Total Pageviews

Saturday 25 June 2016

Waan ku Dili, Kumana Aqaan!

Magaalada Muqdisho ayaa galabta dad Soomaali ah, Muslimiin ah, oo soomman waxaa gaadmo ku dilay lana dhintay dad kale oo aan iyaga aqoon, iyaguna aanay aqoon, wax dhex marayna aanay jirin.

Dadka lagu dilay qaraxyada galabta ka dhacay Number Afar iyo rasaasta daba socotay waxaa ka mid ah dad warata ah oo waddada hareeraheeda ku haystay ganacsi iyo qaar badan oo waddada marayay. Dadka la dilay waxaa la ii sheegay in ay ka mid tahay hooyo Soomaaliyeed oo dhashay tobaneeyo carruur ah oo faa’iidada ganacsigeeda ku korin jirtay.

Dadka la dilay oo dhan waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu naxariista Janno ka waraabiyo, ehelkooda iyo carruurtoodana uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Fadlan Aaammiin dheh. Sidoo kale in inta dhaawaca ahna Ilaaheey uu bogsiiyo.


Dhallinyarada weerarrada noocaan ah fuliya iyo kuwa abaabula, intooda Soomaalida ah waxaan kula talinayaa in ay dib isugu noqdaan. In ay su’aalo is weydiiyaan. In ay ka fekeraan Soomaali aanay aqoon, isaguna aan aqoon, wax dhex marayna aanay jirin, in dilkiisa ay Janno ku tegi karaan iyo in kale.