Total Pageviews

Thursday 19 June 2014

Ku-Sime Jagadiisu maxay tahay?


Ku Sime Kursi Ma aha
Yusuf-Garaad
Ku-Simaha Madaxweynaha iyo Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha iyo Ku-Simayaasha kale sow iyagu derajo ma hayaan oo jago kuma magacowna?

Maxaa keenay in xilkoodu uu durba isu beddelo Ku-Sime isla marka mas’uulka kale uu dibadda u duulo?

Saxaafadda waxaa la gudboon in qofka xilkiisa iyo magaciisa ay ku sheegto. Marka ay dhacdo sabab kallifi karta in la sheego xilka Ku-Simaha ah ee uu hayana la sheego mar ama laba jeer taas oo ku xiran dhererka wabixinta.

Marka uu Ku-Simuhu gaaro go’aan culus ama sida caadiga ah aan xilkiisa ahayn ayaa si loogu xoojiyo ama loo caddeeyo sababta, waxaa markaa la sheegaa in uu Ku-Sime yahay.

Ka soo qaad haddii Guddoomiyaha Baarlamaanku uu gaaro go’aan ku saabsan howsha Xukuumadda. Si aan loogu wareerin warka waxaa habboon in la sheego in uu yahay Ku-Simaha-Madaxweynaha.

Ka soo qabo haddii Wasiirka Difaacu uu go’aan ka gaaro Booliiska, dabcan waa in la xusaa in uu yahay sii hayaha Wasaaradda Amniga Qaranka. Inkasta oo tusaalaha dambe uu yahay Sii-Haye kaas oo ah mid ka duwan Ku-Sime.

Laakiin anigu ma aqaan meel ay Ku-Sime ku noqotay jago iskeed u taagan oo weliba ka horreysa midda mas’uulku uu ku magacaaban yahay.

Weliba Ku-Sime waxaa la qaatay haddii mas'uulka xilka lagu simayaa uu fasax caafimaad ama mid kale uu shaqada uga maqan yahay sida berigii uu Madaxweynuhu tegey Turkiga. Laakiin marka mas'uulkii uu shaqo ugu maqan yahay meel kale, ma habboona in Xilkiisu uu u muuqdo mid laba loo qeybiyay. Waa shaqada uu isagu ka hayo meesha uu markaa joogo, oo kolley iyadina saxaafadda soo geleysa. Iyo Midda qofka Ku-Simaha u ahi uu qabanayao.

Farriintan xooggeedu wuxuu ku socdaa weriyayaasha iyo Tifatirayaasha.

6 comments:

  1. Fadlan aragtidaada halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Saxaafada Soomaalida dhan waa ka simanyihiin adeegsiga erayadan iyo kuwo kale oo badan,lkn waa ya la xisaabtamaya oo loo baahanyahay in ay saxaan? dhawaan guddi la sameeyay in ay soo eegaan shuruucda saxaafada ayaa jiray ilaa hadana warkooda lama hayo!!

    ReplyDelete
  3. Waxay ila tahay in kusimuhu uu jagadiisa kadaalay oo uu isagu ka codsado in la sheegsheego ku simenimada

    ReplyDelete
  4. waa fariin muhiim ah... wariyaasha hadda jiro waxay u badan yihiin kuwo qaabkaan in wax loogu sheego aad ugu baahan... adigo oo kalena way ka qaadanaayaan waxwalbo... maadaama aad tahay khabiir kuxeel dheer Saxaafadda .. waxaan kaloo soo jeedin lahaa in aad ku baraarujiso muhimadda ay lee dahay warbixinta in la diyaariyo inta aanan la duubin, ama si toos ah loo sii daynin, sidoo kale waxaa dhib ka jiraa warbixinada taleefishinka oo ay ku badan tahay sawirada close-ka ah oo soo noqnoqda iyo dhanka kale dad badan kuma baraarugsano muhiimadda long shots- ka iyo muuqaalada guud ee ku saabsan meesha warbixinta ku saabsan tahay, sidoo kale waxaa ila qaldan aniga amar loo isticmaalo dadweynaha ku dhageysanaayi sida in la yiraahdo ( udiyaar garooba warka oo faaf faafsan) waxaa igala fiican in la yiraahdo ( waxaa idinku soo maqan dhageystayaal ama daawadayaal warkii oo faah faahsan iwm) saxaafadda hadda jirto marka aad u fiirsato xitaa jadwalka waxay kala mid tahay BBC- somaliga ama VOA, u fiirso jadwalka usbuuca ee idaacadaha ( salaamaha iwm) qaabka loo jilaayo waxyaabo badan ,,, sidaas darteed waxaa fiican in khubarada saxaafadda ay hagaan ama toosiyaan waxyaabahan qaldan .... mahadsanid.

    ReplyDelete
  5. YuuSuF GaRaD mesha anaga ayaa moodna in dowladi joogte dowlad ma heyno masawir dowladed ama wax qabad dowladed waxa udambeysay dowladi saacid marka aniga waxaba la yabanahay magaca SYL ma waxa udambeysay halki uu magacas ugu baxay away samata bixinti SYL ee ku adana xornimadi dalka somaliya iyo sharafti calanka oo eey dhowri jiren waxan sakay marqati ka ahay in qof somaliya oo dhig leh oo hoganka ka qaada dhaman inta magaca dowlada somaliyed wadata islamarkana u istaaga bad badinta dhiga socda iyo wax qabad la.,anta xukumada cabdiwali iyo xasan shekh somaliyey wa in si deg deg loo keno kacdon xilalaka loga qaado 3 masul ee dalka usareysa hadii kale hada qabiil qabiil aya laisku dila waxa iman donta in xaafad xafad la isku ugarsado

    ReplyDelete
  6. In badan ayey i dhibta ereyada sida, ku meel gaar iyo kusime, aad baan uuga farxay in ay jiraan dadkale oo dhibkaan ila wadaagga. Tankale, aniga waxaan dhehi lahaa, waxa uuga wacan, baahida dalka jirta oo qofkasta oo laba sadar xariiqi kara in uu yiraahda waxaan ahay wariye. Haddii Raadiya muqdisho iyo SNTV loo hela dad waxbara dadka hey'adaha warfaafinta ee Qaranka ka shaqeeya, dhibaata erey bixinta iyo in qofka jagadiisa loo daaya waxbaa laga qaban karaa.

    ReplyDelete