Cabdishakur Mire Adan, Allah ha u naxariistee waxaan isku barannay
Dugsiga Hoose ee Buulo Burte, halkaas oo aabbihiis, Ustaad Mire Adan, iyo hooyadiisba ay
macallimiin ka ahaayeen.
Waxaanse si wanaagsan isugu barannay Muqdisho. Waxaa uu ahaa qoraa wargeyska Xiddigta Oktoobar iyo qoraa sheekooyin badan oo
buugaag uu ka daabacay oo ardayda iskuulladu ay akhrisan jireen.
Baaris uu ku sameeyay taariikhda Islaamiyiinta Soomaaliya 1952 - 2002 wuxuu ka qoray Kutub - Kobacii Islaamiyiinta Soomaaliya.
Wuxuu ka baxay Dugsiga Sare ee badda, berigii qaxu dhacayna mar ayuu
ku shaqeeyay badmaaxnimo.
Siyaasadda Puntland waxaa uu ahaa raggii la jaanqaaday billowgii ugu
horreeyayba. Wuxuuna ka mid yahay Wasiirrada ugu wakhtiga dheeraa Puntland.
Hadda wuxuu degganaa Muqdisho oo uu siyaasadda ka qeyb qaatay isaga
oo Guddoomiye ku Xigeen ka ahaa Xisbiga Daljir.
Wuxuu ahaa nin hadallo geesi, wuxuuna ahaa mufakir isku daya in uu
fahmo danaha iyo xiriirrada dadka Soomaaliyeed ee xag bulsho, siyaasad,
dhaqaale iyo amni. Una fahmo si ka qoto dheer inta dadka aan aad u fekerini ay
meel walba la taagan yihiin.
Wuxuu ahaa nin saaxiibtinnimo iyo aammin
gala. Wuxuu ahaa nin Allah ka cabsi leh. Wuxuu ku kalsoonaa Soomaalinnimadiisa
mana aamminsaneyn in uu cid marti uga yahay ku lug lahaashada masiirka
ummadda Soomaaliyeed.
Ilaaheey waxaan uga baryayaa in uu ka
waraabiyo jannadiisa.
Hadda ka hor annaga oo joogna Nairobi ayuu iiga warramay khatarta Shabaab. Wuxuu i soo xasuusiyay markii ay in yar ka dib weerareen Westgate. Ka akhriso dhanka bidix ee boggaan. Eeg dhanka bidix ee boggan oo dhag sii si aad u akhrisato wadahadalkii aniga iyo isaga ina dhex maray.
Waad ku mahadsan tahay booqashada bartan iyo akhriska mowduucan.
ReplyDeleteFadlan aragtidaada halkan ku reeb si ay u waarto. Mahadsanid.
Ilahey ha u naxariisto intii dhimatay kuwa ku dhawacmayna waxan ilahey uga baryayaa cafimaad degdeg ah in u siiyo amiin.
ReplyDeleteIlaahay naxariistii janno haka waraabiyo, Soomaali maalin walba dad badan oo qaali ah ayay sii lumineysaa
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteAllaha u naxariisto. Su'aalaha qabriga iyo tan qiyaamo Allaha u fududeeyo. Marxuumka Intii hore warbaahintaan ka maqli jiray laakiin imaatinkiisi Muqdisho kadib waxaan ku saaxiibnay FB. Waxaan aan u jeclaaday sida uu markiiba xiriir ula yeeshay min masuuliyiinta sare illaa kabacaseeyaha iyo ciyaalka wargeysyada iibiyo oo uu qormooyinkiisa FB kusoo bandhihi jiray. Wax walboo kale waxa iiga filan sawirka quruxda badan ee uu iiga siiyay shaqsiyada uu yahay. Aad ayaan uga xumahay inaan waayo asagoo kale.
ReplyDeleteMohamed, adigaa mudan. Cabdishakur, Ilaaheey ajar ha ka siiyo waanngiisa halk qormo laguma soo koobi karo.
