Total Pageviews

Sunday 29 June 2014

Dowladda Soomaaliya Vs Beel Soomaaliyeed


Adigu Ka Tali
Yusuf-Garaad
Maalmahaan waxaa Muqdisho ka jiray welina ka socda khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda iyo beel ka mid ah shanta beelood oo aad mooddid in Xubnaha Xukuumadda iyo kuwa Baarlamaanka ee beesha ka soo jeeda ay isku qanicyeen in ay isku mowqif qaataan inta hadda ah.

Waxay beeshaasi ka careysan tahay in Gobolka Shabeellada Hoose laga mid dhigo maamul goboleed ay xaruntiisu noqoneyso Baydhaba.

Dhowr maalmood oo aan Muqdisho joogay waxaan dhegeystay doodda dad ka soo jeeda beesha gadoodsan. Waxaa ii soo baxay dhowrka qodob ee dooddoodu ay ku salaysan tahay, waxaana ka mid ah:

Xafladda lagu qabtay Madaxtooyada ee saddexda gobol la isku raaciyay in ay tahay mid dastuurka ka soo horjeedda. Sababta oo ah Dastuurku wuxuu qorayaa in dadyowga Gobollada deggani ay ka xaajoodaan haddii ay doonayaan in ay is raacaan. Ma ahan go’aan ay leedahay Dowladda Federaalku.

Dood kale waxay tahay taariikh ahaan in Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe ay labaduba ka tirsanaan jirteen Banaadir oo Muqdisho ay xarun u tahay.
Hadda haddii Muqdisho laga reebo waxay door bidayaan in labada Shabeelle ay is raacaan.

Dowladdu sababta ay u diidday in ay aqoonsato maamulka Shabeelle ee Afgooye looga dhawaaqay oo ay u aqoonsatay midka ay iyadu uga dhawaaqday Villa Soomaaliya oo ka danbeeyay kan looga dhowaaqay Afgooye, in ay tahay caddaalad darro.

Ugu danmbeyntii waxay ku doodayaan in Shabeellada Hoose aanay ahayn Marka oo keliya ee ay jiraan degmooyin ay inta badan dadka deggani ay beeshooda ka soo jeedaan oo Gobolka ka tirsan. Iyo in Gobolku uu dacalka la soo galo magaalada Muqdisho oo xataa xeebta Jazeera, oo u soo dabaal tagaan dad badan oo reer Muqdisho ah ay hadda ka dib hoos tegi doonto Baydhaba.

Akhristow maxay kula tahay in qodobbadaas lagu xallin karo. Haddaad madax ahaan lahayd iyo haddii aad beesha la talineyso ama dowladda aad la talineyso maxay noqon lahayd taladaadu?

Fadlan ha iga raalli ahaadeen akhyaarta tirada badan ee barteyda akhriya, waxaan doonayaa in aan ka afeefto wiilasha dhoohan ee aan iyaga oo aan talo hayn, waxna akhrin aflagaaddadu sidii matag u soo dhaafto.

Waxaa iga afeef ah in aanan barteyda u dooneyn aflagaaddo iyo hadallo qadaf ah qofkey doonaan ama dhinaca ay doonaan ha ku saabsanaadeene.

Fadlan haddii calooshaada cuqdadi barkatay ama aadan aqoon si asluub leh in aad fikir aan xanaf lahayn u gudbiso, barteyda ha la soo doonan.

Inta fikir haysa ee dooneysa in ismari waaga laga gudbo, fadlan taladaada ila wadaag.

Monday 23 June 2014

Internetka Muqdisho, Nairobi iyo London


Internetka Soomaaliya
Yusuf-Garaad
Duqa London, Boris Johnsosn iyo Michael Bloomberg - SQ Alex Lentati
Marka aan aan labada magaalo u kala safro, waxaan is dhihi jiray maxaa Muqdisho u diiday in Internetkeedu uu u dhakhsiya bato sida kan Nairobi.

Maalmo dhoweyd oo aan London joogay waxaan is lahaa maxaa Nairobi u diiday in internetkeedu uu ahaado sida kan London?

Laakiin toddobaadkii hore waxaan wargeysyada London ka akhriyay Duqii hore ee magaalada New York, Michael Bloomberg, oo London uga digaya in dhaqaalaheeda iyo shaqooyinkeedaba uu wiiqi doono haddii internetkeeda ay ka dhigi weydo kuwa adduunka  ugu dhakhsiyaha badan.

Wuxuu London ku dhaliilay in dhismayaal badan oo magaalada hoose ku yaallaa aanay haysan internet dheereeya.

Internet dheereeyaa wuxuu maanta muhiim u yahay, ayuu yiri Bloomberg, sida biyaha  iyo korontada.

Waxaan is weydiiyay, annagu haddaan Soomaali nahay, xaggeen uga jirnaa tartanka adduunka ee internetka, ganacsiga iyo shaqooyinka?

Sunday 22 June 2014

Muqdishaay ma nabad baa?


Hanti macaan
waa mid aan hooy lagaa oran
Yusuf-Garaad
Waxaan maanta aad ugu faraxsan ahay in aan ku soo laabtay dalkeyga hooyo gaar ahaan caasimadda. Hawadiisa, ciiddiisa, qorraxdiisa, xoolihiisa, beerihiisa, ugaartiisa, badda iyo webiyadiisuba waa hantideyda aan la wadaago Soomaali oo dhan.  Wax ka mid yahay waxyaabaha na mideeya oo ay ku jiraan afkeenna macaan, diinteenna suubban iyo dhaqanka oo wanaag u badan toosinna u baahan. Waxaan u mahadcelinayaa Ra’isal Wasaare Cabdiweli oo dayaarddiisa khaaska ah aan ka soo raacay Nairobi.


Weyba geeki eed ingki farahsina ini ani ha ki nagathi dhulki aadey gaar hang beledli ingki wing. Neeftis, araathis , iriithis, heelah, beeroshey i ugaartis i badooshey i webiyaalshey weybuwa wala isli leni Soomaali dhong. Weyba ku mid eta wala uni nimidooy afkaani mayow, diintaana suubung i dhaqankaane fayli toosiyow ing baahing.
Weyba ing mahadnagey Ra’isal Wasaare Cabdiweli  o dayuuridis goonigi eh haku rahi Nairobi.