Total Pageviews

Monday 20 May 2013

Wasiirka Afrika ee UK, Mark Simmonds, MP


Su’aalo ku saabsan Soomaaliya, Somaliland iyo UK.
Jawaabaha Wasiirka Afrika ee UK, Mark Simmonds MP



Wasiirka Afrika ee Xafiiska Arrimaha Dibadda ee dowladda Britain, Mark Simmonds, ayaa galabta si toosa uga jawaabay su’aalo u furnaa in qofkii doonaa weydiiyo. Wasiirka oo isla markaana ah mudane Baarlamaanka oo la soo doortay ayaa qiyaastii 45 waxaa uu toos uga jawaabayay su’aalaha lagu soo weydiiyo twitter. Su’aalaha la weydiiyay oo fara badnaa kama wada jawaabin. Jawaabihiisana midna kama badneyn 140 xaraf oo meelaha bannaan lagu tirinayo - taas oo ah mugga twitter uu qaadan karo halkii marba. Su’aalaha la weydiiyay iyo jawaabaha uu bixiyay intooda badan ayaan u soo tarjumay saaxiibbadeyda Soomaaliyeed ee aan Ingiriiska akhrin ama aan twitter isticmaalin amaba aan maanta la socon.
AFEEF: Tarjumadani aniga ayay igu kooban tahay. Ma ahan mid ay tasdiiqisay, dalbatay ama laga wargeliyay dowladda Britain.

SU'AAL:                      Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland si wanaagsan ayay hore ugu socdaan. Laakiin maxay ku dhacday in laga fekeri waayay in arrinta ku saabsan maamulka duullimaadyada iyo hawadu ay dhib keenayaan?

WASIIR UK:                Arimaha ku saabsan [duullimaadka] hawadu waa arrimaha ay tahay dartood in ay u wadahadlaan Somalia iyo Somaliland.

Su’aal:                         Militerigii iyo booliiskii Soomaaliya waxay burbureen 21 sano ka hor. Ciidanka Muqdisho joogaa waa hal beel. Ma dhiirri gelineysaa ciidan midnimo Qaran?

Wasiir UK:                   Midnimo Qaran oo xagga qabaa’ilka iyo Gobollada ah ayaa muhiim u ahaaneysa Soomaaliya in ay nabadgelyo iyo horumar gaarto.

Su’aal:                         Maxaad u maleyneysaa in muhiimadda koowaad ee UK ay tahay si ay caawiso dowladda Soomaaliya?

WASIIR UK:                Madaxweynaha [Soomaaliya] muhiimaddiisa koowaad waa ammaanka. Annaguna waan la qabnaa wixii ka dambeeyay [shirkii] Soomaaliya 2013.

SU'AAL:                      Kenya waxay wiiqeysaa dowladda Soomaaliya iyo dadaalka Britain ee ah in la xasiliyo Soomaaliya. Arrintaasi waxay u gogol xaareysaa Qabqablayaal dagaal. Waa maxay mowqifka UK ee Kismaayo?

WASIIR UK:                Gobolku wuxuu xuddun u yahay ammaanka iyo xasilloonida Soomaalia. In xal laga gaaro UK waxay kala shaqeyneysaa dhammaan dhinacyada oo ay ka mid tahay Kenya.

SU'AAL:                      UK waxaa ku sugan Soomaali aad u badan. Dowladda Britain ma qaadday wax tallaabo ah oo ay kula xiriireyso?

WASIIR UK:                Qurba joogta kaalin muhiim ah ayaa u bannaan in ay cayaaraan. Waxaan qaar ka mid ah kula kulmay [xaafadaha London ee] Ealing iyo Westminster iyo [magaalada] Cardiff. Waxay mustaqbalka biirin doonaan wax weyn.

SU'AAL:               Maaddaama Nicholas Kay loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya, kaalinta IGAD ma lagu wareejin karaa QM?

WASIIR UK:                IGAD iyo QM waxay leeyihiin kaalimo kala duwan. Ka dib,
                                    dib-u-eegidda QM iyo magacaabidda Nick Kay ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, isuduwidda hawluhu waxay noqoneysaa lama huraan.

