Total Pageviews

Friday 31 July 2015

Hambalyo GalMudug

GalMudug waxaan ugu hambalyeynayaa wax ka beddelka Dastuurka qodobkiisa ku saabsan soohdimaha Dowlad Goboleedka cusub.

Baarlamaanka GalMudug wuxuu si dastuurka ku qoray in soohdinta woqooyi ee GalMudug ay tahay Puntland. Maaddaama la yaqaan oo ay qoran tahay soohdinta Puntland waxay tallaabadani muujineysaa ka noqoshada qodobkii markii hore tuhunka dhaliyay.

Arrintaas waxaan rajeynayaa in ay dawo u noqotay kala shakiga soo dhex galay beelweynta Soomaaliyeed ee Gobolka Mudug.

Puntland iyo GalMudug waxay u baahan yihiin in ay isla fariistaan oo ay hoos u daaddegaan, iskuna af gartaan sidii ay u wada maamulan lahaayeen Gaalkacyo oo ah caasimadda Gobolka Mudug.

Tallaabada GalMudug ee geesinnimo, waxayna ka tarjumeysaa xaqiiqada degaankaas ka jirta oo markii hore la baal maray.

Ma fiicna in Gobol la kala qeybiyo oo qabiil dartiis loo kala gooyo, laakiin waxay dhaantaa in la is colaadiyo oo la isku mashquulo, halkii la iskaashan lahaa gacmahana la is qabsan lahaa.

Xujada labaad ee hadda hortaalla GalMudug waa in ay xal dastuuri ah u hesho, shuruudda ku qoran Dastuurka Federaalka ee ah in si loo dhiso Dowlad Goboleed loo baahan yahay in ay isku biiraan ugu yaraan laba Gobol.

Tuesday 28 July 2015

War hela ayaa Talo hela

Baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in 2016 aan laga gaarin in la qabto doorasho uu muwaaddin kasta oo Soomaali ah, oo buuxiyay shurudaha aan weli la aqoon uu codkiisa dhiibto.

Yey la hadlayaan? Tan iyo 2012 ayaa la haystaye maxaa hadda loo soo baraarugay? Muxuuse yahay yoolku? Waa su’aalaha ay qormadani u goobeyso jawaabaha.

Inkasta oo ay af Soomaali ku hadlayaan, yihiinna Baarlamaankeenna iyo Xukuumaddeenna, haddana labada Gole cidda ay la hadlayaan ma ahan shacabka Soomaaliyeed. Ha ku ajarmin.

Sabab? Waxaa sababta kuu macneyneya goorta la soo hadal qaaday mowduuca. Sidee?

Talada sidan u culus una muhiimka ah, ah waajibaad dastuuri ah, lana haystay tan iyo 2012, wada tashi lama gelin oo Dadweynaha Soomaaliyeed lama soo hor dhigin. Ma ahan mid Madaxda Dowlad Goboleedyada la hor dhigay oo iyaguna ay Golayaashooda geeyeen. Xataa ma ahan mid uu Baarlamaanku hore uga dooday.

Maalin ka hor shirka berri ay isku hor fariisan doonaan 120 ruux oo ay ku jiraan wakiillo Dowladda ah, wakiillo Dowlad Goboleedyada ah iyo 30 wafdi oo caalami ah loona ballansan yahay in laga wada hadlo isla mowduucan ayaa wixii la rabay in la hor geeyo oo diyaarsanaa hadda loo sii qiil badsanayaa. Waa Xukuumadda oo rabta in ay ka dhex hadasho Baarlamaan isaguna kororsi doon ah. Awooddiisana ay u cuskato hadalka u qoran ee ay berri la shir tegi rabto.

Shirweyne Qaran
Waxaa kale oo ay labada Gole go’aansadeen in Shirweyne Qaran la qabto oo looga arrinsado sidii la yeeli lahaa 2016.

