Total Pageviews

Tuesday 24 February 2015

Gurieceel dagaalka Ka Dib


Dagaalka Guriceel kuma dhiman doonaan dadka amarkiisa dhiibaya oo qaarkood laga yaabo in ay meelo fog fog joogaan. 
Kuma dhiman doonaan nimanka u sarreeya ee hoggaaminaya dagaalka. 
Lagumana dili doono kuwa hubka daabbula iyo kuwa shidaalka iyo lacagta dagaalka bixiya.
Si kama dambeys ah looguma kala adkaan doono maaddaama ay dadka degaanku ku kala qeybsan yihiin.

Marka ay xabbadu istaagto waxaa magaalada degganaan doona dhammaan dadkii hore u degganaan jiray marka laga reebo kuwa dagaalka ku dhintay iyo kuwa ku dhiman doona.
Xabbad nin xal ku raadiya haddii aad aragto siyaasadda ayuu caammi ka yahay ama uu ku fashilmay ama labada ayaa isu raacay.

Kulan Geesinnimo


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabbilay Mudane Cali Khaliif Galaydh, oo hore dalka uga soo noqday Ra’iisal Wasaare, dhowaanna loo doortay hoggaanka Khaatumo.

Mar aan Mudane Cali Khaliif  kula kulmay Muqdisho bishii hore, waxaa uu adeegsaday ereyga ah aniga iyo Madaxweynuhu faataxo isuma akhrinno laakiin dan ayaa naga dhexeysa. Ereygaas ayaana laga fahmi karaa halka ay kala joogeen oo dadka qaar ay kala socdeen saxaafadda.

Mar haddii la fahmo in haddii aan Soomaali nahay, si kasta aan u kala aragti duwanaannee ay dani naga dhexeyso, in la iska wareysto waxaan u qabaa in ay tahay tallaabada koowaad ee horseedi karta in laga wada shaqeeyo sidii aan danteenna ku gaari lahayn.

Waan soo dhoweynayaa kulankaas geesinnimo iyo kuwa la nooca ah.

Saturday 21 February 2015

Saaxiibkeey Cabdishakuur Mire Adan AUN





Cabdishakur Mire Adan, Allah ha u naxariistee waxaan isku barannay Dugsiga Hoose ee Buulo Burte, halkaas oo aabbihiis, Ustaad Mire Adan, iyo hooyadiisba ay macallimiin ka ahaayeen.

Waxaanse si wanaagsan isugu barannay Muqdisho. Waxaa uu ahaa qoraa wargeyska Xiddigta Oktoobar iyo qoraa sheekooyin badan oo buugaag uu ka daabacay oo ardayda iskuulladu ay akhrisan jireen.

Baaris uu ku sameeyay taariikhda Islaamiyiinta Soomaaliya 1952 - 2002 wuxuu ka qoray Kutub - Kobacii Islaamiyiinta Soomaaliya.

Wuxuu ka baxay Dugsiga Sare ee badda, berigii qaxu dhacayna mar ayuu ku shaqeeyay badmaaxnimo.


Siyaasadda Puntland waxaa uu ahaa raggii la jaanqaaday billowgii ugu horreeyayba. Wuxuuna ka mid yahay Wasiirrada ugu wakhtiga dheeraa Puntland.

Hadda wuxuu degganaa Muqdisho oo uu siyaasadda ka qeyb qaatay isaga oo Guddoomiye ku Xigeen ka ahaa Xisbiga Daljir.

Wuxuu ahaa nin hadallo geesi, wuxuuna ahaa mufakir isku daya in uu fahmo danaha iyo xiriirrada dadka Soomaaliyeed ee xag bulsho, siyaasad, dhaqaale iyo amni. Una fahmo si ka qoto dheer inta dadka aan aad u fekerini ay meel walba la taagan yihiin.


Wuxuu ahaa nin saaxiibtinnimo iyo aammin gala. Wuxuu ahaa nin Allah ka cabsi leh. Wuxuu ku kalsoonaa Soomaalinnimadiisa mana aamminsaneyn in uu cid marti uga yahay ku lug lahaashada masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Ilaaheey waxaan uga baryayaa in uu ka waraabiyo jannadiisa.

Hadda ka hor annaga oo joogna Nairobi ayuu iiga warramay khatarta Shabaab. Wuxuu i soo xasuusiyay markii ay in yar ka dib weerareen Westgate. Ka akhriso dhanka bidix ee boggaan. Eeg dhanka bidix ee boggan oo dhag sii si aad u akhrisato wadahadalkii aniga iyo isaga ina dhex maray.


Thursday 19 February 2015

General Mukhtaar

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay, General Mukhtaar Afrax, oo ah sarkaal isku darsaday khibrad booliis iyo mid militeri oo uga horreysay. 

Waa sarkaal ad-adag, hadal cad, ku-dhac leh, haddana dishibiliin leh. Waxaad ka dareemeysaa aqoon iyo waayo aragnimo ay waddaninnimo u dheer tahay. Waa nin feejigan shaqadiisana jecel oo aan dhowran karin hawl dayacan.