SU'AAL:                     G8 ma bixin doontaa miisaaniyadda loo[ga] baahan yahay [Soomaaliya], taas oo ka korreysa lacagta aan badnayn ee £200 milyan ah ee ay ku baaqeen, si loo xaqiijiyo dib u kabasho dhaqaale iyo xasillooni?

WASIIR UK:         Waan kugu raacsan ahay muhiimadda dib u kabashada dhaqaalaha. F.G. Kulankii ganacsiga ee aan anigu marti geliyey 8 May – horumar dhaqaale waa furaha koboca mustaqbalka.

SU'AAL:              Waa maxay istaraatiijiyada aad ka leedihiin in al Shabaab laga suuliyo Soomaaliya maaddaama ay kooxdaasi dhibaato hor leh ay sii horseedeyso?

WASIIR UK:                Waan kugu raacsan ahay in al Shabaab ay wiiqeyso ammaanka. Laba sano ka hor waxay haysteen Muqdisho. Abaalka waxaa leh AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya.



SU’AAL:                      Dowladda UK qorshaha ma ugu jirtaa in ay cadaadis ku saarto maalgeliyayaasha caalamiga ahi in ay ka guuraan Nairobi oo ay degaan Hargeysa ama Muqdisho?

WASIIR UK:                UK waxay dib u furtay Safaaraddeedii Muqdisho. Waa safaaraddii Yurub ee ugu horreysay 21 sano. Qaar kale in ay ku dhiirri geliso in ay ku daydaan ayaan rajeyneynaa.

SOO JEEDIN:             Meynaan maqal UK oo cambaareyneysa dil toogasho ah oo boobsiis ah oo ka dhacay Puntland iyo gobollo kale oo Soomaaliya ah. UK waa in ay ku dhaqaaqdo in la joojiyo falalkaas.

WASIIR UK:                UK wey ka soo horjeeddaa xukunka dilka meel kasta oo ay ahaato dunida. Dib eegidda garsoorku waxay ka mid tahay waxyaabaha uu Madaxweynuhu siinayo muhiimadda. Waxaan rajeyneynaa in uu arrinta [xukunka dilka] dib u eegi doono.

SU’AAL:                    Haweenka Soomaalidu waxay u baahan yihiin in la badbaadiyo [xuquuqdooda la sugo]. Dowladda Britain ma leedahay qorshe cad oo ay dowladda Soomaaliya la horfariisaneyso oo arrintan wax looga qabanayo?

WASIIR UK:          Soomaaliya waxay ka mid tahay waddammada haweenka ugu daran. UK waxay horseed ka tahay falka lagula dagaallamayo faraxumeynta haweenka goobaha colaadda.

                 Aad baad ugu mahadsan tihiin su’aalihiinna. Waan ka xumahay in aanan kulligood idiinkaga wada jawaabin. Waxaan ka dhur sugayaa shirka soo socda ee Brussels.

Akhristow maxaa kaaga baxay?

Inqaasta Yusuf-Garaad

Thursday 16 May 2013

Kismaayo


Ma ahan in dhiig dambe ku daato!
Inqaasta Yusuf-Garaad

Shalay ayaa la shaaciyay in shirkii ka socday Kismaayo uu xilka Madaxwynaha Jubbaland u doortay Axmed Maxamed Islaan. Cid la tartantay ma jirin. Murashixintii xilkaas u taagnaa qaarkood muran ayay geliyeen sida ay doorashadu u dhacday.

In yar ka dib waxaa soo baxay war ah in Barre Hiraale, oo hadda ka hor Wasiir Difaac ahaan jiray, uu isaguna sheegay in loo doortay isla jagadaas.

Dowladda Soomaaliya oo hore ugu tilmaantay shirka Kismaayo in uu sharci darro ku yahay Dastuurka ayaa iyaduna isla shalay Kismaayo u dirtay wafdi ka kooban xildhibaanno iyo Wasiir ku xigeen. Xukuumaddu tallaabadan ayay qaadday inkatsa oo ay baarlamaanka taallo dacwad la doonayo in iyada lagu kala diro.

