Total Pageviews

Monday, 29 July 2013

Siyaasadda Dibadda ee Somaliland


 Ciidan Caabboon
Inqaasta Yusuf-Garaad

Marka la barbardhigo Soomaaliya inteeda kale, Somaliland waxay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo la taaban karo. Waxaana aniga iigula muhiimsan horumarka ay ka gaartay xagga amniga iyo hirgelinta nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka u suurtageliyay muwaaddin kasta uu saameyn yeesho, waa Dimuqraaddiyadda.

Inkasta oo ay jirto dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan da’yarta haysata, haddana waxaad moodda in Somaliland arrinta ugu muhiimsan ee ay raadineyso in ay tahay aqoonsi caalami ah. Geed dheer iyo mid gaabanba wey u fuushay.

Taas ayaa ugu wacan in Afartii Madaxweyne ee Somaliland soo martay ay magacaabaan isugeyn 13 Wasiir oo Arrimaha Dibdda midba mar loo xil saaray. Waxa ugu weyn ee loo diray waxay ahayd, kac oo aqoonsi raadi.

Somaliland doodo fara badan ayay caalamka soo hor dhigtay. Waxaa ka mid ah in Somaliland ay xorriyad iskeed u qaadatay 26 June 1960. Isla markaana ay iyada oo ah dal xor ah ay iskeed ugu biirtay Soomaaliya. Markii midnimadaasi ay anfaci weydayna ay iskeed ula soo noqotay madaxbannaanideedii. Waxay cuskatay Xeerkii Ururka Midnimada Afrika oo u xuubsiibtay Midowga Afrika ee ahaa in soohdimaha Afrika loo daayo sidii Gumeysigu uga tagey.

Somaliland ka dib markii ay ku guuleysatay in ay gacanta ku dhigto Sool oo markii hore ay Puntland ka talin jirtay, waxay doodda ku soo dartay in ay soohdimaheeda oo dhan gacanta ay ku heyso.

Doodaha Soomaaliland waxaa ka mid ahaa in la xasuuqay dadka Somaliland oo Qarankii Soomaaliya uu u adeegsaday ciidankii dowladda oo wata madaafiicda goobta, dabbaabado iyo dayaarado, welibana adeegsanaya calooshood-u-dirir ajnebi ah iyo qaxooti ka yimid Ethiopia. Waa dagaal aan aniga lafteydu 1989 iyo 1990 aan indhaheyga ku arkay qaar ka mid ah xad gudubyadii dadka rayidka ah loogu geystay Hargeysa, Berbera, Burco, Beer iyo weliba Borame iyo baadiyaheeda ilaa tuulooyin Awdal ka tirsan oo ay ka mid yihiin Qolujeed, Xaliimaale, Boon, Weeraar iyo Beysaarre.

Xataa waxaa jirtay dood uu mas’uul Somaliland ahi hadda ka hor yiri wax aan diinta ahayn ee Somali nagala dhexeeyaa ma jiraan. Inahaas oo dhan wey ku qancin waayeen caalamku in uu Somaliland u aqoonsado dal Madax bannaan.

Somaliland waxay Madaxweyne u dooratay Silaanyo, oo intaan kula soo ekaaday siyaasadda Soomaaliya, mar uu Wasiir ahaa, mar uu Jabhaddii SNM Hoggaaminayay, mar uu Wasiir ka ahaa Somaliland iyo mar uu hoggaamiye mucaarad noqday. Markii uu xilka qabtay Madaxweyne Silaanyo oo aan siyaasadda ka caajisin, waxaad mooddaa Siyaasaddiisa Arrimaha Dibadda oo uu garwadeen ka ahaa Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, in ay qaadatay dariiq ka duwan kuwii ka horreeyay.

Wasiirradii hore waxay qaar isku dayeen in Somaliya ay is diidsiiyaan oo sidii wax aan jirin ama aan waxba ka khuseyn ay u dhaqmaan. Qaarkood waxay isku dayeen in taariikhdu sida ay tahay aan looga warramin.

Haddaad fiiriso Afrika, Ethiopia waxaa ka go’day Eritrea. Labada ayaa isaga raalli ahaa. Sudan ayaa iyadana laga jaray South Sudan. Waxay ku timid wadahadal iyo heshiis labada dhinac ku dhex maray Naivasha, Kenya.

