Total Pageviews

Thursday 28 May 2020

Prof. Caruush, Hormuudkii Jiyoolojiya. Allah ha u Naxariisto

Allah ha u naxariisto Prof. Maxamuud Cabdi Caruush. Wuxuu muddo dheer Hormuud ka ahaa Kulliyadda Jiyoolojiya ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Xanuun in muddo ah hayay ayuu u geeriyooday isaga oo jooga Canada.

Marka aan Jaamacadda galay, Prof. Caruush wuxuu ahaa Hormuud. Markaa si buuxda uma qiimeyn karo, laakiin inta aan aqaannay ayaan sadarradan ku soo koobayaa.

Prof. Caruush wuxuu wax ku bartay dalalka Talyaaniga iyo Mareykanka. Wuxuu hadda iyo sannado hore oo badanba ka shaqeynayay Waxbarashada Soomaaliya. 

Wuxuu ahaa nin saaxiibbo badan ku leh dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Wuxuu ahaa dal yaqaan aad ugu safray gobollada Soomaaliya maaddaama ay shaqadiisu ahayd biyaha iyo macaadinta.

Waxaa kale oo uu ahaa nin wax ku bartay ama degey kana shaqeeyay dalal dibadda ah sida Kenya, Italy, Germany, Canada iyo Mareykanka.

Inkasta oo markii iigu horreysay ay howli na dhex martay aniga oo Radio Muqdisho ka socda sannadkii 1983, haddana Maxamuud waxaan is barannay oo wada shaqeyn kooban ay na dhex martay markii aan Guddoomiye u noqday ardayda Kulliyadaha Gahayr oo ay Jiyoolojiya ka mid ahayd.

Ka sokow in aan isugu nimaad matalaadda xuquuqda Ardayda iyo munaasabadaha Jaamacadda, waxaan ka amaahan jirnay gaadiid aan mararka qaar ku tagno Marka, Jannaale iyo meelo kaleba. Waayo Kulliyadda Jiyoolojiya waxay lahayd baabuur u badan jeeb [jiib] oo ay ardayda iyo Macallimiinta Jiyoolojiyada adeegsadaan marka ay safar cilmi baaris ah ugu baxayaan Buuraha.

Prof. Caruush, waa Koofilaha labaad
Intii aan Jaamacadda ardayga ka ahaa, Prof. Caruush wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii ardayda qaar u kaxeeyay Taliska Qeybta 21-aad ee Xoogga. Waa barnaamijkii loo bixiyay Mataaneynta Qalinka iyo Qoriga.

Isaga oo ka yimid Jarmalka, oo la shaqeynaya Hey’ad Jarmal ah ayuu Prof. Caruush ka mid ahaa kooxdii qabanqaabisay shir aqoonyahanno Soomaaliyeed loogu qabtay Iskuulka SOAS ee Jaamacadda London sannadkii 1993. Waxay ahayd markii aan dib isu helnay qaxii ka dib.

Xilligaas ilaa iyo hadda, howlo hadba nooc ah oo u badan xagga samafalka iyo cilmi baarista Soomaaliya ayuu ku lug lahaa.

Sidii uu dalka dib ugu soo laabtay wuxuu sannadahaan dambe ka shaqeynayay mashruuc Waxbarasho. Magaalooyinka uu ka shaqeyn jiray waxaa ka mid ah Hargeysa, Marka, Muqdisho iyo Nairobi.

Dhaqan iyo Dabeecad

Prof. Caruush wuxuu ka soo jeedaa qoys reer Marka ah oo wax bartay shaqo wanaagsan oo u badan waxbarashada iyo samafalka ka qabtay dalka welina ka wada. Walaashiis Xaliimo waxay ahayd Macallimad ka dibna waxay noqotay Maamulaha Dugsiga Xaawo-Taako,  waxayna ahayd Maamulayaashii haweenka u horseeday in ay Iskuul madax ka noqdaan.

Xilligii burburkana waxay iyada iyo walaasheed, Istarliin Caruush, ay xilli adag dalka ka fuliyeen howl samafal ah oo aan weli istaagin.

Waxay culeyska saareen sugidda xuquuqda iyo daryeelka gabdhaha iyo haweenka iyo hub ka dhigidda malliishiyaadka ayada oo tababbar xirfadeed loogu beddelayo.

Marxuumka walaalkiis Maxamed Cabdi Caruush, isaguna wuxuu ahaa Macallin Jaamacdeed oo wax ka dhiga Kulliyadda Daawada iyo Xanaanada Xoolaha.

Waa qoys soo saaray Wasiirro heer Federaal, heer Dowlad Goboleed, Safiirro, Samafalayaal iyo aqoonyahanno kale oo badan. 

Allah ha u naxariistee wuxuu ahaa reer magaal ciyaal Marka ah oo kaftan badan. 

Prof. Caruush waxaan sagaashamaadkii weydiiyay haddii uu wareysi naga siin karo waxa uu ka og yahay cilmi baaristii batroolka Soomaaliya iyo macaadinta kale ee dalka ku jirta.

