Total Pageviews

Thursday 30 April 2015

Siyaasadda iyo Soohdinta Sarkaalka




Taliyaba Booliiska (bidix); Taliyaha Asluubta (midig)
Golaha Wasiirradu wuxuu maanta magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta, General Bashiir Maxamed Jaamac.

Waa laba sarkaal oo aqoon u leh amniga, horeyna u soo noqday Taliyayaal ciidan. Waa laba wax bartay oo dhal magaal ah. Waan u hambalyeynayaa. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu ku guuuleyo daryeelka ciidanka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha si sugid amni oo sharciga waafaqsani ay ugu suurta gasho.

Dhanka kale, lama inkiri karo in ay yihiin siyaasiyiin Xubno ka noqday labada Gole. Ciidan iyo siyaasadna waa la kala leexiyaa. Waa laba shaqo oo dalku u baahan yahay, ayaguna isu baahan laakiin aan is geyin. 

Siyaasaddu iyadaa dejisa hindisaha guud ee ciidanku ku shaqeynayo, baaxaddiisu inta ay noqoneyso iyo miisaniyaddiisu waxa ay tahay. Si kale haddii loo dhigo siyaasaddu iyada ayaa hagta ciidanka.

Taliyayaasha ciidanku waa in ay ahadaan qaar aan go’aankoodu ku saleysneyn siyaasad ee ay hagto baahida amniga iyo tan ilaalinta sharciga. Marnaba aan mowqif iyo go’aan siyaasadeed qaadan, marka laga reebo in ay si dimuqraaddi ah codkooda qarsoodi ugu dhiibtaan sida muwaaddin kasta oo kale.

Ciidan waa laga dallici karaa oo siyaasad waa loo gudbi karaa sida General Diini iyo qaar kale o badan. Laakiin siyaasadda inta laga soo baxo Generaal ciidan ma la noqon karaa? Waa su’aal ay u baahan tahay in ay dowladdeennu is weydiiso, xeer ka dejiso, ciidankana ay ku wargeliso.

Midda kale si loo dhowro heybadda iyo anshaxa saraakiisha, mooraalka ciidanka iyo kalsoonida uu shacabku ku qabo ciidanka, waa in la dabraa hammiga siyaasadeed ee sarkaalka. General xaq waa u leeyahay in uu siyaasadda galo, laakiin horta waa in uu ciidanka ka baxaa isaga oo og inuusan ku soo laaban kari doonin. Waa in ay noqotaa markii ugu dambeysay ee ciidankeenna lagu dhex arki lahaa isaga oo lebbisan.

Madaxdana waxaan ka codsanayaa in ay u turaan oo xurmeeyaan dalka iyo nidaamkiisa. Ma ahan in ay ahaato waan falayaa, sababta oo ah waan karaa.

Waa maxay farriinta ay magacaabiddani u direyso sarkaalka waddaniga ah, anshaxa wanaagsan ee howlkarka ah ee khibradda leh ee hammiga ku haya in uu maalin ciidanka hoggaamiyo?

Anigu waxaan siyaasi u aqaan xubnaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada ee heer Federaal iyo heer Gobol, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo xubnaha Xisbi Siyaasadeed oo diiwaan gashan.

Monday 27 April 2015

La Sheekeysi Wasiir hore oo Somaliland


Sawir: Qado Maansoor Hotel, Oktoobar 2012

London ayaan maanta ku wada qaxweynay Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland afartii sano ee ugu horreysay xukuumadda Madaxweyne Silaanyo. Maxamed waxaa aragti isugu keen dambeysay Nairobi oo aan shir uga wada qeyb galnay 2013. Ka horna Hargeysa oo uu qado iigu qaaday 2012.

Maxamed annaga oo 20+ sano jirna ayaan wax ka wada baran jirnay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Galbihii iyo fasaxyadana waxaan ka wada shaqeyn jirnay Radio Muqisho. Maanta waxaan ka wada sheekeysannay xaaladda aadminnimo, amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo Yemen.

