Total Pageviews

Friday, 30 May 2014

Nabad Doon


Hadda ayay qabasho leedahay

Yusuf-Garaad

Khilaaf laba hoggaamiye wuxuu u baasbaxay Qarannimada, nabadda, dhaqaalaha iyo dadnimada Soomaaliya. Marka hore ayuu qabasho iyo xal leeyahay.

Haddii uu waayo wuxuu dhalaa khilaafyo hor leh, jilayaal cusub oo meeshuu ka billowdayba aan ka warqabin, shisheeye oo dhamani wuxuu fursad u helaa in sidii uu doono uga yeelo xaaladda.

Midda ugu darani waxay tahay in dadka hadda xallin kara khilaafka labada hoggaamiye aanay hadhow xallin kari doonin khilaafaadka cusub ee dhex mari doona jilayaasha cusub oo mid kastaa gartiisa leeyahay.

Waa talo shakhsi oo nabad doon ah.

Tuesday, 27 May 2014

Amniga Qaranka


Dherigii Fara Badiyaa waa hee?

Inqaasta Yusuf-Garaad

Ammaanka waxaa fashiliyay ma ahan oo keliya aqoon la'aan ammaan ama dayacaad xilkiisa oo ah waxa lagu eedeeyay Wasiir Guuleed, oo isagu si geesinnimo leh xilkiisa isaga casilay. Haddaba si loo sugo amniga waxaa ila habboonaatay in aan aniga talo igu baaqan.

Markaa aniga oo ku halqabsanaya Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh oo aan taageersan ahay, ayay ila tahay in la is weydiiyo tallaabooyinkii Ammaanka ee la qaaday tan iyo 2012 oo dhan in dib loo eego. Ammaanka ma uga raayeen mise waa uga dareen.

Qaar aan ka warqabo waxaa ka mid ah beddelaaddii Taliyayaasha Ciidanka oo dhan, Abbaanduulihii militeriga iyo Taliyaha Waaxda Dembi Baarista Booliiska (CID). Waxaa kale oo ka mid ah Generaal-ladii tobaneeyada ahaa ee laga fariisiyay Nabad Sugidda. Waxaa ka mid ah ciidankii iyo saraakiishii howlgabka laga dhigay.

Intaas oo dhan marka laga soo tago waxaa jira caqabad taagan oo Ammaanka gelineysa jahawareer iyo mid aanay sahlanayn in la sugo gaar ahaan Muqdisho.

Silsiladda Amarka

Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha waad kala saarteen taas oo aan sahlayn howsha. Waxaad Magacowdeen Guddoomiyayaal Gobol oo aad sheegteen in ammaanka ay ayagu mas’uul ka yihiin. Bal si deggan u fiiri. Taliyaha Nabad Sugidda iyo kan Booliiska ee Gobolka  immisa nin ayaa xukuma oo ay warbixintooda siiyaan? Ka sokow in ay iyagu wada shaqeyn yeeshaan.

Waxay tahay in ay u warbixiyaan Taliyayaashooda oo iyaguna u warbixiya Wasiirka Aminga iyo Madaxweynaha oo ah Taliyaha Guud ee Ciidammada. Waxaa kale oo ay hoos tegayaan Guddoomiyaha Gobolka oo isagu hoos taga Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Intaas oo dhanna waxaa dheer militeriga oo isagu xudduudaha Soomaaliya aan ilaalin ee ka dagaallama gudaha dalka, oo hoos taga Wasaaradda Gaashaandhigga.

Waad fahmi kartaa, iigana xog roon tahay in habkaasi dhalinayo iska-daba-noqod maamul oo aan loo baahnayn. Waxaa kale oo uu keeni karaa iska daba shaqeyn maaddaama aan intaas oo Madax ahi isu wada laab xaarnayn sida aan ognahay.

