Total Pageviews

Saturday 29 August 2015

Gunaanadka Carwada Buugaagta ee Muqdisho



Xalay waxaa la igu casumay in aan hago Dood ku saabsan saameynta shisheeye ee dhaqanka iyo af Soomaaliga. Waxay ahayd Dood lagu soo gunaanaday Carwada Buugaagta ee Muqdisho.

Waxaan aad u jecleystay qorayaasha iyo cilmi baarayaasha culculus ee  dooddii xalay, sida Prof Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Faarax Cali Idaajaa, Jawaahir Cabdalla Xaaji, Maxamed Shiikh Xasan iyo Axmed Johari Bilaal.

Waxaa iyaguna i cajab geliyay dhallinyarada faraha badan ee wiilal iyo gabdho leh iyo dadweynaha kale ee halkaa isugu soo baxay, oo weliba kuwoodii hadlay ay muujiyeen faham, codkarnimo iyo daneyn i cajab gelisay.

Isugeyn waxaan ku faraxsan ahay sida quruxda badan ee loo soo abaabulay munaasabaddaas. Waxayna ka mid tahay waxyaabaha i rumeysiiya in dhallinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin aqoon iswedyaarsi iyo horukac haddii lagu dhiirri geliyo, gacanna lagu siiyo in ay is abaabulaan.

Sawirradu waa saddexdii maalmood ee ay Carwadu socotay.

Friday 14 August 2015

Halbeeg

Waxaan si deggan u akhriyay sagaalka bog ee dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha oo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanku ay u gudbiyeen Guddoonka. Waxaan si taxaddar leh u dhegeystay labaatameeyo daqiiqo oo ah jawaabta Madaxweynuhu uu ka bixiyay arrinkaas.

Waxaa ii soo baxday kala war la’aan. Waxaa ii soo baxday in aan isku mowjad laga hadleyn.

Labadii Dowladood ee tan ka horreeyay waxay galeen qulub markii uu soo dhowaaday dhammaadkii xilligoodu. Qulubkaas waxaa uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ku kallifay in uu isagu iskiis isu casilo. Halka Madaxweyne Shariif uu isagu helay sannad kororsiimo ah, ka dib markii uu aqblay in Ra'iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi uu dibadda dhigo.

Laakiin hadda waxaa ii soo baxday in la galay marxalad siyaasadeed oo aanuu jirin siyaasi Soomaaliyeed oo khibrad u leh. Waa markii ugu horreysay ee Guddoonka Baarlamaanku uu si rasmi ah u qabto mooshin la doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne muddadii loo doortay aanay dhammaan.

Waxaa ii soo baxday in aanay jirin Maxkamad Dastuuri ah oo is hor taagta mooshinka ama u qirta in uu haysto qiil sharci ah oo ay tahay in Baarlamaanku uu dood ka furo aakhirkana cod u qaado.

Waxaa ii soo baxday masiirka umadda Soomaaliyeed in uu aad gacanta ugu sii galay tiro yar oo aan saanta isla haysan.

Wuxuu mar kale marayaa meel u baahan in inta yar ee go’aanka ku lihi ay aad uga baaraan degaan waxa ay ku dhaqaaqayaan, sida ay sharciga dalka u waafaqsan yihiin iyo sida ay ugu adeegayaan danaha dadka Soomaaliyeed. Meel u baahan in ay ka dhowrsadaan nin jecleysi ama nin iska dhicin.

Waxaa ii soo baxday in loo baahan yahay in laga dhowrado oraah ama fal kasta oo xaabo u noqon kara dabka la shiday in uu sii qaxmo.

Waxaa ii soo baxday in amniga loo baahan yahay in la xoojiyo si aan khilaafkan looga faa’iideysan.

Waxaa ii soo baxday in Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay in hey’adaha Dowladda iyo dalkaba aanuu ku sii dheereyn dhiig baxa ee arrinkaan dhakhsa u soo afjaro.

Waxaa ii soo baxday in go’aan kasta oo la qaadanayo ay tahay in laga baaraan dego sida uu meel mar ku noqon karo.

Waxaa ii soo baxday halbeegga lagu jimeyn karo xalku in uu yahay in la is weydiiyo waxa u dan ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed marxaladda uu 2015 marayo.


Waxaan xusuusinayaa jilayaasha siyaasadda maanta, in aanay dalka keligood lahayn. In in badan oo fahamsan waxa socda, xog ogaal ah, dalkooda daneynaya, bannaanka ka ah xeyndaabka siyaasaddu ay daawanayaan cayaarta garoonka ka socota iyo garsoorayaasheeda. In ay daawanayaan qofka si sharci ah u cayaaraya iyo midka sharci darrada ku socda. In dadka Soomaaliyeed ugu yaraan qaar ka mid ahi ay gartaan qofka dadka u adeegaya iyo kan ka adeeganaya sida in aan berri la gaari doonin.

Tuesday 4 August 2015

Kulan Danjiraha Shiinaha, Warsame


Zhang Nan oo ey tababbaraya
Saldhigga militeri, Linti, Shandong
November 17, 2009.
Iqilu.com
Shalay ayaan isku soo baxnay Danjiraha Shiinaha ee Muqdisho, Wei Hongtian.

In kooban oo aan wadahadalnay, Danjire Warsame waxaan u gudbiyay tacsi shakhsi ah khasaarihii soo gaaray Safaaradda Shiinaha, gaar ahaan geerida Zhang Nan oo ka mid ahaa ilaalada safaaradda oo weerarka ku geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay.

Danjiraha oo ay Soomaali badani u taqaan Warsame, waxaa magacaas loo bixiyay mar aan arday ka wada ahayn Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Waana nin dhaqanka iyo Afka Soomaaliga wax badan ka yaqaan.


Meydka Zhang Nan,
garoonka dayaaradaha ee caalamiga ah ee Jinan,
Gobolka Shandong. Sawir: Sinhua / Lu Yaqi
January 2014 ayuu habeen ii sheegayay aragtidiisa Muqdisho oo ahayd in waxa ugu muhiimsan in magaalada laga qabtaa ay tahay in amniga la sugo. Annaga oo weli sheekadeenna wadanna ayaa laba baabuur oo is qarxinayaa ay weerar ku soo qaadeen goobtii aan fadhinnay.

Wuxuu berigaa u yimid sahan ay dowladdiisu u soo dirtay in safaarad laga furi karo Muqdisho iyo in kale. Qaraxyadii, rasaastii, geeridii, dhaawicii iyo argaggixii habeenkaas waxaan is lahaa amuu Shiinaha u quus gooyaa?

Laakiin bishii Oktoobar 2014 ayaa Safaaradda Shiinaha dib looga furay Muqdisho, ka dib markii ay xirnayd 23 sano.

Weerarkan hadda ugu dambeeyay waxaa safaaradda Shiinaha uga dhintay Zhang Nan oo ah 29 jir ka tirsanaa ciidanka Shiinaha 11 sano. Laba kalena wey uga dhaawacmeen.

Markii meydka iyo labada dhaawaca ah laga dejiyay garoonka Jinan, waxaa isugu soo baxay dadweyne, Wakiillo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Saraakiil sare oo militeri ah iyo saraakiisha degaanka si ay u sharfaan Zhang Nan, reerkiisana ugu tacsiyeeyaan.
Danjire Warsame


31-kii January ayaa shaqadiisa ugu horreysay dibadda loogu diray Soomaaliya. Tan iyo markaasna wuxuu ku guuleystay dhowr abaalmarinood.

Safaaradaha Shiinaha, Masar, Qatar iyo Kenya waxaa xarun u ah Hotel Jazeera oo qarax lala beegsaday Axad 26 Julay 2015.

Dhowor iyo toban ruux oo u badan dad waddada marayay iyo qaar xaafadda ah ayaa ku dhintay dhowr iyo toban ruux, wuxuuna dhaawac gaarsiiyay dhismaha dhinac ka mid ah lixda dabaq ee Hoteelka iyo dhismayaal badan oo agagaarka Hoteelka ah oo isugu jira guryo iyo xafiisyo.

Qaraxa oo weriyayaal reer Muqdisho ahi ay ku tilmaameen kii ugu weynaa ee magaalada ka dhaca, ma noqon kii ugu khasaaraha badnaa. 

Sunday 2 August 2015

Soomaaliya oo ka Jawaabtay Baaritaan eedeyn Musqmaasuq

Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay dembi baaris ay Dowladda Britain ku furtay sharikado hore heshiis ula galay Soomaaliya, ka dib eedeyn la xiriirta musuqmaasuq ka dhacay Soomaaliya.

Wasaardda Batroolka ayaa qirtay baaritaanka uu Xafiiska [ka hortagga] musqmaasuqa culus ee UK, SFO, uu billaabay ee ku wajahan sharikadda Soma Oil and Gas Exploration Limited (SOMA), waxayna Wasaaraddu sheegtay in ay si buuxda gacan uga geysan doonto, haddii sidaa la weydiisto.

War saxaafadeed ay maanta soo saartay, Wasaaraddu waxay ku tilmaantay in soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya uu muhiim u yahay xasilloonida dalka.

Waxay intaa raacisay in keydka shidaal ee Soomaaliya uu yahay kheyraad Qaranku leeyahay oo ay tahay in looga faa’iideeyo danta Qaranka si hufnaan ah oo aan mugdi ku jirin.

Heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Sharikadda Soma Oil and Gas 25 April 2014 waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Daud Omar Mohamed oo markaa ahaa Wasiirka Batroolka.

Xafiiska SFO ayaa Jimcihii 31-July 2015 wuxuu sheegay in uu dembi baaris la xiriirta eedeymo musuqmaasuq Soomaaliya uu ku sameynayo sharikadaha SOMA Oil & Gas Holdings Ltd, SOMA Oil & Gas Exploration Limited iyo SOMA Management Limited iyo qaar kale.



Saturday 1 August 2015

UK oo baareysa eedeyn Musuqmaasuq Soomaaliya

Xafiiska [la dagaallanka] Musuqmaasuqa Culus ee UK ayaa xaqiijiyay in uu dembi baaris la xiriirta eedeymo musmuqmaasuq Soomaaliya uu ku sameynayo sharikadaha SOMA Oil & Gas Holdings Ltd, SOMA Oil & Gas Exploration Limited iyo SOMA Management Limited iyo qaar kale.
Warku wuxuu sheegay in dadka xogta hoose bixiya ay ilo muhiim ah u yihiin baaritaanka kiisaska SFO. Wuxuu raaciyay "Waan soo dhoweyneynaa cid kasta oo xog hoose ka haysa kiisaska aan baareyno oo uu kani ka mid yahay".
Dadka waxaa loo sheegay in sirta ay bixiyaan loo xafidi doono. "Waxaad nagula soo xiriiri kartaa hab aan leennahay oo asturan, oo laga soo geli karo barta internetka SFO".
Fiiro Gaar ah wuxuu warku bixiyay in SFO lagala xiriiri karo halkan ama barteeda Internetka www.sfo.gov.uk
Waxaa dadka loo tilmaamay in ciddii email u direysa ay raaciso ereyga "SOMA" halka ujeeddada emailka lagu qoro.
FCO waa Waax Madax bannaan oo Dowladda UK ay leedahay oo mas’uul ka ah baaritaanka iyo dacwad soo oogidda musuqmaasuqa culus ee silloon, laaluushka iyo wax isdaba marinta. Waxaa madax u ah Agaasime, David Green CB QC.
Afeef: Weriyayaasha warkan soo xiganayaa waxaan ka dalbayaa in aanay waxba ka beddelin cinwaanka iyo qormada inteeda kale, waxba ku darin, waxna ka reebin maaddaama ay tahay xasaasi una qoran tahay hab qaanuuni ah.