Total Pageviews

Monday 24 November 2014

Aan ka Qaangaarno Dhaqanxumada Siyaasadeed


Siyaasiyiinteennu waa in ay wax ka bartaan oo ku daydaan hannaanka siyaasadda ee caalamka Dowlad wanaagga looga dhaqmo. Haddii ay yaqaannaan laakiin ay la tahay in aan Soomaaliya looga baahnayn ama aan Soomaalidu u qalmin, waxaan u haystaa in ay nagu dagmeen.

Baarlamaanku sharci ayuu dejiyaa, siyaasaddiisana sharci ayuu ku meel mariyaa. Sidoo kale, khilaafkiisa sharci ayuu ku kala saaraa. Ma ahan in la isku dayo in wax aan ku qorneyn xeerka Baarlamaanka la isku hor taago ama lagu meelmariyo mooshin.

Golaha Wasiirrada oo tiro ahaan ka kooban Baarlamaanka ayaan isaguna dhaliil la’aan ahayn.

Mucaarad ayaa Ra’iisal Wasaare ugu baaqa in uu is casilo. Sababta oo ah mucaaradku xukuumadda cod kuma laha, kamana tirsana.

Weyna dhacdaa in Wasiir uu sinnaba ugu qanci waayo habka Ra’iisal Wasaare ku socdo ama uu wax u maamulayo. Markaas Wasiirka ayaa laga rabaa in uu is casilo oo iska beri yeelo siyaasaddaas uu ku qanci waayay. Markaasna isaga oo aan Xukuumadda ka tirsaneyn uu mucaarado siyaasadda Ra'iisal Wasaaraha.

Yaan dhinacna wax igu seegin. Oo Xukuumadda aan isku dayo in aan rido, haddii aan ridi waayana aan isaga jiro oo yaan jagadeydu i seegin, ma ahan dhaqan siyaasadeed oo wanaagsan.

Hore ayay u dhacday, haddana way taagan tahay. Waxaan rajeynayaa in ay siyaasiyiinteennu ay ka koraan oo ay ka qaangaaraan daneysiga shakhsiga ah ee mutuxan ee aan mada’ iyo dan dal midna ku saleysneyn isla markaana aan lagala xishooneyn shacabka Soomaaliyeed.

Ku meel gaarkii waan ka qaangaarnay ee dhaqanxumadii siyaadeed ee ku meel gaarka waa in ay siyaasiyiinteennu ay ka qaangaaraan.

24 comments:

  1. Fadlan ra'yigaaga halkan ku reeb adiga oo mahadsan.

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
    2. waxaan nahay dadka kaliye ee is luuqad fahmi haddana aan is fahmayn.
      sayid maxamed ayaa horey u yiri:
      MUSUQMAASUQ WAA SOOMAALI MEHEREDEDIYE
      MALAHMALAHDA BEENTAA MOWTKU KA ADEEGI.
      Habka aan wax u dhisanay oo khaldan oo aan ognahay ayaan haddana rabnaa inay wax sax ah kasoo baxaan.
      ( ILAAH WIIL WAA KU SIIN KARAA ADOON GUURSAN KAASE YEELI MAAYO).
      Soomaaliya waa meesha aan ku aragnay Prof-ka iyo Geeljirihu ay isku caqliyiihiin oo waliba Geeljirihu uu indha u yahay Prof.
      Siiyaasiyiinta aad sheegina samada lagama soo tuurin si na loogu ciqaabo ee dhexdeena ayay kasoo baxeen, sidey yihiin ayaan loogu sacaba tumayaa.
      warkoo kooban wareer waa jiraa laakiin raxmada Eebe lagama quursado.

      Delete
  2. Waxad mooddaa in siyaasiyiinteennu aysan ba ogayn in bulshadu tahay Bashar caqli leh oo daawanaya qiimaynayana ficilladooda!

    ReplyDelete
  3. waxaa adag inaan ka gudubno siyaasad xumada waxaa adag inaan u gudubno dowladaha caalamka waxaa adag inaan ka gudubno qabiil waxaa adag inaan u gudubno qaran allow wadanka nabad nooga dhig

    ReplyDelete
  4. Waxaa modaa in xitaa wax ay ka xishoodaan caruur aan qaangaarin ay ay ka socoto G Shacabka somalia

