Total Pageviews

Saturday 22 December 2018

Eheb Shabaab

Soomaaliya dhibaato xoog leh ayaa ka jirta. Shacabka Soomaaliyeed waa dhibban yahay. Soomaali kasta waxaan ku leeyahay, haddii xalka aadan qeyb ka noqon karin, dhibaatada qeyb ha ka noqon.

Shabaab ma ka tirsan tahay? Soomaali ma tahay? Haddii ay jawaabtu haa tahay, waad og tahay in aad dhibaatada ka mid tahay. Laakiin hadalku intaa kuma eka. Ujeeddadeyduna eedeyn ma aha.

Maanta waxaa gacantaada ku jirta qeyb weyn oo xalka ka mid ah. Taas oo ah in aad shacabkan rafaadsan ka deyso dilka, dhaawaca, cabsida iyo arga-gaxa.

Waad ogtahay dadka ugu badan oo gacantaada ku dhintaa waa shacabka.

Cidda aad dileysaan oo aad jihaadka kula jirtaanna waa muslimiin, waa Soomaali, waa waalid iyo walaal. Waa dadka dad kuu xiga quruumaha balaayiinta ah ee dunida ku nool.

Ka Soomaali ahaan, ha eegin meesha aan maanta joogno oo keliya. Arag meesha aan gaari karno waa haddii dhallinyarada aad adigu ka mid tahay ay ka shaqeeyaan horumarinta dalka. 

Ka feker inta dad waayeel ah oo dhibaateysan aad caawin karto. Ka feker inta aad barakacayaal caawin karto. Ka feker inta carruur kaa yaryar oo qaar badani agoommo yahay aad bari karto akhris iyo qoraal.

Ka feker haddii aad xorriyad iyo nabadgelyo haysato, aad iskaashataan dhallinyaro kula mid ah, heerka aad adigu shakhsi ahaan higsan karto. 

Ha ka fekerin in aad is qarxin karto oo keliya. Ha ka fekerin in aad dagaallami karto ilaa askari dhulka jooga ama mid dayaarad saaran uu ku dilo. Ha ka fekerin oo keliya in aad diyaar u tahay in gantaal meel fog laga soo riday ama kuwa ku rararn dayaaradaha is wadaa ay ku dilaan.

Ka feker taa cagisgeed. Ka feker in aad khatarahaas oo dhan aad naftaada ka badbaadin karto. Ka feker in aad naftaada wax tari karto. In aad qoys iyo jacayl abuuri karto. In aad waalidkaa iyo ubadkaaga aad biili karto marwadaadana aad dhaqan karto. Waad og tahay in ay cibaadada ka mid tahay.

Ha ka fekerin qof in aad dili karto oo keliya. Is weydii - Qof ma badbaadin kartaa?

Nolosha dadka qiimee. Ilaaha dadka uuntayna ka cabso. 

Waad ogtahay in aan Ilaaheey loogu dhowaaneyn dhallinyaro lagu qalqaaliyo in ay naftooda halligaan isla markaasna ay dilaan dad dariiqaas maraya, dembi aan gelin, Maxkamad dil ku xukuntay aanay jirin, laga yaabo in ay salaad hadda soo tukadeen ama ay u socdaan Masjidka,  cid ay duullaan ku yihiinna aanay jirin.  Laga yaabo in ay ku jiraan dhakhaatiir bukaanka daaweysa, taajiriin masaakiin masruufa, aabbayaal carruur badan koriya, macallimiin ubadka wax barta, hooyooyin sebi naaska nuujiya, ama sidkoodii dhammaaday bal qiyaas bambaano waddo lagu qarxiyay inta ku go'i karta!

Waad ogtahay in dadka aad leyneysaan ee gacantiinnu ay gaarto uu yahay oo keliya dadka Soomaaliyeed ee colaadda, qaxa iyo horumar la’aantu ay dalalka asaaggood ah ka reebtay. 

Waad ogtahay shacabku in aanuu mas’uul ka ahayn siyaasadda Dowladda iyo siyaasadaha kale ee aad sheegtaan in aad ka gilgilaneysaan. Kaba sii fog ee waad ogtahay in aan shacabku cod ku lahayn dowladaha, ciidammada iyo ururrada shisheeye danaha kala duwan ee mararka qaarkoodna is khilaafsan ee dalkan ay ka leeyihiin in aanuu mas’uul ka ahayn qofka Soomaaliyeed ee iska lugeynaya waddooyinka Muqdisho, jirinaaya muufo ee tiisa u meel la’ haddana aad qarxineysaan.

Bal isu miisaan waxa aad ka cabaneysaan iyo dhibta aad ku haysaan shacabka Soomaaliyeed.

Waad ogtihiin in qaraxyadiinna ay ku naf waayeen dad baahan oo aan qado haysan. Waan ogahay in meelaha aad ka talisaan aan shacabka aydnaan toos u gumaadin, laakiin haddana waxaan ogahaya Muqdisho iyo magaalooyin kale dhibka aad shacabka ku haysaan.

Waxaad ogtahay in si kasta oo aad u qarxisaan aan shacabku magaalada ka dhammaan doonin. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad dhallinyarada Soomaaliyeed u qarxisaan in aan Dowladdu garowsan doonin in ay xukunka idiin banneyso inyarba ha ahaatee. 

Waad ogtahay in ciidanka shisheeye aanuu dalkan uga baxeyn in dad Soomaaliyeed oo masaajid ku tukanaya ama waddo maraya ay dad kale oo Soomaaliyeed ay weeraraan oo ay laayaan. Waad ogtihiin in aan ciidanka shisheeye dalka ka bixi doonin haddii aad cunaqabateysaan shacabka sida ka dhacday Xuddur, Buulo Burte iyo Ceel Buur.

Waad ogtahay in aan adduunka lagu faa’ideyn aakhirana aan lagu liibaaneyn in ummaddaada loo xoog weynaado oo la laayo.

Ilaaheey isaga ayaa culeys kasta qaadi kara. Dadka Soomaaliyeed ee muslimka ahina wuxuu maanta u baahan yahay in loo turo, loona gargaaro.

Qofkii aan karin in uu u gargaaro qofka kale ee Soomaali ah, waxaa la gudboon in  uu u turo ugu yaraanna uu ka magan galo.

Marka aan taas idin leeyahay khasab ma ahan in macnaheedu yahay in dowladda Soomaaliyeed ay had iyo goor wax wanaagsan u qabato shacabka ama ay baahidiisa dabooshay. Ma ahan in aan idin leeyahay ajnebiga Xalane ka shaqeysta iyo kuwa Gobollada dalka qaarkood jooga ayaa jacayl Soomaaliyeed halkan u wada yimid.

Ma ahan in aan idin leeyahay taageera. Xor ayaad u tihiin in aad diiddaan. In aad diidmadiinna ku muujisaan wax kasta oo aan ahayn xabbad iyo qarax. Xor ayaad u tihiin in aad ka shaqeysaan in Soomaaliya ay amnigeeda ku filnaato oo ay ka maaranto ciidan shisheeye. 

