Total Pageviews

Friday 5 July 2013

Ku: Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Saacid Shirdoon.


Talo aadan ii dirsan
Inqaasta Yusuf-Garaad

Ra’iisal Wasaare, Saacid Shirdoon, waan ku salaamay. Sidii xilka laguugu magacaabay aad ayaad u mashquushay, weyna suurta geli weyday in aan ku arko marka laga reebo in gegida dayaaradaha Muqdisho, aan taagni isku salaannay adiga oo markaa dayaarad ka soo degey oo lagu daba yaacayo.

Waxaan bowsi ku maqlay in laga yaabo in aad isku shaandheyn ku sameyso Golaha Wasiirrada. In ay taasi dhab tahay ma hubo. Haddaysan dhab ahayn akhriska qormadaan halkan isaga jooji raallina iga ahow wakhtiga aan kaa qaaday. 

Haddiise aad isbeddel damacsan tahay, fadlan isha mari sadarrada dhiman. Waxaa laga yaabaa in aad talo ka hesho, ama ra’yi aad hore u qabtay aan kuu sii xoojiyo. Waxaan is iri wadajir looma dardaaran la’aado. Ra’iisal Wasaare waxaan goostay in aan anigu soo qaddimo wixii aan talo ku siin lahaa, haddaad i weydiin lahayd.


Taladani ma ahan, magacyada  dadka aad u magacaabayso xilalka. Mana aha kuwa aad ka saarayo inta hadda joogta, haddiiba aad qaarkood ka saareyso.

Sidoo kale taladeydu lug kuma laha tirade Wasaaradaha aad magacaabayso iyo kuwa ay noqonayaan.

Waxaan ka hadlayaa dhowr arrimood oo madaxeyga ka guuxaya.

Waxaan qiran ahay in siyaasadda Dibadda ay Dowladdu culeyska saartay, iyada oo ay horseed ka yihiin Madaxweynaha, Wasiirkiisa Madaxtooyada iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo ku Xigeennadeedu. Runtiina Guulo ayaad ka soo hoyseen la taaban karo. Waad ku ammaanan tihiin, Allah ha noo sii siyaadiyo.

Ra’iisal Wasaare waxaad mooddaa in siyaasadda dibadda indhaha ay Dowladdu ku fiirineyso ay yihiin kuwo uu aad u fiican yahay arggooda fog oo keliya.

Indhahaaga waxaad ku kabtay muraayadaha aragga si aad meel dhow iyo meel fog labadaba aad wax uga aragto. Dowladduna kuwaas oo kale ayay u baahan tahay. Siyaasadda dibadda dowladdu waxay culeyska saartay wixii badaha looga tallaabo, oo uu ugu sokeeyo Sucuudigu ayna ka mid yihiin Qadar, Kuwait, Turkiga, UK, EU, USA iyo Japan. Waxaad mooddaa in meelaha dhow dhow iyo dalalka nala deriska ah aan aad loogu jeedin.

Rag aan aqoon siyaasadda Dibadda ee badaha looga tallaabo ayaad mooddaa in ay Dowladda uga dheereeyeen siyaasadda dalalka deriska. Kenya ayaa tusaale wanaagsan ah. Waxaa ay Dowladdu codsatay in ciidankeeda laga saaro Kismaayo ayada oo sababtu ay tahay in lagu eedeynayo in ay Axmed Maxamed Islaan ay u hiillineyso.

In kasta oo siyaasadda dalalka deriska nala ahi ay mar kasta muhiim noo tahay, 2013 kumaba sii jiro. Waayo ammaanka dalka qeyb weyn oo ka mid ah iyaga ayaa gacanta ku haya.

Tan kale, mudane Ra’iisal Wasaare, adigaa iga yaqaan Kenya. Soomaalidu waxay ku haysataa ganacsi aad u baaxad weyn iyo hanti ma guurto ah. Waxay Kenya Isbitaal u tahay dad badan oo Soomaaliya ku xanuunsada ama ku dhaawacma. Qaxootiga nus malyuun dhaafay ee 20 sano ku sugnaa isaga warkiiba daa'. Waa marka tusale yaal kooban aan soo qaado.

Ra’iisal Wasaare, waxaan kugula talinayaa in aad Magacowdo Wasiirka Iskaashiga Gobolka. Wasiirkan shaqadiisu waxay noqoneysaa xiriirka siyaasadda, diblomaasiyadda iyo kan ammaanka ee nagalada dhexeeya dalalka ay ciidankoodu ku sugan yihiin Soomaaliya. Wuxuu ahaanayaa mid xaqiijiya in aan is faham la’aani dhicin, oo wax walba la isla ogaado. Haddii waxyaabaha qaarkood la isku fahmi waayana, markiiba fool-ka-fool looga wada hadlo oo aan idaacadaha la iska cambaareyn.