Wuxuu ii sheegay in Soomaalidan hadda ku dagaalsan dhul aanay macdan ku ogeyn aanuu diyaar u ahayn in uu ku yiraahdo 'gobol hebel ayaa lagu tuhunsan yahay in shidaal ku jiro'.

Aqoontiisu kuma koobneyn biyaha, dhagxaanta iyo macaadinta keliya.  Wuxuu ahaa taariikh iyo dhaqan yaqaan dalka aad ugu safray una fiirsaday bulshadeenna. 

Wuxuu xiisa gaar ah u hayay ururinta taariikhda Soomaaliya ee xilligii gumeysiga iyo ka dib. Qoraallo badan oo qaarkood uu yahay dokumenti rasmi ah ayuu dhex maray. In badanna wuxuu la sheekeystay odayaashii hore.

Wuxuu jeclaa in uu fahmo kala duwanaashaha fekerka iyo dhaqanka bulshada ee ku saleysan degaanka. Siiba farqiga xoolo dhaqatada iyo kuwa beeraleyda ama kalluumeysatada ah. Taasi waxay la gashay xataa qoyskiisa iyo ilmo adeerradiis oo ka kooban reer Banaadiri ciyaal Marka ah iyo reer Gobollada Dhexe. 

Annaga oo Nairobi joogna, wuxuu maalin igu yiri, 'ina adeerkey reer Marka ah haddii aan weydiisto kun shilin, uma baahni in aan u sheego in ay deyn tahay. Sababta oo ah wuu og yahay in aan deyn ka hadleyno'. 

Wuxuu ku daray, 'ina adeerkey ka yimid Gobollada Dhexe wuxuu aamminsan yahay in aan wax wada leennahay, taas  oo ay ku jirto hantidiisa iyo teyduba marka uu midkeen u baahdo midka kale'.

Waxaa kale oo uu jeclaa in uu fahmo waxa uu qofka Soomaaliyeed is moodo, ee ku saleysan qabiilka. Dhankaas waxaad moodday in isaga oo farsamo cilmi nafsi ah adeegsanaya uu isku dayo in uu fahmo oo fasiro sababta qofku aanuu sheegay laakiin ka yeersiisay oraah ama ka keentay ficil uu sameeyay. 

Halkaas waxaa ka dhalan jirtay dood ku saleysan fahamka waxa aan muuqan ee qof ku sababay in uu u dhaqmo sida muuqata.

Prof. Maxamuud Cabdi Caruush wuxuu ahaa nin saaxiibbo jecel, sheekoole ah, dhegeysta sheekooyinka, macaammil wanaagsan, qunyar socod ah oo aan dadka dulmin.

Aniga wuxuu ii ahaa saaxiib aan jeclahay oo marka aan arrin ka sheekeysanno inta badan iga tusa dhinac iga dahsoonaa ama aanan hore u siin miisaanka ay leedahay.

Xaalad kasta oo adag oo dalku ku jiro ama qof saaxiib ah la soo gudboonaata, Prof. Caruush wuxuu ahaa nin u fekera si horusocod ah oo rajo abuuri karta.

Xagga siyaasadda mar kasta oo ay dhacdo in aan arrin siyaasadeed isla soo qaadno aragti ayuu ka lahaa, mararka qaar adag. Laakiin ma xusuusto isaga oo siyaasad ka hadalkeed ummadda la soo hor istaagay.

Hadda oo uu geeriyooday, waxaan qabaa in aan ku samirno, uguna duceyno in Allah Jannada ugu bishaareeyo.

Annaguna aan murugada isku illowsiinno in aan is xusuusinno waxqabadkiisii iyo farxaddii uu ku noolaa.

Waxaan u tacsiyeynayaa Marwadiisa Xaawa Ibraahim Camalow iyo carruurtooda.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa reer Cabdi Caruush, gaar ahaan Faadumo, Khaiijo, Xaliimo, Prof. Maxamed, Wasiir Naasir, Shiino, Bashiir iyo inta aynaan is aqoon iyo dhashooda oo ay ka mid yihiin Wasiir Deeqa iyo Hibo Yaasiin.

Waxaa kale oo aan u tacsiyeynayaa ehelka oo dhan iyo saaxiibbada ku dhowdhow ee tirada badan.

Sunday 17 May 2020

Wareysi Meles Zenawi - BBC 2002

Ra'iisal Wasaare Meles Zenawi

Meles Zenawi wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaarihii Ethiopia ee labaatan sano ka badan hareeyay siyaasadda Ethiopia, saameyn weyna ku yeeshay Soomaaliya, Eritrea iyo dalal kale.

Dowladda Ethiopia waxay sagaashameeyadii isu aragtay, dooneysayna in uu caalamku u arko in ay tahay dalka ugu saameynta badan Soomaaliya oo sannadahaas ahayd Dowlad la’aan. Sidaa darteedna ay tahay in ciddii Soomaaliya wax u qabaneysa ay Ethiopia isla qabtaan ama ugu yaraan ay isla ogaadaan.

Sannadkii 1999 ayaa Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu New York, Hoggaamiyayaasha Dalalka Adduunka hortooda uu uga dhawaaqday shir aanuu cidna uga fasax qaadan, kana wargelin.

Waa shirkii Carta.