Sidii la yeeli lahaa 2016 waa ay qoran yihiin oo waxaa la qoray 2012. Shaqadii lagu ballansanaa in la qabto, madaxdii ku dhaaratay in ay qaban taqaan, qabanna doonto hadday tiri howshii wey qabsoomi weyday, waxaan u qabaa in markaa erayada wax laga beddelo. Doorasho lagama gaaro iyo ma qabsoomi karto ma ahan. Waa in si cad loo yiraahdo howshii ay ahayd in la qabto waa lagu fashilmay.

Taas marka la helo, weli inta aan loo boodin shirweyne Qaran iyo wadatashi waxyaabo kale ayaa ka horreeya. Xog ayaa maqan. War hela ayaa talo hela. Adiga oo aan war u hayn waxa ay u qabsoomi weyday howshii loo ballamay, talo wanaagsan ma bixin kartid sida ay hadda tahay in loo qabto iyo cidda ay tahay in ay qabato.

Golayaashu ha na bareen sababta ay u qaban kari waayeen howshii ay u dhaarteen? Ma la aqoon waayay mise waan la rabin in la qabto? Mise wax awoodda Dowladda ka tan weyn ayaa ka hor yimid?

Marka ay arrimahaas nooga jawaabaan oo aan ogaanno sababta loo qaban waayay, ayaan talo ku darsan karnaa waxa hadda la yeeli karo.


Waan fashilmay ee maxaan yeelnaa iskuma xigi karaan.

Farsamayaqaannada xarfadda badan ee Xukuumadda horboodaya iyo saaxiibbadooda geed fadhiga u ah, waxaan ugu baaqayaa in xariifnimada dalka loogu shaqeeyo ee aan looga shaqeysan uun.

Mareykanka maxaa beddelay?

Warbixin aan 2005 ka qoray Mowduucan
Madaxweynaha Mareykanka, Barak Obama, oo toddobaadkan booqday Nairobi iyo Addis Ababa wuxuu ku boorriyay Dowladaha Kenya iyo Ethiopia dagaalka ay ciidammadoodu kula jiraan Shabaab ee gudaha dalka Soomaaliya.

Taageerada uu muujiyay Madaxweynuhu ma ahayn wax la yaab leh maaddaama sannado badan ay arrintaasi socotay.

Haddii aan xusuustaada dib u celiyo toban sano, Mareykanku wuxuu ka digay oo weliba is hor taagay in dalalka safka hore - waa Ethiopia, Kenya iyo Djibouti ay ka mid noqdaan ciidanka loo dirayo Soomaaliya. Wuxuu ku tilmaamay in ay habboon tahay in ay ka joogaan Soomaaliya, sida aad ka arki karto warbixinta halkan ku lifaaqan.

Mareykanku wixii uu ka digay toban sano ka hor in uu hadda ku boorriyo labada dal ee aan deriska nahay maxaa keenay? Yaase u sabab ah?

Warbixin ay xuquuqdeeda leedahay BBC oo aan 2005 ka qoray mowduucan ayaan halkan ku soo lifaaqay.

Fadlan akhriso ka dibna xusuuso in aad ra'yigaaga halkan ku dhiibato.




Sunday 26 July 2015

Weerarka Jazeera Palace Hotel

Baabuur weyn oo walxaha qarxaa ay ka buuxaan ayaa maanta lagu weeraray Jazeera Palace Hotel, Muqdisho.

Laba ka mid ah shaqaalaha Hoteelka (maamulka makhaayadda iyo mid ka mid ah ilaalada Hoteelka) iyo askari dowladda ah ayaa ku dhintay weerarka.

Sidoo kale dad goobta marayay iyo qaar dibadda joogay oo aan tiradooda la xaqiijin ayaa qaraxa ku dhintay.

Dhammaantood Allah ha u naxariisto, ehelkoodana Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

Dhaawac aan tiradiisu sugnayn ayaa jira. 

