Total Pageviews

Sunday 24 February 2019

Yusuf Garaad: Aqoonyahan Allah-aammin ah, Maxamed - Rashiid, AUN...

Yusuf Garaad: Aqoonyahan Allah-aammin ah, Maxamed - Rashiid, AUN...: Dr. Maxamed - Rashiid Shiikh Xasan Waxaan akhriyay in uu geeriyooday Maxamed Rashiid Shiikh Xasan. Allah ayaan uga baryayaa naxariista ...

Aqoonyahan Allah-aammin ah, Maxamed - Rashiid, AUN

Dr. Maxamed - Rashiid Shiikh Xasan
Waxaan akhriyay in uu geeriyooday Maxamed Rashiid Shiikh Xasan. Allah ayaan uga baryayaa naxariista Janno. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa oo dhan oo ay ugu horreyso xaaskiisu.

Maxamed Rashiid waxaan 1992 isku barannay London, gaar ahaan daarta Bush House markii aan ku biiray Laanta Soomaaliga ee BBC World Service.

Wuxuu ka shaqeynayay waaxda xiriirka iyo baarista dhegeystayaasha BBC iyo heerka BBC marka la barbardhigo Idaacadaha kale. Gaar ahaan wuxuu qaabblisnaa Xafiiska ay ku soo dhacaan waraaqaha ay soo diraan dhegeystayaasha Laanta Soomaaligu. 

Waraaqaha oo ay dhegeystayaashu soo dhigi jireen boostada waxay ahayeen dariiqadda ugu habboon ee ay BBC kula soo xiriiraan maaddaama aan internet markaa na soo gaarin.

Waraaqahaasi waxay isugu jireen kuwo u socda  barnaamij gaar ah sida Baafinta, Tacsida, Waxay ila tahay, Wax weydiin ogaal, Suugaanta, Arrimaha Qoyska, Qubanaha Talaadada, Bandhigga Sabtida, Caweyska Sabtida, Muusigga iyo Salaamaha iyo qaar kale.

Waraaqaha qaar waxay ku saabsanaayeen keliya in ay codsadaan in waraaq ahaan loogu soo diro mowjadaha laga dhegeysan karo Laanta Soomaaliga ee BBC magaalada uu qorayaha waraaqdu uu markaa joogo.

Waraaqaha qaarkood waxay ahaayeen dacwad ama bogaadin ku saabsan warbixin, wareysi ama barnaamij ay Laantu hore u sii deysay.

Laanta Soomaaliga wuxuu u shaqeyn jiray toddobaadkii laba maalmood. Wuxuu qaabbilsanaa wararka iyo wareysiyada ka baxay BBC kuwooda noqon kara taariikhi in uu keydka ku daro.

Maxamed – Rashiid wuxuu ahaa nin la saaxiib ah aqoonta iyo waxbarashada, muujiya, weliba jecel in sidaa loo arko. Nin wax akhriya ayuu ahaa.

Isaga oo labadaa shaqo haya ayuu Maxamed- Rashiid wuxuu ku mintiday in uu dhowr Jaamacadood ka qalin jebiyo, ka dibna sameeyo cilmi baaris uu ku qaadanayo shahaaddada PhD.

Wuxuu tegi jiray in uu soo dhegeysto muxaadarooyin cilmi ah kana qeyb galo shirar iyo seminaarro aqooneed oo qaarkood uu ugu safro magaalo kale oo UK ka tirsan amaba dal kale.
Taas ayaa keentay in rag ka tirsan tiimka BBC ay ku xifaaleyn jireen naaneys ah aqoonyahanka.

Wuu safar badnaa, wuxuuna jeclaa in uu arko qof Soomaali ah oo guul gaaray, gaar ahaan heer caalami ah. Wuxuu mar igu yiri, saaxiibtinnimo aan dayaarad loo raacin si la isu siyaarto ma aha saaxiibtinnimo weyn.

