajnebiga ah iyo wufuudda ugu fududeyso xiriirkooda laamaha Dowladda iyo dalka oo dhan.

Waxaan u sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu, iyada oo la kaashaneysa Wasaaradda Warfaafinta iyo laamaha kale ee Dowladda ay ballanqaadeyso in Dadweynaha Soomaaliyeed lala socodsiiyo Dowlad kasta oo taageero waxtar leh u fidisa ummadda Soomaaliyeed iyo Dowladdeeda.

Kulammada ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimayaasha Yurub iyo Dalalka Carabta.

Saddexda Danjire waxaan mid kasta ka wadahadalnay xiriirka labadeenna dal.

Talyaaniga


Danjire Campanile waxaan uga mahadcelin iskaashiga ay Dowladda Talyaanigu la leedahay Soomaaliya.  Waxaan ka wadahadalnay deeqaha Talyaanigu bixiyo ee soo mara Qarammada Midoobay iyo doorka ay Dowladda Soomaaliya ku lahaan karto hagiddooda iyo qiimeyntooda.

Waxaan ka wadahadalnay qabaqanqaabada Booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegi doono dalka Talyaaniga mustaqbalka dhow.

Waxaan xusuusiyay Danjiraha Talyaaniga sida ay Soomaaliya uga faa'iideysatay mshaariicda uu Talyaanigu ka fuliyay Soomaaliya oo ay ka mid tahay waddada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe. Waxaanna Danjiraha u sheegay in maaddaama ay Soomaaliya ka soo kabaneyso colaad ay hadda baahi weyn u qabto mashaariic horumarineed.

Waxaa uu Danjiruhu si kaftan ah wax iiga weydiiyay in uu maqlay in aan Talyaaniga wax ku bartay waxaanna uga warramay waxbarashadii aan ku qaatay magaalada Sienna ee dalka Talyaaniga.  Waxaan u sheegay in aan Dowladda Talyaaniga abaal uga hayo deeqda waxbarasho ee ay aniga iyo kumanyaal Soomaali ah u fidisay taas oo aan xusay in aan maanta aad ugu baahi qabno.


Imaaraadka Carabta – UAE



Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi waxaan uga mahadceliyay sidii wacnayd ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo aan ka mid ahaa loogu soo dhoweeyay Abu Dhabi, fadhiyadii aan la yeelannay Madaxda dalka iyo ballanqaadkii waxqabad ee ay sameeyeen.

Waxaan si gaar ah uga mahadceliyay Barnaamijka deeq ururinta ee Jimcihii ka dhacay Imaaraadka Carabta ee dalka oo dhan looga ururiyay deeq samafal ah oo loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu asiibtay.

Danjiraha waxaan isla qirnay in ay Dowladda Soomaaliya tahay Dowladda Sharciga ah ee dalka oo dhan matasha isla markaasna ay iyadu tahay iridda sharciga ah ee laga soo galo dalka.  Waxaan intaa u raaciyay in Dowladdu ay soo dhoweyneyso horumarinta gobol kasta oo dalka ka mid ah, welibana ay u fududeyneyso Dowladdii dalka ka fulineysa mashruuc horumarineed, iyada oo la dhowrayo Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya isla markaasna laga fogaanayo fal kasta oo taas wax u dhimi kara.


Jarmalka


Danjiraha Jarmalka uga wakiilka ah Soomaaliya, Jutta Frasch, ayaan ka qeyb galay kulan uu Ra’iisal Wasaaruhu kula yeeshay Xafiiskiisa.  Ka dibna waxaan la qaatay qado-shaqo.

Danjiraha waxaan isla soo qaadnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka isla markaasna aan isu weydaarsan lahayn booqashooyin Madax Sare oo labada dhinac ah.

Qadada waxaan uga dul sheekeysannay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka iyo sida aan u aragno in dalalka aan jaarka nahay uu isku xiran yahay amnigeenna iyo horumarkeennu.

Tuesday 18 April 2017

Danjirayaasha Turkiga iyo Sweden ee Muqdisho

Waxaan maanta gooni gooni ugu qaabbilay Xafiiskeyga Danjiraha Turkiga ee fadhigiisu yahay Muqdisho Olgan Bekar iyo Danjiraha Sweden ee fadhigiisu yahay Muqdisho Mikael Lindvall.

