Total Pageviews

Sunday 20 January 2019

Cashar ma noogu jiraa maaryenta weerarkii Dusit?

Booliiska Kenya
Weerarkii Westgate iyo weerarkii Dusit labadaba waxaan joogay Nairobi. Waxaan daawanayay Telefishinka, dhegeysanayay idaacadaha, akhrinayay wargeysyada, dhex mushaaxayay saxaafadda bulshada, la sheekeysanayay Kenyan iyo ajnebi.

Waxaa hubaal ah in ciidanka amniga ee Kenya, siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo xataa shacabku ay wax weyn ka barteen weerarkii Westgate taas oo daliisheedu ay tahay sida ay Kenya ula falgashay weerarka Dusit.

Dalka Soomaaliya, hey’adaheenna amniga, saxaafadda iyo waliba dadka adeegsada saxaafadda bulshadu waxay ila tahay in ay wax badan ka baran karaan howlgalkii amni, kii maareynta xogta iyo kii saxaafadeed ee Dusit.

Waa marka hore ee sidii booliiska iyo Dowladda Kenya ay u maareeyeen xogta oo xataa ay iska dhegatireen sheegashada Shabaab ilaa ay hubsadaan soona afjaraan weerarku waxay ahayd farsamo sarreysa. Goobta lagu qabanayay shir saxaafadeedka macna weyn ayay gudbineysay. Mas'uuliyiinta loo xulay in ay hadlaan sida af hayeen booliis, Wasiirka Gudaha iyo Madaxweynaha iyo mid waliba goorta uu hadlayay, goobta uu ka hadlayo iyo farriinta uu gudbinayo waxaa ka muuqatay in aad looga fekeray.

Sida ay saaxafaddu uga hadashay iyo shacabka Kenya qaabka ay u adeegsadeen saxaafadda bulshadu waxay mudan yihiin in si dhug leh loo derso.

Siyaasiyiintu Kenya iyagu waxay xaqiijiyeen kuna ammaanan yihiin in ay ilaaliyeen wadajirka Shacabka Kenya ee diin iyo isirwadareedka ah. Waxay ka shaqeeyeen in aan dad culeys gooni ah la dul dhigin isirka ay ka soo jeedaan ama diinta ay aamminsan yihiin awgeed.

Howlaha xasaasiga ah ee Marxaladdaan oo kale waxaa ka mid ah miisaanka la saarayo maareynta xogta iyo wargelinta shacabka oo keliya aan ku koobnayn waxa dhacaya ee ay ka mid tahay waxa shacabka la gudboon.

Si ay ka muuqato mas'uuliyad, oo faham qoto dheer iyo deggenaani kaashatay ayaa loo maareeyay xogta, midda ay tahay in la keydiyo, midda ay tahay in dadweynaha lagu wargeliyo, tan ay tahay in dadweynaha looga digo, goorta la gudbinayo iyo goobta, mas'uulka gudbinaya intuba waxay ahaayeen kuwo ka dambeeyay u fiirsasho iyo ka fiirsi badan.

Waxaan is leeyahay cashar ay sahlan tahay in lagu tababbarto ayaa Soomaaliya ugu jira - Dowlad iyo Shacabba.

Inta caqliga u saaxiibka ah cashar ayay ka bartaan dhacdooyinka soo mara iyo waxa ka dhacaya hareerahooda.