Su’aalaha aan is weydiinnay waxaa ka mid ahaa dagaalka Yemen saameynta amni iyo tan aadminnimo ee uu ku yeelan karo Gobolka. Doorashada Somaliland ee dib u dhacday haddana u mddeysan Juun 2016, iyo wadahadalka hakadka galay ee Soomaaliya iyo Somalilandoo ka mid ahaa Madaxdii hindistay iyo weliba sida waddada loo qodxa bixin karo. Mustaqbalka Soomaaliya oo hadda la go’aansanayo sida Federal in ay ahaaneyso iyo in kale iyo haddii ay Federal noqoneyso qaabka uu ahaanayo iyo sida ay Gobolladu isu raacayaan, iyada oo Somaliland ay miiska ka maqan tahay iyo saameynta uu arrinkaasi ku yeelan karo aayaha wadahadallada labada dhinac. Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay Higsiga 2016. Waxaan wax iska weydiinnay derbiga dhererkiisu yahay 700 km ee ay Kenya ka dhiseyso soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya iyo saameynta al Shabaab ee Gobolka.

Ujeeddadu waxay ahayd in aan xog iyo aragti is weydaarsanno.

Maxamed wuxuu hadda ka talo bixiyaa xallinta khilaafaadka Geeska Afrika.

Sunday 26 April 2015

Qaade iyo Qariye


Shakhsiyaad iyo waxaa jira hey’ado lacagta shisheeyaha ka timaadda ee siyaasadda lagu gato la soo mariyo. Sidoo kale waxaa jira shakhsiyaad iyo hey’ado lagu qarsado ama la sii mariyo lacagaha iyo hantida kale ee Qaranka laga xadayo. Kuwo waxaa jira labada khidmo ee lacag soo gelinta iyo hanti u raadgadidda labadaba fuliya.

Danta ugu jirtaa waa dallaalnimo iyo gacan qarsoon oo ay maamulka wax ku yeeshaan.

Qof kasta oo nabadeynta iyo horumarka Soomaaliya daneynaya waxaa la gudboon in uu u dhug yeesho kuwa shaqada ka dhigtay howshaas gurracan ee lidka ku ah nabadgelyada iyo horumarka dalkeenna. Rag waxaa jira howlahaas ku jiray tan iyo sannadkii 2000 iyo qaar hadda suuqaas ku cusub.

Yaanan ka tegin in ay jiraan qaaqleyaal siyaasadda qaaqama oo ayaga oo faramaran lagu howlgeliyo qabiil, diin ama ballanqaad inta badan been ah. Kuwan dambe, ma ogi in ay ulakac ka tahay in ay noqdaan tuug kalkaal. Waa dad ma fiirsadayaal ah oo aanan hubin in ay fahmi karaan falalkooda waxa ka dhalan kara.

Waxaa mudan shakhsiyaadka ay khuseyso in ay si fiican uga fekeraan la xisaabtanka maalin uun ku imaan kara. Dunidu maanta keliya ma aha iyo xataa berri. Niman siddeetan jir ah ayaa Maxkamad lagu soo taagaa dembiyo ay galeen iyaga oo aad u dhallinyar. Haddii aad taas oo kale ka badbaaddana xusuusnow - xisaabta aakhiro salaadda oo keliya kuma koobna.

Friday 24 April 2015

Ka Feker


Celcelis ahaan sannad kasta mar ayaan beddelnaa Golaha Xukuumadda. Madaxweynaha iyo Baarlamaanka soo doortayna nalama dhaafaan afar sano, haddayba gaaraan. Haddana xaaladda wax weyni iskama beddelaan.

Waan qabaa Madaxda wax qabad lagu qanco la imaan weyda amaba dib noo dhigta, in loo tilmaamo in ay hadda ayaga oo keligood ah ay ka baxaan iriddii markii hore ayaga oo la gelbinayo laga soo geliyay. Fursad qofka u hela in uu dalka u adeego, haddii uu ka faa’iideyn waayo waa in awoodda laga fogeeyaa.

Laakiin madaxda in badan waan beddelnay, waanan sii wadi doonnaa in aan beddelno. Waxaanse is weydiinayaa annagu, shacab ahaan, ma u baahan nahay in aan wax iska beddelno?

Maxaan beddelnaa? Ayaad markiiba is weydiin kartaa. Inta aadan jawaab iga filan waxaa ka horreysa in aad is weydiiso in baahi aan u qabno isbeddel bulsho. Bulshaduna waa aniga sadarradan qoraya iyo adiga akhrinaya iyo inta nala midka ah.

Su’aalahaas anigu keligeey kama bixin karo jawaab buuxda. Sababta oo ah waa wax qofka ku xiran oo u khaas ah.

Maxay kula tahay? Isbeddel bulsho ma u baahan nahay? Daruuri ma ahan in aad hadda ka jawaabto.

Ka feker marka hore.

U fiirso.

Jawaabta waxaa laga yaabaa in uu fekerku ka muhiimsan yahay.