Total Pageviews

Saturday 28 March 2015

Warfaafin mise Sirfaafin


Saxaafaddu waa mas’uuliyad culus. Waxayna qeyb ka tahay mukhaabbaraadka qeybtiisa aan qarsooneyn ee loo yaqaan “open source” iyo weliba qeybtiisa Falanqeynta.

Weriyaha waa lagu tababbaraa marka uu warku wax u dhimi karo nafta bani’aadam ama xorriyaddiisa, marka uu dhaawici karo amniga qaranka iyo sida laga yeelo.

Weriyayaal aan tababbar qumman u helin ayaa jira, waxaana wehliya dad badan oo hadda adeegsada saxaafadda bulshada hase yeeshee aan wax tababbar ah qaadan, isla markaana aan ogeyna in ay mid u baahan yihiin.

Weerar marka uu dhaco inta badan dhinaca weerarka soo qaaday xaruntiisa howlgalku waxay leedahay qaab ay ula xiriirto shakhsiyaadka faltanka ku jira. Telefoon ama hab kale ayay adeegsadaan si ay u kala warqaataan, talana isugu biiriyaan sida ay wax u dheceen iyo marba meesha ay xaaladdu mareyso.

Xaruntu waxay xuuraansataa idaacadaha iyo baraha internetka gaar ahaan baraha bulshada. Waxay ka eegtaa xog hor leh oo talo ku kordhin karta una sahli karta in ay yoolkooda gaaraan.

Marka haddii faahfaahin laga bixiyo tirada ciidanka howgalka ku jira, hubka ay sitaan, tabta ay adeegsanayaan ama jihada ay ka galayaan dagaalka, goorta ay billaabayaan weerarka ama gurmad u yimid waxay keeni kartaa in la is wargeliyo oo laga gaashaanto.

Xataa haddii la sheego ciidanka dagaalka gelaya midka uu yahay, waxaa laga yaabaa in magaciisa keliya laga fahmo hubkiisa iyo tabtiisa.

Hotel Maka
Waxaan jecelahay in aan akhristayaasha la wadaago qaar ka mid ah casharrada laga baran karo weerarkii shalay ee Hotel Maka iyo khaladdaadka ay saxaafaddu gashay ee laga yaabo in ay khatar gelin karaan naf bani’aadam.


Howgalka oo socda ayaa la arkayay sawirrada dad saqafka fuulaya, si ay ugu dhuuntaan.

Waxaa igu maqaal ah in dadka qaar uu waagu ugu baryay iyaga oo saqafka saaran, habeenka oo dhanna ay sawirradoodu wareegayeen baraha bulshada inkasta oo Hotelka la haystay.

Haddii la sheego in ay dad ku dhuumanayaan qolalka qaarkood waxay keeni kartaa in lagu baraarugo lagana warhelo.

Waxaan arkayay qof facebook ku soo qoray codsi ah in loo soo duceeyo macallinkiisa iyo dhowr arday oo uu sheegay in uu la xiriiray iyaga oo ku dhuumanaya qol dabaqa dhexe ee Hoteelka ah.

Bal qiyaas khatarta ay macallinkaas, ardaydiisa iyo kuwa la xaaladda ahi ay geli karaan haddii warkaasi uu gaaro dableyda hoteelka kula jira.

Waxaan arkay sawirro ciidanka Booliiska oo aagag iyo awaamir kala qaadanaya oo gadaashooda camera lala soo istaagay ee howlgalkii oo socda la soo daayay.

Dhanka kale, waxaan arkayay saxaafadda qaar oo shalay galab soo qoray in weerarkii la soo afjaray. Taas oo khalad ahayd, waayo waxaan ka warqabnaa in ilaa saaka la haystay Hotelka inkasta oo aan xilliyada qaar xabbad la maqlin.

Bal qiyaas qofka qolkiisa ama meel kale ku dhuumanayay ee haysta internet ee rumeysta in weerarka la soo afjaray. Maxaa markaas la gudboon? Dabcan dibadda ayuu u soo baxayaa. Waxa ku xiga ilama aha in qofkii warka khaldan soo qoray uu sidaa ku talo galkiisu ahaa.

Xabbad in aan shanqarteeda la maqal macnaheedu khasab ma ahan in uu yahay in howlgalkii dhammaaday.

Saxaafaddu haddii ay goobjoog tahay waxay sheegi kartaa in aan wax rasaas ama qarax ah la maqlin hadda, laakiin in howlgalku dhammaaday iyo in kale ma aha in ay iyadu ku dhawaaqo. Waxay u taallaa Booliiska oo ay tahay in laga soo xigato.

Waxaan arkay dadka telefoonka u diraya qof kasta oo ay yaqaannaan oo hoteelkaas fariisan jiray ama ay ogaayeen in uu deggan yahay.

Dabcan waxay u danqanayaan qofkaa ka maqan amaba war jacayl dartiis ayay u wacayaan.

Qiyaas telefoonku marka uu soo dhaco haddii ay maqlaan dableyda hoteelka dhex meereysanaya ayaga oo qoryo garwaaxiidsan, farqaha ku sita banbaanooyin lagana yaabo in ay u dheer tahay jaakad ay walxaha qarxaa ku rakiban yihiin.

Xataa haddii telefoonku mayeere yahay, mugdi marka la joogo iftiin ayuu bixinayaa. Qofka damca in uu ka jawaabo sow ma dhici karto in codkiisa uu ku soo hago malaggiisa?

Dhanka kale, qofka telefoonka haysta haddii uu booliisku ka soo wici lahaa si uu ugu gurmado, sow ma dhici karto in uu telefoonku mashquul ku yahay wicitaankaaga wardoonka ah? Intaas oo dhan haddii aanay dhicin sow bateriga ka dhammeyn maayo wicitaankaagu.