Ogow Qarax kasta oo aad sameysaan waxaa uu qiil u sameynayaa joogitaanka ciidanka iyo dadka aad sheegeysaan in aad dooneysaan in aad dalka ka saartaan.

Qarax kasta oo aad sameysaan wuxuu sii fogeynayaa sidii loo gaari lahaa Dal dhisan, soo saara dhaqaale ku filan lehna Madax Qaran, mid gobol iyo mid degmo oo uu shacabku toos u soo doorto lana xisaabtamo, haddii uu ku qanci waayana uu shaqada ka fariisiyo.

Qarax kasta wuxuu agoon ka yeelayaa ubad Soomaaliyeed, wuxuuna kordhinayaa baahida daawo iyo midda gargaar kale oo ay Soomaaliya caalamka ka tuugto.

Haddii aad Soomaali tahay, haddii aad Islaam tahay, qofka Soomaaliyeed marka hore adiga ha kaa nabad galo. Dhiiggiisa ha xalaaleysan. Adduunyada haddaad nacday isaga ha seejin. Aaakhiradaada ha ku waayin dilka aadane aanad aqoon, gef kaa gelin in aad nafta ka goyso.

Marka aad nabadgeliso qofka Soomaaliga ah waxaan shaki ku jirin in wax kasta oo kale laga gaari karo xal.

Ugu dambeyn, haddii aad Shabaab tahay, Soomaali tahay, Allah taqaan, ummadda Soomaaliyeed dhiiggeeda ha xalaaleysan oo ha kaa nabad gasho.

Ka feker xal aan qori iyo qarax ahayn oo adiga iyo shacabka intiisa kaleba ay u aayaan.

Tuesday 18 December 2018

Tusaalaha Aden - Cadde

Madaxweynihii Soomaaliya ugu horreeyay, Mudane Aden Cabdulle Cusmaan (Aden - Cadde), wareysi aan 1995 uga qaaday Degmada Cabdulcasiis ee Muqdisho, ayaan dib u dhuuxay.
Xikmadihiisa iyo daacadnimadiisa cajiibka ah waxaa ka mid ah in uu igu yiri: "Waxaan ku dhaartay Soomaali ninka Aabbahay iyo Hooyadeey ay dhaleen iyo ninka hayb iigu shisheeya in ay isugu keey mid yihiin".
Aden - Cadde, Allah ha u naxariistee, ilama aha in uu damacsanaa in uu ku faano erayadaas. Waxaan u haystaa in uu doonayay in uu dhaqankiisa caddaaladda ku dhisani uu ahaado tusaale wanaagsan oo looga daydo.
Madaxda maanta joogta, kuwa u hanqal taagaya hoggaanka, iyo kuwii hore noo soo maray ee raba in ay soo laabtaan, waxaan jeclaan lahaa in uu mas’uul waliba iskii isu weydiiyo su’aal muhiim ah.
Rabbigeen hortiis sida Aden-Cadde ma dhihi kartaa - Ninka aabbahaa iyo hooyadaa ay dhaleen iyo kan Soomaali hayba ahaan kuugu shisheeya in ay kuu siman yihiin?
Jawaabtu hadda khasab ma aha.

Thursday 13 December 2018

Dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha

Mas’uul ma jiro, iyo muwaaddin kale toona, ka sarreeya sharciga dalka.

Waddanka adduunka ugu muruqa weyn jeebkiisuna ugu gun dheer yahay waxaa hadda ka socda baaritaan laga doonayo in uu ka jawaabo in Madaxweynaha iyo kooxdiisu ay si sharci darro ah ku heleen kursiga iyo in kale.

Qareenkii Madaxweynahana xabsiga ayaa loo taxaabay.

Markaa ma qabo, marnabana kuma talinayo in Madaxweyne ama mas’uul kale uu isku dayo in uu ka sare maro sharciga dalka u yaalla.

Aniga oo afeeftaas hor marsaday ayaan jecelahay in ra’yi shakhsi ah aan ka dhiibto mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaheenna.

Waxaan inta badan maqlaa Siyaasiyiin xukuumad kasta oo ay ka maqan yihiin, muddada ay ka maqan yihiin, si ba'an u mucaarada sidii oo ay tahay middii ugu xumeyd ee abid na soo marta, haddii aan la ridinna uu dalku dib u noqon doono. 

Waxaa kuwaas u jawaaba qaar xukuumad kasta oo ay ka tirsan yihiin, muddada ay ku jiraan, afka ugu ekeysiiya middii la sugayay ee dalka ka saari lahayd dhibka.

Labada dhinacba waxaan ku arkaa mas'uuliyiin aan qaarkood og ahay sababo ku xeeran oo ka yeersiinaya waxa ay ku hadlayaan.

Uma gelayo waxa ku qoran mooshinka oo ma baarin, cid kale oo aan ku qanco oo baartayna ma arko. Sidoo kale uma gelayo sharciyadda ama la’aanteed uu ku saleysan yahay mooshinku.

Uma gelayo qiimeynta waxqabadka Dowladda oo aan dhaliil la’ayn laakiin tallaaboyin horumar ah oo la taaban karo ku tallaabsatay. 

Umana gelayo in hanjabaadda la meelmar karo iyo in kale.

Waxaan rabaa hal dhinac oo yara xasaasi iigu muuqda in aan iftiimiyo si talada loogu darsado.

Xilalka siyaasadda ee dalka marka laga reebo Aqalka Sare, waxaa lagu qeybsaday hab qabiil ayada oo Soomaalida loo kala saarayo shan qabiil.

Shanta qabiil midkiis aad ayaa loo duudsiyay oo xataa lama qeyb aha afarta kale. Taas waxaa lagu saleyay mala’awaal ah in ay inta kale mid mid uga tiro yar yihiin.

Caddaalad darrada koowaad uguna weyni, malahayga, waa middaas.

Dhanka kale afarta qabiil waxaa jira xeer aan u qorneyn ase ay ku dhaqmaan. Inkasta oo aan hibo iyo xataa qabiil la isu siin, laga soo billaabo maalintii aan xornimada qaadannay, laba qabiil oo keliya ayaa Madaxweyne ka noqday dalka.  Marka ay doorasho joogto iyo xataa halkii mar ee ay afgembi militeri ahayd waxaa shabaqa u dhigtay siyaasiyiin labadaa reer ah. Tan militerigu inkasta oo ay hal mar ahayd, haddana waa ay daba dheeraatay oo waa middii ugu wakhtiga dheereyd.

Labadaas qabiil oo siman ayaad haddana mooddaa in ay sii kala mudan yihiin.

Labada qabiil midkood, Madaxweyne kasta oo la doortay waxaa uu fursad u helay in marka uu xilligiisu dhammaado sidii ballanku ahaa uu kursiga dib ugu tartamo, marka uu waayana uu xilka si nabad ah ku wareejiyo.