Sidii in Kismaayo aan intaasi dhib ugu filneyn, ayaa waxaa iyaguna Muqdisho ka hadlay odayaal ku hadlay magac qabiil. Hadda ka hor odayaashu wey hajnabeen, laakiin markan Kenya ayay ku eedeeyeen khatarta ka imaan karta Kismaayo. Puntland iyaduna waxay ka soo saartay dhowr hadal oo ku wajahan xaaladda oo mid ka mid ahi u hambalyeeyay doorashada Axmed Maxamed Islaan.

Waxaas oo dhan waxay dhacayaan iyada oo dowlad iyo shacab Soomaaliyeed midkoodna Kismaayo daafici Karin. Ciidammada dalka deriska ah ee Kenya ayaa berriga Kismaayo Soomaalida is khilaafsan dusha uga ilaaliya. Baddana Soomaalidu kamaba warqabto.

Muqdisho saaka waxaa ka degaya wafdi ka socda IGAD oo xaqiiqo raadis ah. Wuxuu daba joogaa go’aankii Hoggaamiyayaasha dalalka IGAD ay ku gaareen Ethiopia.

Kismaayo waxaa hore loogu daadiyay dhiig badan oo Soomaaliyeed. Waxaan is weydiiyay - Maxaa laga bartay? Dadka naftooda ma waxaa ka qiimo badan dhulka iyo qabka qabiilka iyo qofka?

Maanta oo kale xikmaddu kuma jirto hanjabaad iyo qir iyo qir. Kuma jirto is magacaabid. Kuma jirto in reernimo in la isu bahaysto ee reeraha kale hawada loo mariyo hanjabaad. Kuma jirto in la is moodsiiyo in dad la duudsin karo.

Waxaa ila habboon dadka colaadda hurinaya xagga idaacadaha, websiteyada iyo gaar ahaan Facebook in ay ka dhowrsadaan colaad dad maanta nool laga yaabo in ay ku dhintaan.

Sidoo kale inta aan Kismaayo joogin waxaa habboon in aanay arrinta uga sii darin. Waxaa habboon in, haddii ay karaan, ay gacan ku siiyaan in marka hore dadka gudaha Kismaayo ku sugan ay is qanciyaan.

Waxgaradka faraha badan ee Kismaayo ku sugan oo uu ugu weyn yahay Ra’iisal Wasaarihii hore, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaa la gudboon in ay ka shaqeeyaan marka hore in aan Kismaayo gudaheeda lagu daadin dhiig dambe oo Soomaaliyeed. Kismaayo laba shir kama socon ee hal shir ayaa ka socday.

Dowladda Soomaaliya oo iyadu mas’uul ka ah Somalia Somaaliya oo dhan waa in ay xal deg deg ah u heshaa si aan ammaanku gacanta uga bixin. Taas kuma filna wafdi xildhibaanno ah. Berrina jawaab noqon meyso in la is eedeeyo. Dowladda ayada oo la kaashaneysa cid kasta oo gacan ka geysan karta waa in ay xaqiijisaa in aan la is dilin. Mas’uuliyaddaasi iyada ayay saran tahay.

Ma aha in indhaha laga qarsado in IGAD oo ay ugu horreyso Kenya, oo ciidankeedu gacanta ku hayo Kismaayo, madaxda halkaa joogtana ay qaarkood xulufo la yihiin, aan looga maarmeyn in ay gacan ka geysato sidii xal looga gaari lahaa xiisadda aloosan. Hawl aan ku huri doonin horaa loo qabtaa.

Geesi waxaan maanta u aqaan qofkii xiisadda qaboojiya. Qofkii tanaasula. Qofkii xal keena.

Geesi waa Qofkii dadkeenna kala badbaadiya.