Ugu dambeyntii, haddii aad ogaato qof ku dhintay goobta, waxaa habboon in sawirkiisa iyo magaciisa midna aanad markiiba soo gelin saxaafadda. Waxaa ka habboon in horta aad wargeliso ehelkiisa ama aad ka dhowrsato daabacaadda ilaa ay cid kale wargelineyso ehelka marxuumka. Haddii aad meyd sawireyso, uma jraysid warqadda aqoonsiga, markaa uma baahnid in aad sawir ku dhow oo wajigiisa iyo dhaawacyada jirkiisa gaaray ay muuqdaan.

Thursday 26 March 2015

Socdaalkii Saddexda Maalmood


Galabta ayaan ku soo laabtay Muqdisho. Ka dib markii aan saddex maalmood soo joogay Dhuusa Marreeb, xarunta Gobolka Galguduud. Wafdi Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaan ka mid ahaa. 

Waa markii iigu horreysay ee aan tago magaalo Soomaaliyeed oo ay ciidammo Ethiopian ahi dhinac ka joogaan, kana daafacayaan kuwii duullaan ku ah.

Haddii aad qormadeyda ka raadineysid Cadaado iyo Dhuusamarreeb yaa fiican kama heleysid. Haddii aad ka raadineysid hebel ayaa sidaa yiri, markaasaa hebelna saa ugu jawaabay, ku arki meysid. 

Qormadani waa mid kooban oo ku saabsan waxa aan anigu ka soo bartay ergooyinka qabaa’ilka dega Gobollada Dhexe oo hadda Dhuusamarreeb ku sugan oo aan kula wadaagayo.

Waxay ii ahayd seminaar ku saabsan qabaa’ilka Soomaalida iyo sida ay u wadahadlaan dalka gudihiisa marka ay joogaan isla markaasna aan ajnabi u kala dabqaadeyn.

Waa marka hore ee ballamadu saacad ma lahan. Aan is aragno hadhow, galabta marka casarka la tukado, caawa fiidkii, berri quraacda ka dib iwm ayaa lagu ballamaa.

Dadka shirka fariisan kara iyo kuwa aan fariisan karin inta badan go’aan lagama gaaro. Marka la isu yimaado ayaa la fariistaa. Haddii shirku qabiil yahay oo bannaankaas la fadhiyo dharaar cad, qof aan qabiilka meesha fadhiya ahayni kuma soo leexanayo. Waa xeer aan qorneyn, booliis ilaaliya lahayn, cid ku dhacda in ay ku xad gudubtana aanay jirin.

Shirku wakhtiga uu leeyahay ma xaddidna ee waa mid furan. Telefoonnada  codadka kala nooca ah leh ee soo dhacaya, salliga nebiga CSWS, qofka soo daahay ee soo galaya ee dhowr ruux salaamaya, sagbadda shaaha ah ee lala wareegayo, biyaha la qeybinayo, dhowr kursi oo hal nin mar looga wada istaagayo, kuraas hor leh oo la keenayo iyo qaar kale oo badan waa waxa ay tahay in dhegehaaga iyo indhahaagu ay la qabsadaan adiga oo hadalka la sheegayana u dhug leh. 

Waxaa iga yaabiyay aftahammada, meel-ku-dhegga, af-adeyga, qabiilinnimada bannaanka taal, ku-jiqsiida, isu garaabid la’aanta iyo ka cadgoosiga kuwaas oo qeybta hore ee shirka oo maalin gelinkeed ama maalin dhan qaadan karta lagu lumiyo.

Iyo marka talada la helo codkarnimada, caqli wanaagga, Soomaalinnimada, aragti dheerida, Islaannimada iyo akhyaarnimada ka muuqata isla dadkii iyo isla madashii.

Waxaa kale oo aad iiga yaabiyay mahmaahyada tirada badan ee daliisha laga dhiganayo iyo tusaalooyinka hadalka lagu naqshadeynayo oo inta badan ku billowda “Waxaa la yiri…” ama “Hadda ka hor ayaa…” ama "Beri baa..." Sheekooyinkaas oo qaarkood ay aad u dhaadheer yihiin.

Waxyaabaha xiisaha leh waxaa ka mid ah in wadahadalka ay si dadban uga qeyb qaadanayaan qurba joogta iyo dad Xamar ku sugan oo daneynaya arrinta. Intaa waa la wargelinayaa, talo ayay bixinayaan, marka ay ka fursan weydana waxaa la tuhunsan yahay in ay lacag ku bixinayaan wixii kharash ah ee lagu gelayo howl fulinta - degaan, maciishad iyo isgaarsiin - xag gaadiid iyo xag telefoonba.

Waxaa kale oo aan la yaabay in saddexda wakhti ee wax la cuno ay saddexdaba cuntada ka mid yihiin hilib ari iyo caano geel.

Waxa iigu muhiimsan ee aan la soo laabtay waa in uu igu xoogeystay fikir aan muddaba qabay.

Waa in dadka Soomaaliyeed ee caadiga ahi ay dalka oo dhan ku sugan yihiin xaalado isu dhow. 

Midda ka muhiimsan waa in danaha dadka Soomaaliyeed la is waafajin karo haddii Madaxdu ay daacad ka tahay, xirfaddeeda leedahay, lana timaaddo dulqaadka ay u baahan tahay. Iyo haddii meel la saaro danta siyaasiyiinta, danta ganacsatada iyo, yaanan illaawine, danta kuwa siyaasadda qudheeda ka ganacsada.