Total Pageviews

Monday 22 August 2016

Aniguba Harqaan ayaan ku Billaabay

Dhallinyaro reer Boosaaso ah ayaan Barta Internetka ee BBC ka akhriyay in lagu tababbarayo xirfado dhowr ah sida tolidda harqaanka ama dawaarka, soo dhoweynta iyo farsamada korontada.

Ra'yigan waxaa la yimid dhallinyaro si ay uga baaqsadaan tahriib iyo khataro kale.

Waan ku farxay waana ku dhiirri gelinayaa dhallinyaradu in ay xirfado kala duwan bartaan.

Waxaan la wadaagayaa in lacagtii iigu horreysay ee aan shaqeystay aan ka soo saaray harqaan ka dib markii aan dhammaystay waxbarashada Dugsiga Hoose Dhexe ee Maxamuud Xarbi.

Xilligaas waxay ahayd nidaam ardaygii fursad u helaa uu galabtii, habeenkii ama fasaxyada Iskuulka uu lacag ka sameeyo dawaarka, ku muujiyo in uu lacag shaqeysan karo, iskuna soo saaro in uu qaban karo wax wehliya waxbarashada. Waxaa kale oo ay ahayd shaqo lagu sameysto saaxiibbo hor leh oo aan ahayn kuwa xaafadda iyo kuwa iskuulka oo ayagu badanaa is wada yaqaan. Waxay ahayd oo kale meel saaxiibka loogu axsaan fali karo.


Dakhligii iga soo galay harqaanku wuxuu iga daboolay kharashkii aan billowgii ku bixiyay Dugsiga Barashada wadidda baabuurta.

Dhallinyarada in fursado waxbarasho, kuwo shaqo iyo tartammo isugu jira waxbarasho, madaddaalo iyo maaweelo loo helo waxay wax ka tari kartaa amniga iyo xasilloonida dalka iyo kororka tirada dadka Soomaaliyeed.

Dhallinyarada uu tababbarku u furmay waxaan xusuusinayaa in ay muhiim tahay in xirfadda ay hadda baraneyaan ay ka dhigtaan buundo ay ugu tallaabsadaan mid kale oo ka wanaagsan kana dakhli badan oo u sii dhoweysa bartilmaameedka ay noloshooda ka damacsan yihiin.

Sida taas lagu gaari karana waxaa ka mid ah in aad ku qanacsan tahay hadba howsha aad markaa gacanta ku hayso, sida ugu wanaagsanna aad u qabato, mar walbana aad Allah u wakiilato in uu kaa hor istaago waxa aan kuu rooneyn.

Sunday 21 August 2016

Marxuum Maxamed Cali Samatar


Sarreeye Guud Samatar
Allah ha u naxariisto General Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo in badan dalka u soo shaqeeyay. Wuxuu ahaa sarkaalka keliya ee gaaray derejada ugu sarreeysa taariikha ciidanka Soomaaliya oo noqday Sarreeye Guud ama Lieutenant General. Wuxuuna ahaa  siyaasi, xilligii uu Militerigu dalka ka talinayay wixii dhacay ee san ammaantooda wax ku leh, wixii la dhimayna ay adag tahay in eeddooda laga beri yeelo.

Genereal Samatar waxaa uu ka mid ahaa Saraakiishii ugu horreysay ee Ciidanka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa dufacadii labaad ee saraakiil Soomaaliyeed ee abid ka qalin jebiyay akademi ciidan. Waxay akadamiga ku taal dalka Talyaaniga isku mar ka qalin jebiyeen oo ay Xiddiglayaal wada noqdeen rag ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo General Maxamed Faarax Caydiid.

Kacaankii Oktoobar 1969
Samatar waxaa uu ahaa sarkaal ciidanka ku kooban ilaa la soo gaaray 1969, markaas oo uu ka mid noqday 25 sarkaal oo u tashaday Dowladda in ay Xoog ugala wareegaan talada dalka. Wey u hirgashay. Waxaa hoggaaminayay General Maxamed Siyaad Barre.

Dadka qaar waxay saraakiishaas u yaqaannaan in ay ahaayeen waddaniyiin dalka ka badbaadiyay siyaasiyiin qabiili, laaluush qaatayaal ah oo dhaqankooda siyaasadeed aanuu dadka iyo dalka horumar gaarsiineyn. Qaar kalena waxay u arkaan in ay ahaayeen askar xeryahooda ku ekaan waayay, ku xad gudubtay Dastuurkii Dimuqraaddiga ahaa ee dalka u yaallay, ka dibna laalay markii ay xoog talada kula wareegeen.

Ma rabo in aan dooddaas u galo hadda, qormadeyduna mowduucaas kuma saabsana. Labada midka aad u taqaanba General Samatar wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Kacaanka curisay. Waxay awooddiisu kor u sii kacday markii 1972 la toogtay Saraakiil Sare oo ka mid ahaa 25-ka Golaha Sare ee Kacaanka.

Waxaa General Samatar lagu tiriyaa ragga xagga siyaasadda ugu awoodda badanaa intii uu militerigu dalka ka talinayay. Rasmi ahaan wuxuu ahaa ninka labaad ee ku soo xiga Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Mar wuxuu ahaa Madaxweyne ku xigeen iyo Wasiirka Gaashaandhigga marna Wasiirka Koowaad oo ah Ra’iisal Wasaare.

Markii la dhisay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, XHKS, oo ahaa Xisbiga keliya ee dalka ka jira kana taliya, wuxuu ka mid ahaa shanta nin ee ugu sarreeya ee Guddiga Siyaasadda loo yiqiin oo sawirradoodu ay ku dhegganaayeen Goobaha la isugu yimaado iyo weliba xafiisyada Dowladda qaarkood.

Samatar oo la taagan Margaret Tatcher
Arrimahaas ayaa u sabab ah in dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba General Samatar looga talo geli jiray nin u dhigma Hoggaamiyaha dalka.

Dagaalkii 1977
General Samatar wuxuu ahaa Wasiirka Difaaca 1977 markii ay Soomaaliya qaadday Duullaankii militeri ee ugu weynaa ee abid ay dowlad Soomaaliyeed qaaddo. Waa marka la eego xagga abaabulka, tirada iyo tayada tababbar ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, mooraalka ciidanka, hubka, Istaraatiijiyada militeri ee la adeegsaday iyo gacan-sarreyntoodii saqiirtay ee ay goobaha dagaalka ka muujiyeen.

Duullaanka waxay ujeeddadiisu ahayd in ay Soomaaliya xoog kula wareegto Gobolka Soomaalida Ethiopia oo ah Gobol aad u ballaaran. Inkasta oo militerigu marka uu duulay uu aad u dhex galay gudaha Ethiopia, haddana dagaalku wuxuu ahaa mid fashil ku dhammaaday sababo siyaasadeed iyo qaar diblomaasiyadeed awgood. Labadii quwadood ee adduunka ugu waaweynaa berigaas labaduba wey ka soo horjeedeeen weerarka Soomaaliya. Waa Mareykanka oo Madaxweyne Carter uu si cad u sheegay mowqifkiisa iyo Midowgii Soofiyeeti oo isagu Ethiopia keenay kumanyaal Cuba u dhashay si ay uga difaacaan weerarrada xawaaraha ku socday ee Soomaaliya.

Dad badani waxay u tirayaan in jabkii Soomaaliya ee 1977 iyo wixii ka dhashay ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee burburkii Qaranka Soomaaliyeed.

Fool-ka-Fool
General Samatar anigu si shakhsi ah uma aqoon. Marka laga reebo khudbadihiisa aan goobjoog u ahaa iyo kuwa aan warbaahinta ka dhegeystayna kama warqabo sida uu u fekeri jiray. Waxaanse fursad u helay in aan dhowr jeer la safro, dhegeysto isaga oo dad la kaftamaya, su’aalana aan weydiiyo.

Mar uu dalkeenna booqasho ku yimid Bettino Craxi oo markaa ahaa Ra’iisal Wasaaraha Talyaanigu wuxuu booqday Muqdisho, Kismaayo iyo Hargeysa. Kismaayo waxaa geeyay Madaxweyne Siyaad, Hargeysa-na General Samatar.

Waxaan ka mid ahaa weriyaal ka socday Warbaahinta Qaranka oo ku biiray soddameeyo weriye oo ajnebi ah oo la socday wafdiga Craxi.

Saddex dayaaradood ayaan Muqdisho uga baxnay. Anigu waxaan la socday tan labaad oo weriyayaal iyo ciidan sidday. Waxay na dhigtay Berbera ka dibna kolonyo baabuur ah oo si waalan u xawaareyneysa ayaa na geysay madaarka Hargeysa oo markii aan sii istaagnayba ay soo caga dhigatay dayaaraddii nagu dejisay Berbera. Bal maxaa Berbera naloo geeyay haddii dayaaradda na sidday oo faaruq ah iyo annaga oo baabuur ku joogna aan Hargeysa u wada soconno? Sababta ma aqaan, ilaa iyo haddana ma helin cid ii fasirta.

Laakiin waxaa iyaduna markiiba soo degtay dayaaraddii ay fuushanaayeen Craxi iyo Samatar. Waxaa soo dhoweeyay General Gaanni oo ka dibna wafdiga u horkacay Xerada Qaxootiga Gannad oo la buux dhaaftay Qaxooti Ethiopia ka yimid oo ay ka mid yihiin Soomaali iyo Oromo.

Siyaad iyo Craxi
General Samatar. Annaga oo saaran dayaarad aan isla maalintiiba uga soo laabannay Hargeysa ayay weriyayaashii Talyaaniga ahaa ee la socday Craxi ay su’aalo ku boobeen. Waxaan duubay su’aalahoodii iyo Jawaabihiisa. Ka dibna, waxaan ka qaaday wareysi ii khaas ah. Waxay ahayd markii iigu horreysay ee aan wareystay General Samatar, waxaase mashquul badan i geliyay sida aan u kala reebi lahaa codkiisa iyo guuxa dayaaradda.

Safarkaas waxaa socday afartameeyo weriye, waxaa jiray kala orod, is garbin iyo degdegsiiyo badan. Hadalka Samatar wuu yaraa. Marka uu hadlana wuxuu ku hadlayay Talyaani.

Marka aan General Samatar in badan dhegeystay isaga oo madax iyo shaqaalaba la sheekesanaya waxay ahayd safar isaga oo Wasiirka Koowaad ah aan u raacay Kormeer uu ku sameynayay Warshadda Dharka ee Balcad oo soo saari jirtay lebbiska ciidanka iyo ardayda Dugsiyada. Iyo Warshadda Sonkorta, Barafuunka iyo Khamriga ee Jowhar iyo weliba beeraheeda Qasabka oo ku fadhiya dhul aad u baaxad weyn. Waxaa loo marti ahaa Wasiirka Warshadaha, Xuseen Cabdulle Calasow.

Safaraddaas ka dib, waxaan dareemay sifooyin aan ku maqli jiray General Samatar.  Wuxuu ahaa nin gaaban, cad oo leh cod aad u culus.

Wuxuu ahaa nin urursan, anshax militeri ka muuqdo. Nin deggan oo aan war badneyn, marka uu hadlana macna sameeya. Wuxuu ahaa nin heybad leh.

Taas ayaana ugu wacan in markii uu dalka Mareykanka u qaxay ay Madax badan oo Soomaaliyeed oo Washington u tegtay shaqo ama dano kale ay gurigiisa ku booqdaan.

Inkasta oo dhanka kalena ay sannado badan ku socotay dacwad isaga la xiriirineysa dagaalladii 1988 ka dhacay Hargeysa, Burco iyo degaanno kaleba ee u dhexeeyay Jabhaddii SNM iyo Militerigii dalka ka arriminayay.

Waxaan muran ku jirin in Samatar uu astaan u yahay in qofka isku kalsoon, dadaalna la yimaada uu wax weyn qabsan karo isaga oo aan adeer iyo qabiil garab qabta aan isku halleyn. 

Balwad
Mar ay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafintu u sheegteen in ay shaqo badan yihiin oo ay yihiin dad Kacaan ah, oo markaa gunnooyin iyo u roonaasho kale ay sidaa ku dalbeen, Samatar waxaa laga weriyay in uu la kaftamay. Waan ogahay ayuu yiri in aad shaqo badan tihiin, laakiin waxaanan kala garan karin in ay idinka tahay Kacaannimo iyo in ay idinka tahay balwad oo kale in aad u jeceshihiin heesidda, caweyska cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka, Raadiye-ka-hadalka iyo shaashad-ka-muuqashada.

Allah ha u naxariisto Maxamed Cami Samatar, qoyskiisa, ehelkiisa iyo saaxiibbadiisna samir iyo Iimaan ha ka siiyo.

F. G.
Qormadani waxay ku kooban tahay waxa aan ka arkay General Samatar wakhtiyo aan badneyn oo aan goobjoog u ahaa iyo taariikh guud oo aad u kooban oo aan muran ku jirin. Ma ahan taariikh nololeedkiisa mana ahan qiimeyn shaqadiisii iyo noloshiisii.

Thursday 18 August 2016

Subax kasta Soddon Dayaaradood

Duullimaadyada maalin walba yimaada Soomaaliya ee ka yimaada Kenya waxaa ay tiradoodu celcelis ahaan kor u dhaaftaa 30. 

Qaarkood waa rakaab cammiran, qaarna waa xamuul. Ilo xog ogaal ah ayaa ii sheegay in celcelis ahaan 18 ka mid ah duullimaadyadaasi ay sidaan Qaad.

Dayaaradahaasi Nairobi ayay ka soo kacaan waxayna toos uga degaan magaalada Soomaaliya ee ay u socdaan iyaga oo aan meel kale lagu weecin si loo baaro.

Sii laabashadooda, intooda badan, weliba kuwa xamuulku waa faaruq. Haddana gebigood, xataa kuwa faaruqa ah, waxay Kenya ku leexisaa oo lagu sii baaraa Wajeer inta aan loo oggolaan in ay Nairobi tagaan.

Isu dheellitir la’aanta ganacsi ee labada dal ee deriska ah maxaa lagu xallin karaa ayay kula tahay?

Sideese la isugu soo dhoweyn karaa habdhaqanka aan is waafaqsaneyn ee hey’adaha Soomaaliya iyo Kenya siiba kuwa amniga, socdaalka iyo canshuuruhu ay ula dhaqmaan dadka iyo ganacsiga isaga gooshaya labada dal?

Saturday 13 August 2016

Mahad iyo Sharmaarke

Waxay ahayd maalin weekend ah oo aan shaqada ka nasanayo. Bartamaha ayaan uga jirnay xilliga kuleylaha ee hawada Yurub ay wanaagsan tahay, sannadkuna waa 2007. Magaalada hoose ee London ayaan qof la fadhiyay makhaayad Talyaani ah. Si deggan ayaan isaga sheekeysaneynay markii ay farriin qoraal ahi ii soo dhacday.

Weriye Mahad oo ka tirsan HornAfrik ayaa Xamar lagu dilay, ayaan ka akhristay. Weriye Cabdinur Shiikh Maxamed Isaxaaq oo maalintaa joogay Istudiyaha BBC ee Bush House ayaa farriinta ii soo diray. Wuxuu ii raaciyay Cali Iimaan ayaan ka wareysannay.

Allah ha u naxariisto ayaan ugu jawaabay.

Waxay u horreysay farriimo isdaba joog ah oo qoraal iyo maqal isugu jiray, oo wargelin iyo talo weydiin ahaa oo iska soo daba dhacay iyo jawaabahooda.

Aniga oo dareenka la ii sheegay uu shucuurteyda beddelay ayaan haddana iska adkeystay oo aan sheeko la sii waday qofkii aan wada fadhinnay oo ah qof aan hore u ballansaneyn.

Farriin ayaa ii soo dhacday. Markaan waa weriye Celeste Hicks. Waxay maalintaa diyaarineysa barnaamijka Focus on Africa oo sida magaciisa ka muuqata qaaradda u tebiya wararkeeda oo af Ingiriis ah. Celeste waa gabar in badan safarro shaqo ku tagtay Soomaaliya. Warar ayay ka soo tebisay, tababbarrana wey ka bixisay. Waxay baraty xoogaa af-Soomaali ah iyo Soomaali u badan weriyayaal. Waxay talo iga weydiisay cidda ay ka wareysan karto dilka weriye Mahad.

Waxaan u qoray: La hadal Cali Iimaan nambarkiisa haddaadan haysan ka qaado laanta Soomaaliga, ayaan u daba dhigay.

In yar ka dib, farriin kale ayaa ii soo dhacday. Cali Iimaan waa la dilay, ayaa i soo gaartay. Waxaan hubsaday Mahad iyo Cali labada midka la dilay. Waxaa ii soo baxday in labdaba la dilay. Mahad asaga oo shaqo u socda ayaa la dilay. Cali-na isaga oo ka soo laabanaya aaska Mahad ayaa waddada lagu dilay.

Aniga oo yaabban walaac badanina igu dhashay ayay farriin kale ii soo dhacday. Celeste ayaa igu soo laabatay. Waxay tiri Cali Imaan-ka aad wareyso i leedahay waa kee? Sharmaarke miyaa?

Waxaan ugu jawaabay haa, laakiin waa too late. Isagana waa la dilay.

