Total Pageviews

Monday 15 July 2013

Soomaaliya, Masar ma aha!


Xaflad Afur ah
Inqaasa Yusuf-Garaad
  
Ganacsata Nairobi ayaa xalay afur u sameeyay Madax, siyaasiyiin iyo dad kale oo isugu jira aqoonyahanno iyo shacab Soomaali iyo Kenyan ka kooban.

Waxay munaasabaddu ahayd wacdi, duco, isbarasho iyo in la isku guubaabiyo in nabadda laga shaqeeyo. Iyo in dowladda Kenya oo caasimaddeeda lagu qabtay munaasabaddana looga mahadceliyo taageerada ay la garab joogto Dowladda Soomaaliya iyo qaxootiga ay dalkeeda ku marti gelisay.

Fikirka shirku ka dhashay waxaan ka marneyn walaac ay qaban qaabiyayaasha qaarkood ay ka qabeen kala qoqobka iyo siyaasadda beeleysan ee beryahaan ay dadka qaar aad u buun buuniyeen. Farriin aan afka laga sheegin waxay ahayd in la muujiyo is dhex gal dad aanay ka dhexeyn wax aan ahayn Soomaalinnimo.

Shirkaas waxaa goob joog ka ahaa saddex Ra’iisal Wasaare oo madax ka soo noqday Soomaaliya, Dr Cali Khaliif Galaydh, Dr. Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Waxaa kaloo joogay Cabdiwahaab Ugaas, Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi, Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow iyo Shiikh Maxamed Yaasiin. Waxaa iyaguna joogay Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo General Darwiish oo midba mar Madax u noqday Sirdoonka Soomaaliya, Madaxweynaha Khaatumo iyo xildhibaanno fara badan ayaa iyaguna fadhiyay. Waxaa goobjoog ahaa hawlwadeenno la shaqeeya Madaxda ugu sarreysa dalka Soomaaliya.

Dhinaca Kenya waxaa ka soo qeyb galay afar xildhibaan oo uu ku jiro Ilyaas Barre Shiil oo hadda ka hor dhowr jeer tegey Soomaaliya. Afartuba khudbado talo iyo dhiirri gelin isugu jira ayay goobta ka jeediyeen. Siyaabo kala duwan ayay u cabbireen dib u dhaca Soomaaliya uu dagaalka sokeeye u keenay iyo sida uu iyaga laftooda u saameeyay.

Waxaa suuqa si xoog leh loo geliyay, oo Dowladda Soomaaliyana ay ilo kala duwani ku wargeliyeen in shirka ujeeddadiisu ay tahay in lagu mucaarado dowladda Soomaaliya. Waxaa la sheegay in shirka ay wadatay Jubilant, iyadana lagu taageerayo.

Ilaha qaar is-been-farriimay waxay suuqa sii geliyeen in Isbahaysi mucaarad ah halkaa looga dhawaaqi lahaa laakiin ay dowladda Kenya is-hor taagtay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ka cabatay.

Wax kasta oo dowladda laga siistay in sidaas loogu warramo, haddana kulanka ujeeddadiisa dhabta ahi ma ahayn wax dhaafsiisan inta goobta ka dhacday. Haddii wax sidaas weydaaran ay madasha ka dhici lahaayeen, waxay ahaan lahayd khiyaamo maaddaama aan hore loogu ballamin.

Sababaha taas caddeynaya waxaa ka mid ah, in aanuu jirin kulan ay hore isugu yimaadeen siyaasiyiinta kulankaas goob joogga ka ahaa, qaarkoodna ay meesha isku barteen, marka laga reebo laba ama saddex qaban qaabada iyagu lahaa. 

In aanuu ahayn wax dowladda laga qarinayana waxaa u markhaati ah in ay fadhiyeen hawlwadeenno ka tirsan xafiisyada ugu sarreeya Soomaaliya, welibana aan laga qarin ee lagu marti qaaday Danjiraheenna Nairobi, shirkana uu xiriirye ka ahaa mas'uulka shakrikad la shaqeysa Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha.

Midda kale anigu ma ogi mowqifka siyaasadeed ee mideyn kara dadkaas oo dhan oo aan ka ahayn taageerada Qaranka iyo Dowladda Soomaaliya.

Mucaarad aa! Ma anigan?


Waxaan arkay erayo ay xar xarriiqeen baraha internetka qaarkood. Waxay ku eedeeyeen dadkeennii goobjoogga ka ahaa munaasabaddaas, iyo qaar aan jooginba in aan nahay dad lacag ku qaatay in ay shirqoolaan Dowladda Soomaaliya.

Xataa hadday dadka qaar ka suurta geli karto, ma ahan wax aan ku wada heshiin karno in aan shirqoolno Dowladdeenna iyo Madaxdeenna.

Haddiiba aan taa la aamini karin, ogow Soomaaliya, Masar ma aha. Ma jirto quwad Soomaaliyeed oo maanta Dowladda afgembin karta. Dowladda waxaa ilaaliya ciidanka ugu xoog, sahay, saad, xuuraansi, taakulo iyo gurmad badan ee Soomaaliya jooga, waa ciidanka AMISOM.

Dariiqa keliya ee qofkii mucaarad ah u furan waa dariiqa qaanuuniga ah ee lagu kala bixi karo sanduuqa dhex yaalla Baarlamaanka Soomaaliya. Kaasna dariiqa loo maro ma jirto cid dowladda ka badisa.

Intaa ka dib, anigu mucaarad ma ihi. Mana qarinayo taas. Laakiin ha igu khaldamin. Anigu ma qabo saar taageerenimo oo indha tiray. Ma aha in aan siyaasadaha ay Dowladdu ku socoto iyo qaabka ay u wajahdo aan ku wada raacsan ahay.

Siyaasadaha qaarkood wey ila khaldan yihiin. Qaarkood wey ila wanaagsan yihiin laakiin waxaa ka khaldan sida loo soo bandhigayo ama loo wajahayo. Qaar kale waxaa ila khaldan markii khaladkooda la arkay in khalad kale lagu saxayo. Waxaa ila khaldan in mas'uuliyiinta go'aan weyn qaadan karaa ay aad u kooban yihiin.

Qaarkood waxaa ila khaldan in wakhtigii ay ahayd in tallaabo laga qaado laga habsaamayo. Kuwaas waxaa ka mid ah arrinta Kismaayo. Mas’uuliyiinta dalka ugu sarreeya mid ka mid ah, ayaan bishii September 2012 kula taliyay in Madaxweynuhu uu magacaabo ergey u qaabbilsan arrimaha Kismaayo.

Waxaan ii muuqatay in aan xaaladda Kismaayo jihada ay qaadaneyso aanay sugi doonin dhowrka bilood ee Madaxweynuhu ka fekerayo cidda Ra’iisal Wasaare noqon doonta iyo sida Baaramaanka loo marinayo. Iyo inta isaga iyo Ra’iisal Wsaaruhu ay ka tashan doonaan cidda Wasiirro noqoneysa, barmaaijkooda siyaasadeed iyo sida Baarlamaanka looga ansixinayo.

Mas’uulkaas jawaabta uu i siiyay waxay ahayd, labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa telefoonka ku wada hadlay, wax walbana wey isla fahmeen. Waxba ma hallaabayaan. Xaaladdu waa dhag, waadna ku mahadsan tahay walaaca aad muujisay. Inkasta oo hadalkiisa aan u arkayay nin weli farxadda guushii doorashada ku jira oo wax waliba la fudub yihiin, haddana waan uga mahadceliyay xogta uu ila wadaagay. Niyaddana waxaan iska iri Ilaahow run ka dhig.

Waxa ay ku dambeysay iyo inta dad ku dhintay waan arkaa. Waxaan arkaa sida ay u xumeysay xiriirka dalka aan deriska nahay ee Kenya.

Haddaad tahay taageere kubadda cagta, waxa aan ka hadlayo waad garan kartaa. Laacibka adduunka ugu wanaagsan hadduu kooxdaada ku jiro adiga waxaa kuu muuqda Goolka uu dhalin karay, ama uu difaaci karay, laakiin uu ka gaabiyay. Taasna waad ku xanaaqeysaa.

Macnaheedu ma ahan in kooxdaada aad nacday ama aad cadow ku tahay. Mana ahan in cayaartooyga uu kahaldkiisu kuu muuqdo in aad jeclaan lahayd in cayaaraha laga fariisiyo.

Marka aad khaladkiisa tilmaameysana ma ahan in aad leedahay anigaa ka aqaan cayaarta.

Marka Dowladda iyo inta dooneysa in indha la’aan lagu taageero ha ogaadeen in ay jiraan taageerayaal kale oo aan qabin saarka daneysiga ah ama nin jecleysiga ah. Hana u gegsadeen erayada iyo tilmaamaha laga yaabo in marmar ay ka soo yeeraan taageerayaasha aan ka mid ahay, oo maaddaama aan saar ku dhicin ay u muuqan karaan dhinacyada laga gaabiyay.

Dhammaanteen - Mucaarad, muxaafad iyo muxaafad saar qaba, Ballanteennu ha ahaato, i tus oo i taabsii. Dowladda waxaan u rajeynayaa nabadeyn iyo horumar in ay na gaarsiiso. Ramadan Kariim.

85 comments:

  1. Bismilah, Yusufow waxaa ka muuqdaa in aad dowladda tuugeysoo oo leedahay wax ha la siiyo tageree ban ahayee ii arka oo wax ii siiya. one good advice to you broo go to Gura cee iyo matabanl waxaadna ka aas aasta Dowlad gobaled la yirahdo Centaral State of Somalia, Good luck

    ReplyDelete
    Replies
    1. cabdulaahi xaaji denbiga waxa dhigey aduunyadaan horey u martay oo jaahil walba oo nuucaagaa uu internet iska heesto dadka sharafta lehna ugu gefaayo ninkaanu ma tuugtamin kana weyn nin tuugtama ee waxa uu qorey artcle uu uga hadlaayo aragtiyadiisa Yusuf anigaa kaa raali gelinaayo bro keep going you are on right way.
      by sufyaan

      Delete
    2. This comment has been removed by the author.

      Delete
    3. waxaa farxada in aad ka tana sushay shirkii dhiigyacabyada shirkii qabiiliistayaasha shirkii majeerteen mudulood dib u soo cusboonaysiintii heshiiskii 60 kii in barta lagaa fadhiisiyo waagana kugu baryo adigoo leesku kaa sawirayo si loo qaldo shirka meesha ka socdaa inn uu yahay shir loo dhan yahay ka fiirson dhiigya cabyada ka fiirso tuugada dalka dhacday ka fiirso qabiiliistayaasha shaabadeesan samcad aan ku haynin meesha

      Delete
    4. This comment has been removed by the author.

