Total Pageviews

Wednesday 6 March 2019

Soomaaliya iyo Kenya - heer Madaxweyne

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ayaa caawa u hoyday Nairobi ka dib markii ay ku soo wadahadleen Addis Ababa. Waxaa wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia. Waxaa qorshuhu yahay in Arbaca ay is arkaan Madaxweynaha Kenya.
Soomaaliya iyo Kenya ayay Ethiopia dooneysaa in ay dhexdhexaadiso.
Khilaafka soohdinta badda ee labada dal ee sida la rumeysan yahay ay shidaalka iyo Gaas dabiici ahi ay ka buuxaan ayaa toddobaadyadan taagnayd. Xiriirka Diblomaasiyadeed ee labada dalna waxay Kenya goosatay in hoos loogu dhigo heer ku simayaal Danjirayaal in ay hoggaamiyaan labada Safaaradood ka dib markii Danjiraheeda Muqdisho ay soo ceshatay wadatashi awgiis, kii Soomaaliya ee Nairobi fadhiyayna ay u sheegtay in uu 24 saacadood gudahood ugu laabto dalkiisa wadatashina la soo yeesho Dowladdiisa.
Waan ku kalsoonahay Madaxweynaha Soomaaliya in uu wadahadalka, saacado ka dib la filayo in uu dhaco, uu sida ay tahay ugu daafici doono danaha Soomaaliya iyada oo isla markaana la ilaalinayo xiriirka nagala dhexeeya Kenya oo leh dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin mid bulsho, mid dhaqan, dhaqaale, amni iyo siyaasadba marka laga soo tago taageerada uu nala barbar taagnaa tan iyo burburkii oo ay ku jirto in uu soo dhoweeyay qaxooti Soomaaliyeed oo nus malyuun gaaray 1991, kuwaas oo qaar badan ay weli ku sugan yihiin halkaas. Kenya waxaa ay marti gelisay shirkii lagu soo dhisay Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Xukuumaddii dalkeenna ka howlgashay 2004.
Iyada oo la xusuusan yahay in Soomaaliya oo saddex sano ka xornimo horreysay Kenya ay dhaqdhaqaaqii xornimo u dirirka ee Kenya markii uu socday ay marti gelisay Kenyan Kikuyu ah oo xubno ka ah dhaqdhaqaaqii Mau Mau.
Markii Kenya ay xornimada qaadatay oo Soomaaliya ay aragtay in Wajeer iyo Gaarisa iyo Gobolka Soomaalida oo dhan lagu daray Kenya, Soomaaliya waxay xiriirka diblomaasi u jartay Ingiriiska. Laakiin waxaa isla markaas uu Wasiir ku Xigeenkii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cali Dacar, uu ballan qaaday oo uu saxaafadda u sheegay in Qaxootiga Kenya xuquuqdooda si buuxda ay u dhowreyso Dowladda Soomaaliya.
F G. Dacwad ayaa u dhexeysa labada dal ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ka tirsan Qarammada Midoobay kuna taal magaalada Hague. Labada dal midkiiba ugu yaraan saddex jeer ayuu kiiskiisa ka jeediyay goobtaas. Dacwadda waxaa ICJ geeyey Dowladdii Soomaaliya ee ka horreysay Dowladda hadda xilka haysa.
Doodaha oo aan goob joog ka ahaa waxaad doodihii ka akhrisan kartaa bloggeyga, dokumentigii ay labada dal gudbiyeenna ka akhriso barta Maxkamadda ICJ.


Sunday 3 March 2019

Jooji Dhiigbaxa Caasimadda


Marka laga soo tago xiriirkeenna caalamka iyo gaar ahaan kan mandiqadda aan ku naal, maalmihii na dhaafay waxaa dalkeenna ka dhacay dhowr fal oo murugo leh.

Gaalkacyo, saqiir ayaa arxan darro lagula kacay welibana la dilay. Xog buuxda ayaan raadiyay aniga oo ka fikiraya sidii aan dareenkeyga u cabbiri lahaa. Waxaa ii wehliyay in aan helo haan aan wacyi ula wadaago inta laga yaabo in ay ku garaad tahay kuwii geystay fal dembiyeedkaas culus.

Aniga oo aan labada midna dhammeys tirin ayaan akhriyay isla Gaalkacyo in gabar kale oo yar la la’ yahay.

Sidee wax u jiraan ayaan weli is weydiiyaa.

Waxaa xigay in aagga Lafoole lagu weeraray hooyooyin Soomaali ah.  Dhowr ayaa la dilay ayaga oo gacanta ku haya howl u dhexeysa ummadda Soomaaliyeed.

Dembiga ay dil ku muteysteen wuxuu noqday in ay nadiifiyaan waddooyinka ay ummadda wadaagto si ay quud uga soo saaraan, bulshaduna ay uga badbaaddo cudurro, uguna korto foolxumo la noolaan.

Waxaa sida ku rajoobay intii ay dhaleen.

Murugada taxanaha ah waxaa u dambeyay weerarkii qaraxa iyo rasaasta lahaa ee  waddada Maka. Soomaali badan ayaa naftoodu ku waayay qaar ka badanna dhaawac ayaa ka soo gaaray.

Dembigoody wuxuu ahaa maxaad u nooshahay, Muqdishana u joogtaa?

Xilligaan oo kale, waa markii ay shacabka iyo Dowladdu isu soo dhowaan lahaayeen, iskaashan lahaayeen, muujinna lahaayeen in aan loo dulqaadaneyn siqiir suujinta ka dhacday Gaalkacyo ee sharciga la marsiinayo intii geysatay.

Waana xilligii qof kasta oo isku daya in uu mustaqbalka na horkeeno dembiga sidaa u culusna loo sii ballanqaado in uu ka shallaayi doono.

Sidoo kale waa xilligii ficil ahaan loo muujin lahaa in weerarrada arxan darrada ah ee aan looga turayn shacabka Soomaaliyeed iyo hantidiisa awgood aynaan is dhiibi doonin.

Taas macnaheedu ma ahan in aan la is weydiin su’aalo adag oo runta ka warqaba, la xisaabtamin oo aan la gaarin i tus oo i taabsii.

Garashadu waa in ay na bartaa in sidii hore ay shaqeyn la’dahay oo loo baahan yahay hab hadda joojin kara, dooneyana in uu joojiyo, dhiigbaxa caasimadda.