Iskaba daa dalka oo dhan ee Ammaanka Muqdisho yaa ka mas’uul ah? Haddii su’aashaas la idin weydiiyo ma hubo in aad adiga iyo Madaxweynaha midkiinna hal magac uga jawaabi karo. Haddii gooni gooni la idiin weydiiyana ma hubo in aad isku jawaab ka bixin lahaydeen.

Ma Duqa Magaalada oo hoos taga Wasiirka Gudaha ayaa ka mas’uul ah? Hadday saas tahayse Wasiirka Amnigu muxuu mas’uul ka yahay? Mise Taliyayaasha Nabad Sugidda iyo Booliiska iyo Militeriga? Ma Wasiirka Aminga mise Wasiirka Difaaca? Mise Madaxweynaha oo ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga Qaranka?

Ma is weydiiseen intaas oo dad ah oo barbarro siman u wada shaqeynaya ama isugu warbixinaya in loo baahan yahay in ay Amniga faraha la wada galaan? Haddii dhib kale aanuu ka imaan yaa go’aanka qaadanaya? Meeqa mas’uul ayaa tashanaya inta aan tallaabo la qaadin? Xaaladda ay tahay in wax laga qabtaase ma sugeysaa inta madaxdaasi ay iska daba yaacayaan oo cid go’aan gaarta ay sugayaan?

Daryeelka Ciidanka

Tan kale, Ilaahay ka baqa oo xabbadda ha isaga dhigina askari aydnaan mushaar u hayn. Idinkuba mushaar la’aan kuma shaqeysaan. Markaa xaqiijiya askarta aad adeegsaneysaan ee weliba naftooda miiska soo saaraya in aad mushaarkooda mudnaan ka siisan cid kasta oo kale oo aad idinku ku jirtaan.

Mushaarka waxaa xiga daryeel caaafimaad, siiba marka dhaawac uu yimaado. Askari kasta oo dagaal gelayaa waa in uu hasytaa sanduuqa gargaarka deg degga ah. Waxaa kale oo ay u baahan yihiin in dhammaantood la baro gargaarka deg degga ah si ay isu badbaadiyaan, oo dhiig baxa u joojin karoodaan ama u dhimi karaan, neefmarka u furi karaan, ama ugu yaraan ay uga baaqsan karaan in ay uga daraan xaaladda askariga dhaawaca ah. Marka aan arkay qaabka ay dhaawaca u qaadaan, waxaa macnaheedu yahay in ay leeyihiin “war ha nala baro sida ay tahay in dhaawac loo qaado”.

Midda kale waa in ay helaan qalabka dagaalka ee xabbadda gaashaanka u ah. Waxaa ka mid ah koofiyad bir ah, Qaar-hore gashiga xabbadda celiya, baabuur aan xabbaddu karin oo lagu daadgureeyo iyo qalabka la' isticmaalka ah.

Ugu dambeyntii waa in marka xabbadu dhacayso amaba ay ku dhacdo aanuu askarigu ka welwelin agoonta uu ka tegi doono iyo hooyadood daryeelkooda. Markii ay shaqada ku gaboobaanna waa in ay og yihiin waxa ay mudanayaan.

Ciidan qaab beeleed u dhisan

Marba gobolka la joogo beelaha deggan ayaa ugu badan ciidanka halkaas ka howlgala. Waaba haddii cid kale tarraxdo e. Intaas oo dhan waxaa dheer oo ka sii darin sida Militeriga Soomaaliya ee hadda jira uu hal beel ugu badan yahay, beeshaas oo uga badan ciidanka afarta beelood ee kale oo la isku daray.  Taas oo aan ogahay sida ay ku timid, laakiin ay iga dhaadhici la’dahay sababta loo sixi la’yahay. Waa sida aan warka ku helay, haddii aan khaldan ahay, ha loo caddeeyo inta sidaas aamminsan. Khasab ma aha in ciidankaas dadaalka badan shaqada laga fariisiyo. Laakiin maxaa diiday tusaale ahaan in ciidanka Puntland, oo ah mid ilaa iyo xad taabba galay kuna guuuleystay in ay Shabaab uga adkaadaan Buuraha Galgala, oo iyaguna u badan mid ka mid ah shanta beelood in la isku dhafo iyaga iyo ciidanka Muqdisho?