Waxaa kale oo uu jeclaa diinta Islaamka wuxuu ahaa nin ahalu dariiqa ah, waxaanna filayaa in uu markiisii horeba iskuulka ku dhigtay Shiikh.

Anigu si gooni ah ayaan u saaxiibnay waxaana naga dhexeeyay wax shaqada ka baxsan. In badan ayaan sheekeynay, cashooyin bandanna waan isu raacnay qaar noo gaar ahaa iyo kuwo aan dad ajnabi ah la casheynayba.

Habeen ayuu igu yiri waxaan doonayaa in aad ii raacdo. nin Muqdisho ka yimid oo aan doonayo in aan soo salaamo. Nin magaciisa aan aqaan laakiin aanan weli arag oo ah ganasade, siyaasad-ka-warqab ah ayuu ahaa. Waan is raacnay. Ma ogeyn in ganacsaduhu uu isna suufiyadda ka ag dhow yahay. Habeenkaas waxaan saacado badan ku dhex jirnay in la marsado bun lagu soo shubay kurbin, la qariido daango, foox la shito iyo iga rumeyso waliba digri salaan.

Saaxiibkeey Maxamed Rashiid, inkasta oo guur hore iyo carruur uu soo maray anigu waxaan ku xusuustaa nin keligii noolaa.

Habeen ayaan xusuustaa in annaga oo joogna xaflad BBC oo sannad cusub oo dhalan raba loogu dabbaaldegayo Bush House uu ii sheegay in sannadka cusub uu qorshihiisu yahay in uu guursado. Waxaan weydiiyay gabadha nasiibka u heshay midda ay tahay. Wuxuu iigu jawaabay weli ma aqaan.

Waxaan xusuustaa in uu arrinkaa ka dhabeeyay oo sannadkaas uu aqal galay.

Habeen ayaan isaga iyo xaaskiisa cusub ku wada casheynay London. Ka dibna jawiga oo wanaagsanaa awgiis waxaan goosannay in aan ku lugeyno webiga Thames jiinkiisa. Webigu wuxuu London u kala qeybiyaa Koofur iyo Woqooyi. Jiinka woqooyi ayaan lug uga billownay buundada Waterloo annaga oo London Galbeed u soconna. Ilaa Baarlamaanku na soo xiro ayaan lugeyneynay.

Wuxuu ahaa nin caashaq hayo oo aad u faraxsan. Dhowr jeer ayuu istaagay, ii dhiibay kameradiisa oo iga codsaday in aan isaga iyo marwadiisa ku sawiro webiga jiinkiisa. Runtii waan ku farxay in saaxiibkeey aan aniga iyo isagu isku sheeko daalnay isaga oo keligii hoyda anna aan qoys leeyahay, aan hadda nahay barbardhac.

Wuxuu ahaa nin aamminsan in Afrika ay midowdo. Dhaqdhaqaaqa PanAfrikaanism ayuu ka mid ahaa.

Maxamed – Rashiid wuxuu ahaa nin ay Soomaalinnimadu ku weyn tahay. Ku fog Afkrikaannimada kuna faana. Muslinnamudu ay aad ugu weyn tahay. Suufi ah.

Haddana wuxuu ahaa nin degaameed oo aad u jecel, si dhab ahna u rumeysan degaankiisa Awdal iyo ka dib Somaliland. Wuxuu iyadana jeclaa magaalada Muqdisho oo uu ii sheegay in uu Baanka ka shaqeyn jiray ka hor inta aanuu ku biirin BBC. Sannadkii 1989 mar uu fasax ku tegey Muqdisho, wuxuu la kulmay bannaabixii lagu dhintay ee Masjidka Shiikh Cali Suufi, arrinkaa oo markii dambe uga warramay BBC.


Maxamed – Rashiid wuxuu ka qeyb qaatay mashruuca BBC ee tababbarka suxufiyiinta Soomaaliyeed. Wuxuu tababbarro ka soo bixiyay Muqdisho iyo Hargeysa isaga oo ay wadashaqeynayaan tababbarayaal ay ka mid yihiin Maria Fraunrath, Yonis Cali Nuur, Celeste Hicks iyo Yusuf Xasan.