Markaa Dowladda Silaanyo, iyada oo aan joojin dariiqii dowladihii ka horreeyay ee Somaliland ay iskeed caalaamka aqoonsiga uga raadsanaysay ayay haddana waxay ku soo kordhisay dariiq cusub. Iyada oo aan ka tanaasulin Madaxbannaanideeda ayay furtay wadahadal fool-ka-fool ah oo ay la yeelato Somalia. Waa wax aan Somaliland marna hore suurta gal uga ahayn.

Waxay ku dhiirratay in ay ka qeyb gaho shirar siyaasad, ammaan iyo maalgelinba leh oo Soomaaliya loo qabtay, taas oo sida caalamku u arko ay Somaliland ka mid tahay. Waxaan goob joog ka ahaa Shirarkaas qaarkood ka dhacay Yurub iyo Afrika. Waxaan dhihi karaa, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar wuxuu shiiqiyay mas’uuliyiintii matalayay Dowladda Soomaaliya. Taas ulama jeedo isbarbardhigga laba Wasiir oo keliya.

Wasiirka Somaliland waxaa ka muuqday diyaar garow wanaagsan. In uu yaqaan waxa uu shirka ka rabo iyo danta uu ka leeyahay in uu ka gaaro. Waxaa kale oo hadalka u qurxiyay in uu hayo horumar la taaban karo oo uu soo bandhigo. 

Waxaa kale oo uu ku helayay garowshiyo , dhiirrada ah in uu goobta yimid inkasta oo qaar badan oo dadka uu metalo ka mid ahi aanay raali ka ahayn in shir Soomaaliya ku saabsan laga qeyb galo. Waxaa loo arkayay in Somaliland ay wax muuqda qabsatay ayadoo taageerada ay deeq bixiyayaashu siiyaan Somaliland ay tahay mid ka yar tan lagu kharash gareeyo Soomaaliya. Inahaas oo dhan waxaa uu ku helayay sacab ama garowshiyo ka xoog badan kan ergadii Soomaalidu ay helayeen.

Wasiirka Soomaaliya u hadlayay, saa wuu ka duwanaa. Goobaha qaarna waxaa Wasiirka Soomaaliya ka muuqatay kalsooni darro oo waxaaba ka garab hadlayay, Maamul goboleedyo, mararka qaar hadalkoodu is khilaafayo.

Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar hadda waa laga wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana loo magacaabay Maxamed Biixi Yonis, oo ah nin leh khibrad gaammurtay oo ah xagga maamulka hawlaha Qaramada Midoobay. Wuxuu ahaa ninka labaad ee Madaxda ka ah hawlgalka ballaaran ee Qaramada Midoobay ay ka waddao Darfur, Sudan. Wuxuu afkiisa ka sheegay in uu maamulyay miisaaniyad dhan $1.8b. Qof barteyda Facebook uga fallooday oo afka Sportiga adeegsaday wuxuu Biixi ku tilmaamay cayaaryahan halis ah oo ay Somaliland soo gatay.

Waxaa isaguna cududda Somaliland ku biiray Axmed Ismaaciil Samatar, oo aqoon iyo khibrad maamul isku darsaday. Waa Bare Sare oo Jaamacdeed iyo Hormuud, cimrigiisa inta bandan ku qaatay waxbaridda dhallinyaro Mareykan ah. Jaamacado kale oo badanna casharro ka jeediya. Buugaag badanna qoray. Waxaa uu ku takhasusay Xiriirka Caalamiga ah. Axmed waa hadal yaqaan aan waxba hambeyn marka uu Soomaali ku hadlayo iyo marka uu Ingiriis ku hadlayo labadaba.

Axmed markii aan ku wada hungownay doorashadii Muqdisho ee kal hore ee lagu doortay Madaxweyne, Xasan Shiikh, iyo weliba dhismihii dowladda, ayuu goostay in uu tago degaanka Gebiley oo uu ku dhashay. Soo dhoweyn, uu isaguba qirtay in aanuu fileyn, ayuu kala kulmay Somaliland inteeda badan oo uu cagta mariyay. Wuxuu qiray in uu hadda ka dib ka shaqeyn doono suuqgeynta Jamhuriyadda Soomaaliland.

Isbeddelkan Wasaaradda Dibadda lagu sameeyay ma cadda in micnihiisu yahay in Madaxweyne Silaanyo iyo kooxdiisa khusuusiga ahi ay u dan leeyihiin in ay wax ka beedelaan siyaasaddii dibadda.

Waxaan ogaan doonnaa 100 maalmood gudahood, taas oo ah muddada ka harsan, madasha ah in 120 maalmood gudahood ay labada dhinac isku arkaan.

Laakiin waxaan muran ka joogin arrinta aqoonsiga Somaliland sida ay muhiimadda koowaad ugu tahay  Hargeysa in xaalku ka duwan yahay Muqdisho.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inkasta oo Somaliland aanay illowsaneyn oo weliba ay dhowr jeer la fariisatay, haddana aqoonsiga ama aqoonsi la’aanta Somaliland ma ahan sida Hargeysa ay ugu tahay mudnaanta koowaad.

Dhismaha dowladda ayaa inyar nooga ifinaya taas. Dadka Soomaaliyeed ee reer Somaliland ee sheegay in ay midnimo doon yihiin, hal Wasiir oo keliya ayaa ku jira Golaha Wasiirrada - Fowsiyo Yusuf Xaaji Aden, WasiirKa Dibadda iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeen.

Waxyaabaha Dowladda hor yaallana waxaa ka mid ah sidii loo sugi lahaa ammaanka caasimadda oo marxalad xun maraya, xallinta dagaallada Shabeellada Hoose iyo Kismaayo, isu diyaarinta iyo ka qeyb galka shirka Brussels, ku dhaqaaqidda isbeddelka dhismaha xukuumadda ee saameeyay niyadda Wasiirrada qaar ka warhelay in la beddelayo laakiin weli sii jooga xafiiska, in Puntland la iska afgarto dastuurka, mushaar u helidda hey’adaha dowladda oo ay kuwa amnigu ugu horreeyaan, dhismaha hey’adaha dowladda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo diyaarinta wixii la fali lahaa marka xilliga baarlamaanku dhammaado - maaddaama aan jawi doorasho hadda soo muuqan.

Dowladda Xasan Shiikh iyo Saacid Shirdoon uma gaar aha, xataa xilligii KMG-ka dowlad kasta oo Muqdisho ka dhalata waxaa dhaqaaq u diiday arrimo soo dabra hanka iyo himilada hoggaamiyayaasheeda, kuwaasoo qaar badan ay u sabab yihiin Soomaali kale.

Ugu dambeyntii waxaan shaki ku jirin in culeyska horyaalla dowladda Soomaaliya iyo miisaanka u sii kordhaya Hargeysa, oo lagu daray oonka caalamku u qabo in shidaal laga soo saaro dalkeennu ay tahay mid rajo ku abuuri karta taageerayaasha Somaliland.

Waxaa la gudboon Dowladda Soomaaliya in haddii ay wadahadalladu sii socdaan in ay tayada u sii kordhiso ergada la xaajooneysa Somaliland. Ergadaas waxaad hadda mooddaa in lagu soo xulay nidaamka Baarlamaanka lagu soo xulay mid la mid ah.

Friday, 19 July 2013

Ma tahay weriye?


Khibrad ma wadaagnaa?
Inqaasta Yusuf-Garaad
 

Waxaan jecleystay in aa weriyayaasha Soomaalida la wadaago wixii aan khibrad iyo waayo aragnimo u leeyahay saxaafadda. Aniga oo arrintaas ku faahfaahin doona qeybta dambe ee qormadan, waxaan marka hore kula wadaagayaa khibradda aan anigu leeyahay. Si ay kuugu iftiimiso dhinacyada aan kala  faa'iideysan karno.

Waxaan muddo dheer ka soo shaqeeyay saxaafadda. Waxaan ka billaabay Wargeyska Xiddigta Oktoobar oo ay soo saari jirtay Wasaaradda Warfaafinta ee Jamhuriyadda Dimuqraaddiga Soomaaliya. Aniga oo arday ah ayaan billaabay in bogga saddexaad ee Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta aan ku soo daabaco qormooyin kala duwan oo inta badan ku saabsan dhallinyarada.

Inyar ka dib waxaan ka mid noqday qorayaasha mushaar ku shaqeeya oo bil walba lagula xisaabtamayo tirada qormooyinka ay daabaceen.

Waxaan ku garab waday Raadiyo Muqdisho oo aan ka tirsanaa Xafiiska Wararka. Isla markaana aan diyaarin jiray barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wargeysyada Caalamka, Kororso Aqoontaada, Dalmar oo lagula hadli jiray qurba joogta iyo Bandhigga Raadyaha.

Markii Qaranku burburay 1991, waxaan noqday Weriyaha BBC ee Roma aniga oo mararka qaarna wararka ka soo tebin jiray Geneva iyo dalka Faransiiska.

Waxaan soo saare ka noqday Laanta Soomaaliga ee BBC World Service xarunteeda London 1992. Waxaan halkaa ka shaqeynayay ilaa bishii August ee 2012. Muddadaas waxaan BBC World Service ka qabtay hawlo kala duwan oo ay ka mid tahay Soo saaare Focus on Africa, Soo saare sare Laanta Soomaaliga, Tifatiraha Wararka Afrika iyo Bariga Dhexe, Madaxa Laamaha Afrika muddo 6 bilood ah iyo 13 sano oo aan ahaa Madaxa Laanata Soomaaliga.

Waxaa kale oo aan muddo sannad ku dhowaad ah, Tababbare Sare ka ahaa Waaxda Tababbarrada ee BBC World Service, oo ka dib noqotay BBC College of Journalism.

Waxaan taladiisa lahaa, wejigii koowaadna fuliyay, tababbarkii ugu horreeyay ee abid ay BBC siiso weriyayaasha Soomaalida oo 1998 aan ku bixinnay aniga iyo laba weriye oo British ah Hargeysa iyo Marka. Waxaa ka qeyb galay weriyayaal ka socda dhammaan wixii Media dalka ka jiray berigaas. Mashruucaas oo ay maalgelineysay Beesha Yurub wuxuu socday dhowr sano waxaana macallimiin ka noqday weriyayaal badan oo khibrado kala duwan leh oo BBC iyo qaar kaleba isugu jira. 

Waxaan tababbarro weriyennimo ka bixiyay Marka, Muqdisho, Hargeysa, Nairobi, Accra caasimadda  Ghana iyo dabcan London.

Waxaan hadda damacsan ahay in mar kasta oo aan wakhti u hayo aan si mutaddawacnimo ah khibraddeyda ula wadaago suxufiyiinta Soomaalida ee heli kara internet. Ha joogeen Shanta gobol ee Soomaalida ee Geeska Afrika ama meelo kale. Waxaan si gooniya u daneynayaa dhallinyarada  dhowaan ku soo biiray saxaafadda iyo kuwo aan fursado u helin tababbarrada.

Waxaan bixin doonaa tababbar isugu jira casharro aan soo diyaariyay oo aan soo gudbin doono iyo in aan ka soo jawaabo hadba su’aalaha ay i soo weydiiyaan weriyayaashu. Xataa haddii ay noqon lahayd arrin markaa taagan oo aad dooneysid in aan talo kaa siiyo sidii aad go’aan u qaadan lahayd, inkasta oo aanan go'aan anigu kuu gaari doonin.  Dabcan waxay mar walba ku xirnaan doontaa firaaqadeydu sida ay markaa tahay.

Wixii aan anigu talo u baahdo waxaan la kaashan doonaa weriyayaal kale oo khibrad badan oo Soomaali iyo ajnebiba leh oo aan xiriir leennahay. Sidoo kale waxaan jecel ahay in bartaasi ay noqoto meel ay weriyayaashu dhexdooda isku wedyaarsadaan aragti iyo waayaragnimo oo aanay keligeey igu koobnaan.

Haddaba, waxaan jeclaan lahaa in aan ka billaabo in aan ogaado ra’yiga weriyayaasha. Ma jirtaa baahi aan Online kaaga caawin karo? Hadday jawaabtu haa tahay - maxay tahay baahidaasi? Maxay yihiin dhinacyada aad jeclaan lahaayd in aan culeyska saaro?

Fadlan jawaabaha ku qor isla qeybta hoose ee bloggan. Weliba haddii saaxiibbo hortaa jawaab bixiyay aad ku raacsan tahay jawaabtooda ama aad si weyn uga ra'yi duwan tahay fadlan soo raaci aragtidaada. Mahadsanid.

Wednesday, 17 July 2013

Shiikh Xasan Daahir waa kuma?


Shiikh Xasan Daahir: Wadaad Waranle ah
Inqaasta Yusuf-Garaad

Waxaa uu ku xiran yahay Xarunta Dhexe Nabad Sugidda ee Muqdisho. Ma ahan markii ugu horreysay ee uu xabsi galo. Hadda ka hor Dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa xabsiga dhigtay. Maxkamadda Badbaadada ayaa isaga iyo rag kale waxay ku xukuntay dil toogasho ah. Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa markii dambe cafiyay.

Xasan Daahir Aweys, sannadkii 1935 ayuu u dhashay dhalay Macallin Dugsi Quraan. Reer Galguduud waxay ii sheegeen, Macallin Daahir dugsiyadiisii Galguduud in ay ku Qura’aan barteen oo ay ka aflaxeen arday fara badan oo markii dambe qaarkood ay dalka xilal kala duwan ka qabteen.

Shakhsi ahaan waxaa lagu tilmaamaa nin aan isla weyni qabin, lacag sameyn, una nool sida bulshada dan yarta ah.

Hadda waa nin oday ah oo dalka Soomaaliya si weyn looga yaqaan. Taariikhdiisa oo aad u dheer waa mid aan is qabaneyn oo isugu jirta waddaniyad aad u sarreysa iyo khilaaf iyo dagaal dhiig badani ku daatay.

Waa nin aan naftiisa dagaal uga turin. Isaga oo sarkaal ah ayuu Billad Geesi ku qaatay dagaalkii Soomaaliya iyo Ethiopia 1977.

Intii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya 1991, isaga oo marba magac huwan wuxuu ka qeyb galay si toos ah, si abaabul ah ama si taageera ah dagaal kasta oo magaca diinta wax lagu weeraray ama la isku difaacay. Ka soo billowo dagaalkii al Itixaad ee Araare 1991, kii Itixaad ee Gobolladii berigaas loo yiqiin Woqooyi Bari oo hadda ah Puntland 1992, mar kale Itixaad Gobolka Gedo bartamihii 1990-aadkii, dagaalkii Maxkamadaha ee 2006, kii Muqaawamada ee daba socday, kii Xisbul Islaam iyo kan hadda ee Shabaab.

Inkasta oo Xasan Daahir dadka yaqaannaa ay ku tilmaamaan nin sheekoole ah, furfuran, qosol badan, caddaaladda jecel haddana marka aad taariikhdiisa deristo waxaa lagu tilmaami karaa nin aan naftiisa u rooneyn oo Naftii-hallig ah.

Wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii 1977. Waxaa lagu xukumay dil toogasho ah. Wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii Gedo. Wuxuu ka badbaaday saddex jeer oo la isku dayay in la dilo - Balli Doogle oo gaarigiisu soo istaagay meel isbaaro ah ayaa baas lagu furay laguna dhaawacay, Isbitaalka Wanla Weyn ayaa lagu weeraray isagoo dhaawac ah, Muqdisho isaga oo Salaad subax u soo kallahay oo Masjidka u socda ayaa jidka loo galay oo rasaas lagu furay laguna dhaawacay.

Xasan wuxuu ka tirsanaa Maxkamadaha Shareecada oo uu Guddoomiye u ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo markii dambe loo doortay madaxweyne. Xubno badan oo ka tirsanaa maxkamadaha iyo Isbahasigii dib u xoreynta, inkasta oo dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Geeddi ay ku eedeyn jireen argagixisnimo, haddana ma jiro mid la soo taagay Maxkamad.

Taa cagsigeed waxaa ka soo baxay Madax badan oo noqday, Wasiirro, Guddoomiye Baarlamaan, Madaxweyne Maamul Goboleed, Taliyayaal ciidan, Safiirro iyo Generaallo, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah uu Xasan Daahir madax u ahaa berigii ay ka tirsanaayeen maxkamadaha.

Waxa keliya ee ay ku kala duwan yihiin Xasan Daahir iyo madaxdaas dowladdii hore iyo tan hadda ahba ka tirsan, waa laba arrimood. Iyagu waxay aqbaleen in ay dowladdii markaa jirtay iyo baarlamaankii ay wax la wadaagaan islana shaqeystaan. Midda labaad iyagu al Shabaab kama tirsnayn.

Xasan kuma biirin al Shabaab ee dagaal la wada ogaa oo Xisbigiisii looga adkaaday ayay ku qabteen kuna khasbeen in uu iyaga ku biiro. Intaa wixii ka dambeyay ma cadda Xasan Daahir kaalinta uu ku lahaa Shabaab.

Ma ka mid ahaa ragga tashkiiliya dhallinyarada yar yar ee naftoodii halligay markii ay is qarxiyeen, isla markaana galaaftay nafta shacab badan? Nimkaas dhallinyarada tashkiilinaya oo la ogyahay qaarkood in carruurtoodu ay dhul nabad ah oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba leh ay ku dhaqan yihiin waxna ugu bartaan.

Inkasta oo muddo dheer la hadal hayay in uu Shabaab ka soo goosan doono, hadda uma eka in uu rabitaankiisa uga soo baxay. Waxay u muuqataa in meeshaa raggii kale ee Madaxda Shabaab ahaa qaar la dilay, qaar xabsiga la dhigay, qaarna baxsad yihiin, in ay isaga u suurta gashay in uu ka baxsado Shabaab.

Xasan Daahir wuxuu ka baxsaday magaalada Baraawe isaga oo doon saaran oo ay la socdaan dhowr wiil oo hubeysan. Meel aan ka fogeyn magaalada Muqdisho, waa xeebta Jeziira ayay doontii fariisatay. Ma cadda in shidaalku ka go’ay iyo in cillad kale ay heshay.

Su’aasha jawaabteeda looga baahan yahay Madaxda Dowladdu waxay tahay waayo cidda u gurmatay ee u suurta gelisay in uu safarkiisa sii wato ilaa Hobyo? Maxaa markaa loo qaban waayay?

Su’aal kale waxay tahay, maxay ku wada hadleen Odayadii qabiilka Xasan markii ay la kulmeen Madaxweynaha ka hor intii aanay aadin Cadaado? Yaa kharashkeeda bixiyay dayaaradda khaaska ah ee ay kiriysteen ee dhowr maalmood u fadhiday Cadaado?

Markay Xamar keeneen, maxaa sababay in odayaal aan hubeysneyn la garaaco? Xataa haddii ay isku dayeen in ay is hor taagaan in la xiro Shiikha. Sow farahooda lagama bixin karin iyada oo aan dhaawac la geysan?

Markii Madaxweynuhu la kulmay odayaashii la garaacay, ma jiraa in madaxweynuhu ballan qaad sameeyay?

Ugu dambeyntii maxaa keenay in mas’uuliyiinta dowladda uu midb mar ka hadlo “arrinta Xasan Daahir”, iyada oo aan haddana wax tallaabo ah oo dharciga waafaqsan aan lagu dhaqaaqin?

Su’aalahan aan jawaabahooda la hayn iyo go’aan la’aantu waxay abuurayaan xiisad. Dadka qaar dano kale leh ayaa ka faa’iideysan kara. Waxaa is biirsanaya dad waxyaabo kala duwan u careysan.

Dowladda waxaa looga fadhiyaa in ay go’aan cad ka qaadato waxa Xasan Daahir ay ka yeeleyso, isla markaana ay la socodsiiso bulshada.

Inta go’aanka dowladdu maqan yahay, waxaa looga tala gelayaa in aan dowladdu aqoon waxa ay ka yeeleyso Shiikha gacanteeda ku soo dhacay. Mar kasta oo go’aanku sii daahana waxaa sii kordhaya hadal haynta iyo culeyska arrintu ay leedahay. Waxaa sii kordhi doona cadaadiska iyo ku mashquulinta Xasan Daahir.

Ma ahan dowladdu wixii libin u ahaan lahaa in ay iyadu lug gooyo ka dhigato. Xasan Daahir Aweys waa nin magac weyn, meel weyna uga jira Islaamiyiinta Soomaaliya, gaar ahaan kuwooda cududda maala. Dowlado badan ayuu la soo diriray, wanaagna wuu ka qeyb qaatay oo Muqdisho oo shan meelood oo kala duwan ay dayaaraduhu ka soo degaan isaga iyo Maxkamadihii uu Madaxdooda ka mid ahaa ayaa suurta geliyay in gegida dayaaradaha ee Muqdisho dib loo furo. Taas oo ah midda isaga hadda laga soo dejiyay.

Ninka noocaas ah oo gacanta u soo galay iyada oo aan dadaal badan u gelin, Dowladda waa in uu u noqdaa guul iyada u soo hoyatay.

Hadda waxaa Xasan daahir u doodaya odayaal qabiil oo leh Madaxda Dowladda ayaa nagu ballan furtay. Hadday xaaladdu sidan sii ahaato, waxaad mar dhow arki doontaan Hey’adaha Xuquuqda Aadanaha oo sheegi doona in uu Maxkamad la’aan xiran yahay.

Laba mid ayuu xalku ku imaan karaa. In la sii daayo (masaafuris iyo haddii kaleba) iyo in Maxkamad la soo taago qareenna loo oggolaado. Labada tallaabo middii ay dowladdu ku dhaqaaqeyso waxaa la gudboon in ay si dhakhsa ah ugu tallaabsato.

Monday, 15 July 2013

Soomaaliya, Masar ma aha!


Xaflad Afur ah
Inqaasa Yusuf-Garaad
  
Ganacsata Nairobi ayaa xalay afur u sameeyay Madax, siyaasiyiin iyo dad kale oo isugu jira aqoonyahanno iyo shacab Soomaali iyo Kenyan ka kooban.

Waxay munaasabaddu ahayd wacdi, duco, isbarasho iyo in la isku guubaabiyo in nabadda laga shaqeeyo. Iyo in dowladda Kenya oo caasimaddeeda lagu qabtay munaasabaddana looga mahadceliyo taageerada ay la garab joogto Dowladda Soomaaliya iyo qaxootiga ay dalkeeda ku marti gelisay.

Fikirka shirku ka dhashay waxaan ka marneyn walaac ay qaban qaabiyayaasha qaarkood ay ka qabeen kala qoqobka iyo siyaasadda beeleysan ee beryahaan ay dadka qaar aad u buun buuniyeen. Farriin aan afka laga sheegin waxay ahayd in la muujiyo is dhex gal dad aanay ka dhexeyn wax aan ahayn Soomaalinnimo.

Shirkaas waxaa goob joog ka ahaa saddex Ra’iisal Wasaare oo madax ka soo noqday Soomaaliya, Dr Cali Khaliif Galaydh, Dr. Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Waxaa kaloo joogay Cabdiwahaab Ugaas, Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi, Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow iyo Shiikh Maxamed Yaasiin. Waxaa iyaguna joogay Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo General Darwiish oo midba mar Madax u noqday Sirdoonka Soomaaliya, Madaxweynaha Khaatumo iyo xildhibaanno fara badan ayaa iyaguna fadhiyay. Waxaa goobjoog ahaa hawlwadeenno la shaqeeya Madaxda ugu sarreysa dalka Soomaaliya.

Dhinaca Kenya waxaa ka soo qeyb galay afar xildhibaan oo uu ku jiro Ilyaas Barre Shiil oo hadda ka hor dhowr jeer tegey Soomaaliya. Afartuba khudbado talo iyo dhiirri gelin isugu jira ayay goobta ka jeediyeen. Siyaabo kala duwan ayay u cabbireen dib u dhaca Soomaaliya uu dagaalka sokeeye u keenay iyo sida uu iyaga laftooda u saameeyay.

Waxaa suuqa si xoog leh loo geliyay, oo Dowladda Soomaaliyana ay ilo kala duwani ku wargeliyeen in shirka ujeeddadiisu ay tahay in lagu mucaarado dowladda Soomaaliya. Waxaa la sheegay in shirka ay wadatay Jubilant, iyadana lagu taageerayo.

Ilaha qaar is-been-farriimay waxay suuqa sii geliyeen in Isbahaysi mucaarad ah halkaa looga dhawaaqi lahaa laakiin ay dowladda Kenya is-hor taagtay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ka cabatay.

Wax kasta oo dowladda laga siistay in sidaas loogu warramo, haddana kulanka ujeeddadiisa dhabta ahi ma ahayn wax dhaafsiisan inta goobta ka dhacday. Haddii wax sidaas weydaaran ay madasha ka dhici lahaayeen, waxay ahaan lahayd khiyaamo maaddaama aan hore loogu ballamin.

Sababaha taas caddeynaya waxaa ka mid ah, in aanuu jirin kulan ay hore isugu yimaadeen siyaasiyiinta kulankaas goob joogga ka ahaa, qaarkoodna ay meesha isku barteen, marka laga reebo laba ama saddex qaban qaabada iyagu lahaa. 

In aanuu ahayn wax dowladda laga qarinayana waxaa u markhaati ah in ay fadhiyeen hawlwadeenno ka tirsan xafiisyada ugu sarreeya Soomaaliya, welibana aan laga qarin ee lagu marti qaaday Danjiraheenna Nairobi, shirkana uu xiriirye ka ahaa mas'uulka shakrikad la shaqeysa Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha.

Midda kale anigu ma ogi mowqifka siyaasadeed ee mideyn kara dadkaas oo dhan oo aan ka ahayn taageerada Qaranka iyo Dowladda Soomaaliya.

Mucaarad aa! Ma anigan?


Waxaan arkay erayo ay xar xarriiqeen baraha internetka qaarkood. Waxay ku eedeeyeen dadkeennii goobjoogga ka ahaa munaasabaddaas, iyo qaar aan jooginba in aan nahay dad lacag ku qaatay in ay shirqoolaan Dowladda Soomaaliya.

Xataa hadday dadka qaar ka suurta geli karto, ma ahan wax aan ku wada heshiin karno in aan shirqoolno Dowladdeenna iyo Madaxdeenna.