    ReplyDelete
  5. Bal adba waa hadal la fahmi ksro,yaab badanaa nin mucaaradsan dowlad uu kamid yahay oo hadana aan ka socon waa sartu meeshay ka quruntay waxay noo bidhaaminaysaa in aan wuxu nidaam dowladeed ahayn ee magac u yaal yahay,mida kalana waxay muujinaysaa in golaha wasiiradu aysan kuligood hoos tegin rasul wasaaraha oo ay jiraan kuwo rasul wasaare uu u yahay madaxweynaha,shalayna cida soo xulatay waa iska cadahay waa madaxweynaha hadana damaanad baa loo qaaday inuu soo noqon doono markii raysul wasaarahan la rido waana nooc iska daba wareega,mida baarlamaanku ayana waa la mid oo dan shaqsi oo ama xil ah ama shilimaan ah baa lagu shaqeynayaa,waxaas oo dhan marka laysku soo duubo waxay ka marag kacayaan inaan meesha dowladnimo oolin ee muddo ka coodasho wuxu yihiin anigu marmar baan beentaas run moodaa hadana ayaga dib iigu sawira inaan wuxu dowlad ahayn ee niman meel shisheeye ugu xaraysan lana ilaaliyo,lana biilo,been beena shirar loogu qabto airport,xalane,copenhagen iyo meelo kaloo badan,waxayna tani ii cadeynaysaa wareysi yuusuf waan hilmaamay wariye caan ah bbc-da ka tirsan ma xasuusto focus on africa mise world service-ka miduu u shaqeynaayey uu ka soo diray qoryooley markii lala wareegay wuxuu sheegay in somaliya ay ku hardamayaan reer galbeed iyo shabaab,askarta afrikankuna u dirirayaan reer galbeedka aawadood sida dhaqaalo iyo wax lamida,halka ciidanka dowladana uu ku sheegay kuwo dhinacwalba ka aradan oo iska militia ah xabadana raaxa hore ka gala,marka arrintu waxa xaqiiqda ah waxaa ka sheegay isla wariyahaas reer galbeedka u dhashay,waan ka xumahay magaciisana waan hilmaamay.

    ReplyDelete
  6. Waan salamayaa walaalaha fakirkooda dhiibanaya iyo Yuusuf Garaad. Barlamaanka somaliya waxaan oran karaa waa barlamaankii ugu aqoonta badnaa ee nasoo mara 20 sano ee ugu danbeysay. Barlamaanku; waa golaha sharci dajinta dalka, wuxuuna ansixiyaa hashiisyada caalamiga ah iyo kuwa gollaha wasiiradu usoo gudbiyaan, waxaan filayaa ineysan shaqadiisu intaa Kaliyah ku koobneyn lakiin aan ku gaabsaday.

    Qiimaha sheykasta uu mudanyahay, waxa ay kuxirantahay gudashada waa-jibki loo sameystay inuu gudo, haduu gabo(gudanwayo) macnabadan mayeesho tilmaantiisuna waa saawir. Tusale: markabku qiima waxa uu ku leeyhay marka uu badweyn dhexjibaaxo oo badeeco ama dad wixi uu siday geeyo halki tilmaantu aheyd, lakiin haduu marsada isaga xiranyahay ama uu caaryo wuxuu dhumiyaa qiimihi uu markabka ku ahaa.

    Barlamaanka Somalia; sida aan wada ognahay waa sharci dajin, haduu ku guuldareysto inuu sharcigi isagi dajiyay uu dabikhi waayo, waxaa lagudboon iney kuraasta baneyaan oo dadka kaga haboon ee fulinkara fursad siiyaan. Tilmaamaha qaar hada kasoo ifbaxaya kulamadi ugu danbeyay ee barlamaanka ”waa ratigii reeryadiisii cunay”.
    Mashiin matihiin, aadnaha karameysan ayaad tihiin ee talo dhaxal gal ah dadka iyo dalka u keena hadii kale sidiinii ”answer machine” kujaaba oo kuceceliya talabadii hore yaan meelna loo dhaqaaqin, ogaada inaad garaadka Alle idinsiiyay aad cayeysaan.

    ReplyDelete
  7. Aniga waxay ila tahay in wax laga badalo qaanuunka ogolaanaya in qof ka tirsan golaha wasiiradda uu soo ahaado xubin baarlamaan, waayo haddii qof baarlamaanka ku jiraa wasiir noqdo, waa inuu waayaa kursigii baarlamaanka.taasi waxay yaraynaysaa in wasiirku uu dawladdiisii oo uu Wali ka tirsanyahay uu mooshin ka keeno.
    tan labaad in la helo voting record oo shacabku helaan qof walba codkiisu meeshuu aaday.

    ReplyDelete
  8. Waxaan taagan odhaahdan horey uu nin qiyaastii waxgarad ahaa yidhi
    " Allow Tolkey wax-garadsii ama aniga garaadka iga qaad" .
    Mahadsanid Mudan sixitaan Mada'= Mabda'a inaad ka wada ayan u fahmay ,

    ReplyDelete
  9. Soomaliya ma waa waddan aqoonsi caalami ah haysta. Waxaa ka maqan kaliya
    madaxbannaani: ammaanka madaxda sare iyo mushaharkoodaba shisheeyaa gacanta ku haya. Talada madaxdaasi ma madaxbannaan kartaa?

    ReplyDelete
  10. Waxaad moodaa in siyaasiuýiinteena iyo xildhibbaanadeenuba ay yihiin caado qaatayaal u bartay laaluush inay ku shaqeeyaan waana midaas mida aanfeysay qarankii Somaaliyeed.

    ReplyDelete
  11. Yuusuf Garaad waad mahadsantahay wll, lkn aniga xanuun intaas kabadan ayaan daremayaa.waxaan dareemayaa in dhaqaalaha farabadan ee leesku adgeesanaayo in uuyahay waxii yaraa ee Somali danteeda in lagu kala socoddsiiyo loogu talagalay! waana marka eey SAXANUHU IYO QALDANUHUBA eey agteeyda kawada qaldanyiiin!