Madaxweynayaasha ka soo baxay qabiilka kale, midkoodna weligii fursad looma siin in uu xilligiisa dhammaysto, oo uu doorasho galo, xilkana nabad ku wareejiyo maaddaama aan Soomaaliya weli mas’uul Madaxweyne soo noqday aan mar labaad la dooran.

Waxa keliya oo taa weydaaran waa Madaxweynihii Militeriga ahaa oo wakhtigiisu aad u dheeraaday aakhirkiina dagaallo jabhadeed oo lagu hoobtay iyo kacdoon shacab oo is kaashaday ay meesha ka saareen.

Maanta oo Madaxweynaha xilka haya muddadii loo doortay aanay kala bar gaarin ilama qummana isku dayga ah in Madaxweynaha maanta lagu daro liiska Madaxweynayaasha aan rabitaankooda uga tegin xafiiska. 

Dooddeydu ma ahan in ay dhan walba ka eegtay dacwadda oo ay soo gunaanadday, ama ay tahay fikirka keliya ee laga qabi karo.

Ma aha wax qurxoon oo dood lagu saleeyo, laakiin xaqiiqada aan qorneyn ee siyaasadda Soomaaliya ee 2018 ayaa sidan qoreysa.

Waanan ogahaya aragti dooddeyda lid ku ah in la keeni karo,  oo sannadkan nuskiisii hore nin aan arrinkaan ka sheekeysannay wuxuu igu yiri, 'kala daa waa Madaxweyne iyo waa loo turayaa'.

Laakiin muhiim ayay iila muuqataa in taariikhdan lagu darsado sawirka guud.

Xagga sharciyaddana marka hore ayaan ka afeeftay sababta oo ah ma haysto awood aan uga daba tago eedeymaha duulaya ee weerarka iyo rogaal celiska ah guntoodu waxa ay tahay.

Sunday 9 December 2018

Maan la Heshiinno Shabaab!

Ciidanka Shabaab badankiis waa dhallinyaro Soomaaliyeed. Waa dhallinyaro uu gabay Qarankoodu. Waa dhallinyaro ku dhashay ama ku barbaaray iyada oo uu maqan yahay Qaran suga amnigooda. Waayay Dowlad siisa adeeg waxbarasho iyo mid caafimaad. Aan helin Hey’ado u abuura fursado shaqo. Aan arag adeeg garsoor oo cidda ku xad gudubta uu isaga qaban karo. 

Waa dhallinyaro loo diiday nidaam u suurta geliya in ay codkooda ku cabbiraan doorasho degaan iyo mid Qaran oo hadba qofka ama xibsiga ay doonayaan ay ku taageeraan. Waa dhallinyaro uu Qaran burburka nagu dhacay u diiday nabad iyo nololba.

Intaas oo dhan waxay noqotay in iyaga loo daayo in ay is dabbaraan.

Waxay ka mid yihiin malaayiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dacdarreysan. Qaarkood waxay ka qeyb galeen dagaallada noocyada kala duwan ee dalka ka dhacay. Qaar kale waxay noqdeen burcad badeed.  In badan ay iyaga oo qax ah ayay badaha isku qaadeeen kuwaas oo qaar badani ay ku naf weyeen.  Qaarkood ay xeryo qaxooti oo aad u nolol adag ay ku qaateen tobannaan sano.  Qaar badan lagu soo dhoweeyay xabsiyo dalal shisheeye. 

Intooda dadaashay ee Ilaaheey u suurta geliyay in ay xaalad adag ay wax ku bartaan, in yar oo nasiib leh ayaa shaqo heshay.  Inta kale ayaga oo shahaaddo Jaamacadeed ama laba haysta ayay ku shaqo la’ yihiin dalka gudihiisa.

Waxaas oo dhan waxaa sabab u ah Qaran burburka dalka ka dhacay.  Kaas oo aanay wax mas’uuliyad ah ku lahayn dhallinyarada maanta joogtaa.

Meesha Bannaan Buuxi

Kaalintii ay gabtay Dowladda Soomaaliya oo hawada ka maqnayd ugu yaraan toban sano, waxaa u loollamay in ay buuxiyaan kooxo kala duwan.

Qaarkood waa wadaaddo ay qaarkood isku dayeen in ay wax ka qabtaan baahida waxbarashada. Qaar kalena sugidda amniga iyo garsoorka. 

Waxaa iskaashaday wadaaddo ay qaarkood qabaan afkaar aad u durugsan iyo kooxo ajnebi ah oo dalalkooda dembiyo ka soo galay oo gabbaad iyo markii dambe saldhig ka dhigtay dalkeenna. Kooxda dambe sababta ay dalkeenna u xusheen waxay ahayd in ay ka faa’iideystaan maqnaashaha awood Dowladeed oo ka hor istaagta.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo arka caddaalad darrada ku haysata dalkooda gudihiisa ee Soomaali ama ajnebi u gaystay, maqla caddaalad darrada ku dhacaysa muslimiin ku sugan degaanno kale oo caalamka ah, waxaa loo jeedsiiyay in sida keliya ee caddaalad ay ku heli karaan ay tahay qori caaraddiis.

Waxaa la tusay in ay sidaas guul ku gaari karaan. Haddii lacalla ay militeri ahaan ku guuleysan waayaanna aakhiro Allah ku abaal marin doono Jannada.

Dhallinyrada ku jira howlgalka noocaas ah, waxaa ku goobtay amni darro joogta ah iyo caddaalad darro la deristay.  Cidda keliya oo wax u sheegtaana waxay ku akhrineysaa afkaar xag jir ah, midka keliya oo wax siiyaana wuxuu siinayaa tababbar sida qof ama wadar-qof loo dilo iyo aaladdii lagu dili lahaa.

Waxaas oo dhan waxaa u sabab ah in Qaranku uu gabay mas’uuliyaddii ka saarnayd ubadkiisa ee xagga sugidda amniga, barbaarinta iyo ka ilaalinta in niman caalamka la doondoonayaa ay u helaan in ay u noqdaan macallimiin lagu daydo.

Caddaalad-darro Bulsho

Waxaa colaadda Shabaab sii soofeeyay caddaalad-darrada bulsho ee Soomaalida dhexdeeda ah ee lidka ku ah diinta Islaamka iyo ilbaxnimada casriga ah sida dadka lagu takooro dhalashadooda iyo dulmiga saami qeybsiga siyaasadeed ee qabaa’ilka qaarkii lagu hayo. Dulmigaas oo mar kastaba ka jiray dalka Soomaaliya wuxuu ugu sii darnaa tobankii sano ee xigay burburka Dowladda.

Doodda Shabaab waxaa iyaguna qiil u doonay falal xad gudub ku ah xuquuqda aadanaha oo ay ciidammo ajnebi ah ama wakiilladoodu ay ka geysteen dalka Soomaaliya gudihiisa xilliyo kala duwan.

Dowladdii ay fashilaaddeeda iyo maqnaashaheedu eeddaas geysteen, marka ay hadda soo naaxdo, ee ay billowdo in ay isku daydo in ay amniga sugto caddaaladna raadiso, sax ma tahay in ay isla dhallinyaradii ay gabtay ay ku tilmaanto dembiilayaal? Weliba dembiilayaa ay tahay in wadajir loo laayo ama la soo qabqabto si mid-mid loogu toogto?

