Total Pageviews

Sunday 30 November 2014

Reer Xarar Dheerow xoog xilligiisii lama joogo

Ceel-Huur oo aan ka fogey Xarar-Dheere
Waxaan ugu baaqayaa dadka walaalaha ah ee isku dilaya aagga Xarar Dheere in ay Ilaaheey ka baqaan oo ay joojiyaan dilka.

Qof aad dishay kuma cafin karo. Weligaa waxaad noolaaneysaa adiga oo gacan ku dhiigle ah.  Aakhrina meesha ku sugeysa waad garan.

Haddii adiga lagugu dilana, ogow in odayaal aan hadda wiilashoodu dagaalka kugula jirin ay hilib fiican ku qadeyn doonaan, dagaalkana halkaas lagu joojin doono. Golahaas lagu qadeynayana xataa magacaaga lagama sheegi doono. Adiga oo dhami waxaad isu baddeleysaa tiro. Dagaalka intaas ayaa ku dhimatay.

Hooyadaa iyo aabbahaa uun ayaad ka dhimaneysaa.

Ma hubo in ay bloggeyga akhrisanayaan, qofkii si uun u gaarsiiyana ajar Allah ha ka siiyo.

Waxaan madaxda Federaalka iyo kuwo maamullada degaanka, ee ku mansab sheeganaya in ay dadkaas ay ayagu matalaan ugu baaqayaa in ay is xasuusiyaan in ay ayagu dadkaas mas’uul ka yihiin. Magacoodana ay kuraas, Baarlamaan iyo Wasiirro leh ay ku qaateen.

Waxaan ugu baaqayaa in ay si muuqata, oo dhakhsa ah, oo Allah ka cabsi leh ay u gutaan waajibka ka saaran dadkooda oo xabbad ku dhimanaya ama ku barakacaya.

Waa in aad wiilasha dhimanaya ka soo qaaddaan wiilashiinna iyo walaalihiin oo kale. Ogaadana in aad mas’uuliyadda koowaad ay adinka idinku dhacayso. Maalin baa imaan la idinkula xisaabtami doono.


Haddii xilalka aad qaadateen aydnaan horumar kale ku gaarsiin karin degaankaas, waa in aad ugu yaraan xaqiijisaan in dadkaas dhiiggooda la kala badbaadiyo. Oo hadda la kala badbaadiyo.

Wednesday 26 November 2014

Khilaafka ka dib


Afartii Madaxweyne ee Soomaaliya ugu dambeeyay waxay xilalka ka xayuubiyeen isu geyn tobaneeyo Ra’iisal Wasaare ka dib markii ay isku qabteen siyaasadda ama maamulka ama labadaba. Hal Madaxweyne ayaa isaguna is casilay ka dib markii ay Ra’iisal Wasaaraha is qabteen, caalamkuna kala saftay Ra’iisal Wasaaraha.

Inahaas oo dhami waxay ku tusayaan in khilaafka labada Xafiis aanuu ahayn wax u gooni ah Madaxdeenna maanta joogta.

Waxaan hubaa in si uun looga gudbi doono khilaafka hadda taagan.

Laakiin aniga su’aasha aan jeclaa in aan is weydiinno oo jawaab u wada raadinno waxay tahay waa maxay casharka aan ka baran karno dhibaatadan soo noqnoqotay, ilaa iyo haddana la la’ yahay Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare ka badbaaday?

Marka xaaladdan laga gudbo, maxaa la sameyn karaa si mustaqbalka dhow iyo kan fogba looga baaqsado iska hor imaadka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha?

Tuesday 25 November 2014

Adeegsiga khaldan ee ereyga mucaarad


Saxaafadda Soomaalida qaarkeed, oo ka warramaysa wixii shalay ka dhacay Baarlamaanka, ayaa yiri - Xildhibaannada mucaaradka ayaa jeex jeexay mooshinka kalsoonida lagala noqonayo Xukuumadda.

Bal u fiirso? Mucaarad miyaa daafaca Xukuumad la ridayo?

Ma aqoon darraa u geysay mise daneysi? Ma ogi anigu. Laakiin Saxaafaddaasi waxay si khaldan u adeegsaneysaa ereyga mucaarad. Sababta oo ah mucaarad dowlad ma daafaco ee wuu ridaa. Mucaarad waxaa Xukuumad ku ah ciddii rideysa, muxaafadna waxaa ah kan daafacaya. Waa marka Xukuumad laga hadlayo.

Laakiin Baarlamaankeenna arrinta hortaalla ma ahan mid mucaarad iyo muxaafad loo kala saari karo. Xataa Golaha Wasiirrada ayaa qaar doonayaan in ay ridaan Xukuumadda, sidaa darteedna mucaarad iyo muxaafad midna laguma tilmaami karo Wasiirkaas.

Markaa waxaa ila habboon, in mucaarad haddii la isticmaalayo la raaciyo waxa mucaaradka uu qofkaasi ku yahay. Sida Xildhibaannada mucaaradsan Xukuumadda. Iyo Xildhibaannada mucaardsan mooshinka kalsoonida loogala noqonayo Xukuumadda.

Waxaase ka habboon in laga dhowrsado adeegsiga mucaarad iyo muxaafad marka laga hadlayo arrintan miliqsan ee xataa Golaha Xukuumaddu ay ku kala qeybsan yihiin. 

Sheeg xildhibaanku waxa uu doonayo ama diiddan yahay, ka dibna akhristaha u daa go'aanka ah in qofkaasi mucaarad yahay iyo in uu muxaafad yahay.