      Delete
  2. sxb yuusuf saarka aad kahadleyso waxaa iimuuqata iney qabaan ragga maalmahan aad sawirada isla geleyseen , waxaana aad iyo aad uga xumahay isbaheysi iyo is xulufeysi aan waji qurux badan lahayn inaad kadhex muuqato , ragga magacyadooda aad xustey dhamaantood waa rag caqabad toos ah ku ah dowlada , mafilayo inaad ummadda soomaaliyeed kadhaadhicin kartid cali geedi iyo darwiish iyo kuwa lamidkaa ayaa dan umad soomaaliyeed u ordaya , ayadoo la ogyahay dhibaatada ay umadda soomaaliyeed ugeysteen , sxb waxaan kugula talin lahaa shaarkaaga inaadan ku wasakheyn kulamada tuhunka umadu kaqabto ee ragga raariikhdooda layaqaan ay samaynayaan , hana isku dayin inaad naga gaddo hadal aan soconayn macna wayna samayneyn

    ReplyDelete
  3. bro Yusuf aad bad umahadsantahay runtii waxaad tahay qoraa sare iyo siyaasiba,waxana aad u jecleystay qoraaladaada oo aan markasta ka korarsado cilmi. intaas kadib shirkii dhacay xalay aniguba shabakadaha ayan ka aqriyay si qaldan ayayna u dhigayen oo titleka ayaaba qalad ahaa, waxan la yabay rag aan wanag ku tuhmayay ood kamid tahay in shir umada somaliyed lagu niyad jabinayo inay ka qaybgalaan, waxan ku dhawaa in aan kalsoonida kala noqdo raggii aan lahaa rajo ayay somalia u wadaan. balse hadeer waxan qabaa fikir ka kaduwan.

    ReplyDelete
  4. Sida hadalka u dhigtay aad ayey u fiicnaa laheed in ay laabtaada kasoo go'do waana kasoo go'i kartaa qalbigaaga balse hadii aad bulaacad dhexda ka gashid kadib salaad ayaan dukanaa dhahdid makula tahay in umada kuu arki karto qof wanaagsan ? waxaan u maleenayaa cali geedi iyo dadka lamidka ah inta aad ka dhex muuqatid xita hadalkaaga hadii uu sax san yahay in lagaa qaadan karo. waxaan aad u jeclaa khudbadii soo jeedisay xiligii doorashada hadana waxaan arkaa in qofkasta oo soomaali ah uu hal waji laheen ama dantiis fiirsade inuu yahay anyway wali respect ayaa ku dhex leedahay umad badan oo wanaag kugu baratay lakin hadii aad isku dhex sawirtid danbiilayaal qaran ogow in sidooda oo kale laguu fahmi doono

    ReplyDelete
  5. Runtii hadalkaada ma xumo yuusufow, naqdiga ama mucaaradada haday wax dhisayso ma xumo, laakiin waxaan u baranay third world ka oo dhan qofka markuu mucaarad yahay iyo markuu xukunka qabsado inaanu isku mid ahayn oo isbedel weyn dhacayo, sidaa darteed kalsoonidii baa naga tagtay.
    somaliya markuu xukun yimaadaba waanu u sacab tunnaa, wanaag baanu ka rajaynaa laakiin hadana fursadihii oo dhan oo lumaya baad arkaysaam somali hadaanu nahay waxaanu wax ku taqwiiminaa qofka cidda uu yahay ee muxuu yiri iyo muxuu aaminsan yahay laysma weydiiyo, waxaana ayaan darra ah inaanu maanta aan ku laabanno 1992 meeshaanu taagneen oo lays lahaa marxaladaas wey dhamaatey sey rabtaba ha ahaatee waxaan u arkaa shirkaa iyo dadka isagu yimid oo kala duwana iyo fikirkiisa iney arrin fiican tahay in wax lays tuso lana saxo wixii qaldan lana walaaloobo saa waddanka iyo kheyraadkiisa naga badane.

    ReplyDelete
  6. Yuusuf garaad waxaan ka amain sanaa wa qabiilayste lkn waa siyaasi Anigoo arka in xaalada kismaanyo ookale ay waxbadan ka qaldan yihiin hadana waxaa ii muuqata in dowladu ay nagaga mashquushay kismaanyo hadaan nahay gobaldii kale ee dalka

    ReplyDelete
  7. Waa war hufan , wax dhaliil ahna malaha, qofka gadaalkiisa wax lagama eego ,ninku wuxuu qabay wuu sheegay warbixinna wuu nasiiyay waa maxay caloola qufaynta kale

    ReplyDelete
  8. Mr garaad as i would agree most of your great commons and wealth of experience in this Blogg, im also shocked to see you sharring common value and ideas with know criminals on eyes of most of somalians and those who have no interest but taken Somalia back dark ages or sale our values.
    I and majority of the somalian people would not believe some of the so call former political leaders and academic that you have mansion by name have tiniest interest of united somalia.

    ReplyDelete
  9. wadada aad kusocoto ma ahan mid saxan marka runta laga haddlo ragaan aad so hadal qaaday dhamantood waa tagga dowladda kasocon la dahay
    haddad manta haysataan lacag
    oo xasaskina iyo caruurtina haystaan mustaqbal
    waxaa jiro hooyo somaliyeed
    oo caruurteda wax eey siiso haysan oo qaxooti ah
    alle kabaqa iska daaya mucaradka aan wadda taageerno dowladda somaliyeed si aan uga baxno qaxotiga

    FG
    yuusuf Garaad hadda ayaad sogashay siyaasada somalia
    magacadda ilaaali dadkaan aaad sawiradda lasoo galeysane danta umadda mawadaaan

    ReplyDelete
  10. Salaan qiima leh. Yusuf waxaan aqriyaa qoraaladada si joogto ah. Bloggan waa mid aad iyo aad qiima ugu leh dadka, diinta, iyo dalka Somaliyeedba. Waad ku mahadsan tahay taas. Waxaan kaloo arka in aad u nugushahay dhaliisha laguu jeediyo oo aad inta badan ku dadaasho in aad u jawaabto. taas ha isku kalifin. Waxaan kaliya ku xusuusinayaa oraah uu yiri nin xakiim ah: "You can't let praise or criticism get to you. It's a weakness to get caught up in either one. -John Wooden. Mahadsanid

    ReplyDelete
  11. Ramadaan kariim , fikirkeyga yusuf waxaan aaminsanahay in ow jiro isbaheysi ay wadaan nimaankaan ayagaa ah oo ku fashilmay saaxada siyaasada soomaaliaya maxaa yeelay si xooli ah ayow isku soo tarayaa warkoodu baryahaan adigana waxaad u muuqataa nin difaacaya.
    Mida kale syaasiyiinta soomaalida waa la ogyahay mid walba maqaamka ow joogo umada soomaaliyeed dhexdooda waana garaneynaa mid walba waxa ow ka hadli rabo RAGAAN qaarkoodna waa rag xilal ka soo qabtay wadanka kuna fashilmay ayaguna waa ogyihiin in aysan wax sumcad ah ku dhex laheyn umada somaaliyeed .
    Adiga waxaan ku dhihi lahaa waxaad haysataa sumcad umada soomaaliyeed dhexdooda dhinaca siyaasadihii cakirnaa ee ragaadiyay dadka soomaaliyeed in aadan ka qeyb galin marka ha iska dhigin nin difaaya siyaasaha dadka qaarkood oo yaan laguu fahmin nin difaacaya siyaasadu fashilmay .
    Ramadaan kariim.

    ReplyDelete
  12. Waxay ilatahay in qofkasta loo daayo fekerkiisa. Yusuf Garad ama ha xumaado ama ha saxnaado waa mu waadin somaliyeed. Kana hadli kara wadanka iyo siyaa sadihiisa. Wixii khalada wuu sheegi kara, wixii saxana wuu sheegi karaa. Cayda iyo maagida hala joojiyo. Dhalinyarada somaliyed waxan leeyahay ka faa iideysta qofka idinku dhaama aqoonta.

    ReplyDelete
  13. Wax badan ayaa laga barana oo weliba xaga saxaafada u badan yuusuf. waxaan raba inaan idin sheego dhalin yaro, wadanka maraykanka waxaa jira laba nin oo layidhahdo. Liberman iyo mcain. Oo labaduba ah xisbiga jamhuriga. oo mucaarad ah. Hadaad dhageysato waxay mucaradayan garan maysid lakin waxay aad uga hadlan wadanka iyo wax.barashada iyo waxa.khaldan iyo waxa saxan. Iyaga fekradooda. Hadana lama maago lamana caayo

    ReplyDelete
  14. Hada, Yusuf garaad, oo walal kiina muwadin somaliyed ah,aqoontiina leh. Islam suni ah. Haduu rabo inuu dowladiisa saxo ama toosiyo,haday,saxantahayna ku amaano. Muxuu dhibaato ah oo uu geystey. Waa wax wanagsan ooo qofkadta oo somaliya lagarabo. Toosin,sixid,hagaajin. Hadaadan adigu hayn fekrad dadka tooda akhri hadaad ku qanacdo taakeer hadad su aal qabto weydoi. Xaalkenu ha ahaado, su aal iyo jawaab iyo ceeb la Aan. Waa aniga fekerkaysa. Ilahow Somali oo mida. Nabaf iyo barwaqo.

