Total Pageviews

Monday 13 April 2015

War jiraaba Cakaaruu iman


Ceel Buur oo ka mid ah Galguduud
Mudug iyo Galguduud oo shirkii lagu dhisi lahaa aanuu weli furmin ayaa waxaa socda isxodxodasho, isbahaysi, isiibsasho iyo ballanqaadyo inta badan been ah oo ku saabsan tartanka Madaxtinnimada Dowlad Goboleedka la filayo in ay ka soo bixi doonto, shirka la filayo in la qaban doono usbuucan aakhirkiisa.

Murashixinta sida xalaasha ah xilkaas isugu soo taagay oo soo banbaxay waxaa ka mid ah Madax khibrad iyo aqoon leh oo xilkaas lagu aammini karo. Waxaa ka mid ah ugu yaraan laba murashax oo amniga u leh khibrad durugsan, meelo bandanna looga ammaano.

Laakiin hadalhaynta dadku waxay ku ag meereysaneysaa laba nin oo midkoodna aanuu si rasmi ah ugu dhawaaqin in uu murashax yahay. Labaduba hore ayay xilal heer Wasiir ama ka badan ah ay u soo qabteen. Labaduba waxay hadda ku magacaaban yihiin xilal waaweyn. Midkoodna xilka uu ku magacaaban yahay iskama casilin. Madaxdooduna kama dalbin in ay is casilaan maaddaama ay doorasho u socdaan, haddana ay iyada keliya ka shaqeeyaan. Weli ishaafalataysi ayaa lagu jiraa. 

Sababta iyaga oo aan is shaacin ay dad badani u hadal hayaan maxay tahay ayaan is weydiiyay?Qiyaasteyda, oo khaldanaan karta, waxay tahay laba middood.  In jacayl iyo hilow loo qabo oo ay dadka ku kasabdeen guulo ay ka soo hooyeen xilalkii Qaran ee ay hore u hayn jireen. Ama in hadalhayntu ay salka ku hayso feejignaan laga qabo waxqabadxumi iyo dhaqankooda siyaasadeed ee looga bartay oo la isu tilmaamayo. 

Usbuucyo gudahood ayaa war jiraaba Cadaado imaan, marka aan aragno ninkii ay ergooyinku "doortaan". 

Sida dadka iyo dalka Soomaaliya u roon Ilaaheey ha ka dhigo.

16 comments:

  1. Fadlan aragtidaada halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mahadsanid Yusuf sida aad noola wadaagtay lifaaqan xiisaha leh ee ku saabsan maamul u samaynta Gobolada Galguduud iyo Mudug.
      Sida aan kawada warqabno ama aadba adigaba noo sheegtay waxaa jira tiro muwaadiniin soomali ah oo kazoo jeeda Gobolada Mudug iyo Galguduud oo isku soo sharaxay madaxnimada Goboladas Musharxiintaas waxaa kamid ah haween oo shalay aa ugu danbaysay hadaan qaldanayn waxaa isa soo sharaxday Marwo Dahabo Cuud oo haweentii ugu horayay oo isku soo taagtay madaxnimada Goboladaas Mudug iyo Galgudud.
      Laakiin saas oo ay tahay sida aad adigaba sheegtay waxaa jira labo masuul oo aay dadka aad u hadalhayaan midkoodna sooma bandhigin rabintaakiisa ama damaciisa runtii labadan masuul waa masuuliyiin xil horay usoo qabtay bulshadana ay yaqaanan laakiin aniga aragtidayda waxay ila tahay labadan masuul waxay kukala tiirsanyihiin ama wata laba awoodood oo meesha ku tartamaysa oo mid walba galaan gal xoog leh uu ku leeyahay shirka.

      War jiraa Cakaaruu imanaa Ilaahay waxaan ka barayaynaa in wax diinta,Dalka iyo Dadkaba u dan ah kasoo baxaan inshaa allah.

      Mahadsnaid

      Delete
  2. Ustaad Yusuf war la uumba uumbeeyo waykac aakaroon, waa fiicnaan lahayd in hebelo sheegto , si qiimaynta loo wadagaago, hees waxaan xusustay erayadeeda ay ka mid ahaayeen Hal laqalay raqdeedbaa lagu soo qamaamo qlalaasihiiba ninba qurub haleeloo, qolo waliba qaybteed qoraxday ku dubateem qosol wuxuu ka joogaa qubanaha dambeeye buuraha qotada dheer ka arkaaya qiiqo qarka soo jafaayee..

    ReplyDelete
  3. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  4. Asc Wr Wb Anigu Waxaan qabaa in uusan jirin masuul ubaahan kalsooni shacab waayo shacab wax ma doortaan sababta dadku u hadal hayaana waxay ila tahay mar hadaanan heysan kaalinteenii siyaasada cid wax nawaydiinaysaana aysan jirin hadal hayntooda ayan ka badin mid caaya iyo mid amaana ayan ukala.baxnay

    ReplyDelete
  5. - Lataliyaha madaxweynaha arimaha siyaasada Abdikariim Gulled
    - Amb Axmed Abdisalaam Hajji Adan , waa labada musharax ee ayagoo shaacin muuqdaan dhaq dhaqooda iyo damacoda siyaasadeed ee gobolada Galgaduud iyo Mudug , waxa rajeynaa kan ugu macquulsan oo danta dadkaas iyo deegaanka wado inuu so baxo ,

    ReplyDelete
  6. Asc sln ka dib aniga waxan codkeyga siin lahaa mudane axmed.macalin fiqo wuu u qalmaa madama uu wax muqdo soo qabtay isku reer na ma ihin ogada

    ReplyDelete
  7. Madaxweyne Culusoow Gobolkaas god xun buu ku ridey isagoo wakhtiga ugu badan kulumiyey qancinta Beesha Habargidir oo Gobolka looga badan yahay waa Koonfurta Mudug iyo Koonfurta Galgaduud eh ee aanba buuxin Sharuudihii Federal ka aan Garoowe ku qoraney waa Garoowe1 iyo Garoowe2 eh ayaa Markuu Dhuusa-mareeb mari waayay oo Axmed Abdisalan oo Garaha Ethiopia garab kahelaya buu madaxweyne Xasan ku dhawaaqey Magaala Madaxda Maamul aan ladhisin taas oo Cadaado fogeysay oo iyadu luuqa ugu jirtay helitaanka caasumada maamulka ladhisi doono iyagoo ogaa in aysan Madaxweyne heleyn. Beesha Mareexaan Murursade iyo Waceysle iyaga dhagtaa u taagan meesha Habargidir iyo Culusoow is kala dhacaan. Mudane Abdikariim oo Dulmajadiid sameyn kuleh Gobolka in uu Madaxweyne u noqdaa waa dhici kartaa.

    ReplyDelete
  8. Usbuucyada aad sheegtay Yusuf Garaad ayay talo la gudboontahay reer Galgaduud/Mudug.
    Sidii roon allahayow haleelsii.

    ReplyDelete
  9. Fikradaha qaar waxay ka dhaadheer yihiin qormada; saw tii la yiri af-soomaaligu wa hodan, bila caleek yaaqeey so gabiya aan aqrine fikradahiina

    ReplyDelete
  10. amiin anigu waxaan xoojinaa 2daadis nin waxaa isha loogu hayaa wax qabad xumo Cabdikariin Guled warkiisu waab cadyahay umada Somaliyeed oo dhan ayuu ku hor kufay Ahmed Cabdisalana il gaara ayaa lagu hayaa waayoo waxaa lagu eedeeyaa inuu siyaasada Ethiopia uu u dhuul daloolo marka kuwa kale midkii wax tar leh allaha ugu kaalmeeyo

    ReplyDelete
  11. Timirtii Horeba Dab Loowaa!

    Mafilayo in ay Soomaali, qaasatan Reer Gobolada Dhexe ay wanaag ka sugayaan labada musharax ee uu Mudane Yuusuf uu amaanta la damcay, balse la hadalhayo.

    Axmed iyo Cabdikariin hankooda ayaa fowdo ka abuurey gogolxaarka shirka, Soomaalina war iskuma seegana ee tolow Yusuf midkee ayuu taageeri?

    ReplyDelete
  12. gobolada dhexe sababa badan oo jiro waxay ila tahay in wax fiicani aysan kasoo socon

    ReplyDelete
  13. Yusuf garaad mahadsanid sidaad inoola wadaagtay faaladan
    aragtideyda federal ka oodhan ayaan ku qanacsaneyn oo umada xoogeedi iyo dhulkeedi lagu kal qeybinayo inkastoon awalba xoog heyn lkn midki aan dhisi laheyn baa hada laka qoqobayaa
    qaabka ay hada wax ku socdaan waa qaab uu nin wayn oo caqli leh ka ooynaayo
    ilahey gacanta cadowga hanaga bixiyo wadankaan fara nooguma jiro haday sidaas ku sii socoto

    ReplyDelete
  14. Waxaan is leeyahay waxay kufiican tahay in uu kusoi baxo jagadaas nin qibrad duruqsan uleh dagaanadaas maxaa yeelay dagasnadaas ma ahan igusoo orad nin aan isleeyahay waa ugu qabiirsan yahay meeshas saameyn badan ayuu kuleeyahay degaanadaas waa ninka madaxweynaha hada ka ah galmudug mr qeybdiid

    ReplyDelete
  15. Waxay ila tahay inta ilaa hada aan ka aragno laguma aamini karo aayaha umudaas. Kuwa lahadal hayana waan ka digtoonahay, tusalaale hal magaalo shaqsi ku fashilmay ilama aha in uu gobolla maamuli karo. Lkn sidaa u tiriba warjiraaba cadaado . Mahadsanid YGC

    ReplyDelete