Total Pageviews

Sunday 26 April 2015

Qaade iyo Qariye


Shakhsiyaad iyo waxaa jira hey’ado lacagta shisheeyaha ka timaadda ee siyaasadda lagu gato la soo mariyo. Sidoo kale waxaa jira shakhsiyaad iyo hey’ado lagu qarsado ama la sii mariyo lacagaha iyo hantida kale ee Qaranka laga xadayo. Kuwo waxaa jira labada khidmo ee lacag soo gelinta iyo hanti u raadgadidda labadaba fuliya.

Danta ugu jirtaa waa dallaalnimo iyo gacan qarsoon oo ay maamulka wax ku yeeshaan.

Qof kasta oo nabadeynta iyo horumarka Soomaaliya daneynaya waxaa la gudboon in uu u dhug yeesho kuwa shaqada ka dhigtay howshaas gurracan ee lidka ku ah nabadgelyada iyo horumarka dalkeenna. Rag waxaa jira howlahaas ku jiray tan iyo sannadkii 2000 iyo qaar hadda suuqaas ku cusub.

Yaanan ka tegin in ay jiraan qaaqleyaal siyaasadda qaaqama oo ayaga oo faramaran lagu howlgeliyo qabiil, diin ama ballanqaad inta badan been ah. Kuwan dambe, ma ogi in ay ulakac ka tahay in ay noqdaan tuug kalkaal. Waa dad ma fiirsadayaal ah oo aanan hubin in ay fahmi karaan falalkooda waxa ka dhalan kara.

Waxaa mudan shakhsiyaadka ay khuseyso in ay si fiican uga fekeraan la xisaabtanka maalin uun ku imaan kara. Dunidu maanta keliya ma aha iyo xataa berri. Niman siddeetan jir ah ayaa Maxkamad lagu soo taagaa dembiyo ay galeen iyaga oo aad u dhallinyar. Haddii aad taas oo kale ka badbaaddana xusuusnow - xisaabta aakhiro salaadda oo keliya kuma koobna.

19 comments:

  1. Maxaa kaaga baxay marka aad akhrisay? Fadlan isla boggan ku reeb aragtidaada. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mudanae yuusuf wanku salamayaa. Waxaad sheegatay waa dhab aan qarsoonayn manta somalia madaxdeedu mayaqanan wajibadkooda wadaniyadooda waxa uu kursiga u ahayo ujeed kooda koobaad waa lacagtat soo sawirtay iyo si loo shegshergo walaahy hebel lacagbuu ka helay kursigii iyo ninkaasi waa nin qabiilkeena matelikara oo kabadiyey kuwii reer hebel. Hada ogowoo wa tuug qaran xatooyadan if iyo aakhiro waxaa ugu xun tan bulshada... Ilaahay waan kabaryeynaa inuu ina siiyo madax taqaana waxa ay madaxda utahay daacadna ah

      Delete
  2. mahadsanid yusuf waxaa hubaal ah hadii qawleysatadaa xal loo helo in dadlka oo dhan xalkiisu soodeg degaayo

    ReplyDelete
  3. Mahadsanid Yuusuf. Waxaad isoo xasuusisay ragaan qaaqlayaasha aad u bixisay oo waagi hore u qaabilsanaan jiray xaga abaabulka iyo kicinta siyaasiga weyn ee beeshiisa. Intaas waa ordaayaan, waa qeylinaayaan, reerahooda uma hergalaan, mararka qaar uma hoydaan, waxey gadayaan siyaasada qiyaanada ku dhisan ee duqa hadana mushaar kuma qaato. Wuxuu isticmaalayaa waqtigiisa oo dhan, gaari haduu leeyahay shidaalka isagaa ku shubanayo inta badan xilligaan ogaa guryaha siyaasiyiinta geed fadhiga ah qado lagama karin jirin, qaaqlahaan jeebkiisuu maalin la arko ka qadeeyaa. Waxba yaan ku dheeraaninee intaa sheegtoo dhan anaa kaaga marag kacaayo

    ReplyDelete
  4. Mahadsanid Yuusuf. Waxaad isoo xasuusisay ragaan qaaqlayaasha aad u bixisay oo waagi hore u qaabilsanaan jiray xaga abaabulka iyo kicinta siyaasiga weyn ee beeshiisa. Intaas waa ordaayaan, waa qeylinaayaan, reerahooda uma hergalaan, mararka qaar uma hoydaan, waxey gadayaan siyaasada qiyaanada ku dhisan ee duqa hadana mushaar kuma qaato. Wuxuu isticmaalayaa waqtigiisa oo dhan, gaari haduu leeyahay shidaalka isagaa ku shubanayo inta badan xilligaan ogaa guryaha siyaasiyiinta geed fadhiga ah qado lagama karin jirin, qaaqlahaan jeebkiisuu maalin la arko ka qadeeyaa. Waxba yaan ku dheeraaninee intaa sheegtoo dhan anaa kaaga marag kacaayo

    ReplyDelete
  5. Waxaa iga baxay in koox tuuga ah aad ku aragtay villa somalia balse adiga laftigaaga nasiib daro aad albaabka ka fadhiso so aad ugu mid noqon laheyd kooxdaas

    ReplyDelete
  6. Waxa iga baxay in dad badan oo howahaas ku shaqaysta talada gacantooda ku jirto kuna jiridoonto intii mudo ah madama aysan muuqan u jajabnan iyo bisayl loo qabo in dadkaas lala xisaabtamo.
    Lkn waxan tala kugu siin lahaa maadaama ay ku dhibayso dhaqamada dadka noocas ah aadna jeclaan lahayd maalin uun in lala xisaabtamo, in aad diiwan galiso dadkaas iyo cadaymaha howlaha ay ku jiran lana sugatid maalinta cadaaladu sara marto.
    Waa hubaal xaalku wuu isbadali insha allah