Markii internetku soo baxay, waxaa fududaatay welibana dhakhsa badisay in ay dhegeystayaashu email kula soo xiriiraan BBC.  Idaacaddana ay ka dhegeystaan internetka. Sidaa darteed, waxaa la xiray Waaxda Maxamed – Rashiid la shaqeynayay.

Dhanka Keydkana waxaa la soo rogay in cajalad laga maarmay oo barnaamijyada lagu diyaariyo hab digital ah, idaacad kasta oo la sii daayana gebigeedba la keydiyo.

Markii uu BBC ka tegey, Hargeysa ayuu degay. Guri magaalada galbeed uga baxsanaa ayuu dhistay oo isaga oo ku faraxsan uu gaari igu qaaday oo i soo tusay.  Saaxiibkeey Maxamed Rashiid wuxuu aayar aayar ugu qancay aragtida ah in Somaliland ugu badiso in ay gooni isu taagto. Wuxuu Wasiiru Dowlada Arrimaha Dibadda ka noqday Xukuumaddii Silaanyo.

Arrimo badan ayaan ka tashannay Maxamed – Rashiid. Wuxuuna ahaa saaxiib aad ii dhiirri geliya, gaar ahaan marka aan ku jiro tartan gudaha BBC ah iyo marka aan u shaqo tago Waax kale oo shaqadeedu barasho iyo hanasho iiga baahan tahay.

Maxamed- Rashiid mar uu ka mid ahaa Madaxda UCID
Aad ayaan uga doodnay fikirka cusub ee uu qaatay. Waxaan ahayn saaxiibbo isku kalsoon oo si adag oo aan turxaan lahayn uga dooda mowduucyo aad u kala geddisan taariikh, siyaasad, dhaqaale, amni, shakhsiyaad, jacayl, isbarbar dhig magaalooyin ama waddammo iyo dabcan mustaqbalka Soomaalida midnimo mise… 

Laakiin sida aan markaa ka dib bartay, Maxamed Rashiid wuu dhibsaday dooddeyda. Waxayna saameysay xiriirkii dhowaa ee naga dhexeeyay.

2012 aniga oo Hargeysa u tegey aaska Abwaan Gaarriye, ayaan Maxamed Rashiid isku aragnay Hotel Mansuur. Si qabow ayuu ii salaamay. Salaadda maqrib ayaan wada tukannay.  Ma hubo in ay ahayd in uu weli iga xun yahay iyo in ay sababtu ahayd xanuun culus oo uu beryahaa ka soo kabanay.

Shakhsiyadda Maxamed – Rashiid, waxay ahayd mid aqoon jecel una saaxiib ah, Soomaalinnimada jecel, aamminsan in ay Afrika Midowdo, aan cidna iskala sarreyn ama ha noqoto shakshi ama ha noqoto qowmiyad kale. Mar walbana ah arday jecel in uu aqoon hor leh kororsado.

Intii uu BBC ka shaqeynayay xiriir dhowna uu la lahaa Laanta Soomaaliga, waxyaabaha ugu waaweyn ee ay dhegeystayaashu ku soo xusuusan karaan waxaa ka mid ah warbixintiisii qalalaasihii Muqdisho ee July 1989, Taxanaha SAHAN oo uu ka soo xulay keydka cajaladaha ee BBC Laanta Soomaaliga iyo wareysi uu General Caydiid oo badanaa aan saxaafadda la hadal uu uga soo qaaday magaalada Kampala oo ay labaduba uga qeyb galeen shir Pan Africanism ah.


Allah ha u naxariisto Maxamed – Rashiid. Haddii aan soo koobo wuxuu ahaa akhyaar qiimo badan. Wuxuu ahaa nin ku adag salaadda, quraankana akhrista. 

Allow u naxariiso Maxamed Rashiid Shiikh Xasan.