Hal qof oo Shiine ah ayaa isaguna ku dhintay weerarka.

Intaas aan sheegay marka laga reebo, dadka Hotelka deggan iyo inta ka shaqeysa way ka nabad galeen qaraxa, sida uu ii sheegay maamulka Hotel Jazeera.

Qolalka Hoteelka ee aan qaraxu soo gaarin, waxaa qaarkood ka jabay dariishadaha iyo qaarna xataa albaabbada.

Dhowr ruux ayaa dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen walxo faniinaya laakiin aan ahayn firirka qaraxa.

Masjid yar oo ku dhex yaal Hotel Jazeera ayaa saqafku ku soo dumay dad salaadda casir ku tukanayay.

Maamulka Hotelku wuxuu kale oo ii sheegay in biyuhu qasabaduhu ay socdaan, korontadu joogto, isla markaasna ay makhaayaddu shaqeyneyso.

Anigu waxaan Hoteelkaa joogay laba weerar oo midkood ahaa sannadka cusub 2014 midna ahaa 2012. Runtii shaqaalaha amniga, shaqaalaha kale ee Hoteelka iyo Maamulkaba waxaan ku arkay dhiirranaan, adkeysi iyo mintidnimo aad u sarreysa.

Waxaan xusuustaa habeenkii 2014 laba baabuur oo malahaa nus saac u dhexeeyay midba mar la ina ku qarxiyay, intii u dhexeysayna rasaas lagu asqeeyay Hoteelka. Waxaa yaab lahayd sida ay ilaaladu isaga caabbisay nimanka duullaanka ah, ugana adkaatay.

Waxaa kale oo aan xusuustaa in daqiiqado ka dib la billaabay nadaafad, cashana la bixinayay. Maalintii xigtay waxaa la dayac tiray dhammaan dariishadihii iyo albaabbaadii burburay ama ay wax gaareen.


Hotel Jazeera waxaa deggan Safaaradaha Shiinaha, Qadar, Masar iyo Kenya.

Danjiraha USA ee London oo Muslimiin Martiqaaday


Danjiraha Mareykanka ee London, Mathew Barzun, ayaa martiqaad noogu sameeyay gurigiisa annaga oo ah tobannaan muslim ah, munaasabadda ciidda awgeed.

Waxaan isugu jirnay diblomaasiyiin, culimmo, qorayaal, suxufiyiin, dad u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Xafladda waxaa uu ku martiqaaday ruux Muslim ah oo ku furay aayado Quraan ah oo uu tajwiid ku akhriyay – Suuradda Al Raxmaan. Af Ingiriis ayaa loogu fasiray martidii aan muslimka ahayn ama aan aqoon macnaha aayadaha.

Hore ayaa dhowr jeer gurigaas la iigu casuumay munaasabado noocan ah iyo qaar kaleba.  Guriga Danjiraha oo ku yaal bartamaha magaaladu wuxuu leeyahay beer aad u weyn aadna u qurux badan. Markii uu Danjurhu quraanka ka dib uu nooga sheekeeyay beertiisa, waxaan ka helay markii uu sheegay in marka uu ku dhex lugeeyo beerta ay dhirteedu ka qariso dhismayaasha London oo dhan marka laga reebo minaaradda Masjidka Baker Street iyo towerka Isgaarsiinta ee BT.

Sawirka u horreeya waxaa ka muuqda ardayad Soomaaliyeed, Sihaam iyo Habaryarteed Ilham Gassar, oo la taagan Danjire Mathew Barzun.


Labada Sawir ee kale waa Masjidka iyo Towerka. BT. Dhismaha Safaaradda Mareykanka ee London waa tan ugu sumcadda weyn Safaaradaha Mareykanku uu caalamka ku leeyahay, xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya labada dal awgiis, waana Safaaradda Mareykanka ee dhisme ahaan ugu weyn Safaaradaha uu ku leeyahay Yururbta Galbeed.