    ReplyDelete
  7. waa wax jira oo aan usoo joognay aduunkaana cidaan wax isdaba marinayn cidina dooni mayso. bal arag haddaba waatan decades xabsi ah lagu xukumaayo dad si xor ah shacabkoodu usoo dooratay wax kala maahan waxaa laga urinayaa inay daacad yihiin. dhanka Somalia dadkaan aad ujeedo o raba inay dalkaan wax kanoqdaan sida badan waxaa laga maamulaa behind the scene. haddusan sidaas yeelin waxba uma hagaagayaan. marki layiraahdo shacab wax hadoorto haddi mid dadka, dalka iyo diinta wax u qabanaya o daacad u gulleysto danbiyo sal iyo raad toona lahayn ayaa lagu soo oggo xabsi sanada badan ah ayaana udanbayn doona. cdina dooni mayso cidaan dhiigyacab ahayn.
    mahadsanid Yusuf Garaad

    ReplyDelete
  8. Waxa ka daran Yusuf, Kismayo waxa ka jira, waxa ay dowladaha dariskeena ahi ka sameeyeen sida Kenya iyo Itoobiya, waana arin uur ku taallo ku reebi doonta Shacab badan oo Soomaaliyeed, waxa ka jira kuwa aad sheegtay oo dalaaliinta ahi, kuwa kale oo ka daran dalaal kabiira ah, waana meesha ugu daran dalka oo ay hada ka soo ifbaxayaan, taariikh mugdi ah iyo uur ku taalo. Mahadsanid

    ReplyDelete
  9. Yusuf waxaa iigaga baxay maqaalkan xaqiiqda dhabta ah inaad ka hadashay ugana digtay kuwa saaxada siyaasadeed saaran iyo kuwa hamiga ugu jiro.
    Lkn waxaa muhiim ah in la helo khabiir siyaasadeed oo dhalinyarada horkaco. Si xumaanta qarsoon u tusi karo. Wanaagana la garab gali karo. Kaasoo ah mid kalsooni buuxda isku qabo nafsad ahaantiisa

    ReplyDelete
  10. Yuusuf waan kaaga mahadnaqaya xogahaan muhiimka ah oo aad nala wadaagto xilli aan baahi weyn u qabno cid wax madax banaan soo werisa si danta bulshadeena ku jirta, waxa kaloo yuusuf nalagu hayaa dhibaatooyin jiritaankeena qaranimo halis ku ah, waxay cadaawaha ka caawiyaan inaanan abid noqon dal nabad ah oo mideysan, nimankaas waxa loo yaqaanaa madaxda soomaalida lakin sidaad sheegtayba dhinac walba waa ka liitaan, kuwaas kow anigu waa soo habaari in eebe naga hor wareejiyo si aan u jirno

    ReplyDelete
  11. Wacdi iyo waano fiican ayaa soo jeedisay. Umadii ka faa'idi lahayd allaha naga dhigo. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  12. Yusuf garaad aad baan kuu salaamay walaalkay qaali
    Qoraalkaaga wuxuu isoo xusuusiyay heesti ahey maba doonayaaney ineynu dowlad ahaano oo ku dhowaad 50 sano nalooga digay kuwa dhiigeena uciil qaba ee midabka iyo magaca soomaalinimada nala wadaaga
    cimri dheer iyo cibaado suuban yusuf garaad runtaan kugu ogahay waligaa

    ReplyDelete
  13. Yuusuf dulaaliinta aad sheegtay ee lacagta gudaha iyo dibadaa waa sax waa jirtay arrintaas 23 sano oo lasoo dhaafay, wax cusub maaha, laakiin waxaad ka tagtay dulaaliinta siyaasada oo isugu jira dowlado iyo daneystayaal madax banaan.

    ReplyDelete
  14. Waa Dulaal Iyo Mulaal Ama Qaate Iyo Qarshe Ama Tuug Iyo Tuug Kalkaal...

    mar hadaan waxba la xeerinayn aduun iyo aakhiraba waxaa ila quman in hantida waxana qaataan waxna amniga ku sugaan si ay uhelaan amni ay ku cunaan lacagta faraha badan inana aan ugula daarano nabadgalyadaasi taasi xal maahan lkn sidaanbey dhaantaa

    MaHadsanid Yusuf Garaad

    ReplyDelete
  15. Waa Dulaal Iyo Mulaal Ama Qaate Iyo Qarshe Ama Tuug Iyo Tuug Kalkaal...

    mar hadaan waxba la xeerinayn aduun iyo aakhiraba waxaa ila quman in hantida waxana qaataan waxna amniga ku sugaan si ay uhelaan amni ay ku cunaan lacagta faraha badan inana aan ugula daarano nabadgalyadaasi taasi xal maahan lkn sidaanbey dhaantaa

    MaHadsanid Yusuf Garaad

    ReplyDelete
  16. Waaa xaqiiq Jirta, balse Yusuf waxay kasii wacnaan lahayd adoo mid iyo laba noo magac dhawa intaad indhaha isku qabato! TUUG iyo TUUG-QARIYE labadaba aakhiro war baa sugin.

    ReplyDelete
  17. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  18. Waa dhab, Waxa u badantahay inta aan aakhiro laxisaabin in aduunyada lagu xisaabin doono, hadii aan maxkamado lagu xisaabin Allaah ayaa dunida inta ay joogaan ku sallidi doona imtixaanaad ay ku dhibaatoodaan

    ReplyDelete