Sidoo kale, maxaa diidaya in garaaddahooda dib loo eego? Maxaa keenay in Taliyaha Ciidammada Puntland uu ahaado Sarreeye Guud, halka Taliyaha Miliyeriga Soomaaliya uu yahay Sarreeye Guuto oo laba derejo ka hooseeya Taliyaha Puntland. Marka ay dhacdo in ay labadoodu kulmaan kee salaanta qaadanaya? Ma xeerka militeriga ayaad dib u qoreysaan?

Saameynta Siyaasadda

Ugu dambeyntii Ammaanku waa siyaasad. Iyada oo aan siyaasadda la isku khilaafsan yahayna ammaanka si buuxda looma sugi karo.

Dagaalka sokeeye ama isku dhacyada ka jira Shabeellada Hoose, Shabeellada Dhexe, Jubbada Hoose, Gedo, Hiiraan, Galdguduud, Mudug iyo Sool iyo weliba khilaafka siyaasadeed ee Baydhaba, Puntland iyo Muqdisho intuba saameyn ayay ku leeyihiin ammaanka.

AMISOM

Inta aan ka warqabno, AMISOM waa ciidanka ugu xoogga badan ee dalka ku sugan. Kaalintoodu in ay tahay taakulo iyo in ay tahay hagid ma kala cad tahay? Inta Ammaanka ka shaqeysa oo dhanse ma u cad tahay?

Midda kale, Ciidammada Ethiopia iyo Kenya, waxaa la socda ciidammo dalalkooda ay ku soo tababbareen oo dadka qaar ay tuhun ka qabaan waxa ka dhexeeya.

Maamul Goboleedyada

Waxaa ammaanka saameyn ku leh, Maamul Goboleedyada is dhinac yaacaya ee ka xawaare dheereeyay siyaasadda Dowladda Federaalka qaarkoodna ay ku daaban yihiin Dowlad ama Dowlado shisheeye. Waxaan hadda ka hor aragnay Maamul Goboleedyo ay Dowladdu caddeysatay in ay diiddan tahay qaabka ay u dhismayaan. Haddana meelo kale ayaa loo soo maray oo laga fara maroojiyay Dowladda, afkeedana laga keenay in ay aqbalsan tahay. Arrimahaas oo dhami ma ahan kuwo ammaanka u gargaaraya ama sahlaya.

Maroodiga indhaha laga qarsanayo

Haddii la yiri ammaanka waxaa lala kaashanaynaa Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, maxaan uga tala galnaa Somaliland? Hargeysa miyeysan saameyn ku lahayn ammaanka Soomaaliya? Tani kama jawaabeyso in Soomaaliland ay tahay Jamhuriyad madax bannaan iyo in kale? Laakiin waa tallaabo runta ku dhisan in arrintaas laga sameeyo iskaashi heer farsamo ah. Malahaa Wadahadallada labada dhinac ee mar mar Istanbul lagu qabto ayaa ajendahooda lagu dari karaa.

FG
Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibkeey Cabdisalam Caato www.wargelinshow.com oo sawirka ii sameeyay.

Monday, 26 May 2014

Daryeela Ciidanka


Agab Difaac
Yusuf-Garaad

Ciidanka Soomaaliya oo ah ciidan dagaal-u-joog ah waxay ku dhintaan firir iyo xabbado aan ahayn in ay qof ciidan ah dilaan. Ma la is weydiiyay sida kulligood loogu heli karo koofiyad bir ah iyo kor-gashiga celiya firirka iyo rasaasta yar yar iyo midda soo daashay?


Dhanka kale, baabuurtooda ayaga oo saaran ayay rasaas ama firir soo gaaraa ka dibna ay u naafoobaan amaba u dhintaan. Ma la heli karaa baabuurta aan rasaastu karin ee madaxda qaarkood ay ku socdaan in ciidanka lagu daad gureeyo marka ay waddooyin khatar ah marayaan?

Waa qaali ioo lama goyn karo iyo wey adag tahay waan fahmi karaa, laakiin waxaa ka horreysa in la is weydiiyo oo laga arrinsado sidee loo heli karaa agabkaas?


Xataa haddii loo waayo in ku filan ciidanka oo dhan, miyaan la heli karin qaar wadaag ah oo marba inta markaas howlgal u socotaa ay qaataan.

Saturday, 24 May 2014

Guuleed Galbay

Nabadgelyo Guuleed
Inqaasta Yusuf-Garaad
Marka hore waan u hambalyeynayaa Wasiirka Amniga, Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo goor dhow is casilay. Waan ogahay Cabdikariim sida uu shaqqadiisa u jeclaa iyo sida ay isugu dubba dhacsanayd marka laga reebo in Soomaalidu ay aad dhaliilsanayd howshiisa.

Waxaan ugu hambalyeynayaa in danta guud darted iyo Ammaanka dalkeena uu isu casilay.

Madaxweynuhu wuxuu Twitter ku soo qoray in la arki doono lana dareemi doono isbeddel jawaab u ah dhacdada maanta.

Haddii la rabo in taas laga dhabeeyo, isbeddelkuna u noqdo mid raad reeba, waxaa iga talo ah in xilkaas aan qabiil uun lagu bixin, ee la soo xulo mas’uul howsha ka bixi kara.

Xataa qabiilka lagama waayayo rag ammaanka aqoon wanaagsan u leh, welibana mar dhow ammaanka dalka madax ka ahaa.

Isbeddelku waa inuusan ku saleysnaan yaan meesha ku buuxinnaa ama isaga aammusinnaa, waa in uu ku saleysnaado yaa ka bixi kara?

Taas oo haddii la suurta geliyo anigu aan shakhsiyan u sacbin doono, isla markaana aan taageeri doono.

Haddii cid ka sii aqoon badan la helana waa in isbeddel ka ballaaran hal Wasiir oo kaliya la sameeyo.

Islamarkaana waa in laga fekero in isbeddel ka weyn Wasiirka oo keliya lagu sameeyo heykalka Amniga dalka.

Cabdikarim kartidiisa iyo xiriirka kala dhexeeya Madaxweynaha, waxaan rajeynayaa in uusan u shallaayi doonin xilka uu ka tegey.

Weerarka Baarlamaanka maxaa Xiga?


Villa Somalia, Maxkamadaha, Baarlamaanka! 
Xaggee xigta?
Inqaasta Yusuf-Garaad
Allaha u naxariisto dadka maanta lagu dilay weerarka Baarlamaanka. Ehelkoodana Samir iyo Imaan Allah ha ka siiyo. Waa waddaniyiin naftooda u huray daafaca Qarannimada Soomaaliya. Ka sokow wixii qoysaskooda loo taro, waa in astaan magacyadoodu ay ku qoran yihiin oo lagu xasuusto lagu dhejiyaa Baarlamaanka meesha laga soo galo.

Inta ku dhaawacantay weerarka waxaan Allah uga baryayaa in uu caafiyo.

Waxaan taageero u dirayaa Guddoomiyaha iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ee naftoodu maanta halis ku gashay in ay gutaan howshooda Qaran.

Marka XIgta, 14-kii bilood ee na dhaafay Shabaab waxay ku guuleysatay in ay weerarto dadna ku disho saddexda hey’adood ee ugu sarreeya Qarank: Fulinta (Villa Somalia), Sharci Dejinta (Baarlamaanka) iyo Garsoorka (Maxkamadaha).