Markii uu ku dhawaaqay ka dib ayuu taageero uga raadiyay Dowladaha Gobolka iyo kuwa caalamka.

Carta waxay ku guuleysatay in Soomaalidii qabaa’ilka oo dhan mataleysay ee ka qeyb gashay ay heshiiyaan. Ay dhistaan Baarlamaan oo ay doortaan Madaxweyne.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
Toban sano ka dib ayay markii ugu horreysay Soomaaliya yeelatay Dowlad.

Waxaa aqbalay Dowladihii Gobolka Geeska Afrika. Ka dibna waxaa aqbashay Qarammada Midoobay.

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, markii uu New York kaga dhawaaqayay in uu Soomaalida heshiisiinayo, kursiga iyo calanka Soomaaliya ma uu fadhin Madaxweyne Soomaaliyeed oo ma jirin.

Sannadkii xigay, Madaxweynaha Djibouti wuxuu shirka New York ka jeediyay guusha laga gaaray Shirkii uu sannad ka hor halkan kaga dhaawaqay. Marka uu khubaddan jeedinayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynayaasha caalamka ee khudbaddiisa dhegeysanaya waxaa ka mid ah, Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad oo fadhiya kursiga Soomaaliya ee calanka Jamhuriyaddu ka babbanayo. Dabcan wuxuu ahaa guusha shirka Carta oo nool oo shirka Qarammada Midoobay ka marag fureysa.

Laakiin shirka Carta in ay ka qeyb galaan iyo in ay aqbalaan natiijadiisaba waxaa diiday Hoggaamiyayaashii kooxaha hubeysan marka laga reebo mid iyo laba.

Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan
Kooxahaasi waxay dhammaantood gacan saar la lahaayeen Dowladda Ethiopia.

Sannadkii 2002 ayaa la qabanqaabiyay in shir lagu qabto Kenya lagu dhisayo Baarlamaan Soomaaliyeed oo hor leh ka dib marka la abaabulo heshiisyo ay qeyb ka yihiin Hoggaamiyayaasha kooxaha hubeysan, Dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliyana ay aqbashay in ay ka qeyb gasho.

Shirka waxaa marti gelineysa Kenya, waxaana wadajir u qabanqaabinaya wax loo bixiyay dalalka safka hore. Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.

Aniga oo safar hore ku tegey Muqdisho iyo Boosaaso ayaan bilihii Maarso, April iyo Meey 2002 waxaan safar shaqo ku maray Hargeysa, Addis Ababa, Djibouti iyo Nairobi oo intaba aan kula kulmay Madax Sare iyo diblomaasiyiin.

Hotel Sheraton oo aan degganaa ayaan subax ku wada quraacannay Peter Roble Gabriel oo markaa ahaa Danjiraha Ethiopia u fadhiya Brussels. Ka dibna waxaan keli ahaanteey u wada qaxweynay ganacsato Soomaali ah iyo Xildhibaanno Soomaaliyeed oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Ethiopia.

Waxaan ka war helay in niman Madax ah oo Soomaali ah oo aan filayay in ay joogaan gobol Ethiopia ah, ay hadda joogaan Addis Ababa.

Waa madaxda kooxaha hubeysan. Aniga oo mid keliyihi i og yahay ayaan ugu tegey Hotel Gion. Waxaan ahay salaan iyo wardoon.

Ayaga oo geed weyn hoos fadhiya ayaan mar qura ka soo dhex dhacay. Waa Cabdullaahi Yusuf, General Gabyow, Eng. Caddow, Maxamed Dheere, Shaati Guduud, Muuse Suudi Yalaxow, Eng. Xuseen Maxamed Caydiid, General Morgan, Hilowle Iimaan iyo qaar kale oo dhammaantood qaaddacsan Dowladda Soomaaliya.

Waa maalintii iigu horreysay Muuse Suudi oo aan fool-ka-fool isu aragno. Inta kale waxay ahaayeen rag aan wax badan iyo xaalado kala duwan isla soo marnay, qaarkoodna aan caasimado badan isku aragnay. Inkasta oo sidii aan jeclaa wada sheekeysigaasi aanuu u dhicin, haddana xog ayaan ka helay ku saabsan cabasho ay qabeen, qorshe ay damacsan yihiin iyo tan ugu badan sida xaaladdooda iyo mooraalkoodu uu yahay. Qormadani kuma saabsana wadahadalkii maalintaas na dhex maray mas’uuliyiintaas iyo wixii iiga baxay. Intooda geeriyootay iyo inta noolba Allah ha u naxariisto.

Danjire Cabdimajiid Xuseen
Hotel Sheraton ayaan ku soo laabtay oo aan ku wada qaadannay Cabdimajiid Xuseen oo ahaa Hoggaamiyaha Xisbiga Leegada Soomaalida Ethiopia, ahaana Wasiir Federaal ah oo awood badan. Laakiin markan ah Danjiraha Ethiopia u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York, isaga oo isla markaana xubin ka ah Golaha Wasiirrada. Waxay ahayd ayaan u maleynayaa markii ugu horreysay ee aan is aragno tan iyo markii uu ka badbaaday dhaawac ka soo gaaray mar Addis Ababa gudaheeda ay niman hubeysani oo la yiri waa Itixaad ay ku qaadeen weerar ay doonayeen in ay ku dilaan. Weerarkaas, siyaasadda Gobolka Soomaalida, xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia iyo gaar ahaan xiriirka meel xun gaaray ee isaga iyo Ra'iisal Wasaare Cali Khaliif Galaydh markii uu xilka hayay intaba waan ka dhegeystay.

