Madaxweynaha
Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ayaa caawa u hoyday Nairobi ka dib
markii ay ku soo wadahadleen Addis Ababa. Waxaa wehliya Wasiiru Dowlaha
Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia. Waxaa
qorshuhu yahay in Arbaca ay is arkaan Madaxweynaha Kenya.
Soomaaliya iyo Kenya ayay Ethiopia dooneysaa in ay
dhexdhexaadiso.
Khilaafka soohdinta badda ee labada dal ee sida la rumeysan
yahay ay shidaalka iyo Gaas dabiici ahi ay ka buuxaan ayaa toddobaadyadan taagnayd. Xiriirka Diblomaasiyadeed ee
labada dalna waxay Kenya goosatay in hoos loogu dhigo heer ku simayaal
Danjirayaal in ay hoggaamiyaan labada Safaaradood ka dib markii Danjiraheeda
Muqdisho ay soo ceshatay wadatashi awgiis, kii Soomaaliya ee Nairobi fadhiyayna
ay u sheegtay in uu 24 saacadood gudahood ugu laabto dalkiisa wadatashina la
soo yeesho Dowladdiisa.
Waan
ku kalsoonahay Madaxweynaha Soomaaliya in uu wadahadalka, saacado ka dib la
filayo in uu dhaco, uu sida ay tahay ugu daafici doono danaha Soomaaliya iyada
oo isla markaana la ilaalinayo xiriirka nagala dhexeeya Kenya oo leh dhinacyo
badan oo ay ka mid yihiin mid bulsho, mid dhaqan, dhaqaale, amni iyo siyaasadba
marka laga soo tago taageerada uu nala barbar taagnaa tan iyo burburkii oo ay
ku jirto in uu soo dhoweeyay qaxooti Soomaaliyeed oo nus malyuun gaaray 1991,
kuwaas oo qaar badan ay weli ku sugan yihiin halkaas. Kenya waxaa ay marti
gelisay shirkii lagu soo dhisay Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Xukuumaddii
dalkeenna ka howlgashay 2004.
Iyada oo la xusuusan yahay in Soomaaliya oo saddex sano ka
xornimo horreysay Kenya ay dhaqdhaqaaqii xornimo u dirirka ee Kenya markii uu
socday ay marti gelisay Kenyan Kikuyu ah oo xubno ka ah dhaqdhaqaaqii Mau Mau.
Markii Kenya ay xornimada qaadatay oo Soomaaliya ay aragtay in
Wajeer iyo Gaarisa iyo Gobolka Soomaalida oo dhan lagu daray Kenya, Soomaaliya
waxay xiriirka diblomaasi u jartay Ingiriiska. Laakiin waxaa isla markaas uu
Wasiir ku Xigeenkii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cali Dacar, uu
ballan qaaday oo uu saxaafadda u sheegay in Qaxootiga Kenya xuquuqdooda si
buuxda ay u dhowreyso Dowladda Soomaaliya.
F G.
Dacwad ayaa u dhexeysa labada dal ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee
Caddaaladda oo ka tirsan Qarammada Midoobay kuna taal magaalada Hague. Labada
dal midkiiba ugu yaraan saddex jeer ayuu kiiskiisa ka jeediyay goobtaas.
Dacwadda waxaa ICJ geeyey Dowladdii Soomaaliya ee ka horreysay Dowladda hadda xilka haysa.
Doodaha oo aan goob joog ka ahaa waxaad doodihii ka
akhrisan kartaa bloggeyga, dokumentigii ay labada dal gudbiyeenna ka akhriso
barta Maxkamadda ICJ.
sii fiican ayaad noogu sharaxday laakin waxaa fiicnaan laheyd in wada hadalko uu Muqdisho ka dhaco maaadama Kenya ay ceydhisay safiirki Soomaaliya.
ReplyDeleteWaa qoraal aad u macaan aqrintiisan ay kaa daadagayso waad ku mahadsantahay
ReplyDeleteMaansha allah. Waa qoraal aan wax badan ka fahmay. Waad ku mahadsan tahay yuusufoow.
ReplyDeleteMahadsanid Mudane.
ReplyDeletemasha alah hibo ayaaa loo kala lee yahay Qormada
ReplyDelete