Total Pageviews

Sunday, 21 August 2016

Marxuum Maxamed Cali Samatar


Sarreeye Guud Samatar
Allah ha u naxariisto General Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo in badan dalka u soo shaqeeyay. Wuxuu ahaa sarkaalka keliya ee gaaray derejada ugu sarreeysa taariikha ciidanka Soomaaliya oo noqday Sarreeye Guud ama Lieutenant General. Wuxuuna ahaa  siyaasi, xilligii uu Militerigu dalka ka talinayay wixii dhacay ee san ammaantooda wax ku leh, wixii la dhimayna ay adag tahay in eeddooda laga beri yeelo.

Genereal Samatar waxaa uu ka mid ahaa Saraakiishii ugu horreysay ee Ciidanka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa dufacadii labaad ee saraakiil Soomaaliyeed ee abid ka qalin jebiyay akademi ciidan. Waxay akadamiga ku taal dalka Talyaaniga isku mar ka qalin jebiyeen oo ay Xiddiglayaal wada noqdeen rag ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo General Maxamed Faarax Caydiid.

Kacaankii Oktoobar 1969
Samatar waxaa uu ahaa sarkaal ciidanka ku kooban ilaa la soo gaaray 1969, markaas oo uu ka mid noqday 25 sarkaal oo u tashaday Dowladda in ay Xoog ugala wareegaan talada dalka. Wey u hirgashay. Waxaa hoggaaminayay General Maxamed Siyaad Barre.

Dadka qaar waxay saraakiishaas u yaqaannaan in ay ahaayeen waddaniyiin dalka ka badbaadiyay siyaasiyiin qabiili, laaluush qaatayaal ah oo dhaqankooda siyaasadeed aanuu dadka iyo dalka horumar gaarsiineyn. Qaar kalena waxay u arkaan in ay ahaayeen askar xeryahooda ku ekaan waayay, ku xad gudubtay Dastuurkii Dimuqraaddiga ahaa ee dalka u yaallay, ka dibna laalay markii ay xoog talada kula wareegeen.

Ma rabo in aan dooddaas u galo hadda, qormadeyduna mowduucaas kuma saabsana. Labada midka aad u taqaanba General Samatar wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Kacaanka curisay. Waxay awooddiisu kor u sii kacday markii 1972 la toogtay Saraakiil Sare oo ka mid ahaa 25-ka Golaha Sare ee Kacaanka.

Waxaa General Samatar lagu tiriyaa ragga xagga siyaasadda ugu awoodda badanaa intii uu militerigu dalka ka talinayay. Rasmi ahaan wuxuu ahaa ninka labaad ee ku soo xiga Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Mar wuxuu ahaa Madaxweyne ku xigeen iyo Wasiirka Gaashaandhigga marna Wasiirka Koowaad oo ah Ra’iisal Wasaare.

Markii la dhisay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, XHKS, oo ahaa Xisbiga keliya ee dalka ka jira kana taliya, wuxuu ka mid ahaa shanta nin ee ugu sarreeya ee Guddiga Siyaasadda loo yiqiin oo sawirradoodu ay ku dhegganaayeen Goobaha la isugu yimaado iyo weliba xafiisyada Dowladda qaarkood.

Samatar oo la taagan Margaret Tatcher
Arrimahaas ayaa u sabab ah in dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba General Samatar looga talo geli jiray nin u dhigma Hoggaamiyaha dalka.

Dagaalkii 1977
General Samatar wuxuu ahaa Wasiirka Difaaca 1977 markii ay Soomaaliya qaadday Duullaankii militeri ee ugu weynaa ee abid ay dowlad Soomaaliyeed qaaddo. Waa marka la eego xagga abaabulka, tirada iyo tayada tababbar ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, mooraalka ciidanka, hubka, Istaraatiijiyada militeri ee la adeegsaday iyo gacan-sarreyntoodii saqiirtay ee ay goobaha dagaalka ka muujiyeen.

Duullaanka waxay ujeeddadiisu ahayd in ay Soomaaliya xoog kula wareegto Gobolka Soomaalida Ethiopia oo ah Gobol aad u ballaaran. Inkasta oo militerigu marka uu duulay uu aad u dhex galay gudaha Ethiopia, haddana dagaalku wuxuu ahaa mid fashil ku dhammaaday sababo siyaasadeed iyo qaar diblomaasiyadeed awgood. Labadii quwadood ee adduunka ugu waaweynaa berigaas labaduba wey ka soo horjeedeeen weerarka Soomaaliya. Waa Mareykanka oo Madaxweyne Carter uu si cad u sheegay mowqifkiisa iyo Midowgii Soofiyeeti oo isagu Ethiopia keenay kumanyaal Cuba u dhashay si ay uga difaacaan weerarrada xawaaraha ku socday ee Soomaaliya.

Dad badani waxay u tirayaan in jabkii Soomaaliya ee 1977 iyo wixii ka dhashay ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee burburkii Qaranka Soomaaliyeed.

Fool-ka-Fool
General Samatar anigu si shakhsi ah uma aqoon. Marka laga reebo khudbadihiisa aan goobjoog u ahaa iyo kuwa aan warbaahinta ka dhegeystayna kama warqabo sida uu u fekeri jiray. Waxaanse fursad u helay in aan dhowr jeer la safro, dhegeysto isaga oo dad la kaftamaya, su’aalana aan weydiiyo.