Intaa ka dib, Cabdimajiid wuxuu i siiyay gaarigiisa, si ay iigu fuduaato in aan ku tago, Xafiiska Ra’iisal Wasaare Meles, oo aan galabta la leeyahay wareysi qabanqaabadiisa aan isaga u maray.

Wareysigu wuxuu ku soo beegmay dhowr bilood ka dib weerarkii loo bixiyay 9/11 ee al Qaacida ay qaadday New York iyo magaalooyin kale oo Maryekanka ah.


Sadarradani ma aha mala awaal, ma aha aragti, mana ahan taxliil. Waa waxa uu Ingiriisku u yaqaan from the horse’s mouth.

Lagama hadlayo Meles ee isaga ayaa hadlaya. Waa erayadiisa.


Wareysiga oo ay BBC daabacday Khamiis 4 April 2002 sidan ayuu u dhacay:

Gobolka Soomaalida khilaaf ayaa hareeyay. Madaxweynihii u horreeyay dalka wuu ka baxsaday, qaar ka dambeeyay waa la xiray. Caasimadda waxaa laga soo raray Godey, waxaana la geeyay jigjiga. Beryahaas siyaasiyiinta Gobolka qaarkood ayaa Jigjiga ku gaaray heshiis. 

Meles Zenawi waxaan weydiiyay bal in uu u arko in uu heshiisku horseedi karo in Gobolka Soomaalidu uu la jaanqaado Ethiopia inteeda kale?

Meles : Sidaas ayaan rajeynayaa. Dhacdooyinka dhawaan ka dhacay Gobolka Soomaalida ayaa ah kuwa rajadayada sare u qaadaya. Waxaan aaminsanahay in ay isku dayeen in ay xaliyaan dhibaatooyinka iyaga oo beegsanaya waxyaabaha ugu waaweyn ee  dhaliya khilaafka 

Waxaanan ku raja weynahay in aan helno dowlad adag oo uu yeesho Gobolka Soomaalida ee waddankayaga. Taasina waxaay muhiimad gaar ah u leedahay Dowladda Federaalka iyo Gobolka laf ahaantiisaba.

Ugu dambeeyntii kooxaha hubeysan oo saldhigyo ku leh meelo ka baxsan xadkayaga ma helayaan wax sabab ah oo ay u sii wadaan kacdoonka hubeysan. 

Haddii ay aaminsanyihiin in ay gooni isu taagaan, taageerana ka haystaan inta badan dadka ku nool Gobolkaas, waxaa ay sidaasi u sameyn karayaan si habsami ah iyaga oo aan cidna la dagaalamin. 

Dastuurka yaga waxaa uu dhigayaa in Goboladkii doona in uu madax bannaani helo loo yeelo sida uu doonayo haddii ay dadweeynaha Gobolkaasi ka mideysanyihiin go'aankaasi.

Ma arko wax sabab ah oo ay u sii wadaan dagaal, haddii aysan jirin wax u qarsoon iyaga oo liddi ku ah shacabka Ethiopia iyo kuwa Gobolkaba. Oo aan lagu fulin kareynin in loo maro tub siyaasadeed oo toosan.

Waxaan rajeyneynaa in ay hubka iska dhigaan oo ay ka qayb qaataan geeddisocodka siyaasadeed, sii diirranna waan u soo dhaweyneynaa.

Haddii ay go'aan noocaasi ah qaadan waayaan, annaga waxaa nala gudboon oo kiliya in aan sharciga fulinno oo aan baadigoobno.

YG: Waxaad sheegtay in aad diyaar u tahay in aad u dabacdo kooxaha dagaalamaya haddii ay

joojiyaan dagaalka oo ay ku soo biiraan hannaanka siyaasadeed ee Dalka. Laakiin taa iyagu ma aqbalin. Ma jirtaa tallaabooyin la taaban karo oo aad qaaddeen oo aad ku dhiiri gelinaysaan in dagaalka la joojiyo?



Meles: Annagu weli waan wadnaa in aan si cad ugu sheegno in ay joojiyaan howlgalada hubeysan oo ay ku soo biiraan siyaasadda. Waxaan in badanba ugu baaqnay cafis, waxaanan hore ugu ballanqaadnay in aan dhaqan celin ku caawinayno dadka dagaalada ka qayb gelay .

Marka aan xalino dhibaatada dhinaca maamulka ah waxaan mar kale u jeedin doonnaa dhammaan waxyaabahan aan sheegayo, sida ay rajadu tahayna qaar ka mid ah ayay soo jiidan doontaa haddii aysan soo jiidan dhammaantood.

YG: Cafiska aad u fidiseen qolyaha dagaalamaya weli ma jiraa mise wuu istaagay?