Marka dhallinyarada noocaas ah la wajahayo, maxaa Qaranka la gudboon?

Wadahadal, Qarax-joojin iyo Is-af-garad


Waxay iigu muuqataa intii dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ku jira laga horgeyn lahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo ciidan ah, oo markaa ay dhallinyarada Soomaaliyeed isku dhammaan lahayd, in ay waajib tahay in laga fekero in la helo hab loo kala badbaadin karo dhallinyarada.

Waxaan ognahay in isu geyn dhallinyarada Soomaaliyeed ay ahaan karto cudud Soomaaliyeed, ayada oo isla markaasna la xaqiijinayo in khatarta Shabaab laga badbaado amaba dhammaanteed la soo afjaro.

Waan ogahay oo waa wax sahlan in afka laga sheego, xaqiijintuse ma sahlana.

Laakiin waa ayo qofka u haysta in Qaran burburka nagu dhacay xal loo helo in ay tahay howl sahlan?

Xalku kuma imaanayo in annaga oo aan si cad uga doodin, aragna sida ay xal u keeni karto aan soo minguurinno siyaasadda dalal kale ay Shabaab kula dhaqmaan.

Shabaab badankeed waa Soomaali. Cidda uga badan ee ay dilaan waa Soomaali. Cidda ay nabad iyo horumar ka hortaagan yihiin waa Soomaali. Waxaa waajib nagu ah in aan helno hab aan ku qanacsan nahay in aan wakhtiga ugu yar ku gaari karno in aan dhibkooda ka gudubno, iyagana inta ugu badan aan ku badbaadin karno maaddaama ay mas'uuliyadi naga saaran tahay oo ay yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu Qaranku gabay.

Aragtideydu waxay tahay in si dhab ah looga shaqeeyo in Shabaab lala galo wadahadal ujeeddadiisu ay tahay in lagu soo xero geliyo intooda Soomaalida ah.

Waan ogahay in ay Dowladda hadda jirta iyo Dowlado ka horreeyay ay ku baaqeen in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafin doono.

Laakiin waa kala laba in idaacadaha laga sheego in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafinayo iyo in si dhab ah looga shaqeeyo in dhallinyarada Shabaab ku jirta la helo waalidkood iyo walaalkood, la helo "Shiyuukhdii" wax bartay, in la helo saaxiibbadood. In intaas oo dhan lala kaashado in ay badbaadiyaan naftooda iyo tan walaalahooda Soomaaliyeed. In marka lagu qanciyo in ay soo laabtaan, haddana si tifatiran loogu sheego sida ay u soo laaban karaan iyo meesha ay ku laabanayaan. In loo diyaariyo barnaamijyo u abuuraya fursado. Intaa wixii ka dambeeya in ay helaan xuquuqda muwaaddin kasta uu leeyahay ee datruurku uu u oggolaanayo.

In Madaxda al Shabaab ee Soomaalida ah lala furo wadahadal si qoto dheer oo miisaaman looga fekeray, ujeeddaduna ay tahay in marka hore la gaaro xabbad iyo qarax-joojin marka xigtana lagu gaaro is afgarasho si loo kala badbaado loogana wada qeyb qaato dib-u-dhiska dalka.

Dulucda qoraalkeygu waa in aan xakameyno carada ay nagu khasbayaan wiilasha is qarxinaya ee isku dhex qarxinaya shacabka. Laynaya dad ehelkooda ah oo aan waxba galabsan welibana aanay aqoon.

Waa in aan fahamnaa una xanuunsannaa midka isqarxinaya laftiisa ee naftiisu ay xabbadda la qiimaha noqotay. Waa in aan ka fekernaa in aan isaga badbaadinno, si ay bulshaduna uga badbaaddo.

Tallaabo wax ay tarto mooyee aan waxba dhimenyn oo laga billaabi karo waxay tahay in marka hore ay Dowladdu joojiso toogashada dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ka tirsan ee xabsiyada ku jira.

Friday 23 November 2018

Brexit, malahayga, waa Tusaale Somaliland

Soomaalida oo dhan, marka Djibouti laga reebo, waxaa ugu yaraan midkiiba mar gumeystay Ingiriiska*. Marka laga reebo Soomaalida Kenya oo 1963 xornimada la qaadatay Kenya inteeda kale, wuxuu ugu dambeeyay Somaliland oo uu ka baxay 26 Juun 1960.

Gobolka Soomaalida Kenya, markii uu Ingiriisku ku daray Kenya, Soomaaliya waxay Ingiriiska u jartay xiriirka Diblomaasi oo safaaraddiisii waa laga saaray Muqdisho.

Soomaali kaliya ma ahan ee Boqortooyada Ingiriiska xilligii gumeysiga waxaa lagu tilmaamay Boqortooyada aan calankeeda cadceeddu u dhicin. 

Waayo? 

Boqortooyada Ingiriiska marka waddankeeda ay qorraxdu u dhacdo oo calanka la dejiyo, waxaa calankeedu saarnaa oo uu ka babbanayay dal ay gumeysato oo dhaca cirif kale oo caalamka ah oo maalin jooga.

Boqortooyadii ay awooddeedu caynkaa ahayd, haddana xubin joogta ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa si aan mugdi ku jirin uu shacabkeeda inta badani afti caadyaal ah ku go’aansaday in uu ka baxo Midowga Yurub.

Ka bixitaanka Yurub oo uu go’aankeeda Shacabka Ingiriisku qaatay, Yurubna ay aqbalsan tahay, ayaa keliya sidii kala baxaasi u dhici lahaa waxaa laga furay wadahadal maaratoon noqday welina aan dhammaan oo u dhexeeya Yurub iyo Ingiriiska. Wadahadalkaas oo loo bixiyay Brexit weli ma dhammaan.

Midowga Soomaaliya waa ka fac weyn yahay, kana qoto dheer yahay Midowga Yurub, waayo Yurub iyadu ma ahan dal qura oo leh hal hoggaamiye.

Markaa, Somaliland haddii ay dooneyso in ay ka baxdo Midowga ay kula jirto Soomaaliya inteeda kale, waanan ogahay in ay dad aad u badan oo reer Somaliland ahi ay sidaa ku taamayaan, wadiiqada ugu habboon, ugu sharciyeysan, ugu nabadgelyada badan, uguna ilbaxsan waa in ay taa ku gaarto wadahadal ay la gasho dalka intiisa kale oo cidda qaanuun ahaan u matashaa ay tahay Dowladda Federaalka.

Wadahadalkaas oo mabda’ ahaan socda, laga soo billaabo June 2012 markii uu ku curtay Chevening, oo ah hoyga nasashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, oo ku taal meel aan ka fogeyn London, oo aniga oo suxufi ah aan goobjoog u ahaa iyo dhowr jeer oo aniga oo ergay metalaya Soomaaliya ah aan uga qeyb qaatay Djibouti iyo Istanbul, waan ogahay in uu yahay gaabis diinku ka dheereeyo.