Danjiraha Turkiga waxaan uga mahadceliyaya taageerada Turkigu siiyo Soomaaliya oo aan u sheegay in ay tahay mid ummadda Soomaaliyeed ay raalli ka tahay abaalna ay uga hayso.

Danjiraha waxaan ugu hambalyeeyay natiijada Aftida Axaddii laga qaaday dadweynaha Turkiga, waxaanan u sheegay in ay Soomaaliya rajeyneyso in ay taasi sii xoojiso iskaashiga labada dal ee saaxiibka ah.

Waxaan xusuusiyay in ay Dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in ay gacan ku siiso Dowladda Turkigu in taageeradeeda sidoo kale ay gaarsiiso gobollada iyo degmooyinka ka baxsan caasimadda. Wuxuuna ii sheegay Danjiruhu in Turkigu uu fuliyay mashruuc biyaha iyo waraabka ah oo laga hirgeliyay Jowhar uuna damacsan yahay in uu degaanno kale uu gaarsiiyo taageeradiisa.

Sidoo kale waxaan maanta Xafiiskeyga ku qaabbilay Danjiraha Sweden ee fadhigiisu yahay Muqdisho Mikael Lindvall oo aragti wanaagsan iyo yididdiilo ka muujiyay Xukuumadda cusub iyo sida ay Safaaradda Sweden u ballaaratay baaxad ahaan intii uu isagu ahaa Danjiraha.

Wuxuu Danjiruhu iigu warramay dhinacyada iskaashiga Soomaaliya iyo Sweden.

Labada Danjire waxaan uga warbixiyay isbeddelka dalka ka dhacay iyo in ay Dowladdu tahay mid la dagaallameysa musuqmaasuqa isla markaasna si daalacan u qabaneysa howlaheeda siiba lacaga soo gala iyo kuwa ay kharash gareyso.

Waxaa kale oo aan uga warbixiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay xoojineyso Adeegga Habmaamuuska Qaranka maaddaama uu Agaasinkaasi yahay iridda saxda ah ee xiriirka caalamiga ah ee ay Dowladaha iyo Hey'adaha Ajnebiga ahi ay tahay in ay u soo maraan xiriirka, casuumadaha, kulammada iyo wadashaqeynta iyaga iyo hey'adaha Dowladda Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo aan Danjirayaasha isla soo qaadnay arrimo ku saabsan iskaashiga Soomaaliya ee Turkiga iyo Sweden ee fagaarayaasha caalamiga ah.


Kulammada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimaha Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Tuesday 11 April 2017

Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta

Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga, socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha JamhUuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta soo geba-gebeeyay booqasho laba maalmood ah oo uu ku joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa intii uu joogay Abu Dhabi wuxuu wadahadallo la yeeshay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Shiikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.
Shiikh Maxamed bin Zayed, wuxuu Madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashada uu dhowaan ku guuleystay iyo taageerada ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in uu laba laabi doono taageerada ay dowladda Isu-Tagga Imaaraadka Carabtu siiso Dowladda Soomaaliyeed si ay uga guuleysato kooxaha nabad-diidka ah oo uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay afduubaan diinta Islaamka.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Isu-tagga Imaaradka Carabtu la garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed.
Soomaaliya iyo Isu tagga Imaaraadka Carabtu waxay isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya tahay muqaddas muhiim u ah amniga iyo iskaashiga labada dhinac.
Wafdiga uu Madaxweynuhu hoggaaminayay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Yusuf-Garaad Cumar, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macallin Nuur iyo mas'uuliyiin kale.

Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta

Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada iyo burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga iyo socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.

Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxay isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan ayna muhiim u yihiin amniga iyo iskaashiga labada dhinac

Monday 3 April 2017

11,000 oo Tan oo Deeq Turki ah - Raashin iyo Daawo

Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Turkiga, Veysi Kaynak, oo booqasho maalin ah ku yimid Soomaaliya ayaa Guddiga Gurmadka abaaraha ku wareejiyay 170 tan oo raashin ah oo ku rarnaa lix baabuur.  