    ReplyDelete
  15. waan ku salaamay yuusuf ninkii kursi waayo oo muraayada iska dhex arki waayo cadow ha hoos gali waa dhaqan hogaamiyaasha lagu yaqaano ma ahan hada cusub waa la idinkaga horeeyey meesha ay ku danbeesay waa la ogaa ee yuusuf sumcadaada ka ku cayaarin ee ka fiirso waxii sumcadaada wax u dhimi karo thanks

    ReplyDelete
  16. bro yusuf waa mahadsantahay taladaada lakin meshaan waxaa taalo laba arimood mida koowaad nimankaan aad ka haldlayso oo nairobi jooga waa niman la garanaayo wanaag kasto haday wadaan flimkooda waa waa hore ayuu gubtay mana gadmaayaaan ee isga dheerow fadlan umad kala oo arimaha somalia aad talo kala wadaagto ayaa jooga oo buuga xumaanta ku qornayn geedi darwish sharmake dhamaan waa niman qariban

    tan kale dowlada
    dowlada magac ayay u jirtaa waxa ugu horeeya ee burburinaa waa laablakaca somalidu caadad ka dhigatay hoostooda mafiiriyaaan gurbaanka uunbaa la garaacaaa nimanka hada madaxda ka ahna waa lagu sirmay si fudud ayay ku imaadeen wax qibradana malahan hugaanka
    sidaa yayana ku dhmaysanyaaan waa xaqiiq maxaa yeelay wax ay higsanayaan maba jiraaan mid ka liciifsan waligeen maana arag afar sano oo qasaartay iga dheh

    ReplyDelete
  17. bloga kor ku qoran waxaa ka mid ah hadalkaaga (Midda kale anigu ma ogi mowqifka siyaasadeed ee mideyn kara dadkaas oo dhan oo aan ka ahayn taageerada Qaranka iyo Dowladda Soomaaliya). waxaan ognahay ragas dad ka mid ah in ay si cad ah telefishinada horteeda ay dowlada kaga mucaaradeen ee yuusufow munaafaqada laguuguma baranin ee inta ay ummadda soomaaliyeed daneyneyso qoraaladaada wax fiican u sheeg
    maxaa kuu diiday in aad si toos qaladaadka dowlada ugu gudbiso maadaama aad tahay nin dowlada la xiriiri karo , intaad meelaha hadalka ku baafin laheyd sida websiteyada qaar ee ummadda isku gubo kana shaqeeya isu dirka dadka colaada daashatay ee maanta u baahan samata bixinta, bulshada soomaaliyeed sumcad wanaagsan ayaad ku dhex leedahay,

    Teedakale waxaad tiri xildhibaanada waan iska cafiyey taa oo muujineysa in aad qiratay in aad ka mid tahay dadka looluushay xildhibaanada si aad xil ugu hesho taana waa mid ay taariikhda qori doonto, hada inta ay goori goor tahay oo wali sumcadaado nooshahay aadna tahay nin qibrad leh, fadlan ummadda soomaaliyeed ha kaa faa,ideysto,

    marlabaad waxaad shirar la gashay rag ay ka mid yihiin rag ay ummadda soomaaliyeed ay maxkamad soo taagi doonto ragas oo danbiyo badan ka galay qaranka soomaaliya, adoo waxba galabsan rag danbiyo wado ha xanbaarin.

    ReplyDelete
  18. Mr.Yusuf Garaad Omar xaqiiqdii waxad daaha ka rogtay information naga qarsoonaa. wana fahmay sida ay uga dheceen kulankii Nairobi.
    dhinaca kale sida quruxda badan ee aad u cadaysay mawqifkaaga wad ku mahadsantahay waxana hubaa in ilbaxnimadu ku jirto in ama muxaafid ohow ama mucaarad in adan marna ka leexanin xaqiiqda oo aad indhaha ka laabanin wanaag ama xumaan waxa ay samaynayso jihada aad taageersantahay ama aad ka so horjeedo.

    aad ban kugu guubaabinayaa sida aad noogu so gudbisay macluumaadkaas iyo waliba aragtidaada siyaasadeed ee dalka.
    ninka khaladkaaga kuu shega ma aha cadawgaaga ee waa sida muraayada oo kale wana la iska saxaa khaladka wana lo mahadceliyaa qofka ku saxay.
    dawlada somaliya waa in ay dhagaysato dad ka macquulka ah ee bulshada ku jira kana faaiidaysataa.

    mahadsanid bro yusuf. barasho wanagsan.

    ReplyDelete
  19. asc ramadaan kareem ,, salaankadib mudane yuusuf waadklumahadsantahay garaadkaaga iyo garashadaada aad cabirtay wanaagana kusalaysay lkn waxaa hubaal ah inay jiraan muwaadiniin iyo madaxfarabadan oo aaminsan 3shay
    1.infikirka saxani kooda yahay wixii kohoryimaada fikirkoodana burush xaarle lagujiidayo
    2.in awoodu gacantooda kujirto soomaaliyana kaligood matalaan unabaahnayn cidsaxda
    3.in uuna jirin shaqsi wadani ah oo iyaga kasoo horjeedikara fikirkoodana wixii qaldan diidi taasoo macnaheedu yahay , wadani majiro aan durbaan ugaraacayn cida talada haysa

    cajiib
    marabo inaan afka furto waxyaabo badana banaanka keeno lkn waxaan kusoogaabinayaa 2bo tilmaamood oo aan tooshka kuugu qabanayo fikirkayga
    1.waa ayo kenya? jawaab kenya waa wadan aan darisnahay kanamida wadamada geeska africa waa wadan ay qaybkayihiin mujtamac amaba umad soomaaliyeed oio ilaahay kubeeray wadaniyadna kuleh aaminsana inay sdoomaaliyihiin lkn ilaahay wadankooda kadhigay kenya
    kenya waa wadankii sida walaaltinimadaleh usoo dhaweeyay qaxootiga soomaaliyeed ee tiradoodu kumanaanka gaarayso waa wadanka aan kahelnay xurmo iyo sharaf , waa wadanka aan kulasoobaqanay ubadkii maatidii bukaankii iyo hantideenii intaba , kenya waa wadanka dhiigoodii qaaliga ahaa uhuray inay umada soomaaliyeed uguhiiliyaan kenya waa wadankii uguhoreeyay ee uhambalyeeyay madaxwaynaha maanta jira , kenya waa kenya
    2.waa ayo xukuumada maanta kajirta soomaaliya iyo masuuliyiinteedu ?jawaab , afeef hakudagan kamawado qabiilkoodu madaaroodbaa mahawiyaa madigil iyo miriflaa mise waa dadka waxayna ahayn lagu tilmaamay , waxaan ugajeedaa waa dawlad caynkeeya , jawaab dawlada sooomaliya kajirta waa dawladii aysoo doorteen mudanayaashii lagusoo xulay hab qabiilaysiga ee cadaalda kadheer lkn waxay ahayd daruuri marka laeego marxaladii aan kujirnay waa dawladii uguhoraysay eeaan abid arko ee u abtirisay shaqsi ajinabi ah, tusaale xukuumada xasan sheekh iyo kismaayo jubaland
    xasan sheekh isaga ayaa lahaa sababta iyo abaabulka dagaalkii kismaayo sababtuna waxaytahay kismaayo oo nabad ah ayuu usoodiray 20 xilmagutayaal ah iyo tiro wasiiro garashada lagadaahay oo uu kamidyahay fiqi , wuxuu mararbadan kuhadaaqay inay kadigayaan dagaal kismaayo kadhaca , wuxuu kiciyay garaadlaawayaashii qabqablihii iyo qudhunkii soomaaliya rogay maxaa dhacay , 1.ciidan shabaab heshiis la ah laguna sheegayo inay dawladu leedahay
    2.hogaamiye kooxeed ladhiirigal;iyo hub iyo lacagna lasiiyo 3.saxaafad labuun buuniyo intaaba kadib xabad ayay fureen shaqsiyaadkii gaaska xasan sheekh lagu shubay dagaal ayaa dhacay kismaayana waxaa kudagaalamay sida xaqiiqda ah waa ciidankii jubaland ee soo xoreeyay ilaahadana maamula dhulka udhexeeya kismaayo ilaa kenya , dhoobley afmadaw hoosingow, badhaadhe kaambooni buurgaabo iyo meelakaloobadan iyo maleeshiyaadkii argagixisada ahaa ee gedo laga keenay mooryaantii kismaayo laga abaabul;ay iyo ilaaladii fiqi kmadib markii dhamaantood cagta lamariyay xaquna ka adkaaaday dawladu waxay bilawday , dacaayad kadhen ah wadamada dariska ah keenyaa dagaalkii kaqaybgashay , qabaailbaa islaayay ciidan dawladeed baa laxasuuqay , kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk, qabiilkee ciidankiisu dawlada ahaa hada xusuusnaw hadaad abtiriso kenya dadka dagan ee soomaalida ahi waa qabiil allso ethiopiana waa qabiil lkn midna uma uuna abtirin qaxootiga soomaalida ah ee wadamadooda buuxdhaafiyay

    waxyaabaha uguyaabka badan ayaa waxaytahay in warqad aan cadayn loohayn eedayn aan sabablahayn loogu qoro kenya lagaboodsiiyo igad oo loola cararo au away haykalkii dawladnimo iyo kaladanbayntii away kafiirsashadii away xurmadii iyo sharaftii , yaa soomaaliya uqaabilsan kahadalka arimaha dibada yaa dawlad eedaynkara , xasan sheekh, saacid , fooziya, kaliil , xoosh, cabdishakuur, ridwaan , xaad , adigu iisheeg

    ReplyDelete
  20. Yussuf I concur with you its dangerous to be sycophant and supporting blindly,we just need to be praising the government on the good things they did or doing and condemn on the bad things they are doing or criticize for their failures. secondly you used a good example for those who could understand that of football fans, when they are angry and reviling the team doesn't mean they hate the team but want to see things to be done differently for more success.

    ReplyDelete
  21. Waxaa kaa muuqata in aad si ka xeel dheer sidii lagu yaqaanay siyaasiinta Somalida aad u wajaheeso wararka umadda walaacinaya. Waxayna ila tahay in ay wax badan oo culees ah ka rideeso umadda ka walaacsan xaaladda dalka. Waxaa tusaale u ah, sida aad u soo saartay warbixintaan isla markiiba.

    ReplyDelete
  22. yuusuf garaad sxb aniga kuma amaanaanyo kumana dhaliilaayo lakiin waxan kugula talin laha in aad aqriso commentiga ay bixinayaan shacbka soomaliyeed ee aqriyay qoraalkaga in ay dhamaantood ka xun yihiin bohosha aad qodeysaan walibana aad u qodeysaan umada soomaaliyeed anagoo og asxaabta meeesha isugu timid dhamaantood waxa ay dadka soomaaliyeed ka aaminsan yihiin waad mahadsantahay

    ReplyDelete
  23. yusuf garaad maqaalkiisa markaan aqriyey waan ku qancay coz wax walba uu ka hadlay waxa uu uga hadlay si sax lkn nin saar dowlada hayo waxaa laga yaabaa in uu mucaarad hadalka mr garaad point kaste ee loo baahnaa in laga hadlo loo baahnaa wuu taabtay ,dowlada waxay ku qaldantahay hadaan loo sheegin sidee wax ku sax mayaan mise ninkaste 4 yrs kiisa waa laga aamusayaa oo afka ayaa laga xinayaa qofkii hadla ama runta u sheega dowlada waa mucaarad ayaa lala soo boodayaa dowladu waxay ka gaabisay waa inaan u sheegno si ay u dadaasho una gaarto meesha laga sugayo .