Wednesday 15 May 2013

Dastuurka Soomaaliya



Dastuurka Maxaa laga beddelay?
Wareysi Cabdi Xoosh iyo Yusuf-Garaad

Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh, Goodax iyo Cabdi Xoosh (midig). 
(Sawir hore)

Wasiirkii hore ee Dastuurka, Cabdi Xoosh, ayaan Nairobi isku aragnay. Waxaan soo xusuustay muranka ku saabsan in dastuurka Soomaaliya wax laga beddelay maalmo yar ka hor intii aan la dooran Madaxweyne Xasan Shiikh. Eeddan waxaa soo jeediyay Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxman Shiikh, oo ka mid ah saxiixayaashii Soomaaliya ka saaray Ku-Meel-Gaarka, isla markaana wadajirka u saxiixay dastuurka markii la ebyay. Wareysiga aan la yeeshay Wasiir Xoosh. Sidan ayuu u dhacay.


YG:                  Ma jirtaa in  markii saxiixayaashii ay kuu soo gudbiyeen Dastuurka ka dib wax laga beddelay?
XOOSH:           Haa.

YG:                 Yaa beddelay?
XOOSH:           Baarlamaaka.

YG:                  Goorma ayuu beddelay?
XOOSH:           Waxaa la beddelay 07 Sept 2012. Maalmo yar ka hor intii aan Madaxweynaha la dooran.

YG:                  Saxiixayayaasha ma lagala tala geliyey is beddelka lagu sameeyay dastuurka?
XOOSH:           Maya.

YG:                  Oo maxaa dhacay?
XOOSH:           Saxiixayaashu markii ay ii soo gudbiyeen Dastuurka waxaan hor dhigay Golaha Ansixinta Dastuurka oo ka koobnaa 825 ergay. Golaha ayaa isbeddelka dalbay.

YG:                  Maxaa laga beddelay?
XOOSH:           Saddax meelood ayaa la taabtay.

YG:                  Maxay kala yihiin?
XOOSH:           1. Nuqulkii la soo gudbiyay waxaa ku yaallay in Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay wadajir u dooranayaan Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka. Maaddaama aan Aqal Sare markaa jirin, waxaa la go'aansaday in dastuurka lagu kordhiyo qodob sheegaya in illaa Aqal Sare uu hirgalayo, in Awood kasta oo dastuurku siinayay Aqalka Sare, uu ku sii shaqeynayo Aqalka Hoose ee hadda jira. Waa qodob Dastuurka lagu soo kordhay, tirsigiisuna Waa 138 (2).
2. Qodob kale wuxuu ahaa is-waafajin. Nuqulkii la ii soo gudbiyay waxaa ku qornaa in Baarlamaanka cimrigiisu yahay afar sano. Madaxweynaha uu dooranayaana xilka haynayo shan sano. Arrinta iyadana Waa la is waafajiyay oo Madaxweynaha waxaa xilkiisa laga dhigay afar sano oo ah cimriga baarlamaanka isaga doortay.
3. Caasimadda dalku in ay tahay Muqdisho ayaa lagu caddeeyay dastuurka, taas oo aan awal ku caddeyn.

YG:                  Isbeddelladan saddexda ah ma waxaa sida ay yihiin u dalbaday Golaha Ansixinta Dastuurka?
Xoosh: Haa.

YG:                  Baarlamaankaana waa la marsiinayay miyaa?
Xoosh: Haa.

YG:                  Ma dhici kartaa in qodobbo kale dastuurka laga beddelay oo aadan adigu ka warqabin?
Xoosh: Maya.

YG:                  Oo Sideed ku hubi kartaa?
Xoosh:             Nuqulkii loo gudbiyay baarlamaanka iyo Qaramada Midoobay aniga ayaa saxiixay, mana jirin isbeddel kale. Intii ka dambeysayna waxaan ahaa xubin baarlamaan oo waan arki lahaa haddii isbeddel la sameynayo.
YG:                  Dastuurka hadda jira yaa wax ka beddeli kara?
Xoosh:             Guddiga dib u eegista dastuurka ee ay Madax u tahay Mudane Maryan Cariif wuxuu u xil saaran yahay in uu soo bandhigo qodobbada u baahan wax ka beddelka talana u soo jeediyo baarlamaanka. Markaa Baarlamaanku wuu ka doodayaa hadduu isku raaco in la beddelana waxaa afti loogu bandhigayaa dadweynaha Soomaaliya.

Akhristow maxaa kaaaga baxay?