Waxaa habboon Madaxweynaha iyo inta ku dhow dhow in ay si niyad ah isu weydiiyaan meesha ay wax ka qaldan yihiin. In ay fahmaan in ay u baahan yihiin in ay la tashadaan Madaxdii dalka soo maamuli jiray iyo kuwii amniga gacanta ku hayay.

Madaxweynaha waxaa la gudboon in uu safarkiisa soo gaabiyo oo hadduusan Caawa ku laaban caasimadda uu berri subax ka quraacdo. Waxaa habboon in isaga oo waajibkiisa gudanaya, uu haddana u isticmaalo xaaladdan mid isu soo dhoweysa isaga iyo Xildhibaannada doonaya in ay xilka ka qaadaan.

Cambaareyn waxba ma xallineyso. In afka lagu aargoosto oo la yiraahdo Shabaab weerar fuleynimo ayay soo qaadday ma badbaadineyso ummadda. Kaba darane in wixii dhacay been laga sheego micno ma soo kordhineyso, waana been abuur iyo marin habaabin ummadda oo lafteedu dembi ah. Weerarradii hore ka dib sidii loo dhaqmay oo kale in loo dhaqmo ma keeneyso in weerarro soo socda la baajiso.

Mar haddii saddexdii hey’adood ee ugu sarreysay Qaranka la weeraray waxay u baahan tahay in la odoroso, lana xuuraansado meesha ku xigta ee Shabaab damacsan yahay in uu weeraro. Iyada oo aan talada laga saareyn in ay dhici karto in saddexdii hore ay u weerareen mid ka mid ah ay mar kale dib u booqdaan.

Dadka tuhunka gelinaya Madaxweynaha iyo saaxiibbadiis, waxaan u sheegi lahaa in sida aanan anigu uga warqabin cidda weerarka ka dambeysa oo kale aanay iyaguna uga warqabin. Midda kale cidda sheegatay in lagu daayo ayay ku habboon tahay. Caqliguna wuxuu na siinayaa in Madaxweynuhu xataa dayacaad ula kas ah aan lagu eedeyn karin, sababta oo ah hooygiisii iyo xafiiskiisii ayaa tan maanta dhacay mid ka darani ay ka dhacday. Marka dhibka dhacay yaan looga sii darin tuhun iyo been faafis yaan dadka lagu kala dilin.

Soomaaliya Ha Noolaato.



Friday, 23 May 2014

Deeq Jarmalku siinayo Puntland


Malaayiin Jarmalku ugu deeqay Puntland
Dowladda Jarmalka ayaa Puntland ugu deeqday 23.55 milyan oo Euro.  Lacagtaas waa deeq xagga horumarinta loogu tala galay. Warkaan waxaa faafisay Safaaradda Jarmalka ee magaaladan Nairobi.

Aad ayaan ugu hambalyeynayaa maamul wanaagga iyo afgaradka caalamka ee Puntland ay ku hanatay kasbatay deeqdaas. Waxaan rajeynayaa in sida ay u dhan tahay ay ku baxdo mahsaariicda loogu tala galay, oo kolley ah kuwo dan u ah bulshada Soomaaliyeed ee Puntland. Waxaa kale oo aan rajeynayaa marka hantidaasi ay ku baxdo meeshii loogu tala galay iyada oo aan caad saarnayn, in markaa ay horseeddo deeq intaas ka badan oo Jarmal iyo ilo kaleba ka timaadda.

Dhanka kale, waxaan is weydiiyay, Dowladda Federaalka oo dalka oo dhan metasha, wax lug ah ma ku leedahay lacagtan loo qoondeeyay Puntland? Mise ka warqabtaa? Ma jiraa lacago kale oo Jarmalku u soo wado meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah? Dowladda Federaalka iyada lafteeda lacagi ma u soo socotaa?

Hadday jawaabuhu haa yihiin waxaan dowladda Federaalka uga fadhinnaa faahfaahin in ay naga siiso.