Total Pageviews

Wednesday, 15 May 2013

Dastuurka Soomaaliya



Dastuurka Maxaa laga beddelay?
Wareysi Cabdi Xoosh iyo Yusuf-Garaad

Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh, Goodax iyo Cabdi Xoosh (midig). 
(Sawir hore)

Wasiirkii hore ee Dastuurka, Cabdi Xoosh, ayaan Nairobi isku aragnay. Waxaan soo xusuustay muranka ku saabsan in dastuurka Soomaaliya wax laga beddelay maalmo yar ka hor intii aan la dooran Madaxweyne Xasan Shiikh. Eeddan waxaa soo jeediyay Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxman Shiikh, oo ka mid ah saxiixayaashii Soomaaliya ka saaray Ku-Meel-Gaarka, isla markaana wadajirka u saxiixay dastuurka markii la ebyay. Wareysiga aan la yeeshay Wasiir Xoosh. Sidan ayuu u dhacay.


YG:                  Ma jirtaa in  markii saxiixayaashii ay kuu soo gudbiyeen Dastuurka ka dib wax laga beddelay?
XOOSH:           Haa.

YG:                 Yaa beddelay?
XOOSH:           Baarlamaaka.

YG:                  Goorma ayuu beddelay?
XOOSH:           Waxaa la beddelay 07 Sept 2012. Maalmo yar ka hor intii aan Madaxweynaha la dooran.

YG:                  Saxiixayayaasha ma lagala tala geliyey is beddelka lagu sameeyay dastuurka?
XOOSH:           Maya.

YG:                  Oo maxaa dhacay?
XOOSH:           Saxiixayaashu markii ay ii soo gudbiyeen Dastuurka waxaan hor dhigay Golaha Ansixinta Dastuurka oo ka koobnaa 825 ergay. Golaha ayaa isbeddelka dalbay.

YG:                  Maxaa laga beddelay?
XOOSH:           Saddax meelood ayaa la taabtay.

YG:                  Maxay kala yihiin?
XOOSH:           1. Nuqulkii la soo gudbiyay waxaa ku yaallay in Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay wadajir u dooranayaan Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka. Maaddaama aan Aqal Sare markaa jirin, waxaa la go'aansaday in dastuurka lagu kordhiyo qodob sheegaya in illaa Aqal Sare uu hirgalayo, in Awood kasta oo dastuurku siinayay Aqalka Sare, uu ku sii shaqeynayo Aqalka Hoose ee hadda jira. Waa qodob Dastuurka lagu soo kordhay, tirsigiisuna Waa 138 (2).
2. Qodob kale wuxuu ahaa is-waafajin. Nuqulkii la ii soo gudbiyay waxaa ku qornaa in Baarlamaanka cimrigiisu yahay afar sano. Madaxweynaha uu dooranayaana xilka haynayo shan sano. Arrinta iyadana Waa la is waafajiyay oo Madaxweynaha waxaa xilkiisa laga dhigay afar sano oo ah cimriga baarlamaanka isaga doortay.
3. Caasimadda dalku in ay tahay Muqdisho ayaa lagu caddeeyay dastuurka, taas oo aan awal ku caddeyn.

YG:                  Isbeddelladan saddexda ah ma waxaa sida ay yihiin u dalbaday Golaha Ansixinta Dastuurka?
Xoosh: Haa.

YG:                  Baarlamaankaana waa la marsiinayay miyaa?
Xoosh: Haa.

YG:                  Ma dhici kartaa in qodobbo kale dastuurka laga beddelay oo aadan adigu ka warqabin?
Xoosh: Maya.

YG:                  Oo Sideed ku hubi kartaa?
Xoosh:             Nuqulkii loo gudbiyay baarlamaanka iyo Qaramada Midoobay aniga ayaa saxiixay, mana jirin isbeddel kale. Intii ka dambeysayna waxaan ahaa xubin baarlamaan oo waan arki lahaa haddii isbeddel la sameynayo.
YG:                  Dastuurka hadda jira yaa wax ka beddeli kara?
Xoosh:             Guddiga dib u eegista dastuurka ee ay Madax u tahay Mudane Maryan Cariif wuxuu u xil saaran yahay in uu soo bandhigo qodobbada u baahan wax ka beddelka talana u soo jeediyo baarlamaanka. Markaa Baarlamaanku wuu ka doodayaa hadduu isku raaco in la beddelana waxaa afti loogu bandhigayaa dadweynaha Soomaaliya.

Akhristow maxaa kaaaga baxay?

6 comments:

  1. Waxaa iiga baxay suaalo cilmiyasan iyo jawaabahooda oo sax ah, islamarkaana uusan shaki kujirin in wax laga badal dastuurka lkn loobaahnaa sida uu shegay xildhibanku, wixii kale oo lasheegana waa kutiri kuteen aan loo baahnayn iyo mas uuliyad darro soo wajahday kuwa qaylinaya

    ReplyDelete
  2. KISMAAYO HALAWADAAGE MUQDISHO MALAOGOLYAHAY? ODAYASHA 45JIR ILAA 5O JIRKA AHA 22 SANO KAHOR MAXAY AHAAYEN? WAA KUWII WADANKA GUBAY OONA BURBURIYEY, DHAC, KUFSI, BOOB IYO DILBA GEYSTAY, MARKAASEY KULEEYIHIIN KISMAAYO WALAWADA LEEYAHAY. DHULALKA IYO GURYAHA ISLAANKA AAD XARAANTA KUHEYSATAAN DHIIBA MRKAAS SOMALIADA KACODSADA INAAD WAX LAWADAAGTAAN.

    ReplyDelete
  3. Koox waa nin nolasha ka dhacay isla markaana reer jowhar oo xidid la ah Xasan Culosow sidaa-darteed intuu laaluush kaga qaatay kaash ah mid iyo jagooyin beeshiisa la siiyo ..Hawiye qaab kasta oo uu dulmi wax ku doono ma helo. Darood maaha kuwo maanta hawiye khayaamayn karo.. Daarood la'aan Dawlad la'aan sidaas ha la ogaado in daarood dalka wax ka yahay.

    ReplyDelete
  4. Waa wareysi si fiican loo qaadey loona soo tabiyey. Congrats Yusuf

    ReplyDelete
  5. dastuurka oo dhan waxaan aaminsanahay inuu yahay wax ay soo dhoob dhoobeen dad cadow u ah jiritaanka ummada soomaaliyeed, ayna maal galisay UNDP (maalka ay sheegtaan inay gesheen samaynta dastuurka ama guud ahaan soomaaliya waa wax ka yar 10%, lacagta ay ka qaadi jireen bada iyo hawada soomaaliyeed isticmaalkooda oo ay nairobi ku cuni jireen).

    Ma jecli inaan nin khaasa farta ku fiiqo, laakiin dhamaan dadka siyaasada soomaalida hor ordaya hadda, nasiib xumo waa dad aan wadaninimo, islaamnimo, xishood, cilmi aduun iyo mid aakhiro midna lahayn.alla maxaa loo darsaday dowladii kacaanka ahayd ee soomaaliya ka talin jirtay sanadihii 1969-1990. in badan oo inaga mid ahi marabaan inay qiraan xaqiiqdaas. in badan oo ra'yigaygan akhriyaya ama akhrin lahaana waxay igu shaabadayn lahaayeen qabiil khaasa.(wrong assumption, i dont belong to siyad barre's tribe). ilaahow dowlad caadil ah oo xoog leh oo karaamdayadii soo celisa , oo aan kenya iyo ithopia qiblo u ahayn noo soo celi. mahad sanid y. garaad

    ReplyDelete
  6. Asc Wariye Garaad waad mahadsantahay in aad shacabka soomaaliyeed u soo baahisid xaqiiqda jirta,adiga oo adeegsanaya xirfadaada shaqo oo ah wariye.
    Aniga waxaa iiga baxay in qodobka ah in meesha laga saaray aqalka sare ay tahay muhiim,marka loo fiiriyo labada kale oo aan dhihi karo waa sixid.
    ka maqnaashada uu ka maqan yahay aqalka sare xubnaha doowlada federaalka waa in aan la dardar galin howlaha federaalka,calaamadaha lagu aqoonsado ay ka mid tahay BICAMERALISMO in state yahay federaal iyo in kale ,dowlada federaalku ma jiri karto haddii aysan jirin dowladaha xubinta ka ah,sidoo kale dowladaha federaalku ma jiri karaan haddii uu san jirin dowlada federaalka.
    Aqalka sare waa meesha ay ku kulmaan wakiilada dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka,si ay u wada shaqeeyaan,islamarkaana ay sameeyaan siyaasad ma aha oo kaliya tan dowlada ay wakiilka ka yihiin,ma mid qaran.
    tan kale oo mihiimka ah waxaa weeyaan in aqalka sare laga qeyb galiyo magacaabida xubnaha qabta xilalka sare ee dowlada federaalka ah, tusaale ahaani magacaabida safiirada,xeer ilaaliyaasha maxkamadaha datuuriga ah iyo kuwa kaleba, ,saraakiisha sar sare ee dowlada federaalka,ma xataa marka uu madaxweynuhu saxiixayo heshiisyo caalami ah,aniga waxaan qabaa in wadankan soomaaliya uu wali ku jira wareer iyo isku dhexyaac,taasna waxa ay kalifi doontaa mustaqbalka bur bur kale.
    Waxaa kaloo xusid mudan in la ogyahay sistemka federaalka oo ku qoran dastuurka waa nooca loo yaqaano cooperativo oo loola jeedo wadashaqeyn nooca vertical ka ah oo u dhexeeyo dowlada federaalka ah iyo xubin ka mid ah dowlada federaalka,marka hadii uusan jirin aqlkii sare sidee u dhaceysaa wadashaqeeyn,iyo wada shaqeyn nooca orizontaalka ah oo dhaxeeysa dowladaha siman oo loola jeedo dowlad goboleedyada.
    Mahadsanidin
    Nasir.abscir@gmail.com.

    ReplyDelete