Meles: Cafisku weli waa sidaan ugu fidinay cid walba oo hubka iska dhigta.

YG: Aan u leexano dib u heshiisiinta Soomaaliya oo Ethiopia ay in mudda ahba ku lug lahayd. Maanta waxaan Hoteelka weyn ee Gion ee Magaaladan Addis Ababa kula kulmay qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha Kooxaha Soomaalida oo siddeed ama ka badan gaaraya ayna ku jiraan kuwa ugu magaca weyn, maxay ka samaynayaan Addis Ababa?
Description: https://www.bbc.com/staticarchive/f542b9d0e1dc2d192860b54303f39445722bc6fe.gif

Dastuurka Ethiopia waa uu ogolyahay in ciddii doonayso madax banaani loo ogolaado rabitaankeeda 
Description: https://www.bbc.com/staticarchive/354579a004884649c88a8993275bbd97d2bb9774.gif
Meles Zenawi

Meles: Waxaan isku deynay in aan ku dhaadhicino kooxaha ku bahoobay golaha SRRC in ay ku soo biiraan howlaha dib u heshiisiinta, siiba shirka urur Goboleedka IGADD uu qabanqaabiyay ee lagu qaban doono Nairobi. IGADD ayaa go'aan ka gaartay in nabadda Soomaaliya la horumariyo.

Dhamaan waddamada ka tirsan Ururka waxaa loogu baaqay in ay isku deyaan in ay nabad ka aslaaxiyaan Soomaaliya, anagana tan ayaa ah caawimaadda aan u fidinayno shirka Nairobi.

YG: Marka ma wadahadal ayaa u dhaxeeya Ethiopia iyo xubnaha SRRC?

Meles:
 Waxaan yeelanay shir aad u ballaaran oo aan ku qabannay Dire Dawa. Xubnaha Golaha SRRC dhammaantood waxaa ay haatan ka mideysan yihiin in ay ka qayb qaataan dib u heshiisiinta iyo in ay la dagaalamaan argagixisada Soomaaliya.

YG: Waxaan maqlay in wadahadalka soo socda ee Nairobi aan lagu martiqaadi doonin Somaliland ma sidaasbaa?

Meles: Inta badan howlaha inta lagu jiro arrimaha dib u heshiisiineed ee Soomaaliya, xaaladda Soomaaliland waxaa laga dhigaa mid gooni ah.

Dadka arrimaha Soomaaliya indha indheeya waxaa ay aaminsan yihiin marka la xalliyo dhibaatooyinka Soomaaliya inteeda kale, ay tahay in loo galo arrinta Somaliland iyada oo markaasi waxyaabaha la isticmaali karo ay ka mid tahay in wadahadal loo furo Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale.

Waxaanan aaminsanahay in go'aankani uu yahay midka hadda la isticmaalayo, horena loo isticmaalay.

Description: https://www.bbc.com/staticarchive/f542b9d0e1dc2d192860b54303f39445722bc6fe.gif
Somaliland waxaa ka jirto dowlad xalaal ah oo xasilooni ku soo dabaashay dhulka ay ka taliso 
Description: https://www.bbc.com/staticarchive/354579a004884649c88a8993275bbd97d2bb9774.gif
Meles Zenawi
YG: Waan u soo laaban doonnaa shirka Nairobi laakiin hadda aan ka yara hadalno Somaliland. Waxaan dhawaan tegay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Ka sokow waxaan sii raacay oo aan soo raacay diyaarada Ethiopian Airlines. Waxaa kale oo aan maqlay in Ethiopia ay magacowday labo wakiil oo u fadhiya Hargeysa; mid waa xagga ganacsiga midna waxaa la ii sheegay in uu yahay dhinaca ammaanka. Waa maxay xiriirka idiin dhaxeeya Somaliland?

Meles:
 Soomaliland waxaa ka jirta dowlad xalaal ah oo dhul aad u ballaaran ka taliso, isla markaana xasillooni ku soo dabbaashay dhulka ay ka taliso. Maaddaama aanay jirin wax kale oo ka wanaagsan oo lagu doorsado, fikradda dad badan ayaa ah, in goobtaasi xasilloonidu ka jirto la dhiiri geliyo ay cid walba faa'iido u tahay. In laga caawiyo taliska Soomaliland in uu la dagaalamo arga-gixisada caalamkana waxaa ay faa'iido u tahay cid weliba.

Xiriir ganacsi oo wayn ayaa in badanba u dhaxeeyay Soomaliland iyo Gobolka Soomaalida ee Ethiopia. Si lagu joojin karana ma jirto. Waxaanan u aragnay in ay muhiim tahay in aan ganacsigaasi ballaarino oo aan ka dhigno mid sharciyeysan.

Waxaan hore ula yeelannay xiriir dhinaca amniga ah. Waxaan ka caawinnay ogaashaha kooxaha argagixisada ah. Waxaan la wadaagnay sir. Waanan la wadaagi doonaa mustaqbalka.

Inkasta oo aanan u aqoonsan Somaliland waddan madax banaan, haddana arintani waa mid ku saabsan nolol. Waayo Somaliland soohdin baan wadaagnaa, waxaanan arrimahan ula tacaalnay si aad u xeel dheer.