Waxay ka mid ahayd maalmo aad u badan oo aniga oo fadhiya goob shaqo, waxbarasho ama madaddaalo la ii soo sheegay war igu dhaliyay murugo ay igu adkaatay in aan sii wado wixii aan markaa hayay. Waxaa ii dheeraa in marar badan dadka aan la joogay ay ka ahaayeen warmoog waxa aniga i beddelay. Sababta oo ah dad badan oo macaammil naga dhexeeyay oo aan inta badan wada joognay waxay ahaaayeen dad aan Soomaali ahayn.

Cabdulqaaddir Yaxe ayaan xusuustaa in aniga oo fasal ku jira magaalada Boston aan dilkiisa ka warhelay. Diblomaasi Swiss ah oo aan isku fasal ahayn ayaa ii sheegay. Internetka ayaan ka hubsaday. Waan sii fadhin kari waayay fasalka oo  dibadda ayaan uga baxay. Dhex fariistay cawska beer nasasho oo Iskuulku ku dhex yaal. Dib waan ugu noqon kari waayay fasalkii.

Waxaa mowduucan kooban igu dhaliyay qoriddiisa, Xus Cali Imaan oo shalay lagu dhigay Muqdisho.

Ilama aha in dilka Xanafi oo ku lug lahaa shirqoolka weriyayaashan iyo qaar kaleba uu yahay xalka kama dambeysta ah ee sugidda bedqabka weriyayaasha. 

Sunday 7 August 2016

Qooto Qooto

Heesta Qooto Qooto waa sarbeeb Banaaddiri ah oo sarreysa. Waa sarbeeb haddana erayadeeda qaarkood waa ay qayaxan yihiin.

Beryahaan waxay dhex wareegeysaa dhallinyarada oo hees ahaan u jecleystay iyo dad aan qaarkood heesaha sidaa u dhegeysan laakiin uu macnaheedu taabtay.

Arrimaha ay heestu ka hadleyso waxaa ka mid ah  nooc qurbo-joog ah, nooc kale oo xildhibaanno ah iyo nooc fannaaniin ah. Suugaanyahanka erayada tiriyay wuxuu ula baxay Xildhibaan-Qooto iyo Fannaan-Qooto. 

Fannaanku wuxuu ka digay, xataa qofkii ka jawaabi lahaa oo wuxuu hadalkiisa ku soo geba gebeeyay Qofkii meel xanuunto, usaa soo qeyli doona.

Erayada heesta waxaa leh kuna luuqeeya Cabdi Maaxi Muunye.

Adoo qarash la’aan eh
Qorshuhu kaa wareeray
Quraacda kuu gooysay
Qadana aadan haysannin
Qurbaha sharci ku leedahay
Qaaradda Yurub ku nooshahay
Oodna qaawan tahay
Qoryo intiid is marisay
Qooto qooto
Adi qooto ma ku marqaantay
Qooteeyow Qooto Quutow
Qooto qooto miyaa?

Adigoo qamaamee
Qoftoo lee is barateen
Reerkooda qani yahay
Qubxi intii ka dhergisay
Qoor sagaara ku qabatay
Qaraabadeeda hoose
Qajaf aadan siinnin
Qooto qooto
Adi qooto ma ku aroostay?
Qooteeyow Qooto Quutow
Qooto qooto miyaa?

Adoo waxba qoreynin
Qalin iyo buug ad qaadannin
Aqoonteed sare lahayn
Qibraddaadu ey tahay
Qeybta fadhi ku dirirkiyo
Qeybta indha adeyga
Dalkii inaa u qaxday
Qooto Qooto
Xildhibaan Qooto ma ku tahay?
Qooteeyow Qooto Quutow
Qooto qooto miyaa?

Adoo qaabka heesaha
Qaadowgood kaseynin
Saddax qudde aad dhiibtid
Qol lagugu soo xiro
Qub iyo qac ku duubtid
Qataraa tahay lagu yiraa
Qab weyni aad ka qaaddid
Qofna aad salaamin
Youtube-ka qurxisay
Qooto qooto
Fannaan qooto ma ku tahay?
Qooteeyow
Qooto Quutow
Qooto qooto miyaa?

Anoon nii qudbeynin
Qooto ma niigu sheegay
Anoo nii qaldeynin
Qooto ma iila heesteen
Qofkii meel xanuunto
Usaa soo qeyli doona

Been ku noolow
Bilaash maahinoo
Been been ku noolaaw 
Bilaash maahinoo?

Marka aad ra'yigaaga dhiibato ka dib, waxa aad Qooto Qooto ka dhegeysan kartaa Youtube.