    ReplyDelete
  12. Iniga Rayigeyga gaaban hadaan cabiro, baarlamaanku(sida ay iyagu u haystaan) uma adeegaan bulshada Soomaaliyeed,ee saxariirka ku nool,balse waxa ay u adeegaan madax-weynaha,waana arin nusqaanteeda leh. Ta wasiirada mucaaridka ah arintoodu waa"beerka jecli xaydha jecli". Camalkooduna waa daayeerkii iyo okiyaalihii uu saynta ku xidhay. Waayoo muu guran in indhaha lagu xidho sidaas oo kale ayey madaxdeenii nidaamkii dalka lagu hagi lahaa ayey ganacsi ka sameyn rabaa. Way dhici kartaa inaan khaldanahay iga raali ahaada idinkoo mudan.

    ReplyDelete
  13. Waxaa wax lala yaaba ah in umad dhan laaluush raadiyaan waxaan filayaa mar waliba in aysan cadaalad jirin iyo xildhibaan dadkiisa dhiban hoos u eegaayo mida kale nin jeclaysi qaran kuma dhisma ilaahay dawlad cadaalad ah hanasiiyo umada somaliyeedba dhibka hakaqaado

    ReplyDelete
  14. Hadiii aan ka fiirinaa dhanka dastuurka xildhibaanada waxaan filayaa in aysan ku dhaqmin waxa wax qaribayna wa laaluush qaate dhanka maxweynaha kuma haboona asaga oo xilkaa umada somaliyeed hayo kuna dhartay cadaalad in uu nin jeclaysi qaranka hada soo kabanaayo uu ku dumiyaa raisul wasaraha wixi qaldan loogu dulqaadan mayo somaliya hanoolaato kenya iyo ethopia ilaahay hadhaafiyo waxaan filayaa labadaa dhib kaweyn in aanan laheyn wixi aan qalan ralin badan

    ReplyDelete
  15. Waxaa la yaab ah nin geed kuu saarna salka jaraaya ee leh jaduu jabana wada dhacnay hadii kalena aan ku dil negaado waa ceeb iyo ilbaxnima xumo iyo nidaam la'aan ba'an in laga qaan gaarna u baahan.

    Lkn arinkaa fool xumadiisa halka ay ka soo fuufeyso maan aragno.
    Waxaa muuqata in labada nin xaalkooda uu saamayn balaaran bur burka qaranka uu yeelaanyo.
    Bal nin garanay oo kan kalaa ku eedeeyey nin xaqdara ku socda hiigsiga 2016na uu halis gelinaayo dano shaqsiyadeeed awgeed asigu muxuu uga roonaa la'yahay?.
    Nin tana sula ma la waayey ? Oo danta dalka iyo shacabka uu u dhaartey u gaarabi karaaya.
    Isma dhaanto iyo ninkii sigaahi kala haamaansi badane waxaan ora lahaa raisulwasaara mid.
    Madaxwaynahana mid u eg.

    Mudane rasisulwasaare xukuumadaadu way fashilantey siyaasad ahaan marka loo eego waxqabadkeedii waxaadna tahy ninka gara waayey hal magaalo nidaam qura qaabka loogu sameeyo; bal iska daa in aad hiigsi noo tilmaante. Waxaan dhihi beer dulucsiga daa siyaasiyan fashilkaaga waa la arkay ee isgaro hadii adan dan gaara wedin.

    Madaxwanahana adba kama roonaynoo waad kuraacsaneed shalee nidaam xumadee nin jeclaysiga dhaaf nin qaran noqo.

    Tala wadareedna waxaa dhihi labadiina ninkii fududi habaneeyo booska laba iadishey isma daaweyse.
    Heer kula haatan khilaafku marayana maha mid lagu sii wada shaqay karee ijiid aan kujiido intaad dhaaftiin danta dalka eega shacab uma daneysiine.
    Mahadsanid yuusuf

    ReplyDelete
  16. Waan kugu raacsanahay Yuusuf 100% laakiin yaa ku maqlaya, maahmaah Soomaaliyeed baa oranaysay waxaa jira (Dhego laab u daloola & kuwo leyr u daloola)
    waana tii oo kale

    ReplyDelete
  17. Waa qormo wanaagsan. Waan la qabaa Yusuf Garaad qoraalkiisan. Waxaanse leeyahay JAWAARI amaba gudoonku barlamaanka oo dhan taariikh ayey qorayaan. Waajibna waa ku tahay inuu ilaaliyo midnimada xildhibaanada. Go'aankaas dartiis Somaliya waa wada guulaysatay, cadowgeeduna wuu ka naxay. Waxaan aad u sugayaa wada xaajood degdeg ah oo ka dhex bilowda MW iyo RW si loo furdaamiyo xurgufta yarta oo dhextaal, iyagoo eegaya oo keliya danta guud ee qaranka Soomaaliyeed.

    ReplyDelete
  18. Baarlamaanka iyo siyaasiyiinta soomaalida ayaa dhaqan celis u baahan.

    ReplyDelete