Hooyo waa Biri-Ma-Geydo
Yusuf-Garaad
Waxaan maqlay arrin aad iiga cajibasay oo murugo leh. Gabar reer
Marka ah oo London aan isku aragnay ayaa ii sheegtay in labada dhinac ee isku
dilaya Shabeellada Hoose uu midkood dilay hooyo Soomaaliyeed. Ka dibna loogu
aaray hooyo kale oo Soomaaliyeed. Allah ha u naxariisto labadaba.
Anigu ma aqaan dembi qof bani’aadam ah laga galo oo ka weyn in nafta
laga gooyo. Taas oo hadda Shabeellada Hoose aad uga socota.
Waxaase iga sii yaabiyey ninka u bareeray in uu qof nafta ka gooyo asaga
oo is illowsiinaya in Ilaahii qofkan uumay uu isagana la xisaabtami doono. Ee
haddana waliba qofka uu nafta ka goynayo ka ay tahay haween weliba hooyo ah.
Nimanka dagaalka ku jiraa haddaysan ayagu is nabad gelineyn, waa in
ay nabad geliyaan dadka aan dagaalka ku jirin siiba haweenka, carruurta, waayeelka iyo bukaanka.
Ma jiro sharci iyo qaanuun ay ku bannaan tahay in la dilo qof rayid
ah. Hooyana waa lama taabtaan.
Beri aan baarayay xeerarka, dhaqanka iyo sugaanta dagaalka Soomaalida oo
aan Waamo ilaa Djibouti socday, ayaan ka sameeyay 20 barnaamij.
Magaalada Hargeysa ayaan aqalkiisa ku booqday Xaaji Dallaayad oo
ahaa nin-karmeed, sheekoole iyo gabyaa. Gabay aan ka soo duubay ayaa
erayadiisa waxaa ka mid ahaa:
Dhirtaba Geed malko ah baa jiriyo lama garaacaane,
Dadkuna Biri-ma-geydo ayuu leeyihiyo lama guhaadshaane.
Oo uu inta wax fahmeysa ku tusaaleynayo in xataa geedaha ay ku
jiraan kuwa aan la jarin sida geedka hooska weyn ee la harsado.
Dadkuna ay leeyihiin qaar aan bir lagula dhicin iyo xataa dhib kale oo
ay tahay in la dhowro.
Sida ugu wanaagsan waa in Aadanaha oo dhami uu kaa nabad galo. Ogow dadka Ilaaheey ayaa uuntay, haddaad dad dil noqotana isaga ayaa kula xisaabtami doona.
Sida ugu wanaagsan waa in Aadanaha oo dhami uu kaa nabad galo. Ogow dadka Ilaaheey ayaa uuntay, haddaad dad dil noqotana isaga ayaa kula xisaabtami doona.
Fadlan taladaada halkan ku reeb. Mahadsanid
ReplyDeleteInta hufan hooyo ladilee gowrac la huwiyay
DeleteHanad inta la dilee meydkiisa howdka la tuuray
Wadaad hanuunsan inta qoriga hoos loo dhigay
Hal midaan ogayn iyo caruur inta xabad lagu heeray
Hadal diin iyo soomaalinimo waa la hareer maraye
Midka nala hooyaa iyo mid qalaad halaageenna
looma kala harin
Xumaanba xumaan ayay dhaleysaa ayadoo awalba in leys dagaalo ay ahayd wax aad u fool xun ayaa markii aan ka hari weynay dagaalkii sokeeye waxa ka dhashay in dumarka xataa la laayo. Waan ka xumahay arxan darada dadka qaarkiis ay ku kacayaan Allah ha u naxariisto
ReplyDeleteSomaliwayn hooyooyinka hala ilaaliyo halaga warqbo hooyo wanaageeda waa badan yahay xuquuqday nugu ledahay / abaalkeedii ma in ladilo oo waliba hooyo kale loogu aargudo . Muslin iyo gaalo Boos ma looga hayo .
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteHaa waa qiso xanuun badan, qof caqli leh wax ka suurtooba maaha in hooyo la dilo, haddana hooyo kale loogu aaro, waxaa falkaas sameeyey waa dad waalan ayeynu dhihi karnaa, sababtoo ah qof caqligiisu u dhanyahay waxaas kuma kaceen. Soomaalidu waalida waxay u taqaan inuu qofku dharka tuuro oo markaa qashinka gurto, balse waxaa jirta waaliyo badan oo dhakhaatiirtu la tacaalaan. Taas ayaana haysa dad badan oo soomaali ah, ayna kaliftey dhibta joogtada ahi.
ReplyDeleteMurtida aad xustey waxay i xasuusiyey hees ay ku wada luuqeeyaan Khadra Daahir iyo Cigaal. Ma hubo abwaanka sameeyey. Waxay leedahay : Dhirtaba geed laa jariniyo waxaa jira lama garaacaan (saad sheegtey waa geedka la hadhsado) Geedihii oo dhan waa la dhameystey hadeer, waa xaaluf dhulkii.
Marti goor xun socotaa gurigaaga oo madhan........
dadkaba gobol aan laqadin iyo
ogow gibil madaadsha ha
loo gawracaa jira, ( Waa abtiga, hadii aysan waxkale hayn reerku, awrka reerku ku guuro ee caruurta la saaro(gibil-madaadshe) ayey u gawrici jireen abtiga, saa cidkaleba waad qadin kartaa balse dhaqanka Soomaalida abtiga lama qadiyo)
Biri ma gaydaduna waa dhaqan suuban oo soomaalidu waligeed lahayd.