Total Pageviews

Monday 15 January 2018

Sidaad Doontid Yeel Maaha


Saxaafadda, siiba saxaafadda bulshada sida Facebook, ayay dad badani ku dhaliilaan sida ay dadka qaar u adeegsadaan, nooca iyo qaabka wararka ay soo dhigaan iyo faallooyinka ay ka bixiyaan waxa la soo qoro.

Dunida oo dhan ayay dhaliilahaasi dood ka abuureen.  Soomaalida lafteeda dad badan ayaa cabashadaas qaba.

Saaxiibkeey ayaa shalay i dhegeysiiyay Hees  ah wacyi-wadaag oo tusaale u soo qaadaneysa khaladdaadka jira qaarkood.

Waxay ila noqotay in iyada oo qoran aan u soo bandhigo saaxiibbada ku taxan barteyda.

Heesta waxaa ku luuqeysa Deeqa Afro.  Hal-abuurka heestu wuxuu soo koobay qaar badan oo ka mid cabashada social media laga qabo.

Social mediuhu
war hooy sidaa maaha
Qarankana sumee maaha
Kala sooc dadkana maaha
Madaxdii la soo doorto
Eedeyn u saar maaha
War hooy sidaa maaha

Sidaad doontid yeel maaha
Fannaaniinta caay maaha
Heesahooda soo qaado
Si xun wax uga sheeg maaha

Dumarkeenna Soomaaliyeed
Ceebtooda soo raadi
Sawirradiyo videowga
Ruux kale ka soo qaado
Commentiga ku caay maaha

Weriyaha socdaalkaahe
Shacabkiisu sugayaane
Si uu warar u gaarsiiyo
Qoraallada uu soo saaro
Sii kala fasiro maaha
Xumaantana u saar maaha
War hooy sidaa maaha

Ruux bukoo sariir saran
Sawirkiisa soo qaado
Dadka saddqa ka aruuri
Hadhowtana ha siin maaha

Heesta waxaad ka dhegeysan kartaa Youtube.  Ku dhowaad milyan jeer ayaa la daawaday.

Friday 12 January 2018

Kaddare: Waan Ceeboobay!


Xuseen Shiikh Axmed Kaddare oo ahaa dhaqan yaqaan ayaa beri Radio Muqdisho ka sii deyn jiray Barnaamij toddobaadle ah oo ku saabsan Dhaqanka.

Kaddare AUN wuxuu ahaa hadalyaqaan, caqli u saaxiib ah.  

Wuxuu ahaa nin dadaal badan oo hey’ado kala duwan si uun ugu lug leh.
 
Wuxuu ahaa Agaasime Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare.  Waxaa kale oo uu ka shaqeyn jiray Akademiga Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Gobolka Banaadir-na wuxuu ka mid ahaa khubaro marka ganacsi cusub shati la siinayo hubisa magaca ay qaadanayaan in uu yahay munaasib, higgaaddiisuna ay sax tahay.

Wuxuuna ahaa arday ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Markii la qorayay far Soomaaliga, wuxuu keenay far iyo habqoraal uu Soomaaliga u dejiyay oo ka mid ah alif ba’dii iyo hababkii la qiimeeyay in iyada la qaato iyo in kale.

Kaddare, maaddaama aan Raadiyaha ka wadashaqeyno, Jaamacaddana aan wada dhiganno siddetamaadkii, yahayna nin aad iiga khibrad iyo aqoon badan, wuxuu ahaa nin aan la sheekeysto oo aan galbaha qaar kula ballamo Afarta Jardiino ama Siinaay oo uu inta u dhexeysa degganaa.  Waxaan ula kulmi jiray in aan ka kororsado taariikh, dhaqan iyo suugaan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayay Madaxda Idaacaddu u yeertay Kaddare oo ay ku wargelisay in Barnaamijkiisa Toddobaadlaha ah la joojinayo oo uu ka mid yahay dad shaqada laga fariisiyay. 

Kaddare ww ninka bidix fog kaa soo eegaya
ee shaarka cad. Goobtu waa Jaamacadda
Dadku marka shaqada laga joojiyo muran iyo dacwad ayay inta badan ka keeni jireen.  Kaddare sidaas oo kale ayaa laga filyay, laakiin wuu ku duwanaaday.

Wuxuu ku jawaabay: Waxaan ahay nin weyn oo ceeboobay ee iga raalli ahaada.

