Total Pageviews

Saturday 11 April 2015

"Maxaan Keligeey Hammiyay" Cabdi Muxumed Amiin


Abwaan Cabdi Muxumed Amiin AUN wuxuu ahaa mu’allif iyo mufakir aragti dheer. Wuxuu ahaa halgamaa bulsho iyo mid siyaasadeed labadba. Isaga oo jabhadeynaya oo jooga Ethiopia ayaa goor habeen ah gaadmo lagu weeraray isaga iyo laba saaxiib oo ay wada socdeen. Bartii ayaa lagu dilay Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud. Allah ha u wada naxariisto. 

Xabbaduhu Cabdi wey dhaawaceen wuuse ka badbaaday. Dabadeed Yemen ayuu u qaxay. Magaalada Cadan wuxuu ku tiriyay hees ay ka muuqdaan murugo iyo ciil fara badan. Laakiin wadata rajo iyo guul uu hubo oo uu higsanayo. Sheekada Cabdi Muxumed waxaan ka dhegeystay wareysi saacad ah oo uu weriye Yusuf Xasan uga qaaday abwaanka magaalada Djibouti oo uu markaa joogay. Wareysiga hadda ka hor ayay sii deysay BBC.

Maxaan hog abeeso galay
Maxaan halaqyo ugu tegey
Maxay miciyo i heleen
Maxaan waabaay hirqaday
Oo Maxaan geerida ka harayee
Hobeeya hobeey hobeeyaa 
Hobeeya hobeey Hobeeya

Maxaan keligeey hammiyay
Kuwii hiil iigu xigay
Hareertay maxaan ka dayay
Muxuu igu dumay habeen
Oo Maxay ilmo hibiq i tidhiyee
Hobeeya hobeey hobeeyaa 
Hobeeya hobeey Hobeeya

Maxay talo iga hab tidhi
Maxaan hiil mooday Jiin
Oon sidii caanaha hirqaday
Habsaamay oon hadalka gabay
Oon u hoyday meel aanan hubinee
Hobeeya hobeey hobeeyaa 
Hobeeya hobeey Hobeeya

Badweynta maxaan hirqaday
Maxaan gacan haadis galay
Maxaan xumbo halabso idhi
Intaan naftu iga haf odhan
Kalluunle ayaa i helayee 
Hobeeya hobeey hobeeyaa 
Hobeeya hobeey Hobeeya

Hobeey Caashaq huursanow wah
Hobeey Hurdan taaganow wah
Hobeey Ubax ii hireey wah
Hobeey Guul aan hubooy wah
Hobeeya hobeey hobeeyaa 
Hobeeya hobeey Hobeeya.

18 comments:

  1. Fadlan halkan hoose ku qor ra'yigaaga.

    ReplyDelete
  2. waa nin garasho dheer ereyadiisa waxay la aheyd inay dad badan ku waano qaadan doonaan oo dad uu isku hubo oo is aruurinaaya cadowgana ka gaashaamanaaya inay ka danbeyaan buu mooday lkn sidaas ma noqon ilahey sharafkeena hanoo soo celiyo
    yusuf garaad mahadsanid la wadaagidaada

    ReplyDelete
  3. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  4. Allaha unaxariisto wax badan abwaanku wuu nooga digay balse kuma Aynaan Waana qaadan

    ReplyDelete
  5. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  6. Allaha u naxariisto wuxuu ahaa abwaan qaali ah

    ReplyDelete
  7. Yuusufaw sxb Ra,yiga ha la qoro ayaad tiri waxaana meesha ka muuqata inaad wax masaxayso..marka sxb dulqaad muuji ileen adaa ilaaq dalbaday

    ReplyDelete
    Replies
    1. Anigu waxaan masaxaa wixii qadaf ku ah shakhsi ama ka badan. Laakiin cid aan halkan ka masaxay ma jirto.

      Delete
  8. cajiib waaye ereyadaan waxeey kasoo baxeen qalbi waxu arkay toos uga turjumaaya

    ReplyDelete
  9. cajiib waaye ereyadaan waxeey kasoo baxeen qalbi waxu arkay toos uga turjumaaya

    ReplyDelete
  10. Yuusuf Tixda Abwaanka All UN Macnaheedu Ma G/dh Mise .........?

    ReplyDelete
  11. Masha allah waa halgamaa soomaaliyeed

    ReplyDelete
  12. waa nasiib darro in maanta aan taganahay halkii uu Abwaanku nooga digay, Ninka sheeganaya soomaali nimo ee hiil kadhiganaya xabashi walaal waxaan dareemayaa dadku waa daneeyste e mahan wadani ... haddaan si kale udhigo dadka looma shaqeyo ee waa laga shaqeeystaa sidaana mahan waxaan dowlad iyo madax kasugeynay .... soomaaliya hanoolaato

    ReplyDelete
  13. Waxaan jeclaan lahaay in dugsiyada lagu dhigo suugaanta qiimaha leh ee uu inooga tagay AUN Abwaan Cabdi M. Amiin. Waxaa jiro buug lagu keydiyey dhammaan heesahiisa, gabayadiisa IWM. Walaalayaal kama daali doontaane, dib u milicsada goor walba, ubadkiinana bara. Bar ama Baro - Hal ku dhig macaan oo qaali ku ahaa AUN Abwaan Cabdi M. Amiin

    ReplyDelete
  14. Waxaan jeclaan lahaay in dugsiyada lagu dhigo suugaanta qiimaha leh ee uu inooga tagay AUN Abwaan Cabdi M. Amiin. Waxaa jiro buug lagu keydiyey dhammaan heesahiisa, gabayadiisa IWM. Walaalayaal kama daali doontaane, dib u milicsada goor walba, ubadkiinana bara. Bar ama Baro - Hal ku dhig macaan oo qaali ku ahaa AUN Abwaan Cabdi M. Amiin

    ReplyDelete
  15. Yusuf mahadsanid, waxaad naxusuusisay Abwaan qaali ku ahaa Ummadda Soomaaliyeed iyo murtidiisii oo aan hubo inaad wax badan ka xusuusataan Allaha u naxariisto Cabdi Muxumed Amin.
    Minii layaabo yaasiinka

    ReplyDelete
  16. Abwaanka taariikhda ayaa xusi doonta.

    ReplyDelete
  17. Salaan ka dib, Abwaan Cabdi Muxumid Amiin buug uu qoray oo la yoraahdo "DIIWAANKA HILIN HAYAAN" ayaan u baahnaa. Fadlan ma ii sheegi kartaa xaggeen ka heli karaa buuggaas? Aad ayaan u mahadsantahay.

    ReplyDelete