YG: Maaddama xaga ammaanka iyo sirdoonka aad iska kaashanaysaan maxaa idiin diiday in aad Somaliland aqoonsataan?

Meles:
 Waa su'aal ay dad badan oo ka yimid dhulkaas ka tirsan Soomaaliya in badan i weeyddiiyeen.

Annagu reer Ethiopia haddaan nahay arintaas waxaan u aragnaa in ay tahay mid uu ka dambeeyo dadaal firfircoon oo lagu doonayo gooni isu taag iyo Madax banaani. Annaga Dastuurkayagu waa uu oggol yahay arinkaas [go’itaan].

Dadka Reer Soomaliland waxaa ay sheegaan in annagu aan u oggolnahay dadka ku nool kililka shanaad ee Ethiopia in ay goostaan haddii ay doonaan. Balse iyagu aysan fursad taas la mid ah haysan maaddaama ay waddan kale ka tirsan yihiin.

Annaguna waxaan ugu jawaabnaa, shuruucdayada annaga ayaa sameeysanay, cid xadkayaga ka baxsanna kuma qasabno.

Su'aasha la is-weeydiin karo ayaa ah, sidee bay Gobolada kale ee waddanka Soomaaliya u arkaan Somaliland?

Waxaan u arkaa in qof walba ay la xuntahay in loo arko in uu sabab u noqdo kala go'a Soomaaliya. Waa haddii ay u aqoonsadaan Gobol ka mid ah waddanka, in uu yahay dhul ka madax bannaan waddanka intiisa kale. 

Arrintani aad ayay u khusaysaa Ethiopia laftirkeeda, maaddaama ay madaxdii talisyadii hore ay Soomaaliya ka lahaayeen hadafyo iyaga u gaar ah ah oo aan wax faa’iido ah u lahayn shacabka Soomaaliyeed.

Arrintani waa mid u taalla dadka Soomalida ah. Haddii ay aqoonsadaan Soomaliland annagu waxba kama qabno oo annaguna waan aqoonsanaynaa, balse waa in ay Soomaalidu iyagu hoggaanka noo qabtaan.

YG:
Haddii aan Somaliland uga sii gudbo Muqdisho, waa maxay xiriirka aad la leedahay Dowladda Ku Meel Gaarka ah ee lagu soo dhisay shirkii Carta?

Meles: Annagu waxaan u aragnaa in dadaalkii Carta uu ahaa mid horumar u keenay dib u heshiisiinta Soomaaliya balse aan dhameystirneyn.

Labo cilladood ayaan annagu ku dhaliilaynaa dadaalkii Carta.

Midda hore waxaa weeye iyada oo qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya aan laga qeyb gelin. Waxaana muhiim ah in laga qayb geliyo dadkii aan ka soo qayb gelin shirka si loo dhameystiro hawshani.

Arrinta xigta waa mid ku saabsan saameynta Al-itixaad. Waxaan ogeyn billoowgiiba in xubna sarsare oo ka tirsan Al-Itixaad ay ku jireen Baarlamaanka Ku Meel Gaarka ah.

Balse waxaan u argnay in fursad la siiyo dowladda annaga oo u haysanna in waqtiba ha qaadatee ku tiirsanaanshaha Al-Itixaad uu yaraan doono.

Balse nasiib darro markii ay aduudayeen Booliska Itixaadka ayaa mar kale fursad la siiyay. Waa ka dib markii ciidamada maxkamadaha Islaamiga oo qaarkood Itixaad yahay loo diiwaan geliyay Booliska. Meelaha qaar booliska maxkamadaha Islaamiga ah ayaa uga batay booliska caadiga ah.

Markaasi waxaa inoo caddaatay si ula kac ah iyo si aan ula kac ahaynba ha noqotee in Dowladda ku meel gaarka ahi ay gabbaad u noqotay Al-itixaad. Taasina waa arrin u baahan in wax laga beddelo. Siiba ka dib 11-kii Sebtembar waxaa mudan in Dowladda KMG ah ay iska nadiifiso eedeeyamahan.

YG: Arrimahan ma kala hadashay Dowladda ku meel gaarka ah?

Meles: Haa in badan ayaan ka wada hadalnay arintani.

YG: Wax horumar ma laga gaaray wadahadalkaasi?

Meles: Marka hore dhameystirka hawsha dib u heshiisiinta iyada oo lagu soo darayo kooxaha aan hore looga qayb gelin. In si shuruud la'aan ah loo wada xaajoodo. Tani waa mowqifka IGADD ee uu ku dhisanyahay shirka soo socda ee Nairobi.

Waxaa la aaminsan yahay in Dowladda Ku Meel Gaarka ah ay aqbashay arintani, waxaana la oran karaa waxaa la sameeyay horumar. 

Waxaan ka dhursugeynaa Shirka Nairobi, balse in Dowladda KMG ah iyo kooxaha mucaaradka ku ah ay ka soo qayb gelayaan shirka ayaa iyada lafteedu horumar ah.