Waa nin aan u wakhti dayin kuwa ula yimaada wax aan macquul ahayn ama aan macna sameyneyn. Sida ay qireen xataa rag aan saaxiibbadiis ahayn, waa sarkaal isku kalsoon, sharaftiisa iyo tan ciidankana ilaaliya. 

Isaga oo hoggaaminaya askar, saraakiil iyo mudanayaal ka socda Booliiska iyo Nabad Sugidda, waa Sarkaalka Ilaaheey ku guuleeyay amniga shirkii IGAD iyo booqashadii Madaxweyne Erdogan oo bil gudaheed qabsoomay. Sawirkan waxaan ka qaaday isaga oo hortaagan dayaaraddii qaadday Wasiirrada IGAD.

Ciidanka nabadgelyadu si uu u guuleysto wuxuu u baahan yahay in loo dhammaytiro agabka iyo saanadda uu u baahan yahay. Qormo aan hadda ka hor ka sameeyay oo aan halkan ku soo lifaaqay waxaan cinwaan uga dhigay Daryeelka Ciidanka. 

Sidoo kale wuxuu u baahan yahay iska warqab, wadashaqeyn iyo is qaddarin ka dhexeysa labada ciidan ee amniga iyo cutubyadooda kala duwan. Qodobka ugu muhiimsan waa isfaham dhex mara iyo taageero uu Booliisku ka helo shacabka.

Waxqabadkiisa ayaan ku qiimeyn doonna General Mukhtaar, waxaanna Ilaaheey uga baryayaa in uu ku guuleeyo xilkan muhiimka ah.


Wuxuu xilka kala wareegayaa Sarkaal aad u qiimo iyo xushmad badan, shaqo adagna soo qabtay, waa General Maddaale. Waa wejiga booliiska Muqdisho. 

Waxaa xusid mudan, Taliyihii Nabadsugidda Gobolka, Koofi iyo Ku Xigeenkiisa, Shaaweey, oo shaqo adag oo aan dadka u wada muuqan soo qabtay, ka hor inta  aan xilka laga qaadin. Saddexdaba waxaan rajeynayaa in khibraddooda iyo howlkarnimadooda laga faa'iideysto.

Tuesday 17 February 2015

Dowlad Wacdi Kama Rabo


Marka uu fal dembiyeed dhaco, kaalinta Dowladdu waa baaritaan iyo garsoor. Ma ahan wacdi iyo qalbi qaboojin keliya.

War maanta ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo Ku Xigeenka Ra'iisal Wasaaruhu uu soo saaray, oo daba jooga dilkii shalay ka dhacay isgoyska Nambar Afar ee Muqdisho waxaa cinwaankiisu yahay: “Geeridu waa xaq, qof walbana wakhtigiisa dhaafi maayo”. 

Warka oo saddex paragraph ahaa kuma jirin meel ciidanka lagu farayo ama shacabka loogu sheegayo in baaritaan la sameynayo weerarkii ka dhacay bartamaha magaalada ee afar muwaaddin oo madax iyo shaqaale dowladeed ah lagu dilay.

Ka muwaaddin ahaan, ima qancin in dilkii shalay ka dhacay Nambar Afar ay jawaabta Xukuumaddu noqotay in aan qofna wakhtigiisa dhaafeyn.

Waxay ila tahay in aan ognahay in Qofna aanuu wakhtigiisa dhaafeyn. Haddii ay tahay in la is wacdiyana, Masjidka ayaa Dowladda uga habboon.

Monday 16 February 2015

Kala Maan


Waxaan daawaday barnaamij TV oo saynisyahan British ahi uu baarayo bal in nolol kale oo midda aan naqaan ahayni ay ka jirto dunida. 

Wuxuu badda hoos u galay 2 km si uu u eego qabowga iyo mugidiga meeshaa ka jira in ay nololi ka jiri karto.

Wuxuu eegay lama degaanka Atacama (Atakama) oo 50 jeer ka sii qallalan midka Sahara. 

Wuxuu booqday goobo kale oo ay ka mid yihiin buuro barafoobay iyo volcano aan demin oo ku yaal degaanka Cafarta Ethiopia.

Wuxuu adeegsanayay ereyga "ilbaxnimadeyda", asaga oo ula jeeda ilbaxnimada Aadanaha.

Gunaanadkii waxaa uu fasiray macnaha ay sameyneyso haddii nolol laga helo meerayaal kale oo ka tirsan carra edeg.

Waxaan soo xusuustay dood uu xilli aan fogeyn iila yimid mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu wakhti dhan geliyay in uu ii fasiro wax uu isagu u yaqaan “Ku dhashay” iyo “U dhashay” oo uu siyaasad ka dhigayo.

Barnaamijka baadi goobaya in Mars iyo Jupiter ay nololi ka jiri karto ee raba in uu i baro sida looga faa’iidi karo iyo wey isu key qaban waayeen Xildhibaanka raba in uu i baro “Ku dhashay” iyo “U dhashay” .

Fadlan ra'yigaaga xagga hoose ee isla boggan ku reeb.