Ra'iisal Wasaare ku Xigeenku wuxuu sheegay in markab sida 11,000 tan oo raashin iyo daawo ah oo uu Turkigu ku deeqay uu dhowaan soo gaari doono Soomaaliya.

Wafdigu intii uu joogay wuxuu wadahadal la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mahadceliyay deeqda iyo iskaashiga miradhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale wafdigu wuxuu uu wadahadal la yeeshay Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre oo sheegay in raashinka iyo daawada uu Turkigu ku deeqay Markabka sida laga shaqeyn doono sidii uu ku gaari lahaa dekedaha dalka oo dhan maaddaama ay abaartu dalka wada saameysay.

Guddoonka labada aqal ayay wafdigu wadahadal kala yeesheen iskaashiga Baarlamaannada iyo dhismaha Golaha Shacabka.


Gobolka Banaadir wuxuu Turkigu ugu deeqay oo shalay lagu wareejiyay gaadiid isugu jira baabuur iyo cagafyo.

Wafiga Ra'iisal Wasaare ku Xigeenka Turkigu waxay Madaxda Qaranka kala qeyb galeen salaadda Janaasada ee Allah ha u naxariistee Wasiir Nuur Faarax.

Sunday 2 April 2017

Allow u naxariiso Wasiir Nuur Faarax


Allah ha u naxariisto Danjire Nuur Faarax oo geeriyooday isaga oo ah Wasiir ka tirsan Xukuumadda hadda xilka wareejineysa.

Nuur Faarax wuxuu ahaa nin ka dhowrsada caddaalad darro, musuqmaasuq iyo lunsasho hanti dadweyne. Si kale haddii aan u dhigo, Nuur wuxuu ahaa Wasiir u nool sida shaqaalihiisa.

Wuxuu ahaa geesi aan tiisa la gabban. Halyeey aan aqoon is-tus iyo ha lagaa sheego.  Isaga oo Wasiir ah ayuu ahaa nin in ay shaqo isugu yimaadaan keliya ku arki jiray Madaxda Sare.

Wuxuu aamminsanaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.  In badan ayaan ka sheekeysannay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo uu saluug ka muujiyay qaabka ay u socdeen.  

Wuxuu ahaa doodaa hadal yaqaan ah oo ku xeeldheer dhaqanka Soomaalida, welibana daneeya in uu barto dhaqannada degaannada aanuu ku noolaan ama ka shaqeyn.

Wuxuu ahaa nin diinta aqoon u leh.  Suugaanta iyo taariikhda Soomaalida ayuu u dhabba geli jiray.

Inta badan marka aan la sheekeysto ama aan la doodo, inkasta oo ay afkaarteennu inta badan isu dhoweyd, Nuur Faarax wuxuu ahaa nin aan ka kororsado xikmad diini ah, maahmaah, gabay ama eray af Soomaali ah oo igu cusub.  Sidaa ay tahay wuxuu isu arkayay arday ay tahay in aqoontiisa sii kororsado.

Waxaan aamminsan ahay in Nuur Faarax aan kartidiisa, aqoontiisa, khibraddiisa, daacadnimadiisa iyo afkaartiisa aan sidii ay ahaayeen looga wada faa’iideysan.

Laba sano ka hor inta aanuu noqon Wasiirka Dekedaha, Nuur wuxuu ahaa Diblomaasi sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda. 

Wuxuu ahaa Danjiraha Soomaaliya 
u fadhiya Kuala Lampur, Malaysia.


Wuxuu ahaa Danjiraha billaabay in uu doorbido oo uu ku lebbisto dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed marka laga guddoomayo waraaqaha aqoonsiga Danjirennimo.


Xalay ayuu ku geeriyooday Isbitaal Digfeer oo uu in muddo ah ku xanuunsanaa.

Tacsi ayaan u dirayaa qoyska iyo ehelka uu ka geeriyooday. Allah waxaan uga baryayaa in uu samir iyo Iimaan ka siiyo.

Nuur Faarax waxaan Rabbi uga baryayaa naxariista Janno.  Adiguna fadlan u soo ducee.

Aragtida Wasiir Nuur Faarax ee Somaliland