Haddiiba aan taa la aamini karin, ogow Soomaaliya, Masar ma aha. Ma jirto quwad Soomaaliyeed oo maanta Dowladda afgembin karta. Dowladda waxaa ilaaliya ciidanka ugu xoog, sahay, saad, xuuraansi, taakulo iyo gurmad badan ee Soomaaliya jooga, waa ciidanka AMISOM.

Dariiqa keliya ee qofkii mucaarad ah u furan waa dariiqa qaanuuniga ah ee lagu kala bixi karo sanduuqa dhex yaalla Baarlamaanka Soomaaliya. Kaasna dariiqa loo maro ma jirto cid dowladda ka badisa.

Intaa ka dib, anigu mucaarad ma ihi. Mana qarinayo taas. Laakiin ha igu khaldamin. Anigu ma qabo saar taageerenimo oo indha tiray. Ma aha in aan siyaasadaha ay Dowladdu ku socoto iyo qaabka ay u wajahdo aan ku wada raacsan ahay.

Siyaasadaha qaarkood wey ila khaldan yihiin. Qaarkood wey ila wanaagsan yihiin laakiin waxaa ka khaldan sida loo soo bandhigayo ama loo wajahayo. Qaar kale waxaa ila khaldan markii khaladkooda la arkay in khalad kale lagu saxayo. Waxaa ila khaldan in mas'uuliyiinta go'aan weyn qaadan karaa ay aad u kooban yihiin.

Qaarkood waxaa ila khaldan in wakhtigii ay ahayd in tallaabo laga qaado laga habsaamayo. Kuwaas waxaa ka mid ah arrinta Kismaayo. Mas’uuliyiinta dalka ugu sarreeya mid ka mid ah, ayaan bishii September 2012 kula taliyay in Madaxweynuhu uu magacaabo ergey u qaabbilsan arrimaha Kismaayo.

Waxaan ii muuqatay in aan xaaladda Kismaayo jihada ay qaadaneyso aanay sugi doonin dhowrka bilood ee Madaxweynuhu ka fekerayo cidda Ra’iisal Wasaare noqon doonta iyo sida Baaramaanka loo marinayo. Iyo inta isaga iyo Ra’iisal Wsaaruhu ay ka tashan doonaan cidda Wasiirro noqoneysa, barmaaijkooda siyaasadeed iyo sida Baarlamaanka looga ansixinayo.

Mas’uulkaas jawaabta uu i siiyay waxay ahayd, labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa telefoonka ku wada hadlay, wax walbana wey isla fahmeen. Waxba ma hallaabayaan. Xaaladdu waa dhag, waadna ku mahadsan tahay walaaca aad muujisay. Inkasta oo hadalkiisa aan u arkayay nin weli farxadda guushii doorashada ku jira oo wax waliba la fudub yihiin, haddana waan uga mahadceliyay xogta uu ila wadaagay. Niyaddana waxaan iska iri Ilaahow run ka dhig.

Waxa ay ku dambeysay iyo inta dad ku dhintay waan arkaa. Waxaan arkaa sida ay u xumeysay xiriirka dalka aan deriska nahay ee Kenya.

Haddaad tahay taageere kubadda cagta, waxa aan ka hadlayo waad garan kartaa. Laacibka adduunka ugu wanaagsan hadduu kooxdaada ku jiro adiga waxaa kuu muuqda Goolka uu dhalin karay, ama uu difaaci karay, laakiin uu ka gaabiyay. Taasna waad ku xanaaqeysaa.

Macnaheedu ma ahan in kooxdaada aad nacday ama aad cadow ku tahay. Mana ahan in cayaartooyga uu kahaldkiisu kuu muuqdo in aad jeclaan lahayd in cayaaraha laga fariisiyo.

Marka aad khaladkiisa tilmaameysana ma ahan in aad leedahay anigaa ka aqaan cayaarta.

Marka Dowladda iyo inta dooneysa in indha la’aan lagu taageero ha ogaadeen in ay jiraan taageerayaal kale oo aan qabin saarka daneysiga ah ama nin jecleysiga ah. Hana u gegsadeen erayada iyo tilmaamaha laga yaabo in marmar ay ka soo yeeraan taageerayaasha aan ka mid ahay, oo maaddaama aan saar ku dhicin ay u muuqan karaan dhinacyada laga gaabiyay.

Dhammaanteen - Mucaarad, muxaafad iyo muxaafad saar qaba, Ballanteennu ha ahaato, i tus oo i taabsii. Dowladda waxaan u rajeynayaa nabadeyn iyo horumar in ay na gaarsiiso. Ramadan Kariim.