Midda labaadna, IGAD ayaa go'aan ku gaartay in dhamaan kooxaha doonaya in ay ka qayb qaatan hoggaaminta Soomaaliya ay ka fogaadaan kooxaha iyo howalaha argagixisada. Go'aankaasi waxaa gaaray Ururka IGADD, madaweynaha Dowladda KMG ahna waa uu fadhiyay shirkaasi sida aan u maleynayana wuu aqbalay go'aankaasi ka dib dood dheer iyo wadahadal.

YG: Ma haysaan wax cadaynaya in ay Dowladda Ku Meelgarka ah ay ku lug leedahay falal argagaxiso oo ka dhacay Gobolka ama meel kale oo Caalamka ah?

Meles:
 Maaddaama Booliska Dowladda oo intiisa badan ka kooban dad ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah oo qaar badan oo ka mid ahi ay yihiin Al-itixaad. 

Maaddaama mudanayaal badan oo ka tirsan baarlamaanka KMG-ka ahi ay yihiin xubno sare oo ka tirsan al Itixaad, Ururkaasina uu yahay mid loo aqoonsaday argagixiso.

Markaa waxaa loo arki karaa in Dowladda KMG-ka ahi ay, ku tala gal ha ka ahaato ama uma kasayn ha ka ahaatee ay dowladdu aanay dooneyn in ay iska bari yeesho argagixisada.

YG: Dowladda Ku Meel Gaarka ah waa mirihii ka dhashay shirkii Carta ee ay Djibouti qabatay. Djibouti-na waxa ay ka mid tahay saddexda Waddan ee loo bixiyay dalalka safka hore waa Djibouti, Ethiopia iyo Kenya oo qabanqaabinaya shirka soo socda ee Nairobi. Marka isku si ma u aragtaan haddii aad tihiin dalalka safka hore wixii laga yeeli lahaa Soomaaliya?

Meles: Go'aankii shir madeexdkii IGADD ee Khartoum wuxuu ahaa mid si buuxda la isugu raacay. Intii aan go'aanka la gaarin dood ayaa dhacday laakiin go'aankii soo baxay waxaa uu ahaa mid loo dhan yahay. Hadda waxaad mooddaa in dhowr qodob oo wixii lagu heshiiyey ah ay doodi ka timid.

YG:Waxaa dhowaan jiray waraaqo xaga Diblomaasiyadda ah oo Djibouti ay qaybisay. Ethiopia iyaduna waxaa ay qaybisay waraaqo, taas oo muujinaysa sida aad isugu khilaafsantihiin arrimaha Soomaaliya. Waxaa kale oo jirtay in Kenya aysan ku farxin mowqifka Ethiopia ee shirka dhawaan ka dhaci doona Nairobi. Dadka siyaasadda u kuurgala qaarkood waxay dhawaanahan yiraahdaan dalalka loo xilsaaray in ay Soomaalida heshiisiiyaan, iyaga ayaaba u baahan in la heshiisiiyo. Taa Maxaad ka leedahay?

Meles: Horta waan fahmi karaa in Kenya aanay ku farxin in aan ka qeyb geli diidnay shirkii ay iyagu qaban qaabiyeen. Sababta aan u tegi weynay waxay ahayd in aynaan dareensanayn in aan u baahan nahay wadahadal wadajir loo abaabulo.

Hadda oo IGAD ahaan aan isugu af garannay in aan wadajir wax u wada qaban qaabinno, ayada oo ay Kenya ay guddoomineyso, dalalka safka hore oo dhamani ay ka qeyb qaadanayaan, waxaan u qabaa in is faham la'aantii hore laga gudbay.

Dhinaca Djibouti, sida la fahmi karo, daba socodka iyo isku deyga in ay meel mariso wixii Carta ka soo baxay waa mid Djibouti aad ugu weyn. Waanan qireynaa in geeddi socodkii shirkaa ka billowday uu yahay tallaabo hore loo qaaday, laakiin waxaan qabnaa in la dagaallanka argagixisadu uu xuddun u noqdo nabad raadinta Soomaaliya. Mana aqbali karno marka argagixiso la maldahayo.

Markaa waxay ila tahay Djibouti iyo Ethiopia waxay ku kala geddisan yihiin arrinta culeyska la saarayo.

Waxay ila tahay annagu in aan dooneyno in aan argagixisada ula dagaallanno si ka yara culus sida walaalahayaga Djibouti ay doonayaan.

YG: Waxaa tahay Hoggaamiyaha Dowladda Ethiopia. Soomaaliya iyo Ethiopia waxay ahaayeen labo dal oo isaga hor yimid dhowr dagaal. Soomaali fara badan ayaa shaki ka qaba mowqifka Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya. Dagaaladii hore awgood ama sida ay u arkaan xaaladda hadda taagan awgeed ayay dadkaasi u arkaan in aan Ethiopia daacad ka ahayn dib u heshiisiinta Soomaalida.

Haddaba maxaad u sheegi kartaa dadkaasi kaa shakisan si aad ugu qanciso in ay Ethiopia daacad ka tahay dib u heshiisiinta Soomaaliya?