Xusuusnow markii ciidammada Kenya uu Madaxweynuhu eedeeyay iyo markii aad adigu eedeysayba waxaa idiin jawaabay Saraakiil Militeri ah. Arrinkaa waa in aan wax ka barannaa.

Sidoo kale waxaan kugula talinayaa Wasiirka Qaxootiga iyo Barakacayaasha in aad magacowdo. Taasi waxay sahleysaa in ay si xawli leh u billaabato in malaayiinta Soomaaliyeed ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha ah laga hawlgalo dib-u-dejintooda.

Muranka dhex yaal Dowladda iyo Puntland qeyb weyn oo ka mid ah waa dastuurka in wax laga beddelay. Eedeyntaasi waa mid aan la sahashan karin. Muranka Jubbaland waxaa uu ku saleysan yahay Maamul Goboleedyada iyo sida ay ku sameysmayaan. Baydhabo ayaa iyaduna dhowreysa sida muranka Kismaayo lagu dhammeeyo si ay ugu go'aan qaadato.

Waxaan kugula talin lahaa in aad abuurto Wasaarad kaa xigsata waxaas oo dhan. Waxaad abuurtaa Wasaaradda Dastuurka iyo Dhaqangelinta Federaalka.

Soomaaliya, Wasaaradda Caafimaadku aad ayay muhiim u tahay. Wasiir Ammin Dhimman (Part-time Minister) ma anfacayo.

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashadu waxay u baahan tahay Wasiir wakhtigiisa oo dhan geliya Waxbarashada Ubadkeenna.

Wasaaradda Shaqadu waxay shaqo u abuuri lahayd dhallinyarada. Waxay dejin lahayd xeerarka shaqada iyo shaqaalaha oo suga xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo kuwa sharikadaha gaarka loo leeyahay. Waxay diiwaan gelin lahayd shaqaalaha oo dhan si canshuur looga qaado. Waxay habayn lahayd shaqaalaha ajnebiga ah ee dalka ka shaqeysta oo ay ugu mushaar badan yihiin kuwa ku jira xeyndaabka Gegida Dayaaradaha. Waxaa laga qaadi lahaa canshuur.

Maaddaama caalamku u soo jeedo dib u dhiska Soomaaliya, Wasaaradda Qorsheyntu waxay noqon doontaa Wasaarad aad muhiim ugu ah dib u dhiska dalka. Waxaan kugula talinayaa in aad Wasaaraddaas u dhiibto Wasiirrada hadda jooga kan ugu khibradda iyo hawlkarnimada wanaagsan. Ama haddii kale raadi mas’uul aqoon Dhaqaale, Horumarin ama  Iskaashiga Caalamiga ah aad ugu dheereeya oo khibrad dheer u leh hawshaas. Soomaalida hawlahaas ka soo qabtay dalal kale ama hadda ka haya, malaheyga waxaad ka heli kartaa Hey’adaha Qaramada Midoobay ama Bankiga Horumarinta Afrika.

Marka ugu dambeysa, Ra’iisal Wasaare, adigaa culeyska shaqo ee ku haysta iga og, laakiin waxaan is leeyahay waa laga yaabaa in uu ku anfici lahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha in aad u magacaabato maamul yaqaan aad u khibrad badan, oo hawl kasta oo aad u dirsato markiiba sida ugu habboon u soo ebya.

Mar kale iga raalli ahow, wakhtiga aan kaa qaaday. Waxaan hubaa arrimaha aan ka hadlayo oo dhan in aad iiga xog ogaalsan tahay. Waxaan is iri yaan talo igu baaqan uun.

Guul ayaan kuu rajeynayaa.

45 comments:

  1. Wa Talo Wanaagsan Waana Kugu Taagersanahay Taladaada Wanaagsan Yusuf Garaad

    ReplyDelete
  2. Mansha Allah bro yusuf garada, waa talo aad u wanaagsan, wana kaga mahadcelinayaa sida miisaaman oo aad talo iyo taageraba aad dowlada u siiso. Muwaadin dhab ah.

    ReplyDelete
  3. Waa talo fiican haddii uu kaa yeelayo,U maleen mayo in uu intaa garan waayey,teer iyo burburkii aan dhaafin Kenya.
    Soomaalidu waxey ku maahgmaahdaa nin ay meelo u caddahay meelo ka madow.
    Sida ay Dawladdani wax ku wado waxaa ka muuqata in ay ka shaqeynayaan in waddankani kala tago oo la kala googooyo.
    Taa waxaa caddeyneysa sida ay ula xaaleen Puntland Jubbaland iyo Shekh Daahir iyo odayaashii ay u direen iyo weliba maxkamadda ku taal meel u muuqata Xaafiiskooda oo ninkii la dilay diyadiisa ka dhigay $75.00 iyo qaar kale oo anan dooneyn in aan halka ka sheego

    ReplyDelete
  4. Anigu haddii aan ahaan lahaa qofka taladaas loo jeedinayo kama leex leexdeen in aan qaato. Waa talo wax tar ah oo ayna mudantahay in la qaato, Arinta Dowladaha Deriska ah waa Muhiim waana in loo helaa Xal joogta ah. Dowladaha deriska ah waa in aan kula noolaana xiriir wanaag, in saxaafada looga diro hadalo aan wanaagsaneyn mahan.

    ReplyDelete
  5. Umalyn maayo in aad PM ka wakhti ka qaaday ee adaa iska qaaday wakhti. Waxaan kuu arkaa nin isagu xill doon ah oo wadada sii banaysanya. Aan adiga talo ku siiyee, ka qayb qaado mucaarid badala xilli doorosho oo hannkii aad isku sharaxdayy yeelo hadana. Raali ahow hadaan wakhti kaa qaaday.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mustafe, xil in aan doonto xaq baan u leeyahay. Waxaanse kuu sheegayaa xilalka Xukuumadda waxaa inta badan ay tahay in uu qyebiyo Ra'iisal Wasaare, Saacid, oo aan is naqaan saaxiibna nahay. Waxaan u maleynayaa in aad qormadeyda ku aragtay in aanan Xafiiskiisa tegin sidii xilka loogu magacaabay. Qormo yar oo Blog lagu soo daabacayna xil laguma doonto, laguna heli maayo. Mahadsanid.

      Delete
    2. Salaan kadib yusuf waxa tahay nin xagega iyo xaga somalida dhan sharaf kuleh qoraalkaan camal markaad ugudbineysid raisul wasaaraha waa muhiim laakiin miyeyna habooneyn inaadan public kaso dhigin oo email ama post ugu dirto asaga direct si wax ugu qaato mida kale markaan fiiryo rayigeega iyo aragtideda wadamada dariska ah siiba kenya inay raali ka ahayn somali oo nabad iyo kala danbeyn ku so noqotay sababa dhaqaaale iyo qaxootiga kaamamkeeda ku jiro awgeed oo malaayiin dollar ku qaadato marka miyeyna ku wanaagsaneyn inaad talada ku darto in Somalida ku nool kenya dib loogu so celin lahaa wadankooda?????
      Thanks in advance

      Delete
  6. Waxan u malaynayaa qormadan talada ah waa muhim in Raysuwaraha uu siiyey , warka murtidiisu waa in waanada qofka anfacyeso qaataa , Thanks

    ReplyDelete
  7. War wanaagsan weeye taladuna waa muhiim koley ilahey kheyrka hana waafajiyo hadeynu somali nahey iyo dhaman intii islaam ah mahadsanid mudane Yusuf Garad

    ReplyDelete
  8. Waxaan kuugu mahadnaqaya jawaabtaada. Aqoon yahan fahansan baad tahay dhaliisha shakhi iyo ta guudba. Runtii ixtiraam weyn baan kuugu hayaa, in sha Allah doodahaaga wax ku oolka ahna waan la socon doonaa.

    ReplyDelete
  9. Waxay yiraahdaan talo adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola, waxaad tahay aqoonyahan iyo wariye somali oo dhan ay aqoon balaaran u leedahay. Intaa kadib waxay ila tahay in taladu wakhtigan dawladeenu aad ugu baahan tahay gaar ahaan talada dadka khibrada u leh arimaha tawlada iyo dadka guud ahaan aqoonta leh. Waxaan aniga intaa Yusuf garaad ku dari lahaa inay dawladu siyaasad cad oo ay ugu raadinayso xal arimaha somaliya ee cakiran ay raadiso gaar haan arimaha gudaha wakhti lagu qabto ama lagu fuliyana leh. Waan in ay dawladu dhalin yarada aqoonta leh fursad siisaa oo isku dayda inay xal u hesho mushkiladooda.

    ReplyDelete
  10. WAA TALO AAD IYO AAD MUHIIM UGU AH WAXAYNA TALADANI SOO KOOBTEY DHAMAAN XAALADAHA KAJIRA SOMALIA MARKII LAGA REEBO SOMALILAND OO AANA WAX KUSAABSAN IYO WAXAAD KA TIRI MIDNA AANA ARKIN

    YUUSUF GARAAD WAA MAHADSANTAHAY LAKIN MASKAX TALO QAADATA IGAMA MUUQATO PM SAACID LAKIN WAAJIBKAAGII WAAD GUDATEY..

    YUUSUF GARAAD WAXAA KAMID TAHAY KHUBARADA AADKA QORAALADOODA LOO AKHRIYO BAL WAXAAD ISKUDAYDAA INAAD QODOBO IYO FAAHFAAHIN GAABAN AAD KAGA HADASHO DASTUURKA IYO DHISMAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA WUXUU KAQABO SI AY WAX BADAN IFTIIN UGA BOXO SOMALIDA ANIGOO OG IN LAHELI KARO DASTUURKOO QORAN LAKIN AYSAN SOMALIDU AHAYN DAD WAX AKHRIYA OO AAN WAQTI SIININ.....


    THANKS ALOT

    ReplyDelete
  11. Waa talo aad uwanaagsan , yusuf garadna waa uu kumahdsan yahay waxayna ilatahay in yusuf yahay muwaadan somilyeed oo arimaha somaliye kadamqanayo waxaaana raisul wazaaraha kacadsnayaaa inuu qaato talada dhamaaaan , hadii uu qaar katagayana waxaaan dhihi lahaaa hakatagin qodobkaaan# VWasiirka Iskaashiga Gobolka# magacaabidisa# shaqsi aad dhexdhexad oogu eh arimaha jubalan iyo maamul goboleddyada oodhan and m

    ReplyDelete
  12. Waaralo wanaagsan runtiii yuusuf garaad laakiin adigoo iga raaliya soo kama haboonayn inaad email ahaan ugu dirto raysalwasaaraha taladaan muhiimka ah? waa hubaal in uu waxbadan ka faaiidayo dawladuna ay ubahantahay in dhinac kasta dadka soomaaliyeed is garab istaagaan aniga rayi ayaan ugu dari lahaa raysal wasaaraha hadii aan latalinayo waxaan odhan lahaa Ciidanka iyo Fanaaniinta kaliya hadaad xooga saartaan howsha amaanka guul dagdag ah ayaa laga gaadhi karaa wakhti xun baa lagu jiraa labadaa awoodood haday iskaashadaan waxaan hubaa inuu amniga soomalia mudo kooban wax wayn kahagaagayaan dhinaca kalana dadka soomaaliyeed israacayaan waa hadii aad idinku ka xukuumad ahaan arinka hormuud ka ahaataan oo markasta laydin arko idinkoo ciidanka dhexjooga mooralkooda ilaalinaya dhaqaalaha yaree idinsoogalana inta ugu badan galiya ciidanka waayo wadanku amaan ayuu ubaahanyahay amaanka oon lasugina waxkale mahagaagayaan markaa lagacaha mushahaarada aad uqaadataan adigu iska bilaw madaxwayne baarlamaan agaasime wasiir xildhibaan waxyar dulqaata dadkiinana ushaqeeya inta ciidanka iyo fanaaniinta kasoo hadha isku celceliya waxaan aaminsanahay inay sadexbilood kayaraaneeyn xalka amnigu. intaasaan kubiirin lahaa talada wanaagsan ee yuusuf ujeediyay raysalwasaaraha aad baad umahadsantahay.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Hussein, waa laga yaabaa in ay email ku habboonaan lahayd. Laakiin markii aan talooyin dhowr ah siiyay madaxda qaarkeed waxna laga qaban waayay ayaan waxaan is iri talo aan qarsoodi ahayn in aan bixiyo. Talooyinka aan dhiibay waxaa ka mid ah September 2012 markii aan soo jeediyay in Dowladdu ay magacowdo Ergay u qaabbilsan Jubbooyinka. Waxyaabaha ay tareyso in talada dadweynaha la soo dhex dhigo waxaa ka mid ah, talada aan bixiyay waxaa hadda ku soo biiray talooyin fara badan oo dad aad adigu ka mid tahay ay dhiibteen. Markaa dowladdu waxay heleysaa taladeyda+sida dadka comment bixiyay ay u arkaan in ay meelmar tahay iyo in kale+talooyin dadka akhristay teydu ay mawduuca ku soo kordhiyeen.

      Delete
  13. Yussuf Garaad

    Talo wanaagsan ayaad ujeedisay raisul wasaraha. Meeshaa kasiiwad talooyinka wan wanaagsan. Adiguna waxaad awoodo ee wax qabad ah ha hagranin waad ogtahay wadankii iyo dakeeniiba waa ey indho iyo dhaga beeleen waxa ey doonayaan qof gar wada adiguna dadka eytahay in ey gar wadaan ayaad kamid tahay. Waan kumahadaantahay waqtiga aad ku aqrisay walal.

    ReplyDelete
  14. Waa talo wanaagsan. I hope in uu aqriyo uuna dhaqan geliyo talooyinkaas aad usoo jeedisay.

    ReplyDelete
  15. Bro Yusuf waad dadaashay, laakinse waxan ka sii jeclaan lahaa in warqadda ay ku socoto Xasan Sheikh oo la doonayey inuu dalka u soo xulo Ra'iisal Wasiire indho furan oo dalka isna u soo doora wasiirro karti iyo aqoon badan.

    ReplyDelete
  16. waa talo aad u wanagsan in kastoo aad aflagado aay ku jirto talada se 85%ay wanaagsanatahay se waxay ila tahay dadkaa dad u bahan talo aqoon yahan nin sidada oo kale ah ma ahan waxay rabaan talo nin dagalama sida col.hiirale iyo iftiin xasan baasto marka yusofow dhegaha aad wax u shegeysa hada ma maqlayaan waxa ku furan cudurkii halagay somalia ee nin jecleysiga adiga waxay ku arkaan nin balaayo hurinaya marka dhanka xun laga egana wabad tahy se dhanka san marka laga firiyuo waxaad tahay aqoonyahay talo iyo tusaleyaal bixiyay.aad ayaan kugu mahcelinayaa kun iyo kow jeer

    ReplyDelete
  17. nuqulkaan ayaa ila qaldan aniga /
    Rag aan aqoon siyaasadda Dibadda ee badaha looga tallaabo ayaad mooddaa in ay Dowladda uga dheereeyeen siyaasadda dalalka deriska. Kenya ayaa tusaale wanaagsan ah. Waxaa ay Dowladdu codsatay in ciidankeeda laga saaro Kismaayo ayada oo sababtu ay tahay in lagu eedeynayo in ay Axmed Maxamed Islaan ay u hiillineyso.

    ReplyDelete
  18. Hadal waxaa loo yiraahdaa "Ha lagaa maqlo" ee looma yiraahdo "Ha lagaa yeelo" Waa talo wax gal ah xitaa haddii aan sideeda loo wada qaadan ee fikrad uun laga la baxo. Yuusuf, mahdsanid.

    ReplyDelete
  19. Duqu wuxuu jeclaan laa,
    Miro daray had iyo goor,
    duu duub in lagu liqo,
    waxa aanu kuba darin,
    in la yidhi ha laga dayo,
    dixri inuu ku hoos jiro.

    Yuusufow walaal taladaada aad bey qurux badan tahay, dareen baase ku jira. Dawlada Soomaaliya in xiriir wanaagsan ay la sameyso dawladaha aan dariska nahay waa arin muhiim ah, hadey tahayse u samee xiriirka saaney Puntland iyo Jubba Land kaaga dheereyn, hadde ogow Somaali baad sii kala geyneysaa oo dawladii ay Somaaliyi wada dhisatay baad dooneysaa in qolo gooniya lagula baratamo ama lagu laayo.
    Taladaadu ma xuma waxeyse aad ugu eg tahay talooyinkii ay bixin lahaayeen odayaasha dhaqanka beelaha ------. Adiga Yusuf ahaan qabyaalad iyadoo lagaaga cabanayo waan maqlay laakiin ilaa heerkaa adag iney kuu joogto qoraaladaada ayunbaan hadda ka gartay, eedna kuma lihidoo qeybtaadii ayunbaad qaadaneysaa qabyaaladda. Waad ku mahadsan tahay inta aad dareenkaaga I amaahisay.

    ReplyDelete
  20. Talo wanaagsan,ka soo qaad in Reysal wasaaruhu Bari subax sameeeyo sharci lagu magacaabayo wasiiradan,ka dibna la horgeeyo golaha barlamaanka sida sharcigu dhigayo,su'aasha ugu horeysa oo ay xildhibaanadu weydiin doonaa reysal wasaaraha waxa ay tahay halka uu ka keeni doono miisaaniyada ku baxeysa wasaaradahan iyo wasiiradan cusub,anga oo og in mushaar loo la'yahay bilkasta ciidamada xooga dalka soomaaliyeed,nabad sugida,shaqaalaha,timirtii horeba dab loo waa.
    Teeda kale wadanka wali looma sameyn nidaamka canshuurta,taasna waxaa looga fadhiyaa baarlamaanka, ka soo saaro sharci,mana aha wax sahlan madaama soomaaliya ay tahay federaal waa in la dejiyo federalismo fiscale,oo aan wax qibrad ah loo laheyn.
    yaanan ku degdegin arimaha soomaaliya,oo aan ognahay in dowladu aysan heysan daqli ay uga hor tagto waxyaabo badan oo ay rabto in ay wax ka qabato,sida nolosha dadka soomaaliyeed qaasatan kuwa ku nool gobolada dalka,aanan heysan wax ay cunaan iyo wax ay cabaan,iyo wax ay xirtaan.Dowlada waxaa hor yaala arimo badan,laakiin waxa ay u baahan tahay Resources,taasna waa mida keentay in dowladu ay aado wadamada uu carabka ku dhuftay wariye YG,waayo waxa ay heystaan hantidii iyo aqoontii wadanka dib loogu dhisi lahaa.
    anigu waan qabaa in siyaasada iyo xiriirka noola dhaxeeya keenya la wanaajiyo,balse aan laga wanaajin karin hal dhinac,oo loo baahan yahay dhinaca kalena in uu taas mid la mid ah sameeyo.

    ReplyDelete
  21. Ac yuusuf waxaad soo gudbisay wixii xaq laguugu lahaa in aad ka hadasho waa rayigeyga. ugu yaraan raiisalwasaaraha in uu aqriyo ayaaba muhiim ah.adna dhaliisha asxaabta qaar jawaab haka bixin waayo qormadaadu waa talo qofna wuu jeclaan qofka maya, go'aanka aqristayasha u daa .

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  22. Taladaan aan siin laa PM buu Yusuf Garaad iiga hormaray. Waxan filayaa in Ra'isul wasaaraha uu akhriyay qoraalkada, waxaa kaliya ka dhiman in PM uusan marna xilka ka qaadin Gabadha wasarada arimaha bulshada hayso. Dr. Maryan Qaasin. Gabadhaas hadii xilkeeda la taabto waxay noqonaysaa dawladii oo wadnaha lagala baxay.

    ReplyDelete
  23. Yusuf waad ku mahad santahy fakarkaaga wanaagsan laakiin waxaan u malaynaya fakarkaaga waxaa ka muuqda fikir saliima isla markaana waxaad ka dhex dhadhasan kartaa in aad laftigaaga Yusuf aad jago u baahan tahay oo aad jago cusub samaynayso waliba aan qiyaasee waxaad ubaahan tahay wasiirka gobalada aad ubixisay. Iga raali ahow hadaan wax khaldan fakaray.
    Is ku soo duuboo Yusuf halkaa kawad talada wanaagsan.

    ReplyDelete
  24. wax aanku daro ma aqaan yuusfow oo aank ahen in aan kaaga mahdcelsho sida dareenka wadanimo leh ee aad ugu dhuun daloosho arinta dalkeena iyo dadkeenaba .

    ReplyDelete
  25. talo wacan waxtar leh waxaan aad uga helay fikrada wasiirka iskaashiga gobolka waa fikrad aad muhiim ugu ah dhinacya badan sida somalida hantidooda taala kenya iyo qaxootiga xeryaha xukuumada waa in ay indha gooni ah ku eegtaa xiriirkeeda kenya
    dhamaan madaxda qaranka howshoda alle hala garab galo walaalaha tallooyinka la garab taagana ilaah haka ajarsiiyo

    ReplyDelete
  26. Mansha Allahu, Waa taalo aad u wanagsan oo wax kuoolo ah. Wadanka wuxuu u bahanyahy shaqsiyaada sidaas uga fikira xalada ka jiraa. Prime minister waa inuu dhaqeysaataa taaalada shacabka iyo aqoonyahanada. wadanka wuxuu u baahanyahay si badal buuxa oo ku saleysan waqciga aan ku noolnahaya. Yussuf arinta Barakacayaasha iyo qaxootiga somaliyeed ee kunool wadamada dariska waa arin aad ugu baahan muhiimada siin.

    ReplyDelete
  27. Waa talo muhiim ah waqti wanagsana kusobegtay. Intaa kadib waxan jeclan lahaa ina dowlada Somalia arimaha sirta ah dadka ey quseyso kaliya lawadaagto. Waxa ceeb ah in qoralo logu talagalay dowlado iyo ururo calami idacado iyo websiteyo gaar looleyahay lagu soo bandhigo. Mahadsanid

    ReplyDelete
  28. Waa talooyin aan lagaaga baran Yusuf Garaad waagii aad ka shaqayn jirtay BBC kuna dhagaysan jireen dad kabadan 8,000,000 halka ay maanta qoraalkaada aqrisanayaa in ka yar 200 qof halka ay dad badan kuu arki jireen shaqsi qabyaalada ku wayntahay ama dood markuu qabanayo ku soo daro shaqsi ka mid ah Jifadiisa laakin iminka waad ku mahadsantahay Talooyinka wanaagsan ay ka muuqato wadaniyada aan xil lagu doonayn

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdulkadie, Ogow BBC lama taliso Madaxda. Xataa qofka ka shaqeeyaa ruqsad uma haysto in uu dowlad talo siiyo.

      Delete
  29. Yuusuf Garaad, mahadsanid walaal. Waxaad tahay waayoarag iyo aqoonyahan. Wax badan waan kugu raacsanahay, laakiin adiguna bal aragtidaydan gaaban meel ku qoro, kana raalli noqo, haddaan wakhti kaa qaaday.

    "Wexeennu waa i noo wadaag wax i ma yeeshee,
    waxaagiyo waxaygaba aan cuno, waalli sow ma aha".