Sidoo kale Safaaradda UK ay ku leedahay Washington waa tan labaad ee ugu dhisme weyn, Safaaradda Ruushka ka dib.

Danjirayaal badan oo Dunida Muslimka ah ayaa joogay munaasabadda. 

Dabcan Danjire Soomaali ah kuma arag goobta. Wasiir Hadliye kolleey waa og yahay. Waxaan rajeynayaa muwaaddin na matala oo ka bixi kara mas'uuliyadda in la keeno London oo safaaradda dib loo furo safaaradda oo xirnayd ku dhowr yo labaatan sano. Waanan hubaa in rag iyo dumar badan oo Soomaaliyeed oo ka bixi kara, una diyaar ah la heli karo.

Friday 24 July 2015

GalMudug

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay Cadaado uga qeyb galay caleema saarka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo bishaan July horraanteedii loo doortay Madaxweynaha GalMudug.

Qormadaan kooban waxaan ku iftiiminayaa dhowr caqabadood oo mid kastaa ay wiiqi karto maamulka muluqa ah ee GalMudug, haddaanuu uba dhiman.  Caqabadaha aan soo bandhigi doono waa kuwa xagga siyaasadda iyo amniga oo keliya. Aakhirkana waxaan soo bandhigi doonaa dhinac iigu muuqda in sida uu ula dhaqmo Cabdikariin Xuseen Guuleed ay saameyn ku yeelan karto hirgelidda maamulka hadda la unkay.

Qoonsiga Puntland
Curinta Galmudug waxay shaki ku abuurtay deriskeeda woqooyi, Puntland, oo sheegtay in aanay go’aankii Cadaado u aqoonsanayn dowlad Goboleed. Puntland waxaa carada ka keenaya in ay GalMudug u aragto in ay sheeganeyso Mudug oo dhan, oo uu ku jiro Mudug dhinaceeda woqooyi oo ka tirsan Puntland. Xeel iyo xoog mid ay noqotabana ay GalMudug damacsan tahay in Gobolku uu gacanteeda soo wada galo.

Aqoonsi iyo is tixgelin waa wax wanaagsan in la helo, la’aantoodse looma dhinto. Si aan loo dhiman ugu yaraan waa in la kala nabad galaa.

Si nabadda labada dhinac ka jirta loogu negaado looguna daaqo, waxay ila tahay in ay lagama maarmaan tahay in GalMudug ay si aan mugdi ku jirin u caddeyso in soohdintu ay hadda qabiil tahay oo lagu sugayo xal aan xabbad ahayn oo mustaqbalka looga gudbo soohdinta qabiilka.

Dadka Mudug wey isla noolaayen weligood laakiin waxa soohdin qabiil dhex dhigay oo kala shakiga abuuray waa wax dhacay taariikhda dhow ee Soomaaliya. Soohdin dadkii dhigtay ayaa iyaga oo isaga raalli ah wadajir u qaadi kara marka shakigu ka baxo. Laakiin hal dhinac keligiis ma qaadi karo xataa haddii ay ka dhab tahay in iyaga uu shakigii ka baxay. Shakigu in uu kaa baxay waa in aad ficil ku caddeysaa, waxaase ka sii muhiimsan in lagaa rumeysto.

Waa in GalMudug caddeysaa marnabana in aanay jiri doonin maamul aanay raalli ka ahayn, waxna ka dhisin in la isku dayo in beesha deriska ah lagu khasbo.

Xaqiiqadu waxay tahay in aanay jirin cid awoodda in ay labada dhinac ee Mudug khasab isugu darto.

Garowshiyo doonka ASWJ
Degaanno badan oo Gobolka Galguduud ka tirsan waxaa gacanta ku haya ciidanka Ahlu Sunna oo aan aqoonsanayn natiijada shirka Cadaado. Taas ayaa u sabab ah in Madaxweyne Goboleedka lagu caleemo saaro isla magaaladii lagu doortay saddex usbuuc ka hor.

Ahlu Sunna, waxay in muddo ah ka dagaallamaysay Gobolka oo ay Shabaab ka hor taagnayd, iyada oo rag badan oo GalMudug ka tirsan aan wax colaad ahi kala dhaxeyn Shabaab kuna noolaayeen dhul Shabaab ka taliyo. Hadda hubka kuma dhigi doonaan annaga ayaa nala doortay ee kala taga.

Ahlu Sunna waxay isu aragtaa in wixii ay ayaga la ahayd in ay mudnaayeen aanay ka helin qeybta meesha ka dhacday. Si kastaba ha ahaatee, Maamulka cusub ayaa looga baahan yahay in uu xal ka gaaro dudidda Ahlu Sunna oo ay dadka qaar tuhunsan yihiin in ay si uun ugu daaban tahay Dowladda aan deriska nahay ee Ethiopia oo ah qodobkeyga kan xiga.

Gacmaha Ethiopia
Gobolka waxaa qeybo ka mid ah ku sugan Ciidanka Ethiopia oo ka tirsan ciidanka AMISOM. In badan ayaa aamminsan  in ay Ethiopia isku daaban yihiin Ahlu Sunna. Waa dhinac kale oo u baahan macaamil iyo isfaham. Waana dhinac fududeyn kara isfahamka Ahlu Sunna ama cusleyn kara.

Al Shabaab
Intaasi haddii ay kula tahay howl adag, waxaa wehliya al Shabaab oo ku sugan degaanno ka tirsan GalGuduud Bari iyo Galguduud koofureed, gaarsiisanna ilaa Mudug Bari. Waa lagama maarmaan in GalMudug ay la timaaddo xeel iyo xoog sidii ay maamulkeeda ku gaarsiin lahayd Gobolka oo dhan.

Hooska Federaalka
Arrinta kale ee hortaalla GalMudug waa arrin uu si uga dhawaajiyay Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas, mar uu durayay shirka Cadaado. Wuxuu ku tilmaamay in dadka Cadaado ku shiray ay yihiin dad Muqdisho dayaarado looga soo daad gureeyay.

Taa anigu caddeyn uma hayo, laakiin waxaa ii muuqata mid ka khatarsan. Waxay halis iiga muuqataa in dano qabiil iyo dano siyaasadeed ama degaan dartood ay GalMudug iyo Madaxdeedu ay halis u yihiin in ay ku milmaan, amaba way ku milan yihiine ay ku guuleysan waayaan in ay gooni ka noqdaan, Dowladda Federaalka iyo welidba sidoo kale caasimadda dalka.

Taas ulama jeedo in ay Dowladda Federaalka Cadow ka yeeshaan iyo in haddii ay dhacdo in sida ay rabaan ay ka waayaan ay ku hanjabaan in ay xiriirka u jarayaan.

Waa loo baahan yahay in Dowlad Goboleedku ay xiriir wanaagsan la leedahay Dowladda Federaalka, maanta iyo berriba, laakiin haddana ma ahan in la kala aqoon waayo Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka - xag howlwadeen, xag ra'yi, xag dan iyo xag Xarun.  

Ma aha in xiriirrada ay Dowlad Goboleedkani la lahaaneyso Dowladaha Gobollada kale iyo hey’adaha caalamiga ah ee dalka ka howlgalaa in uu ahaado hummaagga xiriirka Federaalku la leeyahay dhinacyadaas.

Si kale haddii loo dhigo, GalMudug ma ahan in ay u shaqeyso sida Wasaarad ka mid ah Wasaaradaha Federaalka.

Waxaan arkayay Xildhibaanno ka tirsan GalMudug oo Muqdisho seminar loogu qabtay iyo qaar casho la qaatay Madaxweynaha. Hore uma arag Dowlad Goboleed kale oo Baarlamaankeeda Xamar seminar loogu qabtay iyo ayaga oo Villa Soomaaliya lagu casumay.  

