War Saxaafadeed ay maanta soo
saartay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ee sheegaya mowqifka Dowladda Soomaaliya ee
soohdinta badda ee aan la wadaagno Kenya waxaa iigula muhiimsan hal eray oo laba
jeer soo laabtay. Ereygaasi wuxuu ku jira weedha labaad iyo midda saddexaad.
Halkaan ayaan ku soo guuriyay aniga oo eraygaas khad culus ku muujinaya.
Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa ,
inay WELI ku adkeysaneyso , ayna ka
go'antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee
Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha
(UNCLOS).
Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay
wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana WELI furan soojeedinnada iyo
hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay .
Intaa ayaan uga baxay.
waa laba jumladood oo is diidaayo
ReplyDeletewar saxaafaddeedkaan waa mid burinaayo siina kordhinaayo walaacii iyo kalsooni daradii aan ka qabnay hogaanka hadda talada haayo. ilaahey baa xaq u wali ah
ReplyDeleteMa fahmin
ReplyDeleteMa fahmin
ReplyDeletemarka aan fiiriyo Erayga Yusuf Ku sayoo cel-celi yahay oo ah WELI,waxaa igala muuqata in Dowaladda Kenya wasiirkeda Arrimaha dibadda ee Amina waxii ay sheegysay in wax ka jiraan,
ReplyDeleteWaxan u arkaa dabacsanaan wali iney jirto dowladane ay rabto shacabka ine qanciso balse waxaa meesha ka cad sida wasiirada arimaha dibadda e kenya ee sheektay dabcan si hoose waa loo wada hadli karaa wali inta ay howsha taagantahay fari kama qodna
ReplyDelete