Total Pageviews

Monday 16 February 2015

Kala Maan


Waxaan daawaday barnaamij TV oo saynisyahan British ahi uu baarayo bal in nolol kale oo midda aan naqaan ahayni ay ka jirto dunida. 

Wuxuu badda hoos u galay 2 km si uu u eego qabowga iyo mugidiga meeshaa ka jira in ay nololi ka jiri karto.

Wuxuu eegay lama degaanka Atacama (Atakama) oo 50 jeer ka sii qallalan midka Sahara. 

Wuxuu booqday goobo kale oo ay ka mid yihiin buuro barafoobay iyo volcano aan demin oo ku yaal degaanka Cafarta Ethiopia.

Wuxuu adeegsanayay ereyga "ilbaxnimadeyda", asaga oo ula jeeda ilbaxnimada Aadanaha.

Gunaanadkii waxaa uu fasiray macnaha ay sameyneyso haddii nolol laga helo meerayaal kale oo ka tirsan carra edeg.

Waxaan soo xusuustay dood uu xilli aan fogeyn iila yimid mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu wakhti dhan geliyay in uu ii fasiro wax uu isagu u yaqaan “Ku dhashay” iyo “U dhashay” oo uu siyaasad ka dhigayo.

Barnaamijka baadi goobaya in Mars iyo Jupiter ay nololi ka jiri karto ee raba in uu i baro sida looga faa’iidi karo iyo wey isu key qaban waayeen Xildhibaanka raba in uu i baro “Ku dhashay” iyo “U dhashay” .

Fadlan ra'yigaaga xagga hoose ee isla boggan ku reeb. 

12 comments:

  1. Fadlan ra'yigaaga halkan ku reeb.

    ReplyDelete
  2. Xildhibaanimooy xaaalqaado !!! in xildhibaaankeena halkaas soo maro hadeeer anagana aaan uga fadhino inuu wax inoo soo kardhiyo ama buldhadii inteedii kale matalo waaa murugo iyo musiiibo inagu habsatay hadaa nahay bulshada somliyed Isku soo wada duuboo dadkii waxbartay ee makaxdooduna furan tahay oo aad adigaba koow katahay ineey bulshadaan wax u qabtaan dadkaa nuucaaan ahna la badalo maskax fiyoowna la raadiyo mas uuliyeeda aan wada qaadno..

    ReplyDelete
  3. Waxay muujinaysaa sidaan adduunka uga hadhnay iyo sida aynaan u ogayn inaan adduunka ka hadhay.

    ReplyDelete
  4. salaam Yusuf , sxb manta halka somali taagantahay iyo halka dunida kale marayso ku talaabo ayaa ino dhaxaysa, mana gaadhi karno kumana hamiyi karno waxa ay dunidu hiigsanayso, siyasiga waxan ku doodayana wa kii dalkan baabiiyey, waxa maanta dalku dunida uga hoos marayna wa siyaasi xummada iyo hogaan la'aanta , waxay ila tahay inaan ceeb loo arkayn in xildhibinaad sidaan ugu mashquulo laba kalmadood, wayo waxan ogayn in dooda siyasigu tan dalka bur burisay ay tahay shukran yusuf

    ReplyDelete
  5. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  6. qoraalkani waxaabu i xasuusiyay odhaah uu yidhi nin maraykani oo ahaa in soomaalidu ay aduunka maamuli doonaan wakhti dhaw, markii la waydiiyay sababta uu uleeyahay sidaana wuxuu ku jawaabay in dadyawga aduunka kunoolo ay uguuri doonaan meerayaasha kale oo ay somalidu kali good dhulka kusoo hadhayaaan sababtaa darteed ay maamuliisa ula wareegi doonan maamulka dhulka ......mahad sanid yusuf

    ReplyDelete
  7. Federaal iyo "uma dhalan halkaan" waxaa keenay dulmiga, ku duulidda deegaano beelo kale leeyihiin oo inta la qabsado la sheegto... Soomaali waxay u baahantahay inay run isu sheegto, oo ciddi gardaran sharcigu qabto.

    ReplyDelete
  8. Isagoo wareysi dheer siinaya Majalada News Week 18 April 2008 kana hadlaya ciidamada Ethiopia ka jooga Soomaliya, Ra'isal Wasarihii geeriyooday ee Ethiopia, Meles Zanawi wuxuu yiri: "An oversupply of national sentiment is not the problem in Somalia. The problem is a lack of it. The problem is an oversupply of sub-sub-clannish attitude". Wuxuu intaa raaciyay "Inagoo kaashaneyna TFG, dadaalkeena wuxuu ku foorara sidii aan isugu soo dhaweyn lahaa faraqa u dhaxeeya qabaa'ilka". U dhashay iyo ku dhashay waxa keenay dagaalka siyaasadda oo Soomaaliya ka qarxay oo qabiyaalad loo adeegsaday halkaasna ay tacadiyo badan ka dhasheen. Weli si run ah looma abaarin sidii arrintaas xal loogu heli ayadoo dadka ay hadda fartu ku godan tahay oo eeda laga sheeganayo aaney weli muujin garowshiyo iyo garoocasho toona. Sida darteed, waa in arrintan si run ah loo saxo ayadoo laga tusaale qaadanayo xalka laga gaaray dagaalada ka dhacay Rwanda 90meeyadii iyo kii Koonfur Afrika.

    ReplyDelete
  9. waan salamayaa dhamaan walaalaha fakirkooda dhiibanay iyo yuusuf. waan kaaga mahad celinayaa shaqsiyan fariintaa qiimaha badan ee tabanaysa waaqaca aan hada kujirno, iyo halka dunidu mareyso. waxaa ayaandara ah in siyaasadi aynoqotay, meel looshaqo tago oo dhaqaale laga sameyo. fariintaadu waxey ixasuusisay xiligi 1992 oo dadku gaajo dardeed ay gaadhay in qobka mooska lacuno iyo kan qaraha, liinbmbelmada. wagaa waxaan ahaa 5 jir lakiin wali waan xasuustaa uurkutaaladii. marki aan 10 jirsaday ayaan dabaal waxaan u aadi jiray bada( geelaq iyo hobaal) kaluunku bada xeebteeda oo aan meelfog aheyn ayaa laga qabsan jiray, goor danbe 25 jir noqoday wax barashadi jamacada aan dhameysatay, ayaan dib ujalecay xiligi macaluusha waxaan isweydiiyay"oo barigaa dadku cuna la aan dardeed u dhimanayeen sababta udiiday in ay bada u kaluumeysi doontaan" waxaa lashegaa inaan xeebta ugu dheer africa leenahay lakiin anaan kafa iideysan iskaba daa inaan ku gaajo baxnee waan isku ceynaa. caqliga xildhibaanku bulshadaas uun buu kayimid. waxaan ubahanahay in nolosha aan barano iyo sida ugu fudud ee qofku unoolaan karo isaga oo aan asagii ugacan hoorsan.

    ReplyDelete