Laba Laab ma aha Laba Jibbaar
Yusuf-Garaad
Laba laab iyo
waxaa jira laba jibbaar. Haddii wixii aad bixin jirtay aad laba laabto waxay u
dhigantaa in intii aad bixin jirtay in le’eg aad ku darto.
Si kale haddaan u
dhigo 4 haddaad bixin jirtay, laba laab waa 4 + 4 ama 4 x 2 oo labaduba noqoneya
8.
Haddiise 4 la laba
jibbaaro waxay u dhigantaa 4 x 4 oo noqoneysa 16.
Markaa labada eray
oo dadka qaar ay isku si u isticmaalaan waxaa u dhexeeya farqi weyn marka loo fiiriqo aqoonta Xisaabta.
Laba jibbaar waxaa badanaa loo adeegsadaa marka laga hadlayo bed.
Dadka qaarna waxay u isticmaalaan isku wareeg.
Markaa Mareykanku wuxuu laba laabayaa kaalmadiisa militeriga Soomaaliya ee ma laba jibbaari doono.
waxaa isku khalda inta badan waa Ciyaal ninty kow "1991". Thanx
ReplyDeleteEreyga "Jibbaar" muxuu yahay macnihiisu?
ReplyDelete@Siciid Cabdi...laftayda macnaha ereyga 'jibbaar' ayaan raadinayay...haddaad nagu dhaanto nala wadaag.
ReplyDelete@ Yuusuf sidaa aad u kala dhigtay waaye. Mahadsanid.
YUSUF noo sharrax Ereyga laba jibbaar kheyr allah kusiiyee.
ReplyDelete