    ReplyDelete
  24. Asc dhamaan waa idin salaamey. Yusus runtii nin nasiib leh ayaad tagay maxaa yeelay dhamaan dadka comment ku dhaafey weey kuu digeen in aad group aad sawirada iyo fikirka la share gareesay aan aheyn dad wadanayiin ah . Adigah waxaaba kasii daran Dr baadiyoow .
    Marka profilekaaga waagii bbc saas uma nadiif aheyn . Marka hada chance ha siinin wixii lagaa sheegi jirey in eey run ahaayeen. Sedex masuul aa sheegtay maxeey somaliya u qabteen marka in aae shegto maba aheyn in la weyneeyo. Dowlada hala saxo hana lagarab istaago . Somalidanah Allaha is jecleesiiyo.

    ReplyDelete
  25. Waand salaamantahay Yuusuf waxaankugu raacsanahay fikirkaaga waxaankaloo aan layaabanahay sida dadka qaar wax udhigayaan dawlada soomaaliya maanta kajirtaa goormay noqotay kitaab inagusoodagay ookale ooytahay inaan wada adeecno sax iyo khaladba kasaas fikirkiisu sidaas yahay wuxuu kutusayaa un dawladii dadka kadhaxaysay dad khaas ah ay isasiiyeen intii dawlado kumeelgaar wadanka soomaray meeshan waligeed arinkku magaadhin dawladu dhaliilo badan bayleedahay qabyaalad bay umadii kala dhex dhigtay waxyaabo fiicana wayqabatay waxa xun inlagudhawrtana ma aha mida kale walaalaha qaar commentskooda waxaan ku arkayay dadkaad lasawirneed sawirada kulakirtay iskaga dheeraw iyo wax caynkaas ah war dadkaas waa dad sharafleh oo umada magacwayn kuleh qofkuna waa xor ma aha haduu shaah lacabo waa isku fikir eedaymahaas raqiiska ah hadaad isku sii mashquulisid yuusufgaraad maskaxdaadu waxay kutusi doontaa inaad arimaha soomalia faraha kalabaxdo marka taladayda oo kooban wanaaga umadaada sidaad ugusheegi karto ama meeshaad karaadin karto cidna hakala tashan ilaaahayna talosaaro. smc

    ReplyDelete
  26. yusuf garaad cumar aad ayaad u mahadsantahay runti waan sugayay maqaalkaan wayo markaan maqlay shirkaan iyo sida loo cabiray koley mas,uul umbaa ka hadli donaa ayaan islahaa way dhacday midaa oo adaa ka hadlay. aadna waan oganaxay shirkaan waad naga daweysay wixi uur noo fadhiyay waad ku mahsantahay.
    mida kale mesha aad wax oga jedo inaga way naga dadantahay ee midaa la soco hadana saar ayaa nahaya sida aad shegtay runtii anigaa kamid ah dadka uu saarka hayo.aad ayaan aniga u fahansanay runti xig,madahaan aadka u yolka fog ee aad doneyso inaad ku bad badiso ummadda soomaaliyed waan kugu tageray kun iyo kow jer waxaan aad u rajenayaa in lugu qato waano hadaladaan dhaf dhabarka ah ee ka so maxday maskaxda wayo arga ah. ale sidaan u fahmay hadaladaada may ummada iyo da,yarta ila midka ah u fahmaan runtii waan bad badi laheyn.

    ReplyDelete
  27. Yusuuf Garaad sida aan la wada socono Siyaasadu dadka marka qaar wey badashaa Qof wanaagsanan jiray, marka qaar waxay ka dhigtaa qof xun,qof xumaan jirayne marka qaar waxa ay ka dhigtaa qof fiican,waxaa filayaa in aad hadalkeyga ujeedadiisa dareemi kartid,aniga waxaan fikir ahaan qabaa in meelo badan laga fiiriyo kulamada nocaan oo kale ah.

    ReplyDelete
  28. 1st Waa ku salaamay ina Garaad Cumarow.
    Midda ku saabsan qaladaadka siyaasadeed iyo gaabiska Dowladda Somalia waa mid adiga iyo inta kale ee Somalida ah ay xaq u leeyihiin ka hadalkeeda, waana lagama maarmaan in madaxda Dalka wixii khaldan lagu dhaliilo wixii saxanna lagu ammaano.

    2nd Yusufow maadaama aad siyaasadda soo gashay waxaan kugula talin lahaa in aadan hirka badda noqon oo aad aadan maalinba meel ku caarin ee waxaa ila haboon in aad xisbi siyaasi ah sameesato mabda'aaga siyaasaddeedna fariisidid adigoo ku jaan goynaya nidaamka ay siyaasaddaada ku shaqeyn doonto iyo hadafka siyaasadeed ee mustaqbalka. xil qabo ama ha qabane.

    Fg Haddaad hadaladeyda qaaar dhibsato waa mid aan kaa raalli galinayo saxidna iga ah. (Mahadsanid)

    ReplyDelete
  29. Yusuf,waxaa ka mid tahay Murashixiintii Madaxweynimada Soomaaliya ,waxaa kaloo tiri haddii aan ku guuleysan waayo jagada Madaxweynenimada ,dawlada waa la shaqeynayaa ,Hadalheyntaada dawlada, ka sheekeynta siyaasada ,soo gudbinta xog`aha iyo tala siinta Dawlada Maxaa loo qaadan karaa ......???????Mucaarad...........Muxaafid............. Jago doon iyo wixii sooooooooooo raaca .////?????????????????

    ReplyDelete
  30. ramaadaan kariim ,
    yusuf garaad omar anigu kuma amaanayo
    kumana dhaliilayo , lkn runtii waxaad umalaysaa maanta hadalkaagu in uu yahay mid aan umadaa somaaliyeed ka gadmi karin marna
    waayo liska iyo magacyada shaqsiyadka aad xustay , hadii aan eegno kuwa laga xusi karaa wa kuwii kutagrifalay xuquuqda ,iyo hantida , qaranka iyo shacabka somaliyeed , mana ahan haba yaraatee dad ka shaqaynaya maslaxada iyo danaha qaranka iyo shacbiga somaliyeed
    marka anigu shaqsi ahaan waxan ku so jeedin lahaa yusuf ahaan in aad isaga fogaato mowqifka iyo danaha dembilayasha , si aad u ilaashato sharafta iyo karaamada aad ku dhexleedahay shacab waynaha somaliyeed

    ReplyDelete
    Replies
    1. lol waxaan kuwwaydiin lahaa adooraaliya shalay xasan dahir aways ayaa loomudaharaadayay waa'ayo cidaaad dambiile kusheegayso? hadalkaagu meeshuu udhacayo waa loojeedaa horta dambiilahayaashada qir kadib usoolaabo kuwakale dawladan aad sheegaysana hadii ay reerkiina ufiicantahay ogow reero kale ayay dambi kagalaysaa hadii sidaadoo kale loohadlo runta hadad rabto dowlada hada jirta inay soomaalikala disho ma ahee iskukeenimayso kuwo qalafka wakabaranayana ma aha iskaadaayo waad ujeeday in siyaasad xumadoooda muqdisho xitaa dhawrjeer looga mudaharaaday nimankii sh shariif iyo lahaa walaahi bilaash bay u eedsynjireen taariikhfiican bay dadka ugatageen nimankaan meeesha qabsaday waxay kadhigeen NGO tuugsi baalaga dhamaan layahay dad aan kutaageersanayn cidee waxkuugu dhiibaysa weeyaan suaasha hortaala marka sxb raalina iga ahow lakiin waxbadan baa khaldanee see loosixikaraa weeyaan ujeedadaydu.

      Delete
  31. sxb yuusuf garaad waan kusalamaamay ,, yuusuf sxb waxaan kugu tilmaamayaa sadex arimood oo aad ku sifowda
    1 geesi aan hadalka lagaban runtana kahadla
    2 nin colaada iyo nabada labadaba garsho iyo halbeeg fiican uleh
    3 nin waxna kutarikara waxna kuyeeli kara
    yusuf sxb mafahmayaan dadka aad wax usooqortaa waxa aad ulajeedo qoraalkan ,, waa kuwo laga buuxiyay
    qabyaalad , koox diimeed , burcad badeed ,,qabqable dagaal ,,
    waligoodna ma arkin dad soomalinimo isulasocda waayuhuna waxbareen
    oo ogaaday ujeedada inay tahay badbaadinta dalka dadka iyo diinta
    hadaba dheg howdhigin kooxahaas kaladuwan
    by Eng abdulkadir mohamed da'ar

    ReplyDelete
  32. yuusuf garaad waxan siin lahaa bilad lkn markaan arkey asxaabta uu la sawiran yahey wan kala noqdey sababtoo ah waa rag eedo lagu tabayo

    ReplyDelete
    Replies
    1. waxa dhihi laha walal kay yuusuf mar walbe waxad ka shaqaysaa nabada umada somaliyrrd iyo waneegeeda

      Delete
  33. Yuusuf Garaad waa ku mahadsantahay Warbixinta aad nala wadaagtahay ,lkinse Ragga Siyaasiinta ah ee Nairobi ku kulmay maahan kuwa umadda somaaliyeed iyo wadanka soomaalia xal U raadinayo dhamaan waan wada garaneynaaa Taariiqdooda marka somaalia ilaahey ha u bixiyo Siyaasiin Daacad ah , wadaniyiin ah , aanan dhulka iyo dadka lacag siisaneyn oo soomaali nimadu kuweyntahay ,

    ReplyDelete
  34. WAXAA ANIGA AAD ISOO JIITAY HADAL KA "Macnaheedu ma ahan in kooxdaada aad nacday ama aad cadow ku tahay. Mana ahan in cayaartooyga uu kahaldkiisu kuu muuqdo in aad jeclaan lahayd in cayaaraha laga fariisiyo."
    WAY KULA FAHMAYAAN DADKA FARIINTAAN KUSOCOTO HADI AY SIDAAD USHEEGTAY CIYARAHA SOMALIA XISEEYAAN. LOOL

    ReplyDelete
  35. anigu ilama qaldana idea ha yusuf garad mucaarad ha ahaado ama muxaafad koley wa nin leh wax hala saxo good luck ugaas .

