Total Pageviews

Monday 23 June 2014

Internetka Muqdisho, Nairobi iyo London


Internetka Soomaaliya
Yusuf-Garaad
Duqa London, Boris Johnsosn iyo Michael Bloomberg - SQ Alex Lentati
Marka aan aan labada magaalo u kala safro, waxaan is dhihi jiray maxaa Muqdisho u diiday in Internetkeedu uu u dhakhsiya bato sida kan Nairobi.

Maalmo dhoweyd oo aan London joogay waxaan is lahaa maxaa Nairobi u diiday in internetkeedu uu ahaado sida kan London?

Laakiin toddobaadkii hore waxaan wargeysyada London ka akhriyay Duqii hore ee magaalada New York, Michael Bloomberg, oo London uga digaya in dhaqaalaheeda iyo shaqooyinkeedaba uu wiiqi doono haddii internetkeeda ay ka dhigi weydo kuwa adduunka  ugu dhakhsiyaha badan.

Wuxuu London ku dhaliilay in dhismayaal badan oo magaalada hoose ku yaallaa aanay haysan internet dheereeya.

Internet dheereeyaa wuxuu maanta muhiim u yahay, ayuu yiri Bloomberg, sida biyaha  iyo korontada.

Waxaan is weydiiyay, annagu haddaan Soomaali nahay, xaggeen uga jirnaa tartanka adduunka ee internetka, ganacsiga iyo shaqooyinka?

8 comments:

  1. Adigu ma u kala safartay saddexda magaalo? Internet ma ku isticmaashay saddaxdaba? Fadlan aragtidaada nala wadaag.

    ReplyDelete
  2. Maya , anigu ma tegin muqdisho, nayroobi iyo london intaba.. Laakiin internetka Soomaaliya markaan la barbar dhigay magaalada Boosaaso oo an ka imi iyo caasimadda Suudaan ee Khartuum aan joogo waxa u dhexeeya farqi weyn, inaad muuqaal ka daawato Youtube-ka waxay ahayd wax aad u adag oo hal muuqaal baa laga yaabaa in aad 30 daqiiqo daawato, balse Khartuum internetkeeda aad ayuu xawligiisu u sarreeyaa wax kasta waa soo dejisan kartaa si dhakhsa ah Muuqaal kastana waa daawan kartaa.. Mahadsanid Yuusuf Garaad.

    ReplyDelete
  3. Aniga waxaan u kala Safray Magaalooyinka Muqdisho, Istanbul, Addis Ababa iyo Algiers, Intaba waxaa ugu fiicna Istanbul Turkey, Internet ka ay heystaan waa mid aad u wanaagsan waxaadna awood u leedahay in aad ka daawato lap-top kaaga dhamaan wixii Video ah, waxaa ku so xigta Algiers waa fiicanyahay net kooda lkn ma gaaran Istanbul, Sidoo kale Addis ababa waa heersare ma xuma dhawaan ayaa la geeyay viper optic ga, Muqdisho waxaa la rajeynayaa in dhawaan la hir galiyo Internet awood leh (speed) kisuna fiicanyahay, marka rajada ma xuma hada, waxaa rajeyneynaa in hadii nidamka viper Optic la hirgaliyo in sida hada la yahay laga bixi doono..

    ReplyDelete
  4. Aniga markaan Hargeysa tago ayaanba dareemaa in Muqdisho internetkeeda uu daciif yahay. Nairobina wey kasii wanaagsantahay Muqdisho iyo hargeysaba.

    ReplyDelete
  5. Aniga waxaan u safray Muqdisho.London. iyo Addis ababa waxaan dhawaantaan dareemayaa inyernetka muqdisho in uu aad usoo fiicnaanayo inkastoo usan gaarin kan London

    ReplyDelete
  6. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  7. Soomaaliya xornimadii kadib waxey aheyd wadan wax walba laga bilaabayey EBER, wuxuuna ahaa wadan isku dhex yaacsan oo xataa miisaaniyadiisa kala badh ay Talyaanigu bixinayeen xiligii dowladihii rayidka. Taa kadib dawladdii melitery-ga ee 21 sano Soomaaliya waxey aheyd wadan lagu kala socodsiiyo kuna tiirsan deeqda beesha caalamka. 20 kii sano ee burburkiina wuxuu maalinba maalin ku sii siqayey bohol mugdiya oo ay adag tahay in si deg deg ah looga soo baxo.

    Iyadoo taa laga duulayo, is bar bardhigu wuxuu ku wacan yahay wadamada dhaqaale ahaan, waxbarasho, technology-yad, iyo siyaasad ahaanba isku soo dhow. Ma garan karo sidey u saxan tahay in iyadoo Soomaaliya laga hadlayo tuusaalyaasha lagu soo daro London iyo New York.

    Nairobi iyana ma noqon karto mid Muqdisho lala bar bardhigo, waxaan akhriyayey research laga sameynayey is bar bar dhig lagu sameeyey East Africa iyo West Africa, xagga xiriirada, ganacsiga, dhaqaalaha, iyo IWM. Nairobi waxey noqotay meesha kaliya ee laga soo qaatay East Africa kagana wacnaatay meelo badan wadamdii badnaa ee West Africa ku oolaa, inkastoo xiligaan akhriyey laga soo wareegay malaa sannado dhowra. Si kastoo ay ahaataba sow idin lama wacna ineynaan ku sicir goosan dad iyo dalal qarniyo naga horeeya ka hor inta aanan isa soo habeyn ka Soomaali ahaan?.

    ReplyDelete
  8. md yuusuf garaad , internet ka waxaa lagu qiyaasaa wad garanaysaa waa bandwidth , qofka inta ow ubahanyahay xawarihiisa ey kuxirantahay , anaga somlia waxaa yimid internet ka optical viberka looyaqaano oo laga soo qaday international water ka so manta waxaa lamid nahay kan london iyo kan nairobi aad shegoyso , anigu waxan aad u aqan kuwa internetka fiberka kenay haddana waxaa lagu qata waves , weli cable ki wadanka lama galin oo caqabada hortaaqan waa marsha biyeedkaan ey turkish ku kusameeeyeen magaladi melihi ugu muhiiimsana , lkn alx anigu manta aan comment garaynayo posts kaadan waxaan haystaa internet ON CLICK ah waxaana kula joogaa MOGADISHU
    mahadsanid , if u need more u can contact thanks again

    ReplyDelete