Haddana Somaliland waxaa la gudboon in ay wadahadalkaa dardar hor leh geliso si uu natiijo u dhalo. Ogow natiijadu waxay noqon kartaa midow lagu qanacsan yahay ama kala go’ la isla qaatay. Wixii ay labada dhinac isla qaataan, ma jirto Dowlad ama Urur is-hor taagi kara.

Sidoo kale ayaan u soo jeedinayaa Dowladda Soomaaliya in ay u aragto qaddiyadda Somaliland oo dhul ahaan iyo dad ahaanba aan la xaqiri karin in ay leedahay mudnaanta koowaad si uu dalku isu raaco ama iyada oo raalli la isaga yahay fagaare loogu kala faataxeysto.


Hadalkeygu jawaab uma aha mowqifka uu qaatay Madaxweyne Muuse Biixi oo dhowaan Burco hadal ka jeediyay, laakiin waa aragtideyda shakhsiga ah.

------------------
*Ingiriiska waxaan ula jeedaa Boqortooyada Midowday ee Great Britain iyo Ireland-ta Woqooyi.

Friday 31 August 2018

Doorashada Guud ee 2020

Dhibaato ku hortaalla haddii aad si uun isu diidsiineyso xal wanaagsan uma heli kartid. Keliya marka ugu horreysa ee aad adigu shakhsi ahaan isugu qirto in ay  dhibaato jirto, adigana ay xal kaaga baahan tahay ayaad billaabi kartaa in aad deristo dhibaatada, si nadiif ahna uga fekerto xalkeeda.

2016 Doorasho ayaa la isku afgartay in la qabto sannadka 2020. Doorashada waxaa lagu heshiiyay in ay markaan noqoto qof iyo cod dalka oo dhan ah.

Weli dariiqaas ayaa lagu socdaa rasmi ahaan. Laakiin laba sano gudahood in shacabka Soomaaliyeed uu helo xuquuqda uu u leeyahay in uu Madaxdiisa soo doorto ma ahan wax sahlan. Intaas waa la wada qiran yahay. Xaqiiqada muuqata, laakiin afka laga dhowrayo oo sir loo ekeysiinayo waa in aanay suurta gal ahayn.

Sababuhu waa ay badan yihiin. Qaarkood waa sababo amni sida Shabaab. Qaar kale waa kuwo siyaasad sida Somaliland.

Waxaan qabaa in aan la joogin xilligii la qiran lahaa in aan doorasho cod iyo qof ahi ka dhici karin Soomaaliya oo dhan 2020. Xilligii taas la qiri lahaa waa la soo dhaafay.

Maxaa hadda nala gudboon?


Waxaa habboon in aan laga daahin in xaqiiqada horteenna taalla aan afka lagala xishoon. Doorasho qof iyo cod ahi Soomaaliya oo dhan kama dhici karto 2020.

Maalin kasta oo na dhaafta iyada oo aan taa la qiran, waa maalin ka lumeysa wakhtiga kooban ee doorashada loogu diyaar garoobi lahaa.

Dowladda waa lagula xisaabtami karaa intii ay howshaa ka qaban kartay in ay qabatay iyo in kale. Laakiin in Dowladda lagu eedeeyo wax awooddeeda ka baxsan, waxaa ka habboon in la wada goobo qaabka doorasho ee ugu wanaagsan ee suurta galka ah, haddii la waayo doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ah.

Doorashada 2020 waxaa khasab ah in ay baro dheereyso ama ay ka sarreyso doorashadii 2016. Waayo?

Si aan aan su’aashaas uga jawaabo waxaan si kooban u xusayaa wadiiqada ay soo martay Dowladnimada Soomaaliya ee casriga ah. Marka aan taa milicsanno ayaan filayaa in jawaabta su’aashan laga dheehan karo.

Waxaan eegayaa Baarlamaannada la dhisay tan iyo 2000 iyo sida isaga oo aan qof iyo cod ku imaan uu haddana mid waliba kii ka horreeyay uu uga sarreeyay marka ay noqoto matalaadda shacabka.

Carta, Djibouti, 2000

Sannadkii 2000 ayay ahayd markii dalka Soomaaliya oo aan Dowlad lahayn muddo toban sano ah, la unkay Baarlamaan Soomaaliyeed.

Waxaa xubnaha badankood soo xulay Madaxda Dhaqanka. Kooxaha hubeysan ee  ku hardamay dagaalkii sokeeye  marka mid iyo laba laga reebo lagama qeyb gelin Baarlamaankii 2000.

Ma jirin Baarlamaan ka horreeyay oo la barbardhigo. Waxaa guul ahayd in ay Soomaaliya yeelatay Baarlamaan.

Si awoodda loo ballaariyo, waxay Dowladdani aqbashay in ay Dowladda iyada beddeleysaa ay noqoto mid ay kula bahowday Hoggaamiye Kooxeedyada.

Nairobi, 2004,

Baarlamaanka lagu dhisay Nairobi wuxuu soo kordhiyay in Hoggaamiyayaasha Dhaqanka keligood aan loo deyn xulidda xubnaha Baarlamaanka ee ay Hoggaamiyayaasha kooxaha hubeysani ay ayaguna qeyb ku yeeshaan. Wadajir ayay u soo xuleen xubnaha Baarlamaanka.

Ka dib markii ay wadaxaajood la gashay, waxay Dowladdani suurta gelisay in ay awoodda la qeybsato oo ay Dowladnimada ku soo darto wadaaddo leh garab hubeysan iyo kooxo siyaasadeed oo la xulafo noqday.

Djibouti, 2009

Baarlamaanka lagu dhisay Djibouti wuxuu ahaa mid isaguna sii ballaariyay awoodda. Wuxuu ku soo daray koox ay wadaaddo hormuud u yihiin, oo leh garab hubeysan.

Dowladdani waxay suurto gelisay in doorashada 2012 aanay ka dhicin caasimad shisheeye ee ay ka dhacdo dalka gudihiisa. Waxayna soo afjartay xilligii Ku-Meel-Gaarka ahaa.

Muqdisho, 2012

Baarlamaankii lagu soo xulay caasimadda Soomaaliya iyo Xukuumadihii uu dhisay waxay meel wanaagsan gaarsiiyeen dhismaha Dowlad Goboleedyada iyo in xulidda xubnaha Baarlamaanka loo beddelo doorasho ay codkooda dhiibtaan xubno aad u kooban oo bulashada laga soo xulay.

Libinta kale ee ay Dowladdani gaartay waxay ahayd in doorashada xubnaha koobani ay codkooda ku dhiibanayaan ay ka dhacdo shanta caasimadood ee Dowlad Goboleedyada iyo caasimadda dalka.

Lix magaalo, Soomaaliya 2016
Ballantu waxay ahayd doorasho qof iyo cod ah in ay Dowladda hadda jirtaa dalka gaarsiiso 2020. Uma muuqato in ay taasi ahaan karto.

Haddii doorasho guud oo qof iyo cod ah ay na gaarsiin weydo, waxaa khasab ah in ay Dowladdu la timaaddo hab awoodda u soo dhoweeya dadweynaha si ka sii wanaagsan habkii 2016 lagu soo doortay Baarlamaanka hadda jira.

Taas lama heli karo ilaa marka hore lagu dhiirrado in la qirto yaqiinta ah in aanay suurto gal ahayn in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho guud oo qof iyo cod ah sannadka 2020.

Waxaan u rajeynayaa Dowladdu in aanay ku fashilin dhaqankii Dowladnimo ee Soomaaliya ee soo taxnaa tan iyo sannadkii 2000. Oo ah in mar kasta oo doorasho ay dhacayso ay ahaato mid dadweynaha uga dhow tii iyada ka horreysay. Ujeeddadu waa si ugu dambeynta loo gaaro matalaadda ugu wanaagsan oo ah mid ku timid doorasho ka dhacda Soomaaliya oo dhan, qof iyo cod ah, oo xalaal ah.

Friday 8 June 2018

Terra Allah ha u Naxariisto

Maxamed Aden Xersi Terra oo aan in badan soo wada shaqeynay, muddana madax ii ahaa ayaan maqlay in uu geeriyooday.  Allah ha u naxariisto. Jannada Allah ha geeyo.

Maxamed markii magaciisa iigu horreysay waxay ahayd markii aan idaacadda ka dhegeysan jiray aniga oo dhigta Dugsiga Dhexe ee Maxamuud Xarbi ee idaacaddu ay ka mid ahayd meelaha muhiimka ah ee aan ka barto aqoonteyda guud ee taariikhda, siyaasadda, dhaqanka iyo culuum kale oo badan oo ay ka mid yihiin eraybixinta af Soomaaliga.

Wuxuu weriyayaasha iiga duwanaaday markii aan ku wada noolaannay xaafadda Towfiiq, walaashiisna ay ka mid noqotay ardayda iskuulka ee aan macallin u ahaa markii aan gudahanayay qeybta macallinnimada ee sannadka Shaqada Qaranka oo la gudan jiray inta aan Jaamacad ama shaqo kale la gelin.

Markii Radio Muqdisho ii qaatay tifatire wararka iyo weriye horraantii siddeetanaadkii Maxamed Aden Xersi si wuxuu ka mid ahaa weriyayaashii sare ee khibradda tobaneeyo sano ah lahaa ee aan si shakhsi ah isugu barannay Wasaaradda Warfaafinta.

Qormadan kooban waxaan Maxamed Aden Xersi ugu yeeri doonaa Terra oo ahaa magaca inta la shaqeysaa ay u taqaan.

Wuxuu ahaa nin bulsho oo dad la socod wanaagsan, ilbax ah, kuna xiran dhallinyaro fara badan. Haddana wuxuu ahaa nin shaqo. Mintid ku ah mas’uuliyaddiisa iyo howlkasta oo uu qeyb ka yahay. Wuxuu ahaa nin isku kalsoon, ku sharfan bulshada, dhowrsan, dood badan oo isku daya in la is qanciyo, isku sina wax la isula fahmo.

Wuxuu warfaafinta u shaqo billaabay isaga oo ka soo baxay Dugsi Sare.  Wuxuuna doorbiday in uu aqoontiisa kororsado. Wuxuu galay Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Xusuusteydu waxay ii sheegeysaa in uu ahaa Dufcaddii koowaad ee lagu furay Kulliyadda.

Qalin jebintiisa ka dib waxaa loo magacaabay Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA. Inta uu ahaa Agaasimaha SONNA wuxuu Radio Muqdisho u soo saari jiray Barnaamij la yiraa Raadraaca Taariikhda oo sida magaciisa ka muuqata ku saabsan Taariikh, ahna midda Soomaalida. Barnaamijkaas aniga ayaa ka akhrin jiray Idaacadda ka dib marka Madaxa Radio Muqdisho uu soo akhriyo. Waxaan xusuustaa maalinta ay qodob isku qabteen Terra iyo Madaxa Raadiyaha dooddii dhex martay iyo sida uu Terra u u fasiray arrinta uguna adkeystay mowqifkiisa.

Muddo ka dib, Terra waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Idaacadaha Soomaaliyeed oo ay hoos yimaadaan Madaxa Radio Muqdisho iyo Madaxa Radio Hargeysa.

Markii aan howl samafal oo Laanqeyrta Cas aan ka billaabay Berbera 1989 waxaan Agaasiamaha ka codsaday in la iga beddelo Xafiiska Wararka oo aan ka tirsanaa aniga oo ah war akhriye iyo Tifatire labadaba.

Sabab waxaan ka dhigtay in aan ka shaqeeyo howl samafal oo xasaasi ah oo aan ka fidiyo Woqooyiga. Sidaa darteedna aan ogaan la’aanteey ula kulmo dad ka tirsan Jabhadda SNM. Allah ha u naxariistee, Maxamed Aden Xersi oo markaa Agaasime ii ahaa wuxuu ku adkeystay in aan joogo Xafiiska Wararka laakiin markii dambe wuu igu aqbalay in uu igu wareejiyo soo saaridda Barnaamijyada oo aan awalba aan ka qeyb qaadan jiray.

Terra waxaa uu ka mid ahaa markii Dowladda Soomaaliya ay burburtay 1991, dadkii Soomaalinnimada u fekerayay ee u haystay in Dowladda la riday mid kalena ay dhalaneyso shaqaduna ay halkeedii ka socon doonto.  Markii ay Dowladdu dhacday wuxuu markiiba u soo shaqo tegey Wasaaradda Warfaafinta. Ka dib markii xaaladda taagan uu ku qanci waayay, Maxamed Aden Xersi, wuu ka dhoofay dalka wuxuuna tegey Nairobi.

Mar aan Maxamed Aden Xersi ku kulannay Nairobi 1995 wuxuu talo iyo gacanba iga siiyay socdaallo shaqo oo aan midba mar ku tegey Kismaayo iyo Boosaaso iyada oo dagaalkii sokeeya oo markaa cusbaa awgii ay isu socodka Soomaalida iyo isdhexgalkeeda dalka gudhiisu ay aad xaddidan tahay siiba dadka ay bulshadu magacooda taqaan.

Muddo ka dib, Terra waxaan ka wadashaqeynay BBC isaga oo ka qeyb qaatay howlaha Xafiiska BBC ee Nairobi.

Terra wuxuu ka mid ahaa weriyayaal iyo mas’uuliyiin Nairobi ka billaabay idaacad ku hadasha af Soomaali.  Markii dambe ee uu u wareegay London oo uu ku biiray xaaskiisa, Maryan Cali Muddeey, wuxuu Terra ka howlgalay Telefishinka Universal.

Meel kasta oo uu tago iyo duruuf kasta oo uu ku sugan yahay Terra wuxuu ahaa nin xirfaddiisa u daacad ah aamminsan in bulshada la wargeliyo, aqoonteeda guud kor loo qaado, lana sameeyo wareysiyo iyo dodo horseeda kala warhel, isu garaabid iyo isfaham.

Markii aan Muqdisho ka wadashaqeyneynay Warfaafinta ka sokow wuxuu saaxiibbo ku lahaa Jaamacadda oo uu arday ka noqday iyo Ururka Dhallinyarada.

Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyska reer Adan Xersi oo dhan in Ilaah Samir ka siiyo. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa , Faadumo Aden Xersi iyo saygeeda Cabdinuur Shiikh Maxamed Isaxaaq iyo carruurtooda.

Thursday 3 May 2018

Baaq in dhakhso loo daayo Samafale Afduuban

Waxaan si naxariis leh ugu baaqayaa dadka xalay Muqdisho ku afduubay kalkaaliye caafimaad oo ICRC ka tirsan in ay si dhakhsa leh oo shuruud la'aan ah u sii daayaan samafalaha.

Waa ceeb in qof dadkaaga u soo gurmaday aad waxyeesho waana dembi.

Waxaan ku baaqayaa in Kalkaaliyaha Caafimaad oo xalay lagu afduubay Muqdisho aan wax la yeelin.

Iyo in si shuruud la’aan ah loo daayo oo xorriyaddeeda loogu soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan.


ICRC waa hey’ad samafal oo caalami ah oo dalka Soomaaliya sannado badan ka fulineysay howlo samafal ah oo waxtaray qoysas aad u badan oo Soomaaliyeed.

Monday 16 April 2018

Yusuf-kii kale... Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Lix iyo Tobnaad

Qaybtan waxaan ku soo qaadanayaa arrin aniga ila soo gudboonaatay laakiin aan khuseyn dhacdooyinkii woqooyiga. Waa ninkeed-guba' aniga i saameysay, sawrika guud ee nolosheydii berigaasna in yar ka tilmaameysa.

1988 ayaan filayaa in ay ahayd aniga oo gaari wata oo ka imid dhinaca Jaamacadda Ummadda. Markii uu gaarigeyga meel fog ka aqoonsaday ayaa Isbitaal Banaadir agtiisa waxaa astaan baaq ah i siiyay oo i joojiyay nin saaxiibkeey ah oo mooto wata oo jihada aan u socdo cagsigeeda u socda. 

Axmed waa xisaabiye ka tirsan wasaaradda Sportiga laakiin markaas arday ka ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu ii sheegay in lacagtii Wasiirku uu ii soo qoray ay diyaar tahay oo  aan maanta qaadan karo.

Anigu Wasaarad Sport uma shaqeyn weligeey. Lacagna kuma lihi. Waan ku wareeray waxa uu ii sheegay saaxiibkeey. Markii aan ka xaqiijiyay cadadka lacagta, in magaceyga ay ku qoran tahay iyo in Wasiirku uu amarka bixiyay, laakiin aanuu aqoon sababta uu Wasiirku lacag iigu qoray ayaan toos u abbaaray Wasaaradda Cayaaraha. Xisaabiye kale, Siciid, oo isagana aan is naqaan oo Wasaaradda ka tirsan ayaan u tegey. Waraaqo ayuu baarbaaray wuxuuna ii sheegay in Yusuf-Garaad uu saaka qaatay lacagtiisa. Dabcan qofka lacagta bixiyay ma ahayn qof aniga wejigeyga yaqaan wuxuuse u haystay in weriyaha Radio Muqdisho uu yahay qofka uu lacagta siinayo.

Madax Wasaaradda ah ayaan wargeliyay in qofka magaceyga ku qaatay lacagtu aanuu aniga ahayn. 

Aniga oo arrintaas la yaabban ayaa maalin waxaan Wasaaradda Warfaafinta isku aragnay AUN Cali Siyaad oo ka tirsan kooxda Iftiin ee Wasaaradda Waxbarashada. Wuxuu ii sheegay in uu Xafiiska Wasiirka Waxbarashada ka ceyriyay nin Wasiirka sugayay oo magaceyga ku socday.

Waxaa xigay dhowr dhacdo oo yaryar oo mid kastaa ay iskeed iigu muujisay in uu jiro qof inta aan fahmay magaalooyinka Muqdisho, Wanla Weyn iyo Baydhaba dad kula kulmay oo magaceyga iyo mehereddeydaba u sheegtay kuna daneystay.

Dadka la khalday waxaa ka mid ahaa Saalax oo gurigeyga iga soo wacay oo aan xusuusan waayay safarka baska ee aan wada raacnay ee uu ka sheekeynayo. Oo ay ka darnayd in uu isna la yaabay in xataa aan xusuusan waayo martiqaadkii uu saaxiibbadiis isugu yeeray oo aniga madaxeyga uu noogu sameeyay Wanla Weyn.

Nambarka telefoonka sida uu ku helay markii aan weydiiyay wuxuu ii sheegay saaxiibkiis ay Wanla Weyn ku wada nool yihiin uu ka ogaaday in aan qaraabo nahay ka dib markii ay iga wada dhegeysteen Idaacadda.  Markaasna uu sidaa uga soo qaatay nambarka.

Ninkii waan ka cudur daartay. Waxaan u sheegay in aanan weligeey bas u raacin Wanla Weyn, martiqaadna aan la iigu sameyn. Sidoo kale waxaan u sheegay in aanan aqoon xataa hal qof oo u shaqeeya sharikadda uu ii sheegay in uu isagu wakiil uga yahay Wanla Weyn magaceeduna uu isaga naaneys u yahay.  Isaga oo jahawareeray, codkiisana aan ka tuhmay in uu u qaatay in aan ka abaal dhacay ayaan telefoonka dhammeynay.

Waxaa i galay welwel ku saabsan in qofka magacayga adeegsanayaa uu magaceyga dembi ku geysan karo ama ugu yaraan uu fadeexad sameeyn karo. Si aan taas uga hor tago, waxaan afeef geeyay oo aan arrinka la socodsiiyay Laanta Dembi-Baariista Booliiska, CID iyo Hoggaanka Baarista ee Nabadsugidda, NSS. 

Sidoo kale waxaan wargeliyay dhammaan Xafiisyada aan ka shaqeeyo - Radio Muqdisho, ICRC iyo Xarunta Dhaqanka Faransiiska.  Saaxiibbadeey iyagana waan la socodsiiyay arrinta.

Meher


Maalintii iigu darnayd, gabar dhallinyar oo will yari uu la socdo ayaa timid Radio Muqdisho.  Waa gabar aniga i goobeysa. Markii la ii keenayna waxay aniga, weriyayaal aan wada taagnayn Xafiiska Wararka oo aan ka tirsanaa hortiisa iyo ninkii noo keenayba ay cod hoose nagu weydiisay - Yusuf-Garaad kale ma jiraa oo Radio Muqdisho ka shaqeeya? Waxaan ku niri maya. Iyada oo xishooneysa, isla markaana jahawareersan ayay igu tiri abbow iska raalli ahow, wayna naga dhaqqday.

Anigu sidaa Gabadha ugama harin. Markaan qalada ka saaray ee ay oggolaatay bal in aan is yara wareysanno ayaan meel la fariistay iyada iyo wiilkii keenay Wasaaradda Warfaafinta.

Sheeko dheer oo eray kasta oo macluumaad xambaarsan aan dirqi iyo dulqaad uga soo saaray ka dib waxaan fahmay in ninka ay raadineysaa uu yahay nin Radio Muqdisho yaqaan. Sababta oo ah wuxuu u tilmaamay oo ay si sax ah iigu sheegtay qaabka uu u dhisan yahay studio-ga warka laga tebiyo. Waxay tilmaan fiican iga siisay sida uu ninku u eg yahay.

Waa tan iigu darane waxay ii sheegtay in ninku uu yahay ninkeeda. Waxay kula mehersan tahay magaceyga.

Qalbiga ayaa la igu dhuftay oo dhulka ayaa ila wareegay. Meher oo dhami adduun ii dhimman ayuu ahaa. Iskaba daa maareynta meher been abuur ah, magaceygana ah!

Ma aqoon si aan wax yeelo.

Gaari markaa ma wadan. Haddana waan helay mid aan Gabadha ku geeyo guri ay ku soo degtay oo ku yaalla Howl Wadaag meel aan ka fogeyn Dugsiga Sare. Muhiim ayay ii ahayd meesha ay deggan tahay in aan soo arko si haddii aan u baahdo aan dib ugu laaban karo. Weliba waan la ballamay.

Waxaan markiiba la tashaday culimmada Radio Muqdisho oo aan aad isugu fiinceyn iyo qaar kaleba. Waxaan la tashaday saaxiibbo dhowr ah oo iga khibrad badan.

Arrintu waxay igu khasabtay in aan dhab uga shaqeeyo si aan u joojiyo ninkaan magaceyga iyo shakhsiyaddeyda weerarka ku ah.

Dhowr nin oo dadka weriyayaasha aad u jecel ah, qaar ay yihiin weriyayaal-iska-yeel iyo kuwo aanan shaqsiyaddooda ku kalsooneyn oo ka shaqeeya saxaafadda laakiin aan magac weyn ku lahayn ayaan qaar ka shakiyay. Aniga oo gabadha kaashanaya oo ay dusha iga eegeyso ayaan nimankii midba meel kula kulmay - Radio Muqdisho, Tiyaatarka, Xarunta Ururka Dhallinyarada iyo goobo kale. Midkoodna wuu noqon waayay ninkii aan goobayay ee "sammigey" ahaa.

Gabadhii si aan qarsoodi lahayn ayaan isugu warrannay. Waxay iga qancisay in aan dhankeeda culeys iiga imaan doonin. 

Waxayna ka qanacday in aan meesha meher jirin. Ayaan ka dib waan amba bixiyay. Waxay ku laabatay reerkooda iyo gobolkii ay ka timid.

Wiil Jalaqsan


Sannad iyo ku dhowaad laba markii aan baadi-goob ku jiray, ayaa maalin aniga oo jooga Berbera waxaa ii soo dhacday farriin iigu timid teleprinter oo ah aalad isgaarsiineed oo ka duwan Telkis. Waa ka hir inta aan Fakis soo bixin.

Wuxuu ahaa qalab ka duwan messenger, SMS iyo email oo iyagu farriinta marka aad wada qorto aad mar keliya direyso.  Teleprinter, marka aad fartaada xaraf dhag ku siiso xarafkaasi sida uu uga muuqanayo shaashaddaada uguna qormayo xaashi suran mashiinkaaga ayuu isla markaas uga muuqanayaa shaashadda qofka kale ee aad la xiriireyso wuxuuna ku qormayaa waraaqda u suran mishiinkiisa. Xarafkii aad dhag-siiso isku mar ayuu ku qormayaa labada dhinacba oo markaan ah Muqdisho iyo Berbera. 

Farriinta ii soo dhacday waxay leedahay:

Yusuf, waa la qabtay Yusuf-kii kale. Dhakhso u soo gal Muqdisho.

Farriintu waxay ka soo billaabatay saaxiibkeey weriye Cabdulqaadir Cali Iidle. Subaxaas ayuu goor hore shaqo weriyennio u tegey wakaaladda Hargaha iyo Saamaha oo ku taallay nambar Afar. Gabar shaqaalaha ka mid ah ayaa salaantay oo ku tiri saaka maxay weriyayaashu noogu soo wada kallaheen?

Markii uu weydiiyay weriyaha kale ee ay aragtay saaka ayay u sheegtay in Yusuf-Garaad uu fadhiyo Xafiiska Maareeyaha. Cabdulqaaddir maaddaama uu dacwaddeyda la socday, in aan Berbera ku maqan ahayna uu ogaa, laamiga ayuu ka tallaabay. CID ayuu tegey oo ka soo kaxeystay laba askari. Ninkiina waxaa lagu jeebbeeyay isaga oo fadhiya xafiiska Maareeyaha.

Cabdulqaadir wuxuu wargeliyay Xafiiska ICRC oo ii soo diray farriinta.

Subixii xigay ayaa aniga oo ay i wehliyaan Cabdulqaadir Cali Iidle, Madaxa Radio Muqdisho, Maxamed Faarax Xalane Dhaashane iyo weriyayaal kale oo aan u maleynayo in uu midkood ahaa Cabdullaahi Khaddiib waxaan tagnay Xarunta CID. Waxaa na qaabbilay mas’uul ay xusuusteydu ii sheegeyso in uu ahaa Cusmaan-Gasgas.

Ninkii markii la soo saaray wuxuu noqday nin aan dhowr jeer ku arkay Radio Muqdisho oo salaan wanaagsan iyo xushmad reer magaalnimo ay naga dhaxeyso. Waxay saaxiib yihiin weriye caan ah oo ragga i tababbaray ka mid ah.  Waa nin dheer, jalaqsan, igana lebbis qurxoon.

Nin adeer u ah oo hanti haysta ayuu keligii kula noolaa guri weyn.

Wuu isku keey duubay. Wuxuu muujiyay in uu ka xun yahay falalka uu sameeyay.  Cafis ayuu i weydiistay. 

Booliisku markii ay horteenna ku wareysteen wuu qirtay waxyaabo dhowr ah. Qaarna wuu dafiray.

Anigu waxaan isaga iyo booliiskaba u sheegay in aan cafinayo haddii uu ii ballanqaadayo in uu magaceyga ii nabadgeliyo.

Su’aalo ay booliisku weydiiyeen iyo waraaqo ay ka saxiixeen ka dib, waa la sii daayay.

Maaddaama aan ahaa nin aad u mashquulsan, shaqadeydana ay ka mid ahayd howl samafal oo xasaasi ah khatarna wadata, ma sii dabakicin ee waxaan ku laabtay Berbera.

Nasiib wanaag, TV iyo internet dartood, maanta suurta gal ma ahan in qof caan ah magaciisa lagu caana maalo maaddaama qof walba oo caan ah sawirkiisa la arki karo marka loo baahdo.