    ReplyDelete
  36. Asc. Yuusuf waan soo koobayaa fikirkeyga, waxan kugula talinayaa inaad kaharto inta goori goor tahay ragan magaca madow ku dhex leh umad waynta Somaliyed, waana inaad ka faantaa inad isla sawirto, runtii aad baan uga argagaxay markan arkay adigoo dad noocaaas ah la sawiran oo dambiilayaal qaran ah, si kastoo ay wanaag u wadaan ma aaminayno wixii hore ayaan qalbiyadeenna ka go,in marka adiga sharafkaaga iyo sumcadaada yuusan halayn nin horey u wasaqoobay. thnks

    ReplyDelete
  37. Waa qormo aad uxiiso badan Yusuf Garad waa caddahay inuu yahy aqoonyahn waxa uu qabo aan qarinayn taası waxay meesha kasaarysaa labo wajiilanimo.Marka koowaad fahankayga hadaan cabıro ku aadan qormada. Yuusuf waa teegeero NAADIGA DAMULJADİİD AH lkn aan walı saarka laga tumin. Qofka laacibintiisa kuxanaaqa markay kubada dayacaan waxaan ognhy inuu yahay taageere xad dhaaf ah oo waliba habeenka naadıgaas laga badıyo aan seexan.Intaas kadıb Yusuf waa aqoonyahan mudan in talooyınkiisa danbe laqaato wixii wanaag loo arko, hadalkaanina waa constructive runta kahadlaya aniga aragtidayda.wixii xad gudub ah halayga raali ahaado maahn aragtıdaydu inaan cid kubeen abuurto waxaan qoray waa fahmkayga kuaadan QORMADA.

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by a blog administrator.

      Delete
  38. fikirkan yusuf garad oo ka dhawajiayay wa arin meel taban kara oo muhiim ah

    ReplyDelete
  39. Yuusuf , Hasha Qawaarta ah ayadaa geela cunta ayadaana cabaadda , Geedi iyo Galayr Goob maxaa isugu keenay , Darwiish iyo Baadiyoow maxaa wada fadhiisiyay ? Ragga meesha isugu yimid ogaanta qaarna waa cadaysteen qaarna qalab ayay u qaatteen sidii loo badali lahaa ama loo ridi lahaa dawladda jirta ? iskama lihi ee Gen Darwiish Maleeshiytada Raaskanbooni ayuu abaan duule u ahaa markay dirireen Barre, Geedi iyo Galayr hadalkoo iyo Hanti hore inay nooga maqantahay ayaan tuhmaynaa , Baadiyoow waa laga badiyaye moojiye muu sugo 3 sanaa hartaye ? Adiga waxaan kugu haysto ma jiraan aan ka ahayn erayga Anqaas oo aan ku aqiinay Qorayaal hore kaftan ka dhigo

    ReplyDelete
  40. yusuf ramadan karim marka hore waxan u artcle ad blog ku qortay mid aad kaga hadashay dhanka wanaagsan waana feker aad umuhim ah mar haddi qof walbaa fekerkisa so badh dhigayo. Waxana ku talin lahaa adiga iyo ragaa kaloo madaxda ah ama horay usoo ahaan jiray inaad dawlada kula talisaan dhanka wanaagsan oo la saxdaan arinta jubaland ay beryahan ku mashquulsan tahay .Sidoo kale xirirka kenya iyo dawlada qayb ka qaadataan sida aad isugu soo dhoweyn lahaydeen madama ad kenya shirka ku qabateen oo xataa siyaasiyin labada dhinac ah ay kasoo qayb galeen

    ReplyDelete
  41. Yusuf Somali kahar oo Qabiil soo raac, anigu ma yeelen adna ha yeelin. Yusug Garad oo Somalia dhan habeen kasta sexan kara, Maxaa bidey in Raas u noqdo

    ReplyDelete
  42. yusuf,waxaan ka baqaayay ayaa hadiiba ka soo muuqday bartamaha website-yada, waxaas oo ah in adoo la sawiran dad sumcadoodii gatay mar hore shabakadaha la soo galiyay.
    xaqiiqa ahaantii aad iyo aad ayaan uga xumahay halkaas ma aanan kaa fiirinayn , waxaana kugula tali lahaa in aad ka fiirsato siyaasaha qaar yusuf garad omar.
    Igana raali noqo hadaan si gaar ah diirada kuu saar adiga waa iga wanaagaaga jecli.
    Hadalkaagii waxaa ku jiray soomaliya masar ma ahan oo afgambi waxaba laguma qabso karo laakiin taas waxaa ka daran dicaayada ama dacaayad cadowtinimo waxa la yiraa oo dadka lagugu soo jeedsho.

    NB.dad daalay yay ku daalin, dariskaa intaan cadaan iyo madow ama midab ahayn wey ku qabadsiiyaan.
    ramadaan kariim.

    ReplyDelete
  43. yusuf garad waxan ku leyahay fikirki fiican an kaaheysany wa uu baaba ay adiga iyo xasan daahir manata seem aya tihiin maxa yelay bulshadii ficneed ee aad ku dhaxjirtay ayad ka dhaxbaxday oo aheyd in dowlada latageero qaabilkaga iyo wax garadkodaba hadannahay habargidirna meel ayad noga dhacday adiga oo magaceena isticmalaya ayad mesha tagatay hadii adan magaca huwaneyna laguma yeereen wan ka labatay dheh

    ReplyDelete
  44. Yuusuf qoraalada aan ka aqriyay websaydyada qaar iyo qoraalkaagan aad qortay waa ay kala duwanyihiin wixii meesha ka dhacayna kolay adiga ayaa joogay oo qoraalkan ka diyaariyay marka dhihi lahaa soomaaliyeey in wax la mala'awaalo ma fiicno ee fadalan iska dhaafa daniga , waa dareemi karaa waxa dadka ku kalifaya in ay qaabab kaladuwan uga hadlaan in ay tahay waa maxay waxa isku keenay intan oo siyaasiyiin ah? aa hadana aan isku aragti hore u ahayn taas ayaa buufis galisay dadbadan marka waxaan dhihi lahaa dadku waa soomaali waana aybkulmi karaan ee hala iska daayo mala'awaalka hana lagu qanco qoraalkan

    ReplyDelete
  45. Anigu kulankii shalay waxaan u fasirtay odoyaal kulmay oo farriin dirayay. Farriintaas waxay tahay in siyaasiyiin kala qabiilo ah oo haddana kala gobolo ah wada fariisan karaan oo ay ugu yaraan wax isla jeexjeexi karaan. Bal jaleec taariikhdii dhawayd ee Somalia dhawr iyo labaatankii sanno. Inkastoo soomaalidu laga bilaabo 1991kii qabiil u dagaalamaysay haddana waxaa jiray xulufaysi siyaasadeed oo ka gudbayay xadduudyada qabiilka. Bal fiiri kooxdii manifesto oo ka soo horjeeday Siyaad barre iyo generaal Caydiid waxay ahaayeen odoyaal iyo siyaasiyiin leh muuqaalka jeegaanta. Bal eeg kooxdii SNA ee Caydiid hoggaaminayay waxay ka koobnaayeen askar qabaa'ilo badan ka soo jeeday. Bal kooxdii kale ee Salbalaar ee Caydiid madaxwaynaha u dooratay waxay ahaayeen tiim qabiilo badan ka koobnaa. Bal kooxdii SSA ee Cali mahdi kula qaxwayn jirtay degmadii Kaaraan waxay lahaayeen astaan koox qaran.
    Maanta maxaan haynaa! Waxaa madaxwayne ah Xasan Culusoow oo markii ugu horaysay dagaaladii sokeeye ee Somalia ummadii u horseeday inay u fadhi-ku-diriraan qabyaalad. madaxwayne Xasan wuxuu la yimid siyaasad soomaalida ku celisay wareeggii koowaad ee laga soo tagay dhawr iyo labaatan sanno.
    Waa sax baan qabaa haddii odoyaasha Garaad ka midka yahay ay muujiyaan in siyaasiyiin kala qabiil ah ay meel ku wada ufuraan. Waa farriin cad oo ay u dirayaan Xasan sheekh & Co oo ay leeyihiin "Fadlan kor u bax"

    ReplyDelete
    Replies
    1. faarax waxaad tahay dhabcan qof siyaasada ku xeeldheer. dadka isugu yimid blogan aad ayaan ula yaabay aragti gaabnidooda. waa dad inta badan qabiilku madax maray. bal maxaa udiiday in ay ufakiraan sidaadaas oo kale. yuusuf waxa uu ahaa aqoon yahan soomaaliyeed. waxaan xusuustaa markii uu idaacada bbc da kuwareejinayay maxamed claahi dardaaran uu siiyay. kaas oo ahaa yuusuf waxaad tahay wiil dhalin yaro ah oo aqoon badan iyo caqli ilaahay siiyay. idaacadani waa idaacad soomali meel ay joogtaba maanta kadhaxaysa. majirto idaacad kale oo shanta soomaaliyeed isu keenta oon ka ahayn bbc. waxaad isku daydaa in aad dhexdhexaad kadhigto. yuusuf markii uu katagayay sanad kahor waxa uu kaga tagay dad badan way og yihiin. aragtida laga qabona waa la ogyahay. hadiise uu hada gartay khaladkiisii oo uu soomaalinimo usoo noqday waan soo dhawaynaynaa. haku noqdo hadalka hana sheego dhaliisha xasan sheekh maxamuud ee aad tidhi wuxuu dib ugu celiyay soomaaliya marxaladii 1991 ee dagaaladii ehliga ahaa. muxuu kutaageeryaa xasan oo uu qabtay intuu xilka hayay oo aan ahayn in uu dagaal ka bilaabay kismaayo. in uu isku diriray beelihii soomaaliyeed. in uu kala fogeeyey dakii isku soo dhawaanayay. in uu dib inoogu celiyey 1991 iwm.
      anigu waxaan qabaa yuusuf ha ka fiirsado taagereda uu uhayo xasan iyo dawladiisa fadhiidka ah.
      mahad alaaleh. wixii danbi ahna alaha naga dhaafo

      Delete
  46. yussuf garaad sxb waan ku aaminsanaa waligeey lakiin waa nasiib daro inaad isla sawirto Geedi iyo general ku sheega darwiish iyo wax la mid ah

    ReplyDelete
  47. yuusufoow xaalkiinu waa nin dawee la lee yahay danbi uu badh lee yahay isaguu u daranyoo inuu daaro ma ogola daaranta mililka leh

    ReplyDelete
  48. Farah Jama, waad iga la hormartay fikraddaan soo wadtay. Runtii, aad ayaan ugu farxay markaan arkay aqoonyahnno, siyaasiin iyo waxgarad mug iyo saamaeyn weynba ku leh ciyaarta siyaasadeed, ee Soomaaliya, oo uu Garaadku ka mid yahay. Kuwaas oo kulmay iyagoon isugu iman shaqo, sida fadhiga golaha waziirrada. Fikirkay doonaan ha isugu yimaaddeene, waxay jabiyeen xuduuddii 4.5, ee waayadan danbe indhaha iyo dhaguhuba qabanayeen. Sida: hal beel ayaa Japan la kulantay, hal beel ayaa safiirradii IGAD laga ilaaliyay, hal beel ayaa waddamadii deriska gacanta ku dhigtay, hal beel ayaa dastuurka diiddan/oggol.