ReplyDeletegeerida waa xaq ma dhinte waa allah .. lkn waxaa ayaan daro ah in maalin walba la dilo dad qiimaha iyo miisaanka umada ku dhaxle hadana aa layska warsan .. qolyaha fedaralka waxba daba gal ah ma sameeyaan ka hor tag warkiisaba daa ... umadaan illah ayaa u maqan
ReplyDeleteIlaahay ha unaxariisto marxuumka.waxa dhacay waa fariin kale oo ina tusaysa baahida loo.qabo.in lamidoobo oo hurdada laga kaco
ReplyDeleteAMIIN
ReplyDeleteAMIIN
ReplyDeleteAllah yarxamu - Abdishakuur wuxuu ahaa Wadani, Wuxuu ahaa nin jecel nabada iyo horumarka Somalia, Wuxuu ahaa Qoraa Bulshada ugu jiray kaalin muhiim ah, Sidoo kalana uga tagay Dhaxal, Wuxuuna si gaar ah ugu Xasuustaa inuu ahaa Sxb-ka dhow ee Warbaahinta Soomaalida
ReplyDeletegeeridu waa xaq qofkastaana wuu dhadhamin kulun nafsun daaiqatul mowd intii dhimatay ilaahay ha u naxariisto intii ku dhaawacatayna ilaahay ha u fududeeyo balse waxaa yaab leh ilaa hadda in aan xal loohelin dadkan umaddii soomaaliyeed xaqdarada ku laynaya dadka huteelka lagu laayey oo aanu wax isu ahayn markii geeridooda la iisheegay ma qiyaasi kari karo sidii aan u gariiray inkasta oo aan ogahay in qofna in aanu wakhtigiisa dhaafayn haddana jidhku danqasho madayanayo marka laguu sheego qof aadan xanuun ku ogayn oo lagu yidhi hadda ayuu dhintay ilaahay soomaali xaqa ha garansiiyo hana soo hadeeyo
ReplyDeleteAnigu ma aqoon marxuunka, balse waxaan aad ugu qancau wanaaga ay intii taqaanay ka sheegeen. Waxaan aad ula yaabay, hadalkiisii u dambeeyay ee uu twiterka ku qoray. Waxaad moodaa in Allah SWT uu sii ogeysiiyay in uu u safari doona meel ka wanaagsan tan uu markaas ku sugnaa. Wuxuu yiri, "Waa la guurayaa, waxaa loo guurayaa dooga iyo meesha daruurtu roobku ka hilaacday ee indhaha u roon" waxaan is leeyahay waa hadal qof elhu kheyr ah uu Allahii aburrtay sii ogeysiiya meesha uu aduunka ka dib tagi doono. Waxaan Allah oga baryayaa, meeshaa uu tilmaamay inuu maantay ku suganyah oo Jantul Fardowsa. Amiin
ReplyDeleteEebe naxariistii jano haka waraabiyo dhaamn intii ku geeryoootey qarxii shalay, sido kale marxuumka si gara ayaan ugu tacsiyaynayaa waayo qoonta uu la god galay maaha mid meel kale aan ka helayno, adiguna wad mahsanahay sxb yusuf garaad
ReplyDeleteGeeridu waa xakh weyna wada sugeysaa balse waxaa la gam ila, ahay sida aqoonyaha nadeena loo dhamey nayo joogto yee nokhote murugadani
ReplyDeleteAllaha u wada naxariisto dhamaantood.
Dadkaasi waa kuwi. Aa lahaa markaa khurbaha. Ka guurto aa caffe wada cabtaan..Oo la sheekeysatid
Allaahu akbar
EEBE ha u naxariisto Abdishaku Mire Adam & dhamaan intii ay dhagar qabayasho dileen.
ReplyDeleteWuxu ahaa shaqsi niyad furan oo soomalinimadu ku weyn tahay isla markaana aan marna u fahansanayn siyaasada sida guracan ee badi dadkeenu u yaqaan.
Alle ya raxma janada allaha ka waraabiyo geeridu waa xaq qof walbana wey sugeysaa saqiir iyo kabiirba aniga aqoon uma lihi lkn siday ay dadka uga hadlayan geeridisa ayaan ka fahmay inuu ahaa nin fcn
ReplyDeleteAlle haunaxariste marxumka eheladii iyo somali
ReplyDeleteweynba samir iyo insane Alle hanagasiiyo
Waxaan farayaa somali weyn Jihaad kadhan ah
Dadkan kusoo duulay dalkooda iyo doubtless wanna
in muwaadinkastaa kaqeyb qataa sidii loo wiiqii ahahaa cadawgaa islamka iyo jiritaanka umadan
walaal Cabdishakur wuxuu ahaa walaal,saaxiib,qoraa,aqoonyahan,siyaasi,waxgard waxaan leeyahay Allaha unaxriito asaga iyo intii lageeriyootay, waad ku mahadsantahay taariiqdii aad nalawadaagtay samir iyo iimaana allaha nagasiiyo
ReplyDeleteBy Ayan Ladane
Ayan, waad ku mahadsan tahay adiguna. Ilaaheey ha u naxariisto walaalkeen.
DeleteIlaahey ha unaxariisto Amiiiiiiiiin
ReplyDeleteC/shakuur mirre wuxuu ahaa
Deletenin taariiq ku leh somalia
gacan kaxaqdaran ayaa dishey
janadii fardowso allaha kawaraabiyo
sxbkeena iyo sxbadeena kale ku dhintay qaraxii shalay kadhacay central hotel
amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin
Yusuf Garaad aad ayaad ugu mahad santahay sidaad war bixitaan qoraalkeedu quruxda badan yahay noogu soo gudbisay. Aqoon uma lahayn lakiin Qoraaladiisa iyo qaabkuu wax u cabiro ayaan Websideyada iyo baraha Bulshada ku arkay dhowrgoor.
ReplyDeleteAllah ha u naxariisto dadkii aan waxba galabsan ee cadawgu xamar ku gumaaday ,
ReplyDeleteSoomalidu inay arintaan talo adag ka yeelato ayaa loo baahan yahay oo aysan nagu soo noqnoqon ileen dadku maahan masago baxaysee.
This comment has been removed by the author.
ReplyDelete