Maxaa dhacay ayaa la weydiiyay?

Wuxuu yiri:

waan is howlayay oo aniga oo duruufo iyo xaalad adag ku shaqeynaya ayaan haddana baaris, diyaarin iyo soo jeedin Barnaamij qiimo leh aan usbuuc kasta isku howlayay.  Waxaan moodayay in ay dhegeystayaasha iyo Madaxda idaacadduba ay ku qanacsan yihiin tayada Barnaamijkeyga.  Ayna fahmi karaan duruufta aan ku shaqeynayo.  Oo markaas ay abaal iiga hayaan.  Sidaa darteed ayaan aniguna is lahaa dhankaaga ka tiiri.

Laakiin hadalkiinna marka aan maqlay waxaa ii soo baxday in aan la igu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayay intii aan soo shaqeynayay.  Marka waan ceeboobay oo waxay ahayd in aan is garto in aan Barnaamijkeyga lagu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayo.   Markaasna aan anigu isaga tago meesha.

Raalli ka ahaada intii aad ii dulqaadateen.  Haddana in aad ii sheegteen waad ku mahadsan tihiin.

Inkasta oo ay labada mas’uuliyadood ay kala culus yihiin, haddii aan fikirka Kaddare qaato waxay noqoneysaa in aan ceeb la wadaago.  Waxaase jira asbaabo aan uga duwan ahay oo aan ugu bareeray "ceebta". 

Maanta xilligeedii ma joogo in aan faahfaahiyo, dalkana dani uguma jirto in aan sii faaqido.

Monday 8 January 2018

Ila soo dhowee Cawad, Wasiirka Cusub ee W. A. D.

27 Sano markii ugu horreysay een Xil Wasaaradeed wareejiyo
Waxaa sharaf ii ah oo aan ku faraxsan ahay in aan maanta xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo ISkaashiga Caalamiga ah aan ku wareejiyo Wasiirka cusub, Axmed Ciise Cawad oo inta aan la magacaabin ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Washington.

Wasiir Axmed oo ah nin aan hore u soo wadashaqeynay annaga oo laba Danjire ah waa nin xog ogaal u ah Wasaaradda siiba xaaladda ay Safaaradaheennu ku sugan yihiin.

Waxaan u mahadcelinayaa sida uu ii sharfay iyo qaddarinta uu ii muujiyay.  Waxaanan u rajeynayaa in uu Allah ku guuleeyo xilka ka sii culus kii uu hore u hayay ee uu Qaranka maanta u qaaday.

Wasiirka iyo Wasaaraddaba waxaan ku taageeri doonaa wax Allah wixii karti iyo aqoon igu jira, welibana waxaan hadda u madax bannaan ahay in aan cod kore ugu qeyliyo haddii ay dhacdo in Wasiirka kaalintiisa dastuuriga ah iyo maqaamka uu Dowladda ku leeyahay la isku dayo in la wiiqo.


Laba Danjire oo isku wareejiyay xilka Wasaaradda
Sawirku waa mid aan Safaaraddeenna Washington ku galnay 2016 aniga iyo Axmed Ciise Cawad mar aan ahayn laba Danjire.  Axmed wuxuu fadhiyay caasimadda Mareykanka ee Washington aniguna waxaan fadhiyay Xarunta Qarammada Midoobay ee New York.

Waxaan u mahadcelinayaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Wasiir ku Xigeenka iyo dhammaan madaxda, diblomaasiyiinta, shaqaalaha iyo marti sharaftii ka qeyb gashay munaasabadda.

Wasaaradda iyo howlwadeennadeeda waxaan u rajeynayaa guul aad uga sarreysa inta ay hadda mareyso.

Ugu dambeyn wxaan u mahadcelinayaa Ra'iisal Wasaare ku xigeenka iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha oo iyagu nagala soo qeyb galay munaasabadda xil wareejinta oo ahayd markii ugu horreysay 27 sano ee xil Wasaaradeed aan wareejiyo.

Thursday 4 January 2018

Jawaabta Xil-ka-Qaadisteyda

Haddii aad qormadaan u akhrineyso in aad ka hesho war dowladda ama madaxda Qaranka dhaawaca fadlan halkan ku jooji.

Maaddaama aad akhriska sii wadday waxaan u arkaa in aad dooneyso in aad dareenkeyga ogaatid.

Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, waxaan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra'iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta isaga soo hor dhigo 9-ka subaxnimo si aan Golaha Wasiirrada u geyno galabta.  

Shirka Golaha oo badiyaa dhici jiray 9-ka ama 10-ka subaxnimo, wuxuu Ra'iisal Wasaaruhu ii sheegay in uu galab ka dhigayo si aan annagu subaxnimada isu aragno.  Hase yeeshee saaka markii aan soo toosay ayaa qof iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday.

Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay.  Wuuna ii xaqiijiyay.  Ra'iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan.


Waan xusuustaa in hadda ka hor uu Madaxweynuhu igu yiri afar sano waan isla dhammeysaneynaa.  Niyad wanaag ayaan uga arkay laakiin kama rumeysan. Umana heysan in uu damcay in aanuu run ii sheegin.  Laakiin waxaan ogaa in ay u badan tahay in aanay suurta gal noqon.

Ugu horreyn, si buuxda ayaan u aqbalay xilka aan Qaranka u hayay ee la iga qaaday.

Marka xiga, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, waxaan uga mahadcelinayaa in aniga oo aan midkoodna weydiisan ay bishii March 2017 Soomaali oo dhan ay aniga iga soo xuleen, ka dibna ay ii magacaabeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeyga, markaas oo aan noqday Wasiir Arrimo Dibadeed oo aan dalka dibaddiisa looga yeerin ee isaga oo caasimadda jooga oo Dowladda u shaqeeya la magacaabo.

Waa qaddarin, mudnaan, sharaf iyo  aamminaad aad u weyn.  Waan ka mahadcelinayaa.
Waxaa kale oo aan uga mahadcelinayaa wada shaqeynta iyo qaddarinta aan ka helay xilligii aan xilka hayay.

Inkasta oo aan ahaa nin ay Soomaali badani taqaan, aan ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qarammada Midoobay ee New York, haddana Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha midkoodna 2017 ka hor ma aynaan wada shaqeyn.  Xiriir dhowna ma aynaan lahayn.  Sidaa darteed saaxiibbada kalsooni ay ku qabaan aqoonteyda, khibraddeyda iyo daacadnimadeyda dartood ka dhaadhiciyay in ay aniga ii xushaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyagana waan u mahadcelinayaa.  Xataa waxaan u mahadcelinayaa kuwa laga yaabo in aanay raalli ka ahayn in la i magacaabo, karayna in ay is hor taagaan magacaabisteyda laakiin aan sidaas sameyn.

Mahad weyn waxaan u jeedinayaa Baarlamaanka Soomaaliya ee ansixiyay magacaabista Golaha Wasiirrada aan ka midka ahaa.  Waxaa kale oo aan Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiyadooda Arrimaha Dibadda uga mahadcelinayaa wadashaqeynta iyo xisaabtanka wanaagsan ee is qaddarintu ay ku dheehan tahay ee ay ila yeesheen intii aan xilka hayay.  Guddoomiyayaasha labada aqal oo ah laba mas’uul oo aan xushmad badan u hayo ugana dambeeyo waayo aragnimadooda waxaan iyagana uga mahadcelinayaa taageerada ay ii muujiyeen si aan xilkeyga u guto.

Waxaanan illoobi karin, Danjirayaasha, diblomaasiyiinta iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee sida hagar la’aanta ah u gudanaya waajibaadka Qaran ee saaran.  Waa ciidan Soomaaliyeed oo filiqsan dalka Dibaddiisa iyo gudihiisa oo aan qoryo iyo rasaas ku hubeysneyn ee qalinkooda, aqoontooda iyo niyaddooda birta ah ku daafacaya danaha dadka iyo dalka inta bandanna aan helin qaddarinta ay Qaranka ka mudan yihiin.

Wasiiru Dowlaha Cabdulqaadir Axmed Kheyr iyo Wasiir ku xigeenka Mahad labadaba waxaan uga mahadcelinayaa wadashaqeynta wanaagsan ee kalsoonida, xushmadda iyo qaddarinta iyo nadiifnimada ku dhisan.

Waxaan u mahadcelinayaa oo kale Golaha Wasiirrada oo dhammaantood ay naga dhaxeyso wadashaqeyn iyo is qaddarin.

Ma illoobi karo, dhallinyarada naftood hurayaasha ah ee ka tirsan ciidammada Qaranka oo maalin iyo habeen, soo jeed iyo aniga oo hurda amnigeyga ka mas’uulka ahaa.  Waxaan xusuustaa markii ay runtu timid ee qarax culus lala beegsaday meel aan ka fogeyn Wasaaradda Arrimaha Dibadda 14-kii Oktoobar, in iyada oo mid wiilasha ka mid ahi uu qaraxa ku dhintay, anigana uu firir yari i soo gaaray oo dhiigeygu baxayo, baabuurna aanuu dhaqaaqi karin,  in ay  ka shaqeeyeen in aniga iyo laba Wasiir oo marti ii ahaa ay lug nooga saaraan Wasaaradda.

Inta aan xusay oo dhan, oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyay, uguna dambeeyeen ciidanka i ilaalinayay, midkoodna dhaliil la’aan ma aha.  Waxaanse aamminsan ahay in ay isku waajib iyo ujeeddo yihiin.  Taas oo ah in inta tabartood iyo garaadkooda ah ay ka shaqeynayaa in uu Soomaali kastaa nabad iyo sharaf haysto, nolol wanaagsanna uu ku nollaado.

Ilaaheey waxaan ka baryayaa in uu ujeeddadaas nagu wada guuleeyo.  Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta badanna waxaan ka codsanayaa in ay Madaxda, shaqaalaha Dowladda iyo ciidanka ay gacan ku siiyaan u adeegidda Qaranka.

Waxaan ku faraxsan ahay in aanan dheg u dhigin madaxda iyo dadka damcay in ay igu qalqaaliyaan in aan ku milmo arrimo aan mar iyo laba keliya ahayn oo Dowladda iyo qabiil ka dhexeeyay oo aanan labada dhan midkoodna aanan raalli ka ahayn sida ay wax ku wadaan, aniguna aan Soomaalinnimadeyda, sumcaddeyda iyo aakhiradeyda dartood aan uga dhowrsaday marka laga reebo in aan talo ka bixiyay aan la iga dhegeysan laakiin mararka qaar ay aakhirkii dani tiri.

Waxaan u mahadcelinayaa Soomaalida inta aan xilka hayay i dhiirri gelisay iyo kuwa talooyinka wanaagsan i siiyay.

Waxaanan aqoon si aan ugu mahadceliyo dadka Soomaaliyeed ee qaddarin Qarankooda loo hayo darteed la igu sharfay caasimadaha adduunka iyo fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.

Waxaan dar Allah, cafis ka dalbayaa qof kasta oo waajib iga saarnaa oo aan ka gaabiyay.

Waxaan cafiyay cid kasta oo intii aan xilka hayay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed awgood ama xataa in ay xil noo dhex ah iga riixato darteed ii xamatay ama ii cambaareysay.

Waxaan Mahadda ugu ballaaran u jeedinayaa xaaskeyga Yasmin, oo dal jacayl  igu garab istaagtay iyo dulqaadka iyo samirka ay ii muujisay si aan dalka ugu adeego iyada oo xaaladda dhaqaale iyo midda amniba ay adag yihiin. 

Waxay u dul qaadatay in magaalada ay deggan tahay aan lix jeer ka beddesho dayaarad aniga oo aan soo dhaafin airporka.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa carruurteyda oo xilli qaarkood ay yihiin socod-barad aan ka maqanahay muddo aad u dheer.  Kuwooda waaweynina ay goor iyo habeen ay igu dhiirri geliyaan u adeegidda dal mid toddobaad joogay maahee intooda kale aanay arag.


Ugu dambeyntii waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda, isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaraddana lagu xurmeeyo howshooda.

Waxaan taas u leeyahay waxaan ka warqabaa in aan ahay Wasiirkii tobnaad ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya qabta ee ay wada shaqeeyaa isla hal Wasiir Arrimo Dibadeed ee dal ay wadashaqeyn dhowi naga dhexeyso.  Wasiirka i beddelayaa wuxuu noqon doonaa Wasiirkii kow iyo tobnaad ee Soomaaliya matalaya ee Wasiirkaas ay is hor fariistaan.

Waxa iigu weyn ee aan ka kororsaday adeegga Qaran ee aan hayay waa in uu ii kordhay fahamka cilladda haysata Dowladnimada Soomaaliya.