Meles: Waxaan u malaynayaa in aarrinta ugu muhiimsan ay tahay in ay dastuurkeenna u fiirsdaaan. Waa dhab in Ethiopia iyo Soomaaliya ay aad isugu xumaayeen. Waxa la isku hayay waxay ahaayeen dadka Soomaalida ah ee Ethiopia.

Dowladihii hore ee Soomaaliya waxay dareensanaayeen in dadkaasi ay yihiin dad ay ayagu leeyihiin. Sidaa oo kale, ayaa Ethiopia waxay Soomaalida Ethiopia ay u arkeysay in ay iyadu leedahay. Hadda dastuurkeennu wuxuu qorayaa in dadkaas aan cidina lahayn.

Wuxuu qorayaa in dadkaasi haddii ay doonayaan in ay Ethiopia ka mid ahaadaan ay xor u yihiin in ay ku jiraan Ethiopia.

Haddii ay doonayaan in ay dal iyaga u gaar ah oo madax bannaan ay sameystaanna ay xor u yihiin. Si nabad ah oo sharci ah ayeey taas ku gaari karaan. Qodobkaas ayaa fikraddii gumeysiga ahayd ee Ethiopia meesha ka saartay.

Marka, sida aan hadda u aragno, maba jiraan wax ay Ethiopia iyo Soomaaliya isku hayn karaan maaddaama arrintii la isku hayn jiray ay meeshaba ka baxdy.

Sidaa darteed, ma jiro wax dhib ah oo aan ku qabayno dowlad Soomaaliyeed oo dhidibba adag ku taagan. Weliba waa taa cagsigeed, oo faa’iidooyin fara badan ayaa noogu jira in dowlad noocaas ah la helo.

Hadda waxaan nahay dal aan bad lahayn. Soomaaliya dekedaheeda Badweynta India way tiro dhaafeen.

Qaar badan dalkeenna ayeey aad ugu dhow yihiin. Markaa dowlad xasilloon oo ka dhalata Soomaaliya waxay noo abuureysaa fursado aan hadda jirin.

Webiyada muhiimka ah ee Soomaaliya maraa waxay ka billowdaan Ethiopia. Markaa sidii biyahaas loo wadaagi lahaa waxay abuureysaa dan mideysan oo naga dhexeysa.

Hadda iskuulladeenna iyo Maxkamadaheenna waxaan ku isticmaalnaa af Soomaali. Waxaan awoodi kari lahayn in aan is weydaarsanno macallimiin iyo buugaag.

Markaa wax noogu kordha ma ahane, ma jirayaan wax nooga dhinma haddii ay Soomaaliya yeelato dowlad dhidibbo adag ku taagan.

Waayo Soomaalida Ethiopia khiyaarkooda ama doonistooda ayeey hadda uga mid yihiin Ethiopia.

Mar kasta oo ay doonaan ayeey ka go'i karaan Ethiopia. Markaa xaaladda oo dhan ayaa is beddeshay.

YG:
 Geeska Afrika, waad aragtaa in Soomaaliya iyo Sudaan ay dagaallo sokeeye ka socdaan. Waad aragtaa colaadda u dhexeysa Ethiopia iyo Eritrea.

Haddaba sideed u aragtaa in ay ku hirgeli karto midnimada Afrika ee aad doonaysaan in aad ku dhawaaqdaan? Sideedse u arkeysaa in geeska Afrika uu ula saan qaadi karo Afrika inteeda kale?

Meles: Waa dhab in ay na soo gaartay xasillooni darro ka badan intii qeyb noogu soo aadi kartay. Laakiin waxay ila tahay in aan horay u tallabsaneyno. Ethiopia hadda way xasilloon tahay, waxaanan u maleynayaa in ay taasi muhiim tahay, maaddaama ay Ethiopia ku taallo bartamaha geeska afrika, tiro ahaanna aay dadkeedu ka badan yihiin kala bar dadka ku nool geeska Afrika oo dhan.

Waxay markaa Ethiopia ka cayaari kartaa kaalin muhiim ah oo ku wajahan wanaagga. Waxaana naga go'an in aan kaalintaas ka cayaarno.

Djibouti, waa dal arrimihiisa guduhu ay xasilloon yihiin, Kenya waa la mid. Hadda waxaa ka socda isbeddel, waxaanse rajeyneynaa in uu noqdo mid si nabad ah u dhaca, Kenya-na waxtar u noqda.

Sudan waxaa ka socda dhaqaaqyo dhinaca saxda ah u socda, kuwaas oo socday sannad ilaa iyo sannad iyo barkii na dhaafay.

Dagaalka sokeeye inkasta oo aanuu istaagin, haddana rajada laga qabo nabadda Sudan sannadkan ayeey ka badan tahay intii hore.

Soomaaliya arrinteeda haddaan u soo laabto, ma ahan dalalka geeska Afrika oo keliya, haddiise, ay dalalka caalamku dadaalka ay Afghanistaan ka muujiyeen nuskiis ay Soomaaliya ka muujiyaan, dhibaatada Soomaaliya waa ay xallismi lahayd.

Laakiin haddii ay sii socoto siyaasadda iska dhega tirka ah, waxaa dhicii karta in dhowr sano oo kale ay Soomaaliya ku sii jirto xasillooni darro.

Dhammaad