    Waxaan xerta bloggan marsadta weyddiin lahaa, waa idinka qaarkiin siyaasiyiinta Nairobi ku wada qaxweeyay ku xukumay danbiileyaal qarane, ma ii sheegi kartaan summadda danbiile qaran? Kuwa hadda xilka hayaase ma wada ceeb-ka-saliim baa? Alle ha laga baqo.

    Garaadkana waxaan weydiin lahaa: Kenya waxaa xoghayaha arrimaha dibadda ka ah gabadh aan ku iman 4.5, ee ku timid aqoonteeda, khibraddeeda iyo kartideeda. Iyadoo waliba qabiilkeedu aanu hal xildhibaan ku lahayn golaha wakiillada shacabka. Halka Soomaaliya xilalka ugu sarreeya lagu qaybsaday 4.5. Aragtidaada haddaynu nahay dadka u dhashay Soomaaliya ma u bisilnahay inaynu aqoon, karti ama khibrad ku kasbanno mansab sare? Ma se is leedahay axzaab siyaasadeed oo aan diini ahayn kana madhan shaambadda wasakhaysan ee qabiilku way ka hirgali karaan Soomaaliya? Muddo intee le'eg, 10, 20 mise 50 sano kadib?

    Garaad, waan kuugu sii mahadnaqayaa haddaad nala wadaagi kartid oddoroska iyo aragtidaada ku saabsan labadaas su'aalood, maaddaama aad nooga khibrad badantahay siyaasadda(kolleyba aniga).
    Ramadaan Kariim!

    ReplyDelete
  49. Ramaddan kariim.

    ugu horayn Yusuf wad ku mahadsanatahay xogta aad nala wadagtay. Runtii anuu waxaan kula qabaa in ay waajib tahay in qofka soomaliga ah si daacad ah oo Allaah ku ogyahay uu wadankiisa ugu shaqeeyo. Soo maaliya oo hagaagta waa sharaftaadda iyo tan reerkaaga iyo tan umadda soomaaliyeed oo dhan. aad ayey muhiim u tahay in laga shaqeeyo sidii wadankaa iyo ummadaas loo badbaadin lahaa, weliba nimankaa hada ama dowlad ha u jireen ama golaha shabaka ha ka mid ahaadeen in sidii allaah ku ogyahay ay dalka ugu shaqeeyaan.

    wax yaabaha aan hada aad ula yaabo waxaa ka mid ah soomaalida oo wada noqotay siyaasi. hadaad dhinac ka fiirisonaha wax sidaas loola sii yaabo ma ahan waayo waa dad aan macal haysan oo wax mashquuliya ayaa ku yar , taasna waxaa u raacday iyaga oo qabiilka kka dhigatay sidii diin ay caabudaan. waxaan aad u la yabaa xataa kan aqoonta leh ee la oran karo waa qof leh garasho durugsan waxaad arkaysaa marka uu xill qabto isaga oo noqday qabiil. waxaa manta halkaa ina dhigayna waa isaga.

    waxaan anuu ku talain lahaa soomaliya manta hiilin bay u baahantahay, adoon cidna eedayn, qabo wixii allaah kugu ogyahay oo daacad kaa ah, oo aad is leedahay danta dalka iyo dadkaa ku jirta.

    ReplyDelete
  50. yuusuf garaad cumar waa fikir wanaagsan somalia waxa maanta halkaan dhigey waa aan maqalay iyo aa la yiri ...... Alle ha siiyo dowladnimo iyo dadnimo RAMADAAN KAREEM

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ramadaan kariim, waa wax lagu farxo in aan muddo dheere kadib aragno shaqsiyaad Soomaali ah oo dadka u kala saara una kala sheega; saxa iyo khaladka, mugdiga iyo ileyska, xanta iyo runta, xaqiiqada iyo khiyaaliga, dowladnimada iyo dibadyaalka, xaq-soorka iyo xumaanta. Yusuf Garaad waxaad mudan tahay mahad ballaadhan inta xiskoodu tammaam yahay ee aan qabyaaladdu ka awood badani waxay ku baraarugi doonaan maalin dambe howsha aad qaranka Soomaaliya u heyso. Mahadsanidin.

      Delete
  51. yusufow waad is difacday sida aan arko waxa kale oo aan ognahay in guusha dadka dahn in lowada nisbeeyo ey jicelyihiin guuldaradana xataa kuwii sabata ulahaa ayaa iska fogeeya . dowlada siyasiyiiin badan waxey ku dhaliilaan arima gudha in ey ka gaabisay , fikradaas o mararka qaar aan gar waaaqsado. lkn sida wax uga dhacen noorobi aan adiga ku weydiiye ma la dhihi karaa waa shekadii ahee.. MA LEESKA KICINAAYAY MASE WAA LESKA KACSANAAYAY.waxaan kawadaa sow kuma qorxooneen in dadka ey ku haboontahay oo ah madaxda qaranka aad tladas sida ugu haboon ugu gudbisaan. halka aad radiyihii si facshara wax uga shegteen taas oo aan aniga shaqsiyan igu qanciheen in wax lasaxayo ee ii mujineyso in wax lakala kacsanaa. mahdsanid.

    ReplyDelete
  52. Mr. Yusuf waan kaxumahay in rag qaranimadii soomaliya hore u gatay aad meel kala soo muuqato hadana rabo in ay gataan siyaasina ma oran karno geedi sharmaarke Darwiish Ali qaliif iyo kuwa kale oo la mid ka ah ama hada kusoo biraayo waa neysku keyn mid Soomaalida waxay Kumaahmaahdaa ninkaad garan weydo sxbkiis eeg Macanaha adiga waad nagu cusubtahay siyaasi ahaan lakin hadba waxaan dhoornaa waa asxaabtaada aniga runti agteyda sharafbaa kaleedahay wax xumaana kuguma aqaan lakin attention ka badi bro

    ReplyDelete
  53. Ramadaan kariim yuusufow salaan Ilamaadeernimo ka dib waxaan wax badan kaa difaacay markaad doorashada galaysay soomaali Badan oo kuwaad u doodayso u badan oo kuu haysatay inaad idaacada BBC da ugu xaglinaysay Qoys Gaara Taas oo aan really aaminsanahay inay been layska dhaadhiciyay tahay Hada iyo dan Dowladaan dowlad dhaanta Soomaaliya kama dhalan dawladaha reer galbeedka ee aan dhashadooda haysano iyo tan soomaaliyana way kala duwan yahiin sida loo maamulaa oo teena xaal mastuur badan ayay u baahan tahay waxaan kugula talin laha adoo ku mahadsan feed back aad nasiisay, hadan ha noqon Mansaar loo adeegsado nuurkaas soo bidhaamay oo rag lagu yaqaan mucaaradnimo hadaa la ciyaarto banooniga iyaga oo kale inaa tahay ayaa laguu malaynayaa. waxaan daganahay California waxaanan maanta la jooogay kuwii kugu caayay inaad qabiili tahay oo ku amaanaya iyo kuwayagii kuu doodi jiray oo yaaban......hadaad siyaasada saaxiibo ku yeelanayso ha raacin tuke canbaar leh ee raadi indheer garad aqoon loo dalkan ka sarra dhibaatada si ay naxaris iyo dulqaad ku jirto
    aanse kula kaftamee dad badan ayaa u arka The Last Losers con. isn't it look like thay way
    bye

    ReplyDelete
  54. Garaad su'aashaydii ku saabsanayd axzaabta siyaadda waad saluugtay inaad laba-dhowr sadar kaga jawaabtid. Dhib ma leh, lkn wxn kaa codsan lahaa, inaad blogga soo socda ku qaadaa dhigtid mowduucaas adoo wakhti fiican u helay. MAhadsanid.

    Midda kale, si wanaagsan ayaad u sifeysay wixii Kismaayo ka dhacay adoo ku cabbiray afka ay fahmaan reer Aadan oo idil. Madow, caddaan, gaaliyo muslin. Waa afka kubadda cagta. Rag badan sida wax u socdaan arrinta Kismaayo - ilaa eegga- way gam'i la'yihiin oo ciyaartu waxay maraysaa Kis vs Mog 1-0. Dabcan ragga goolka ku hor marayna farxad iyo mirqaan ma gam'aan. Garoonka kama madhna ciyaartooy qaali ah oo dibadda laga soo gadtay iyo kuwo maxalli ah intuba.

    Waxaan u malaynayaa, inaad ugu danbayn hadda noo caddaysay kooxda aad beddelka u fadhido, oo haddii lagu safo aad ciyaarta wax ka baddili lahayd.

    Anigu kooxda goolka leh ayaan taageeraa, kumana taageero ciyaarwanaag ee waxaan ku taageraa indho la'aan(tolnimo).

    Garaad, ha walwalin, kooxdaadu ma dadaal yara waxay weerarka kaga jirtaa cir(Fiqi oo diyaarad ku yimid), bad(Barre oo doon lagu keeny) iyo dhul(maleeshiyo-beeleed iyo Al Shabaab).

    Waa laga yaabaa inaad goolka xiga idinku dhalisaane ha niyad jabina.

    Garaad, intaasi waa kaftan, Ramadaan Kariim!




    ReplyDelete
  55. Ina Garaad! Waxaa lagu yaqaan siyaasinta aqoonta durugsan u leh wax hogaaminta iyo siyaasadaba, inay hadba ka dhex xushaan nidaamka iyo habka ay wax u hagi lahaayeen fekredaha ay ka uruuriyaan ra'yiga mucaaridka iyo muxaafidkaba.
    Haddaan jilciyo oraahdayda: Waxaad tahay nin ku cusub masaraxa siyaasada, wax dambiya aanan laga tabanayn, dhalin yar, haddii shacab sanaadiiq wax ku dooranayo cud mug leh oo ka madhan musuq maasuq ku tooqi kara. Marka waxaan ku leeyahay ha iskaga ciyaarin sharafta iyo karaamada aad ku dhax leedahay Ummadda Soomaaliyeed qaasatan dhalinta yar. Qiil kama dhigan kartid maqaalkan aad soo qortay oo waxa la arkaahi maaha isku imaansha ay isku yimaadeen Hogaamiyeyaashii hore e, waxa weeye waxa lala wada fajacay ka dhex muuqashadaada. ( Bal qariso comments ay qoreen dadka aqristay maqaalkaada ). Magac Garaad baad wadataaye garaadkaadu ha shaqeeyo Yuusuf. Ogow " HAL BOOLIYA NIRIG XALAALA MA DHASHO". Mucaarid noqo hadaad doonto laakin mid wax la wadaada ragga kaa ag muuqday ha noqon. " Waari mayside magac xun ha ka tagin". You already built a good legacy for yourself and those who love you.... You can build your own political organisation and you will be loved... but once you share common ideas with those fellow around you the other day, you will surely degrade yourself... Consider the comments your followers are giving you. You surely don't need those so called politicians, in fact, they need you...