    Xalku kuma jiro,in taageero laga raadiyo, Japan, Yurub, USA ama UK. Kumana jiro, in la kasbado dowladaha jaarka ah oo keli ah. Wuxuu ku jiraa, in la qanciyo/kasbado beelaha didsan. Xal ma aha in Beesha Daarood la siiyo PM, shaqadiisana lagu koobo inuu iskuullada xadhigga ka jaro ama uu shirarka ururrada bulashado furo. Daarood iyo Hawiye wali is kuma kalsoona( = way kala baqayaan). Madaxweynuhu waa inuu magacaabo PM karti leh, oon u ekeyn nin wax loo yeedhiyo. Xalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa: 1. Dib u heshiisiin dhab ah: in la bauuro jawi ay beeluhu isku aamminaan( siyaasadda dowladda ee Jubbooyinka iyo tan daskuurka lagu taabtay dawo ma keenin). 2. Hantiga la kala haysto la isu celiyo. Boogi sarid mooyee, salsalaaxid kuma bogsato. Waa in aynaan xaqiiqada khadhaadh ka xishoonnin. Waxay se imika u eg tahay, in ay qolo walbaaba markay qabato xilka Madaxweynenimo, ay dowladda ka xigto beelaha kale! Haddii sidaas la helo, dowlado deris ah iyo kuwo shisheba way ku qasban yihiin, inay qiimeeyaan aragtideenna. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  30. Waxaan islahaa Yuusuf Garaad 20-kii sano ayuu dersi ka bartay oo haddii maanta uu siyaasada soo galo aad buu isu ilaalin doonaa, beelaha Soomaaliyeedna sidey u dhan yihiin isku dayi doona inuu ogolaansho niyad sami leh uu kawada helo, maadaama uu joogo xiliguu fahmi lahaa halka ay wax ka qaldan yihiin. Hayeeshee waxey ba u muuqataa inuu ilaa hadda kaddib 20 sano uusanba weli garan, iskaba daa inuu fahmee uuba dhic ka raacay siyaasadihii qab yaaladeysnaa ee marba reerkoodu hadba shaar hor leh u soo galinayeen oo ay ugu danbeysay siyaasada shaarka diineed loo soo xidhay oo ay waayadanba dadkii ku baabi'inayeen.

    Yuusufow siyaasadii waxaad soo gashay adigoo ordaya, waxeyna u muuqataa adoo aanba meel fog gaarina aad fashil bilowday, haddana dabaqabasho xataa iima muuqato, waxey anigu tallo iga tahay inaad private business aad iska gasho, hadaad horey ugu jirteyna aad ku dedaasho seysan kaaga kala daadan. ileen adna tallo aan laguu dirsan baad Shirdoon siisayee, thanks for nothing.

    ReplyDelete
  31. As/c wll Yusuf Garaad iga gudoon salaan kal iyo laah ah....
    wll waxa aad sheegtay way jiraan maantana waan ku rayn lahayn hadii aan heli lahayn wasaaradaha aad soo sheeg tay oo kala ah { WASAARADAHA 1 "QORSHAYNT" 2 "ISKAASHIGA GOBOLADA" 3 "SHAQADA" 3 "WAXBARASHAD" CAAFIMAADKA" } waana waxa aad u wacan Mud: Said waxa jeclaan lahaa ina uu qaato figradaada taasina waa mid lagu gaari karo meel sare Haduu Alle Idmo waana suuragal ah ina ay noo hagaagan wax walba.
    WAXA AAN IS WAYDIIYAA? CIIDAMADA FARABADAN EE JOOGA DALKA MA WAXA AY ILAALIYAAN OO KALIYA MADAXDA?
    SANAD KIIBA MA WAXA AY DAGAALAMAAN MAR KALIYA?
    WAXAN ARKI JIRMAY DAGAAL MAR HADUU BILAABMO AAN JOOGSAN ILAA AY KA DHAMAADAAN CIDA LALA DAGAALAMAYO.
    UJEEDADA DAGAAL KA "KISMAAYO" WAAN OGNAHAY SIDA AY KU SOO GASHAY KEENYA DALKA.
    DOWLADU WAA AY DAAWANAYSAY MARKII AY WAX KASTA OO KA DHACAY KISMAAYO.
    MARKII AY DOWLADU KA SOO DUUSHA MOGADISHO WAY KARTAY INA AY WADA QABATO JOWHAR IYO KISMAAYO MAXAA U DIIDAY WAA U JEEDO AY LAHAAYEEN IYAGU..............
    Wll Yusuf Garaad waligay kama hadlin kamana dhiiban ra'yi arimaha soomaaliya.
    waxa ugu wayn oo aan is waydiiyo waa maxaa sababay CIIDAN QALABAYSAN OO LALA=EEYAHAY WAXA AY KU JIRAAN DAGAAL MISNA MEELISKA FADIYA. TUSAALE SIDA KUWA JOOGA "BALEDWAYN" MAXAY QABTAAN MA MAGAALADA UUM BAY ILAALIYAAN WAXA AY SHABAAB KA TALISAA MAGAALOOYINKA U DHOW SIDA "HALGAN" BUULO BURDE" JALALAQSI.........

    ReplyDelete
  32. Waxaan u mahadcelinayaa inta iigu hambalyeysay, kuwa iigu duceeyay iyo dhammaanba inta akhrisay talada aan u jeediyay Ra’iisal Wsaaraheenna. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa baraha internetka ee 40 kor u dhaafay ee daabacay taladeyda si ay ula qeybsadaan akhristayaashooda. Sidoo kale ayaan u mahadcelinayaa dadka farriimaha gaarka ah iigu soo diray aaladaha kala duwan.

    ReplyDelete
  33. ilaahay ha garansiiyo taladaada hadii kheyr inoogu jiro hadaynu somali nahay, ninmanka qabiilka ka hadlaya waxaan odhan lahaa 23 sano ayuu qabiil wax inoo tari lahaa, waxaan filayaa taladaadu waa sidey somali wax ku qabsan lahayd jaarkeedana kaga bad baadi lahay.
    xasanaadkaad shaqeysatay ilaahay kaama lumiyo , Somali ilaahay ha waafajiyo Wanaaga

    ReplyDelete
  34. Yusuf, Tallada aad siisay Ra'isal wasare Shirdoon waa Mid aan is leeyahay aad ayay muhiim ugu tahay in uu si dagdaga u tixgaliyo ama u qaato marka ugu horaysa ee uu fursad Ra'isalwasaruhu u helo. Labaatan kii sano ee lasoo dhaafay ee mushkiladda somalidu socotay markasta oo dalka dhib kadhacdo dhibtaasna somalidu isugaysato waxaa dabasocday eedaymo waddamada dariskaa Khaasatan Ethiopia oo qaarbadan oo Somalida kamida ay dhaleecaynayeen Ethiopia, halka qaarkale oo badana ay u arkayeen in ay tilaabooyinka ethiopia ay sax yihiin ayna daneheeda qaran difaacanaysay, hadda hawshii waxay isku badashay dhinaca kenya oo shakhsiyaalkii iyo dawladihii dhaleecayn jiray waddama dariskaa ama hakusaxsanaadeen ama haku khaldanaadeen kasowkow, waxaa soo kordhay dawladdii Somalia oo larabay in ay waddama dariskaa waxay ka walaacsanyihiin ka qanciso inay muujisay dulqaad yari. Wasiirka aad kulatalisay Ra'iisal wasaaraha ee aad ku magacawday Wasiirka iskaashiga Gobalka, aad iyo aad ayuu muhiim u yahay. Waxaan Jeclaan lahaa sida aad Ra'iisal wasaaraha ula talisay inaad madaxwaynahana Ula talisid.

    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  35. Talo adigaa kunool mooyaane iyada kuguma noola! Talada dhabta ah waa tii Rabi! tashadaa mashalaayo ayay Somalidu tirahdaa, marka wa arin lagu farxo in ad hesho qof kulataliya oo wax kuusheego waayo waxa ay tusineysa isjeceyl iyo is ixtiraam, sido kale waxa meesha ku jirto taladii wanagsan in laqaato! talada fiican ale hawaafajiyo Mr. Sacid!

    ReplyDelete
  36. thank u more then words yufuuf garaad waxad tahay indheer garaad

    ReplyDelete
  37. yuusuf garaad nin wax garad

    ReplyDelete
  38. anigoow magacega fuad cumar colaad oo agekeyga yahay 20 sano waxaaad tahay nin aad iyo aad dadka iyo dadka iyo dhullka wax u taraaayo waayo aragnimadaa iyo habak siyaasinimada waxaaan kale ku sheega lahaa inaad u qalandtid jeeego madaxtinmo dalka somaliya maadaaam aad dadka iyo dadka iyo diinta iyo dhuulka aad wax ugu tareeysi aad ayaan ugu faraxsanahy qibiradaas aad u leey dahay wax aan hubaa inaad howshaas ka soo baxeysa ani maanta hadii aan awood aan u yeeshan lahaa inaaa wax ka dhigo madaxam ka mid dalka somali waan ka dhiga lahaa waxaas neh wax waaayo wax aad waayo aragnimo u leey dahay adeer i wish you best and wadani

    ReplyDelete
  39. aad ayaad umahadsantahay Mr. Yusuf Garaad talada aad bixisay laakin waxaa isweydiin mudan madaxda somaalidu dhaqan ma uleeyihiin inay talada dadka wax ku oolka ah qaataan? umalayn maayo anigu kolley.

    ReplyDelete
  40. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete