Xalay waxaa la igu casumay in aan hago Dood ku saabsan saameynta shisheeye ee dhaqanka iyo af Soomaaliga. Waxay ahayd Dood lagu soo gunaanaday Carwada Buugaagta ee Muqdisho.
Waxaan aad u jecleystay qorayaasha iyo cilmi baarayaasha culculus ee dooddii xalay, sida Prof Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Faarax Cali Idaajaa, Jawaahir Cabdalla Xaaji, Maxamed Shiikh Xasan iyo Axmed Johari Bilaal.
Waxaa iyaguna i cajab geliyay dhallinyarada faraha badan ee wiilal iyo gabdho leh iyo dadweynaha kale ee halkaa isugu soo baxay, oo weliba kuwoodii hadlay ay muujiyeen faham, codkarnimo iyo daneyn i cajab gelisay.
Isugeyn waxaan ku faraxsan ahay sida quruxda badan ee loo soo abaabulay munaasabaddaas. Waxayna ka mid tahay waxyaabaha i rumeysiiya in dhallinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin aqoon iswedyaarsi iyo horukac haddii lagu dhiirri geliyo, gacanna lagu siiyo in ay is abaabulaan.
Sawirradu waa saddexdii maalmood ee ay Carwadu socotay.
Waxaan qabay waligeyba in dhallinyaradu u baahi qabto hoggaan haga oo tusaale u noqda. Xooggooda hadba ciddii doonto ayaa dan wanaagsan/xun ku qunsan karta. Yuusuf Garaad ku mahadsanid warbixintan kooban
ReplyDeleteadigoo mahadsan link doodaas aan ka heli karo ma ii sheegi kartaa?
ReplyDeleteI am Hwa Jurong, a Private Money Lender do you need a loan to start up business or to pay your bills and a corporate financial for real estate and any kinds of business financing. I also offer Loans to individuals,Firms and corporate bodies at 2% interest rate. I give out loan to serious minded people that are interested of loan if interested contact this email: hwajurong382@yahoo.com or hwajurong12@gmail.com
ReplyDelete