Total Pageviews

Thursday 19 February 2015

General Mukhtaar

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay, General Mukhtaar Afrax, oo ah sarkaal isku darsaday khibrad booliis iyo mid militeri oo uga horreysay. 

Waa sarkaal ad-adag, hadal cad, ku-dhac leh, haddana dishibiliin leh. Waxaad ka dareemeysaa aqoon iyo waayo aragnimo ay waddaninnimo u dheer tahay. Waa nin feejigan shaqadiisana jecel oo aan dhowran karin hawl dayacan.

Waa nin aan u wakhti dayin kuwa ula yimaada wax aan macquul ahayn ama aan macna sameyneyn. Sida ay qireen xataa rag aan saaxiibbadiis ahayn, waa sarkaal isku kalsoon, sharaftiisa iyo tan ciidankana ilaaliya. 

Isaga oo hoggaaminaya askar, saraakiil iyo mudanayaal ka socda Booliiska iyo Nabad Sugidda, waa Sarkaalka Ilaaheey ku guuleeyay amniga shirkii IGAD iyo booqashadii Madaxweyne Erdogan oo bil gudaheed qabsoomay. Sawirkan waxaan ka qaaday isaga oo hortaagan dayaaraddii qaadday Wasiirrada IGAD.

Ciidanka nabadgelyadu si uu u guuleysto wuxuu u baahan yahay in loo dhammaytiro agabka iyo saanadda uu u baahan yahay. Qormo aan hadda ka hor ka sameeyay oo aan halkan ku soo lifaaqay waxaan cinwaan uga dhigay Daryeelka Ciidanka. 

Sidoo kale wuxuu u baahan yahay iska warqab, wadashaqeyn iyo is qaddarin ka dhexeysa labada ciidan ee amniga iyo cutubyadooda kala duwan. Qodobka ugu muhiimsan waa isfaham dhex mara iyo taageero uu Booliisku ka helo shacabka.

Waxqabadkiisa ayaan ku qiimeyn doonna General Mukhtaar, waxaanna Ilaaheey uga baryayaa in uu ku guuleeyo xilkan muhiimka ah.


Wuxuu xilka kala wareegayaa Sarkaal aad u qiimo iyo xushmad badan, shaqo adagna soo qabtay, waa General Maddaale. Waa wejiga booliiska Muqdisho. 

Waxaa xusid mudan, Taliyihii Nabadsugidda Gobolka, Koofi iyo Ku Xigeenkiisa, Shaaweey, oo shaqo adag oo aan dadka u wada muuqan soo qabtay, ka hor inta  aan xilka laga qaadin. Saddexdaba waxaan rajeynayaa in khibraddooda iyo howlkarnimadooda laga faa'iideysto.

1 comment:

  1. Yusufow sida aad qormadada u sheegtay masuul kani wa waa qof shiqsiyadisu wacan tahay shaqooyinkisana si nadifa u qabsaday ama guulo uga gadhay lkn muxu ka bedeli kara xidhidhka booliska iyo shacabka u dhexeya sidi ay isula shaqayn lahayen maxa yeelay shiqsiga wanagsan garab la shaqeeya haduna helin waxba ma qaban karo booliska somalia se ma yihin kuwo ku dhaqmaya imistarashinka ama nadaamka kay kuliyada tababarka kusoo qateen kuwo fulinaya oo aan ku shaqaynayn waxa maskaxdooda kusoo dhaca ?

    ReplyDelete