    ReplyDelete
  56. debtbank
    yuusuf garaad waa siyaasi waana suxufi aqoon dheer uleh arimaha soomaaliya iyo geeska africa. yuusuf waxaa umuuqata khatar aan idiin muuqanin oo kusoo fool leh dawlada culusoow eed sida indho laan ta ah aad ku taageeraysaan. hadii aad wax garanayso yuusuf wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dawladu siyaasadeeda wax kabadasho oo ay waji cusub usamayso siyaasadeeda. woloow uusan wada sheegin khaladka dawlada xasan hadana waxa uu tibaaxay kabaaqsashada wax kaqabashada arimaha kismaayo iyo in aynan qaadanin taladii uu usoo jeediyey.
    haday jiraan dadbadan oo kudhaliilaya aragtida bisaylka siyaasadeed kamuuqda ee uu halkan soo dhigay waxaa jira kuwa kale oo soo dhawaynaya fikirkiisa. waxaan qabaa hadii uu yuusuf sii wado qoraalada caynkan ah in uu kasbanayo dadbadan oo soomaaliyeed oo kabaxsan gobolada dhexe oo ubogay aragtida wax isu soo dhawayn iyo wadaniyadu kamuuqato ee uu muujiyey. anigu shaqsiyan waxaan kujirey dadka ku dhaliishan yuusuf garaad in uu kagaabiyey doorkii uu kulahaa isu keenitaanka soomaali iyo cadaaladaba. laakiin hada waxaan bilaabay in aan aragtidaydii dib ugu noqdo. isagana waxaan dhihi lahaa bal nin yahaw aragtidaada dawlada maanta jirta mathay midii isu keeni lahayd soomali mise waysii kala direysaa. xasan waxa uu haysatay fursad aynan helin madaxdii isaga kahoreysay. waxa uu kuriday ceel fursadaas qaaliga oo uu kahelayey soomaali iyo beesha caalam kaba. maanta soomaali way sii kala dhaqaaqaysaa halkii 1991 dheh. dalalka daris kaah waxa ay isweydiinayaan in uu xasan yahay madaweyne hanan kara culayska iyo miisaanka madaxweyne nimo iyo inkale. beesha caalamku shaki weyn bay kamuujiyeen kartidiisa hogaamineed. kaliyah waxaan dhihi karaa waxaa kusoo hadhay dadkaas saarka qaba ee uu tilmaayay yuusuf. waa balcad ilaa afgooyo hadaan juquraafi ahaan kuugu sheego. maxad ku dhaliili yuusuf waxa uu leeyahay dawladu habaraarugto oo habadsaho geedi socodka.
    mahadsanidiin wabilaahi tawfiiq.

    ReplyDelete
  57. Rasuul ku scw waxa uu yidhi "waxaad tihiin markhaatiyadii ilaahay ee arladiisa"

    Kulankan waxaa soo qoray Hiiraan.com , eeg oo ka bogo sida iyo aragtiyada dadku ka bixiyeen.

    Yuusuf-garaad wuu arkay wuuna akhriyey dabadeedna waxa uu go'aansaday inuu saxo oo wax ka qoro. Dadku way hadleen wayna idin sheegeen waxaad tihiin, laakiin sidii rag horeba sheegeen Yuusufoow xoogaa waad sumcad dhaantey markii hore laakiin hadda waxaad ku biirtay kaamkooda.

    Aad baan uga xumahay !

    ReplyDelete
  58. Waxaan u mahadcelinayaa Saaxiibbada tirada badan ee talooyinka digniinta ah i soo siiyay. Waan gartay farriintiinna, waxaanna idiin ballan qaadayaa in aanan ka qeyb geli doonin fadhi umadda Soomaaliyeed lagu waxyeelayo. Waxaan idiinkugu darayaa in aanuu jirin wax kulankaas nabadda ku baaqay ka duwan oo naga dhexeeyay inteennii meesha isugu timid, marka laga reebo in aan intooda badan is naqaan.
    Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa saaxiibbada igu taageeray in cid kasta lala fariisan karo mar haddii fadhigu yahay mid ujeeddo wanaagsan.

    ReplyDelete
    Replies
    1. yuusuf waad unuglaatay eedaymihii laguu soo jeediyey. ee ay kuu soo jeediyeen ree muqdisho. saaxiib yuusufow soomaalidu mahah kaliyah ree muqdisho. ibadan oo kaafogayd ayaa kugu soo dhawaatay. waxaad tahay aqoonyahan soomaaliyeed ee matihid kaliyah mid ree galguduud ama ree muqdisho. taas ku darso qorshaha. waxaad kashaqeyneysay baryahan danbe sidii laisugu soo dhawayn lahaa soomaalida sii kala fogaanaysa. waxaan ku dhihi lahaa haka daalin taada unbaa sax noqonaysa. wixii ladoono halagaa sheego.

      Delete
  59. aad ayaad u mahadsan tahay yuusuf garaad sida diiran aad u qaadatay fikirka asxaabtaada waana fikir saliim ah runtii anigoo arintaan ka xun ayaa maanta waxaan dhageystay wareysi laga qaaday cali geedi markaas ayaan dareemay calool xumo tii ugu weyneyd kaligey ayaan ahaa wajigeyga isbadal ayaa ku dhacay waan u dul qaadan waaye waxa uu ku hadlaayo iyo sida damiirka soomalinimo looga siibay kuwa kale ee ee shirka kala qeyb galayna iyo kuwo kale oo badan oo wadanka joogaan waa sidaan oo kale marka yuusuf garaad saaxib weli wajigaaga wuu wanaagsan yahay oo maahin mid xanaf ma garin ee ku adkeyso in aadan shir soomali lagu baabinayo in aad ka qeyb gasho waad mahadsan tahay soomaliya waxan u rajeynayaa guul iyo hurumar

    ReplyDelete
  60. Yusuf aad iyo aad u mahadsantahay si wanaagsan oo aad u qaadatay
    talada asxaabtaada uguna mahadcelisay, run haantii aniga waxaan ka digaayay waxay aheedba - (qofku waa saaxiibkiis) saaxiibka wanaagsan waxow kuu horseedaa wada wanaagsan kan xun waa opposite wanaaga qofkana waxaa lagu qiimeeyaa ama lagu cabiraa saaxiibkiisa - ee maba ahayn shirka target keygu.

    Thank you bro hope you straight way in the life & here after
    ramadaan kariim.


    ReplyDelete
  61. Horta marka hore waxaan u mahad celinaya Yuusuf Garaad, sida uu runta uga sheegay kulankii dhacay habeen hore, iyo dadkii soo qabanqaabiyay.

    Marka xigta waxaan rabay in aan soo qaato hadal uu yiri Marshal ka tirsanaa Ciidamadi Nazi Hitler si aan markaasi isbarbar dhig ugu sameeyo kuwa beenta ka sheegaya wax kasta oo wanaag ah iyo tactics-kii ay isticmaali jireen Naziyiintu ( the people can always be brought to the biding of the leaders that is easy all you have to do is tell them they are being attacked and denounce the peacemakers for lack of patriotism and exposing the country to danger it works the same in any country) Nazi Marshal Herman Georing.

    Haddaba Maxaa ka dhaxeyn kara Marshal Goering iyo kuwa beenta ka sheegaya afurkii hobeen hore, sida uu sheegay ninkaani waxaa ka dhaxeyn kara in dadka iyo hogaankooda la'iska hor keeno iyaga oo hogaanka mar walba lagu eedeynayo in ay yihiin qaa'imiin, nabad sameeyayaashana lagu eedeeyo in aysan ahayn muwaadiniin.

    Haddii aad u fiirsato billihii lasoo dhaafay halka ay gaartay xaalada Soomaaliya iyo sida xaaladu u gaartay heer aad u xun waxaa kusoo baxeysa in ay laga maarmaan tahay in la helo Siyaasiyiin Dowlada ka siiya la talin Arimo Fara badan sida Jubilant waxaan ku tilmaamaya sida uu ku tilmaamay yusuf Garad qormadiisa, Lakiin nasiib daro kuwa mar walba dowladnimada cabsida ka qaba ayaa waxey isku dayayaan in ay u muujiyaan shacabka dhib iyo qataro aan jirin si markaasi ay u abuuraan qalqal siyaasadeed. Warbaahinta aan anigu ugu yeero dagaal oogayaasha ayaa waxey geed dheer iyo mid gaabanba ugu fariisteen sidii ay u dadafeeyn lahaayeen shir u muuqday mid afur ah isla markaana ay tageen dad siyaasiyiin Elites ah danta laga lahaana ay ahayd in bal la'isweydiiyo xaaladaha jira.

    ugu danbeyntii waxaan aaminsanahay in Soomalidu ay hadda guda gashay Casriga Digital-ka oo aan lagu qaldin karin Dacaayado Raqiis ah oo danta laga leeyahayna ay tahay in la abuuro tensions si loo gaaro dano siyaasadeed oo guraca. Thanks Mr Garad.

    ReplyDelete
  62. yusufow, horta ninkii nin-kale wadaninimadiisa wax ka sheega isagaan wadani ahayn.somalidana ku maah-maada.. dadku hadalku isku afgartaa duunyaduna urta. marka inkastoon, hanaqaday, adoo BBC DA ka hadlo deedna ku saluugay, kadibna maqlay waa musharax madaxwayne oo naxay, hadana qoraladada markan arkay aan is waydiiyay inan anoon ku aqoon kugu qaldamay. waxad igu darta mucaradkagii hore ee qoraaladaadu wax ka badaleen.kobtaa kaga hay.
    su'aashayduse waxa weeye, maxad labo sano ka hor u samayn wayday inaad cafaariigsi badan samaysid si umada BBC da kugu qiimaysay een ka midka aha aad wax uga badashid?
    ramadan kariim

    ReplyDelete
  63. ASC waxaa mahadleh leh ILaahaygii inaga dhigay muslim, hadaanse talada ka dhiibto qoraalka waalalkay yusuf Garaad,wuu uga mahad celinyaa saxintaan ka uu saxaafada saxay, waayo inbadan been bay ka sheegeen kulanka nairobi ka dhacay ee odayaal somaliyeed isugu yimaadeen,waxaanan jeclaan lahaa yusuf garaad inuu ka qayb galo shir kasta oo umada somaliyeed leedahay,si aan saaxafada oo last 20yrs been noo sheegayey loo saxo,, marlabaad Garaad waad mahdsantahay khayr ilaahay haku siiyo,, waxaan kaloo u sheegayaa dadka Suxufiga dhaliilaya weelka waxaa kadataada wax kujira hadii koob caana daataan waxaa daadanaya waa just caano biyo maha,idinku waxa idinka Guuxaya waa cilad maha eedayn suxufigeena qaaliga, xaguu ku yaala xadiiska odhanaya Ha fadhiisan Cali geedi ama Cali khalif, ama ina abdirashid cali sharmaarke?

    ReplyDelete
  64. Macagaygu waa Ahmed-salad Ali,

    Gacaliye walaal Yuusuf Garaad Cumar Axmed, marka hore waan ku salaamayaa, marka xigta wixii aan ku oran lahaa oo dhan iyo ka badanba waxa kugu yiri dadka Soomaaliyeed ee iga horreeyey ee halkan kuugu soo gudbiyey aragtidooda adiga kugu aaddan. Adiguna Alle mahaddii waad fahamtay waadna qaddarisay rabitaanka dadkaaga Soomaaliyeed waadna qaadatay taladii tolkaa, marka aan leeyahay taladii tolkaa ulama jeedo beesha aad qabiil ahaan ku abtirsato ee waxan ula jeedaa in ay Soomaali weyn oo dhami tolkaa tahay. Gacaliye Yuusuf, aragtida ay kuusoo gudbiyeen Dadka Soomaaliyeed waxay si dhab ah kuugu muujinaysaa sida ay Soomaalidu kuugu han weyn tahay iyo waxa ay kaa filanayaan iyo waxa aaney kaa filaneynin intaba, waxa ay kuu muujinaysaa in aad haysato fursado badan oo qaali ah oo aaney dadka siyaasadda ku lugta lihi heli karin, waxa ay dadku aad iyo aad uga nexeen meeshii aad maalin dhoweyd (14/07/2013) kasoo dhex muuqatay iyo halka uu sawirku kugu qabtay. Dadkii Soomaaliyeed waxa isu qaban waayey halkii ay kaa filayeen iyo halkii aad kasoo muuqatay. Taasii dadkii waxay ku riddey naxdin iyo anfariir ay u qaadan waayeen, markaas ayey afka furteen oo ay si walba kuula hadleen, ma ahan taasi jacayl ay dadkaas oo dhami u qabaan Dawladda hadda talada hasysa, mana ahan taa micnaheedu in aaney Dawladdu wax dhaliil ah lahayn ama aan la mucaaradi karin, xaashaa lillaaliye Dawladdu Macsuum kama aha in ay qaldanto, wax badani wey ka qaldan yihiin sababtu waxay doonto ha ahaatee, hayeeshee marka lays barbar dhigo Dawladda hadda talada Dalka haysa iyo kuwa ku shiray Nairobi oo aan ahayn wajiyo nagu cusub runtii ma ahan wax lays barbar dhigi karo oo waa kaaf kala dheeri, Dadka Soomaaliyeed waxay u yaqaanniin qolada Nairobi ku shirtay marka magacooda lasoo gaabiyo Dugaaggii Dadka Soomaaliyeed dhiiggooda ku naaxay. Adiga Yuusuf ahaan eeddaas wax shaqo ah kuma lihid, dhibaatadii Soomaaliya ka dhacdayna adigu wax dowr ah kuma aadan lahayn inta aan anigu ogahay, waana taas sababta ay dadku adiga sida gaarka ah kuugu han weyn yihiin. Yuusuf waxa aad tahay nin dhallin yaro ah, waxa aad tahay nin aqoon yahan ah oo si aad iyo aad ah wax u bartay, waxa aad leedahay khibrab shaqo, waaya aragnimo caalami ah, marka laga tago xirfadda aad u leedahay xagga Saxaafadda, waxa aad baratay sida aan ka aqriyey CV-gaaga Diblomaasiyadda iyo Sharciga (Law & Diplomacy) intaas oo dhan iyo in kale oo aanan halkan kusoo koobi karin oo aad adigu iiga xog ogaalsan tahay waxay kusiinaysaa fursado aaney dadka aad la shirtay heli karin, waxa hubaal ah in aad maanta meel kasta oo aad doonto si sahlan shaqo uga heli karto, haddii ay tahay Hay'adaha Caalamiga ah, Jaamicadaha Adduunka tii aad doonto, Machadyada Cilmi baarista sameeya iyo daraasaadka arrimaha dawliga ah, Idaacaha adduunka ugu waaweyn, adiga ayaaba furan kara Jaamicado aad dadka wax ku barto dhaqaalana aad ka hesho, iyo Idaacado, Dawladda Naftirkeeda ayaad jagada aad rabto ka heli kartaa waayoo adiga ayaa laguu baahan yahay, aqoontaada ayaa loo baahan yahay, mustaqbalkana waxa aad fursad u haysataa in aad marar badan Madaxweyne isu soo sharraxdo oo micnuhu ma ahan haddii aad kol dhoweyd ku guuleysan weyday in ay taasi ka dhigan tahay dhammaadkii mustaqbalkaaga siyaasadeed. Markaas ninyohow mar baad qaldantay ee ha u laabanin oo yaan mar dambe lagugu ag sawirin dugaaggii aad maalin dhoweyd dhex fadhidey

    ReplyDelete
  65. AWW Ramadan Kariim Yusuf
    runtii umada ilaahey uumay iney kuwada amaanto kasugi meyside iney kuwada ceyso iska ilaali anigu maahi dadka kugu dhaleceynaya inaad qof Somaliyed wuxuu rabo ha aaminsanaado aad lafariisato maxaayelay waxaad ahayd wariye hada kahor hadana waxaad tahay Bloger marka waxaad mooda inaad kuqasbanthay inaad war iyo xog raadiso ee haka daalin howshaada tankale kuuma wanaagsana inaad hada kadib kubiirto, qeyb kanoqoto ama goobjoog meel dalka horumarkiisa lagu waxyeeleynayo ama midnimadiisa taasi waxey wax yeeleyneysaa dareenka taagerayaashada aan waxna aqrin waxna qorin lk dhageysta idaacadaha tirada badan ee dalka kajira oo subaxba been cusub dadka u aqriya
    ugu danbeyntii waxaan kudhihi lahaa haka daalin taladaada wanagsan

    Mahadsanid
    Mohamud Abdi Olat
    MOgadishu Somali

    ReplyDelete
  66. Waxaan u maleynayaa Yusuf warkiisa inuu fahmi karo qofkii aan xanuun sanayn,
    midda ale dadka internetka freega ah afkaa furan wax iskaga qoraa waxaan filayaa ineysan ogayn in Somalia xiligaan gacanta lagu hayo oo lawaardiyeeyo, kadib markii laga quustay wax tarkooda hdda mas uuliyinta dowladda un baa wax laga qorayaa waxayna la soo daa heen in ay dastuurka waxa uu qabo ka adeejiyaan ciidamadda amisom si is qabqabsiga qabiiladda loo soo afjaro ee weli ka socda Kismaayo iyo dada qaar afkooda ku waa soo ah kuwo aan waansamayn ama aan waan toobeen ee weli reer hebel daba taagan ayagoo og wixii naga qabsaday.

    ReplyDelete
  67. wadanka xaaladiisu xagee mareysaa afru uun baad ka hadelysaan

    ReplyDelete
  68. Yuusufow Hanala yaabin hadaan shaki ka qabno shir nairobi lagu qabtay waayo waxaan uga barnay aa ah wax uun xun inay ka soo baxaan shir kasta oo nairobi ka dhaca, marka haddii uu kan ka duwanaa kuwii hore looba joogee.

    ReplyDelete
  69. Asc wrrxm wbrkt, ragga aad la shirtey waa mudankii iyo madaxdii hore ee soomaaliya, ciddii dood ka qabta cadeymo ha la yimaadaan ee looma baahna hadal maran iyo qabyaalad, xilalka waxey u soo qabteen waa dalka iyo dadka soomaaliyeed ee taa qabsada, muxuu Allah reer hebel uga dhigey taa jawaab uma hayo laakiin xushmad iyo maamuus bey naga mudanyihiin raggaas dacaayada beenta ah joojiya oo haloo dhaqaaqo mideynta iyo horumarinta dalkeena.

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
    2. Waan ku salamay sxb, marka xiga waxaan aad uga xumahay sawirka aad ka soo dhex muuqataay, rag dembiileyaal iyo kuwo hantidii dadka masaakiinta loogu soo dhiibay boobaay ama si dano gaar ah u isticmaalay, waxaa kale ah wax laga xumaado afur uu soo qarashkeeda bixiyeey Abduraxman Faroole oo doonta la degeysa beryahan si uu carqaladeeyo, Dawlada Federalka, iyo kuwoo raba in Kismaayo laga xukumo Garissa markaa dadkaasi ma isla jaanqaadi kartaan, runtii mustaqba fiican ayaad ku leedahay Siyaasadda waa mid haddi aad iska ilaaliso qaladaadkani oo kale. Ha noqon Hoggamiye kooxeed ka mid ah raggani Keenya soo abaabushaay markii dhinaca militeriga ku fashilantay isku deyeeysaa in aay garab ka hesho dad Soomali ah ee danteedu ku gaarto. Wax wax laga xumaada ah in dhinacyadda ay fadhiyaan nin hore dadkii muqdisho u barakicyeey iyo nin baddi iibasaday oo hadeer u jooga Nairobi in uu ku sameeyo dabagal arintaasi

      Mahad sanid

      Delete
  70. aad iyo aad ayaan uga xumahay inaad ka agmuuqato khaa`inu wadaniyiin diban daabyo ladaba joogta umada soomaaliyee

    ReplyDelete
  71. Good report, Yussuf Garad u been always so amazing journalist. if it u consider to turn into the political field I am ur supporter No 1, Cheers Mr. Garaad.

    ReplyDelete
  72. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete