Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay
dembi baaris ay Dowladda Britain ku furtay sharikado hore heshiis ula galay
Soomaaliya, ka dib eedeyn la xiriirta musuqmaasuq ka dhacay Soomaaliya.
Wasaardda Batroolka ayaa qirtay baaritaanka
uu Xafiiska [ka hortagga] musqmaasuqa culus ee UK, SFO, uu billaabay ee ku
wajahan sharikadda Soma Oil and Gas Exploration Limited (SOMA), waxayna
Wasaaraddu sheegtay in ay si buuxda gacan uga geysan doonto, haddii sidaa la
weydiisto.
War saxaafadeed ay maanta soo saartay,
Wasaaraddu waxay ku tilmaantay in soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya uu muhiim
u yahay xasilloonida dalka.
Waxay intaa raacisay in keydka shidaal ee
Soomaaliya uu yahay kheyraad Qaranku leeyahay oo ay tahay in looga faa’iideeyo
danta Qaranka si hufnaan ah oo aan mugdi ku jirin.
Heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka ee
Soomaaliya iyo Sharikadda Soma Oil and Gas 25 April 2014 waxaa dhinaca
Soomaaliya u saxiixay Daud Omar Mohamed oo markaa ahaa Wasiirka Batroolka.
Xafiiska SFO ayaa Jimcihii 31-July 2015 wuxuu sheegay in uu dembi baaris la xiriirta eedeymo musuqmaasuq Soomaaliya uu ku sameynayo sharikadaha SOMA Oil & Gas Holdings Ltd, SOMA Oil & Gas Exploration Limited iyo SOMA Management Limited iyo qaar kale.
Nuqul heshiiska Soomaaliya iyo Soma Oil and Gas Exploration Limited halkan ka akhriso.
Halkanna ka akhriso warbixintii aan ka diyaariyay Baaritaanka Xafiiska SFO iyo codsigiisa ku wajahan cidii xog ka haysa kiiskaan.
Halkanna ka akhriso warbixintii aan ka diyaariyay Baaritaanka Xafiiska SFO iyo codsigiisa ku wajahan cidii xog ka haysa kiiskaan.
No comments:
Post a Comment