Mar uu dalkeenna booqasho ku yimid Bettino Craxi oo markaa ahaa Ra’iisal Wasaaraha Talyaanigu wuxuu booqday Muqdisho, Kismaayo iyo Hargeysa. Kismaayo waxaa geeyay Madaxweyne Siyaad, Hargeysa-na General Samatar.

Waxaan ka mid ahaa weriyaal ka socday Warbaahinta Qaranka oo ku biiray soddameeyo weriye oo ajnebi ah oo la socday wafdiga Craxi.

Saddex dayaaradood ayaan Muqdisho uga baxnay. Anigu waxaan la socday tan labaad oo weriyayaal iyo ciidan sidday. Waxay na dhigtay Berbera ka dibna kolonyo baabuur ah oo si waalan u xawaareyneysa ayaa na geysay madaarka Hargeysa oo markii aan sii istaagnayba ay soo caga dhigatay dayaaraddii nagu dejisay Berbera. Bal maxaa Berbera naloo geeyay haddii dayaaradda na sidday oo faaruq ah iyo annaga oo baabuur ku joogna aan Hargeysa u wada soconno? Sababta ma aqaan, ilaa iyo haddana ma helin cid ii fasirta.

Laakiin waxaa iyaduna markiiba soo degtay dayaaraddii ay fuushanaayeen Craxi iyo Samatar. Waxaa soo dhoweeyay General Gaanni oo ka dibna wafdiga u horkacay Xerada Qaxootiga Gannad oo la buux dhaaftay Qaxooti Ethiopia ka yimid oo ay ka mid yihiin Soomaali iyo Oromo.

Siyaad iyo Craxi
General Samatar. Annaga oo saaran dayaarad aan isla maalintiiba uga soo laabannay Hargeysa ayay weriyayaashii Talyaaniga ahaa ee la socday Craxi ay su’aalo ku boobeen. Waxaan duubay su’aalahoodii iyo Jawaabihiisa. Ka dibna, waxaan ka qaaday wareysi ii khaas ah. Waxay ahayd markii iigu horreysay ee aan wareystay General Samatar, waxaase mashquul badan i geliyay sida aan u kala reebi lahaa codkiisa iyo guuxa dayaaradda.

Safarkaas waxaa socday afartameeyo weriye, waxaa jiray kala orod, is garbin iyo degdegsiiyo badan. Hadalka Samatar wuu yaraa. Marka uu hadlana wuxuu ku hadlayay Talyaani.

Marka aan General Samatar in badan dhegeystay isaga oo madax iyo shaqaalaba la sheekesanaya waxay ahayd safar isaga oo Wasiirka Koowaad ah aan u raacay Kormeer uu ku sameynayay Warshadda Dharka ee Balcad oo soo saari jirtay lebbiska ciidanka iyo ardayda Dugsiyada. Iyo Warshadda Sonkorta, Barafuunka iyo Khamriga ee Jowhar iyo weliba beeraheeda Qasabka oo ku fadhiya dhul aad u baaxad weyn. Waxaa loo marti ahaa Wasiirka Warshadaha, Xuseen Cabdulle Calasow.

Safaraddaas ka dib, waxaan dareemay sifooyin aan ku maqli jiray General Samatar.  Wuxuu ahaa nin gaaban, cad oo leh cod aad u culus.

Wuxuu ahaa nin urursan, anshax militeri ka muuqdo. Nin deggan oo aan war badneyn, marka uu hadlana macna sameeya. Wuxuu ahaa nin heybad leh.

Taas ayaana ugu wacan in markii uu dalka Mareykanka u qaxay ay Madax badan oo Soomaaliyeed oo Washington u tegtay shaqo ama dano kale ay gurigiisa ku booqdaan.

Inkasta oo dhanka kalena ay sannado badan ku socotay dacwad isaga la xiriirineysa dagaalladii 1988 ka dhacay Hargeysa, Burco iyo degaanno kaleba ee u dhexeeyay Jabhaddii SNM iyo Militerigii dalka ka arriminayay.

Waxaan muran ku jirin in Samatar uu astaan u yahay in qofka isku kalsoon, dadaalna la yimaada uu wax weyn qabsan karo isaga oo aan adeer iyo qabiil garab qabta aan isku halleyn. 

Balwad
Mar ay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafintu u sheegteen in ay shaqo badan yihiin oo ay yihiin dad Kacaan ah, oo markaa gunnooyin iyo u roonaasho kale ay sidaa ku dalbeen, Samatar waxaa laga weriyay in uu la kaftamay. Waan ogahay ayuu yiri in aad shaqo badan tihiin, laakiin waxaanan kala garan karin in ay idinka tahay Kacaannimo iyo in ay idinka tahay balwad oo kale in aad u jeceshihiin heesidda, caweyska cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka, Raadiye-ka-hadalka iyo shaashad-ka-muuqashada.

Allah ha u naxariisto Maxamed Cami Samatar, qoyskiisa, ehelkiisa iyo saaxiibbadiisna samir iyo Iimaan ha ka siiyo.

F. G.
Qormadani waxay ku kooban tahay waxa aan ka arkay General Samatar wakhtiyo aan badneyn oo aan goobjoog u ahaa iyo taariikh guud oo aad u kooban oo aan muran ku jirin. Ma ahan taariikh nololeedkiisa mana ahan qiimeyn shaqadiisii iyo noloshiisii.