Total Pageviews

Monday 27 April 2015

La Sheekeysi Wasiir hore oo Somaliland


Sawir: Qado Maansoor Hotel, Oktoobar 2012

London ayaan maanta ku wada qaxweynay Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland afartii sano ee ugu horreysay xukuumadda Madaxweyne Silaanyo. Maxamed waxaa aragti isugu keen dambeysay Nairobi oo aan shir uga wada qeyb galnay 2013. Ka horna Hargeysa oo uu qado iigu qaaday 2012.

Maxamed annaga oo 20+ sano jirna ayaan wax ka wada baran jirnay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Galbihii iyo fasaxyadana waxaan ka wada shaqeyn jirnay Radio Muqisho. Maanta waxaan ka wada sheekeysannay xaaladda aadminnimo, amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo Yemen.

Su’aalaha aan is weydiinnay waxaa ka mid ahaa dagaalka Yemen saameynta amni iyo tan aadminnimo ee uu ku yeelan karo Gobolka. Doorashada Somaliland ee dib u dhacday haddana u mddeysan Juun 2016, iyo wadahadalka hakadka galay ee Soomaaliya iyo Somalilandoo ka mid ahaa Madaxdii hindistay iyo weliba sida waddada loo qodxa bixin karo. Mustaqbalka Soomaaliya oo hadda la go’aansanayo sida Federal in ay ahaaneyso iyo in kale iyo haddii ay Federal noqoneyso qaabka uu ahaanayo iyo sida ay Gobolladu isu raacayaan, iyada oo Somaliland ay miiska ka maqan tahay iyo saameynta uu arrinkaasi ku yeelan karo aayaha wadahadallada labada dhinac. Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay Higsiga 2016. Waxaan wax iska weydiinnay derbiga dhererkiisu yahay 700 km ee ay Kenya ka dhiseyso soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya iyo saameynta al Shabaab ee Gobolka.

Ujeeddadu waxay ahayd in aan xog iyo aragti is weydaarsanno.

Maxamed wuxuu hadda ka talo bixiyaa xallinta khilaafaadka Geeska Afrika.

10 comments:

  1. I am really impressed with the way you handle your issues, very sober, moderate and knowledgeable on the current issues facing the region. You are the kind of person that is needed at the helm of the Somali issues. I pray that Somalia gets a leader with foresight like you

    ReplyDelete
  2. Laba nin oo aqoon iyo waayo aragnimo badan leh ,karti iyo dadaal dheeraad ahna Allah SWT ku manaystay,Allah cimriga iyo caafimaadka ha idiin kordhiyo.
    Waxad kaalmaha hore kaga jirtaan ragga aan ku faano ,aad iyo aad ayaan idiinku han waynahay,runtiina tusaale fiican oo aan ku daydo ayaad ii tihiin aniga...Guuleysta.

    ReplyDelete
  3. Intaasi waa warka oo kooban. Yusufow waxaan kaa sugna waa warka oo tifaftiran. Fadlan qodobqodob tafasiil uga bixi arrimaha xogta iyo aragtida aad iska weydaarsateen ee geeska Afrika.

    ReplyDelete
  4. somalilnd inaad ku so caan baxdo ayaad rabta ha nola imaan sxb xamar may ku qadi way day

    ReplyDelete
  5. Aad baan ubogaadinayaa kulankan.

    ReplyDelete
  6. KKK, walaal Yuusuf aragtideyda gaarka ah: "warkaagu waxuu xambaarsan yahay oo iska cad (adigoo weliba xirfaddaadii wariye-nimo uga faa'ideynaya saaxibkaa) inaad xayeysiin u sameyneyso Dr. Maxamed Cabdillaahi guud ahaan hammigiisa siyaasadeed ee maamulka SL balse la arkee nasiibkiisu waxuu u saamaxo".

    ReplyDelete
  7. Yusuf waxaad ogaadaa in barashada aad is barataan qof. Aay ka saameen badantahay qofka aad isku Class aheedeen yaraantiina.
    Waxaa kulankan ka dhadhan saday. In aad iska wareeysateen dhamaan wax yaabaha kusoo fool leh Dalka iyo Marxaladaha hada taagan sidii looga foojignaan lahaa. Iyo iskaashiga lays weedeersan karo nooca uu yahay.

    Waa fikirkayga .

    ReplyDelete