Midda kale, marka Xildhibaannada GalMudug ay Muqdisho mushaaxayaan waxaa dayacan howshii markii horeba iyada oo aan cidi ku khasbin ay u xusul duubeen in ay qaban yaqaanniin, rabaanna in ay qabtaan. Taas waxaan rajeynayaa in aanay ku ekeyn doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka iyo maalmaha munaasabadaha ee Xamar madaxda ka tegeysa ay hore u sii raacaan.
  
Middi laba Af leh
Intaas oo dhan marka laga soo tago, GalMudug, waxay haysataa fursad aad u fiican. Laakiin waa haddii xoogagga siyaadeed iyo kuwa dhaqaale ee Gobolku ay kala gartaan waxa uu yahay tartan siyaasadeed iyo kooxeysi oo dhinac ah iyo Danta Gobolka oo qeyb ka ah danta Guud ee dalka.

Si kale haddii aan u dhigo, laba kooxood oo ay Geedfadhi u yihiin kooxo diimeed, ganacsato dalka gudihiisa, deriskiisa iyo dibadda fogba fadhiya, Xildhibaanno iyo Wasiirro Federaal ah oo ku kala daaban ayaa doorashada isku herdiyay. Wareeggii kowaadna isku barbardhacay. Doorashadii wey dhammaatay, in hardanka heer Gobol uu intaa ku dhammaado iyo in ay isku aakhiro seegaan, waxaa farsamdeeda laga rabaa kooxda Guuleysatay.

Guusha Doorasho laga soo hooyaa waa billowga siyaasadda ee ma ahan dhammaadkeeda. Sababta oo ah kooxda Guuleysatay way u baahan tahay in ay gacan ka hesho kooxda ay ka guuleysatay.

Kooxda laga guuleystay iskama tegi doonto. Dowlad Goboleedka ayay la shaqeeyn doontaa, haddii ay Dowlad Goboleedku diiddo ama garan weydana iyada ayay ka shaqeyn doontaa. 
  
F. G.
Adiga oo ku mahadsan in aad qormadan wada akhrisay, waxaan kaa codsanayaa in aragtidaada oo oo aan xanaf lahayn aad ku soo bandhigto isla boggan qeybtiisa hoose.

Colhaye AUN - Diblomaasi Gaammuray

Waxaan Qaranka Djibouti iyo qoyskiisaba uga tacsiyeynayaa geerida Allah ha u naxariistee Rooble Colhaye, Danjiraha Jamhuriyadda Djibouti ee Washington.

Rooble wuxuu ahaa Hormuudka Danjirayaasha fadhiya Washongton, maaddaama uu ahaa kan ugu wakhtiga dheer ee caasimadda Mareykanka Danjire ka ahaa. Wuxuu xilka qabtay 1988 isaga oo haya ayuuna geeriyooday July 2015.

Waxaa kale oo uu Jamhuriyadda Djibouti wakiil uga ahaa Xarunta Qarammada Midoobay ee New York. Isaga oo dalkiisa matalaya wuxuu xubin ka noqday Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay 1993 - 1994. Muddo bil ahna wuxuu Guddoomiye u noqday Golaha Ammaanka.

Wuxuu ahaa Danjiraha Ma-Degganaha ah ee qaabbilsan Dowladda Canada, xilkaas oo loo magacaabay 1989.

Intaa aan Washington la geyn, Colhaye wuxuu ahaa Danjirihii Djibouti ee furay safaaradda Jamhuriyadda Djibouti ee Nairobi 1985.

Wuxuu marar badan warar hoose iyo wareysiyaba i siiyay, intii aan ka shaqeynayay BBC.


Allh naxariista Janno ha ka waraabiyo, qoyskiisa iyo Madaxda iyo shacabka Djibouti samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo.